Kuliyada Shabakada Maadow Maamulka
Mawduucyadaada : 42 ka Qeeb Qaadashaadaada : 129 Mahadcelin : 3 Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010
| Subject: Casharka 12-aad: Noocyada Processor-ka 3 Thu Feb 10, 2011 3:30 am | |
| Noocyada Processor-ka (Way socotaa...)Sidaan ku soo aragnay [You must be registered and logged in to see this link.] waxaa processor-rada loo qaybiyaa dhawr jiil. Casharka 10-aad waxaan ku soo qaadanay jiilalka 1-aad ilaa 4-aad. [You must be registered and logged in to see this link.] na waxaan ku soo qaadanay jiilka 5-aad. Casharkaanna waxaan ku soo qaadan doonnaa jiilka 6-aad.
- Sexth Generation (P6)
Bishii September ee sanadkii 1995-kii ayay Intel soo bandhigtay processor-kii ugu horeeyay processor-rada jiilka 6-aad. Jiilkaani wuxuu noqday jiilkii ugu horreeyay ee gilgilay shirkadda Intel islamarkaana wax weyn ka beddelay haysashadii ay Intel haysatay suuqa processor-rada. Waxaa si xoog leh u kordhay tartanka ay shirkadaha processor-rada sameeya oo ay ka mid tahay AMD ku hayaan Intel. Jiilkana wuxuu farsamadii jiilka 5-aad ku sii kordhiyay arrimo dhawr ah oo sii kordhiyay xawaaraha iyo hawl qabadka processor-ka. Farsamooyinka uu jiilkaan soo kordhiyay waxaa ka mid ah farsamada loo yaqaan Dynamic Excution oo surtogal ka dhigtay in dhawr [You must be registered and logged in to see this link.] si barbarro ah isku mar loo fuliyo taasoo keentay in xawaaraha hawl qabad ee processor uu kor u kaco. Waxa kale oo uu jiilkaani soo krodhiyay Data Bus hor leh oo loogu tala galay in uu processor-ku kula xiriiro Memory-da loo yaqaan[You must be registered and logged in to see this link.] (Level 2). Sidaan hore u soo aragnay xawaaraha Data Bus-ka caadiga ahi wuxuu la mid yahay kan Motherboar-ka. Laakiin Data Bus-ka labaad ee uu jiilkani soo kordhiyay wuxuu xawaarihiisu la mid yahay xawaaraha Processor-ka oo la kala baray. Taasina waxay keenaysaa inuu processor-ku akhbaarta ku kaydsan L2 Cache-ka ku soo akhristo xawaare aad uga dheereeya kan Motherbord-ka. Halkii wareeg wuxuu jiilkani ku fulin karaa ilaa saddex [You must be registered and logged in to see this link.]. Intaas waxaa u sii dheer xawaaraha Processor-ka oo si aad ah kor loogu qaaday. Processor-rada jiilka 6-aad waxay kala yihiin:
- Pentium Pro
Noocani waa noocii ugu horreeyay jiilkaan waxaan la soo bandhigay bishii September ee sanadkii 1995, laakiin wuxuu suuqa si fii can u soo galay bartamihii sandkii [You must be registered and logged in to see this image.]1996-kii. Pentuim Pro wuxuu qaataa Motherboard leh [You must be registered and logged in to see this link.] sidaa darteed Pentium Pro ma qaato Motherboard loogu tala galay Pentium. Noocani wuxuu uga duwan yahay noocyada kale ee jiilkaan isagoo leh L2 Cache ku dhex dhisan qolofka processor-ka, baaxaddiisu ay u dhaxayso 256 K ilaa 1M. Bartamaha sawirka midige waxaad ka aragtaa laba afar gees oo isku dhinac yaalla. Labdaas midkood waa Processor-ka laftiisa kan kalena waa L2 Cache. Maadaama uu L2 Cache-kaasi ku dhex dhisan yahay qolofka processor-ka wuxuu xawaarihiisu la mid yahay kan processor-ka. Pentium Pro wuxuu leeyahay xawaareyaasha kala ah 150, 166, 180 iyo 200 Mhz. Wuxuu leeyahay Internal Register ay baaxaddiisu tahay 32-bit, laba [You must be registered and logged in to see this link.] oo uu kiiba balliciisu yahay 64-bit, [You must be registered and logged in to see this link.] uu balliciisu yahay 36-bit. Pentium Pro way ku adkaatay inuu ku faafo suuqa caadiga ee PC-ga ay dadka caadiga ahi isticmaalaan taasna waxaa sababay isagoo qaali ahaa taasna waxaa keenay L2 Cache-ka lagu dhex dhisay. Laakiin wuxuu suuq ka helay oo si aad ah loogu isticmaalaa kumbiyuutarrada loo yaqaan File Servers-ka oo ah kuwa lagu kaydiyo dokumentiga iyo program-yada ay isla isticmaalaan dadka isku meel ka shaqeeya siiba dadka u shaqeeyay hay'adaha dawliga ah iyo shirkadaha waaweyn.
- Pentium II
Bishii May ee sanadkii 1997-kii ayay Intel soo saartay processor-ka Pentium II oo loogu dhawaaqo (Pentium 2). Pentium II wuxuu aad wax uga beddelay muuqaalkii [You must be registered and logged in to see this image.]processor-rada lagu yaqaanay. Halka processor-radii ka horreeyay ay lahaayeen qaab afar gees ah oo si ballaar ah ugu xirma Motherboard-ka wuxuu Pentium II ku dul samaysan yahay kaar yar oo u eg kararka [You must be registered and logged in to see this link.]. Wuxuuna Motherbord-ka kaga xirmaa Slot u qaab eg [You must be registered and logged in to see this link.] PCI iyo ISA isagoo Motherbord-ka la samaynaya xagal toosan oo 90 digrii ah (Fiiri sawirka Midige). Kaarkaas waxaa kale oo ku dul rakiban L2 Cache iyo [You must be registered and logged in to see this link.]-ka labaad ee xiriiriya Processor-ka iyo L2 Cache-ka oo sida caadiga ah 512 K. Taasi waxay keentay in qiimaha samayska ee processor-ku uu ka jabnaado kii Pentium Pro maadaama ay processor-ka iyo L2 Cache-ku kala madax bannaan yihiin oo aysan isku qolof ku jirin sidii Pentium Pro. Waxa kale oo ay taasi suurto gal ka dhigtay in Intel ay isticmaasho L2 Cache ay sameeyeen shirkado kale iyo in xawaaraha L2 Cache-ku uu la mid noqdo xawaaraha processor-ka barkii. Taasoo keentay in Pentium II uu isticmaalo L2 Cache uu qiimaheedu jaban yahay maadaama uu xawaareheedu hooseeyo. Pentium II wuxuu farsamadii Pentium Pro ku daray farsamada loo yaqaan MMX oo sidaan ku soo aragnay Cashar-ka 10-aad ah farsamo si gaar ah loogu tala galay program-yada uu noocoodu yahay Multimedia. Sidaa darteed Pentium II wuxuu ka samaysan yahay Pentium Pro iyo Pentium MMX oo la isu geeyay. Pentium II wuxuu leeyahay xawaareyaasha kala ah 233, 266, 300, 333, 350, 400 iyo 450 Mhz. Xawaareyaasha 233, 266, 300 iyo 333 waxay isticmaalaan Motherboard uu xawaarihiisu yahay 66 Mhz. 350, 400 iyo 450 na waxay isticmaalaan Motherboard uu xawaarihiisu yahay 100 Mhz.
- CeleronBishii April ee sanadkii 1998-kii ayaa
waxay Intel soo saartay processor-ka loo yaqaan Celeron oo asal ahaan ah Pentium II oo wax laga beddelay si qiimo jaban loogu gado. Celeron wuxuu ku soo baxay isagoo inta kale kala mid ah Pentium II laakiin laga reebay L2 Cache-kii iyo Data Bus-kii labaad ee la socday Pentium II iyo Pentium Pro, wuxuuna ku soo baxxay xawaareyaasha kala ah 266 iyo 300 Mhz. Celeron waxaa loogu tala galay in lagu isticmaalo kumbiyuutarrada qiimaha jaban lagu gado. Laakiin arrintaas Intel way ku guul darraysatay maadaama uu Celeron sida Pentium II u baahnaa Motherboard cusub oo leh Slot 1. Sidaa darteed waxay Intel go'aansatay inay L2 Cache-kii dib ugu soo celiso. Bishii august ee 1998-kii ayaa waxay Intel soo saartay Celeron wata L2 Cache uu xaddigiisu yahay 128 K. Magiiciisana waxay markaas u beddeshay Celeron A. Celeron A wuxuu ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 300 iyo 333 Mhz. Bishii december ee 1998 ayaa waxay intel beddeshay samayskii Celeron A iyadoo daba socota fikraddeedii ahayd in Celeron uu noqdo processor qiimo jaban. Waxay soo saartay Socket cusub oo loo bixiyay Socket 370 kaasoo qiimo ahaan ka jabnaa Slot 1. Taasna waxay keentay in magaca processor-ku uu mar kale isbeddelo oo uu noqdo Celeron A 370. Noocani wuxuu isna ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 366 iyo 400 Mhz.
- Pentium III
Bishii March ee 1999 ayaa Intel waxay soo saartay Processor ay u bixisay Pentium III. Magaca Pentium III waa la filaayay laakiin waxay dad badan u haysteen run ahaantiina Intel lafteeda markii hore u qorshaysnayd in magacaas loo kaydinayo Processor-ka ugu horreeya Jiilka 7-aad oo aan weli soo bixin. Laakiin Intel way isbeddeshay waxayna dooratay in Processor-kaan oo ka mid ah processor-rada jiilka 6-aad ay u bixiso Pentium III. Pentium III wuxuu farsamadii Pentium II ku sii kordhiyay awood dheeraad ah oo loogu tala galay inay kor u qaaddo hawl qabadka program-yada isticmaala waxa loo yaqaan 3D-graphics iyo Multimedia. Waxa kale oo processor-rada noocaan ah loo sameeyay nambar taxane ah (serialnumber) oo aqoonsi u ah processor kasta. Nambarkaas processor-ka ayuu farsamo ahaan ku dhex samaysan yahay waxayna kumbiyuutarradu isugu gudbin karaan tusaale ahaan Internet. Nambarkaas waxaa loo yaqaanaa PSN (Personal SerialNumber) waxaana loogu tala galay in kumbiyuutarka lagu aqoonsado marka tusaale ahaan Internet wax lagu kala gadanayo. Maadaama kumbiyuutarka laga rabo inuu is caddeeyo oo uu soo gudbiyo PSN-ka processor-kiisa waxaa adkaanaysa in qof kale oo isticmaalaya kumbiyuutar kale uu adeegsado magacaaga oo uu wax ku iibsado. Waxa kale oo loo adeegsan karaa ayay Intel leedahay cod bixinta doorashooyinka baarlamaanka iyo wixii la mid ah in lagu qabto Internet oo uu qofku isagoo gurigiisa fadhiya codkiisa dhiibto. Islamarkaana laga badbaado in uu qof magac uusan lahayn adeegsado. Waxayse taasi khasab ka dhigaysaa in kumbyuutarka aad adeegsanayso aad adigu leedahay isla markaana uu magac ahaan adiga kugu qoran yahay. Taasi waxay keenaysaa inaadan isticmaali karin kumbiyuutarrada yaalla shaqada, Maktabadda iwm. Waxa kale oo jirta cabsi laga muujiyay in taasi ay keento in xad gudub ah in aysan qofka waxba u qarsoomin oo hadduuba Internet galo uu kashifan yahay. Iyo weliba in PSN-ka ay haddii ay helaan isticmaali karaan dadka loo yaqaan Hackers-ka oo ay sidaas ku maamulan karaan kumbiyuutarkaaga. Eedahaasi waxay keeneen in Intel ay processor-ka soo saarto isagoo PSN-ku xayiran yahay iyadoo islmarkaa processor kasta soo raacisay program qofka gatay hadduu doonayo u suurto galinaya inuu nambarkaas fasaxdo. Pentium III wuxuu leeyahay xawaareyaal u dhexeeya 450 Mhz ilaa 1.13 Ghz (1130 Mhz). Dadka farsamo yaqaannada ahi waxay ka cawdaan nooca ugu dheereeya ee uu xawaarihiisu yahay 1.13 Ghz oo ay yiraahdaan wuu cillado badan yahay oo sidii loogu tala galay uma shaqeeyo.
- AMD-K6 Bishii November ee sanadkii 1996-kii
ayaa shirkadda AMD waxay soo saartay processor loo bixiyey AMD K6 oo noqday processor ay AMD aad ugu guulaysatay run ahaantiina muddo gaaban hogaaminayay processor-rada jiilka lixaad ilaa ay Intel ka soo saartay Pentium II. AMD-K6 waxaa ku dhex dhisan farsamada MMX oo ay AMD ka gadatay Intel wuxuuna isticmaalaa L2 Cache uu xawaarihiisu la mid yahay kan Motherboard-ka. AMD waxay Intel kula tartartaa xagga qiimaha oo ay mar kasta kaga hoosayso sidaa darteed K6 qiimo ahaan wuu ka jaban yahay processor-rada jiilka 6-aad ee ay Intel samayso laakiin xagga tayada waa looga fiican yahay. K6 wuxuu ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 166 iyo 200 Mhz. Bishii April 1997-kii ayaa wuxuu K6 ku soo baxay xawaaraha 233 Mhz. Bishii April 1998-kiina waxa soo baxay xawaareyaasha kala ah: 266 iyo 300 Mhz.
- AMD K6-2 Bishii May ee sanadkii 1998-kii ayaa AMD
waxay soo saartay K6-2 oo ay ugu tala gashay inay kula tartanto Pentium II oo K6 si fiican uga adkaaday. Taasna way ku [You must be registered and logged in to see this image.]guulaysatay oo K6-2 wuxuu noqday mid si fiican ula tartama Pentium II. K6-2 wuxuu lahaa farsamo ay AMD u bixisay 3D-NOW oo loogu tala galay program-yada isticmaala farsamada loo yaqaan 3D graphics. Wuxuuse lahaa L2 Cache ay baaxaddiisu ahayd 512 oo uu xawaarihiisu la mid ahaa kan Motherboard-ka. Taas ayaana ugu dambayntii culaab ku noqotay keentayna in tartankii uu Pentium II ku guulaysto maadaama uu leeyahay L2 Cache uu xawaarihiisu la mid yahay xawaaraha processor-ka barkii. Laakiin maadaama uu xagga qiimaha kaga jabnaa Pentium II wuxuu helay qeyb lixaad leh oo suuqa ka mid ah. K6-2 wuxuu leeyahay xawaarayaasha kala ah: 266, 300, 333 Mhz oo soo baxay 28/05/98 iyo 350 iyo 400 Mhz oo soo kala baxay 27/08/98.
- AMD K6-3Billawgii sanadkii 1999-kii ayaa AMD
waxay soo saartay K6-3 oo ay ugu tala gashay inay kaga adkaato Pentium II islamarkaana ay kula tartanto Pentium III. K6-3 Wuxuu la mid yahay K6-2 laakiin waxaa lagu soo kordhiyay L2 Cache ku dhexdhisan qolofka processor-ka oo uu xawaarihiisuna la mid yahay kan processor-ka. Cilladda ugu weyn ee uu Pentium II uga adkaaday K6-2 waxay ahayd L2 Cache-ka K6-2 oo uu xawaarihiisu la mid ahaa kan Motherboard-ka. Sidaa darteed ayay AMD u go'aansatay inay L2 Cache-ka ku dhexdhisto Processor-ka. Taasi waxa weyn ayay ku kordhisay xawaaraha hawlqabadka ee K6-3 laakiin weli Pentium III ayaa ka dheereeya taasna waxa keenay Math processor-ka ku dhexdhisan Pentium II iyo Pentium III oo ka dheereeya kan ku dhexdhisan K6-2 iyo K6-3. K6-3 wuxuu leeyahay xawaareyaasha kala ah: 350, 400 iyo 450 Mhz.
- AMD AthlonKa dib markii uu K6-3 sidii la rabay ula
tartami waayay Pentium III ayaa AMD waxay soo saartay Athlon si ay uga adkaato Pentium III. AMD aad ayay ugu guulaysatay ula jeeddadii ay ka lahayd Athlon waayo waxaa dhacaday inuu xataa ka hor maray Pentium III oo uu xawaare ahaan iyo tayo ahaanba kaga adkaaday Pentium III. Maanta waxaa la sugayaa in Intel ay soo saarto Processor iska dhicin kara Ethlon maadaama uu Pentium III si fiican uga adkaaday. Intel waxay mar hore sheegtay inay soo waddo processor la yiraahdo Prntium 4 oo ugu horrayn doona processor-rada jiilka lixaad ee Intel. Laakiin nasiib darro waxaa dhacday in dhawr jeer uu dib u dhac ku yimid soo saaridda Pentium 4. Athlon wuxuu leeyahay xawaareyaasha kala ah: 850, 900, 950, 1000 iyo 1200 Mhz1.2GHz(1200MHz), 1100, 1000, 950, 900, and 850MHz.
</li> Casharkaana oo ah kii ugu dambeeyay casharradii aan uga hadlaynay Processor-rada halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa Memory-da loo yaqaan RAM (Random Access Memory) iyo noocyadeeda. Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.] | |
|