Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Casharka 11-aad: Noocyada Processor-ka 2

Go down 
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka
Kuliyada Shabakada Maadow


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

Casharka 11-aad: Noocyada Processor-ka 2 Empty
PostSubject: Casharka 11-aad: Noocyada Processor-ka 2   Casharka 11-aad: Noocyada Processor-ka 2 EmptyThu Feb 10, 2011 3:28 am

Noocyada Processor-ka (Way socotaa...)



Sidaan ku soo aragnay [You must be registered and logged in to see this link.] waxaa processor-rada loo qaybiyaa dhawr jiil. Casharka
10-aad waxaan ku soo qaadanay jiilalka 1-aad ilaa 4-aad.
Casharkaanna waxaan ku soo qaadan doonnaa jiilalka 5-aad.



  1. Fifth Generation (Pentium)
    Processor-ka 486 wuxuu noqday mid aad loogu
    guulaystay taasina waxay keentay in shirkado kale oo aan Intel
    ahayn ay sameeyaan processor-ro xagga magaca iyo dhismahaba kala
    mid ah kuwa ay Intel samaysay. Intel arrintaas way ka carootay
    dacwad ayayna shirkadahaas ku soo oogtay iyadoo ku eedaynaysa
    inay ku xad gudbeen xuquuqda loo yaqaan "Copy right" ee
    ay Intel u arkaysay inay ku leedahay magaca 486. Laakiin
    maxkamaddii arrintaas la hor keenay waxay xukuntay in magaca 486
    uu yahay tiro, sidaa darteedna aysan cidna gaar u sheegan karin.
    Halkaas ayaana Intel looga helay dacwadii ay shirkadaha kale ku
    soo oogtay. Bishii March ee sanadkii 1993-kii ayaa Intel waxay
    soo saartay Processor-kii ku xigay 486. Laakiin halkii laga
    filaayay in Processor-kaas magiciisu uu noqon doono 586 waxay
    Intel u bixisay Pentium. Sidaas waxay u yeeshay
    si ay magaca processor-ka uga difaacdo shirkadaha kale ee
    processor-rada sameeya.


    Pentium wuxuu halkii wareeg ku fulin karaa
    celcelis ahaan laba
    [You must be registered and logged in to see this link.] halka 486 uu halkii instruction ku qaadan jiray 2
    wareeg, wuxuuna leeyahay
    [You must be registered and logged in to see this link.] uu balliciisu yahay 64-bit iyo Address
    Bus
    iyo Internal Register ah 32-bit.
    Waxa kale oo Pentium ku dhex dhisan Math Processor qiyaas ahaan 2
    ilaa 10 jeer ka dheereeya Math Processor-kii ku dhexdhisnaa 486.
    Sidaa darteed Pentium dhowr jeer ayuu ka dheereeyaa 486.


    Pentium waxa uu u sii kala baxaa dhowr nooc oo
    kala dambeeyay oo uu xawaarahoodu u dhexeeyo 60 MHZ ilaa 266 MHZ.
    Noocyada Pentium waxay kala yihiin:


    • First Genaration Pentium Processor
      (60 Mhz, 66 Mhz)



      Noocani waa noocii ugu horreeyay noocyada
      Pentium maantana suuqa wuu ka baxay oo lama helo. Noocani wuxuu
      ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 60 Mhz iyo 66 Mhz wuxuuna la
      xawaare ahaa Motherboard-ka. Magac ahaan waxaa noocaan loo
      yaqaannay Pentium 60 ama Pentium 66 taasoo ku
      xirnayd xawaaraha processor-ka. Noocani cabbir ahaan wuu ka
      weynaa noocayada kale ee Pentium, samayskiisuna farsamo ahaan aad
      ayuu u adkaa. Taasina waxay keentay in ay Intel lafteeda ku
      adkaato inay xawaaraha processor-ka kor u qaaddo. Intaas waxaa u
      sii dheeraa isagoo isticmaali jiray koronto aad u fara badan
      taasoo iyaduna keentay inuu processor-ku aad u kululaado.
      Arrimahaas ayaa waxay keeneen in noocani uu suuqa ku faafi waayo.



  • Second Genaration Pentium
    Processor (75 Mhz - 200 Mhz)



    Bishii March 7-dii sanadkii 1994-kii ayay Intel
    soo saartay nooc kale oo Pentium ah oo cabbir ahaan ka yar
    farsamo ahaanna ka fudud nooca aan horay u soo aragnay. Noocani
    wuxuu ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 75 Mhz, 90 Mhz iyo 100
    Mhz. Muddo kadibna waxaa si isdabajoog ah u soo baxay
    xawaareyaasha kala ah: 120 Mhz, 133 Mhz, 150 Mhz, 166 Mhz iyo 200
    Mhz. Dhammaan xawaareyaashaas waxaad ka hor marin kartaa Pentium
    si aad u hesho magaca loo yaqaano processor-kaas sida Pentium 75,
    Pentium 90, Pentium 100 iwm. Noocani si aad ah ayuu suuqa ugu
    faafay taasna waxaa keenay xawaarihiisa oo si fudud oo dhakhso ah
    kor ugu kacay, farsamada samayskiisa oo fudud iyo korontada uu
    cuno oo aad uga yarayd noocyadii ka horreeyay.


    Noocan xawaarihiisu inta badan dhawr jeer ayuu
    ka dheereeyaa xawaaraha
    [You must be registered and logged in to see this link.]. Tusaale ahaan Pentium 150 Mhz wuxuu ku shaqayn karaa
    xawaare 2.5 (laba iyo bar) jeer ka dheereeya Motherboard-ka oo uu
    xawaarihiisu inta badan ah 60 Mhz. Pentium 200 Mhz wuxuu
    isaguna ku shaqayn karaa xawaare 3 jeer ka dheereeya Motherboard
    uu xawaarihiisu yahay 66 Mhz. Dhammaan Motherboard-yada casriga
    ah ee loogu tala galay Pentium waxay kuu ogolaanayaan
    inaad kala doorato saddexda xawaare ee kala ah 50 Mhz, 60 Mhz iyo
    66 Mhz. Taasoo keenaysa inuu Motherbord-ku ku shaqeeyo hadba
    xawaaraha aad doorato. Akhbaar faahfaahsan oo ku saabsan sida aad
    arrintaas u samaynayso waxaad ka helaysaa buugga la socda
    kumbiyuutarkaas. Shaxanka hoose waxaad ka arki kartaa xiriirka ka
    dhexeeya xawaaraha processor-rada noocaan ah iyo Motherboard-yada
    loogu tala galay:


    Processor-ka Xawaaraha Motherboard-ka Inta uu Motherboard-ka
    ka dheereeyo
    Pentium 75 50 Mhz 1.5
    jeer
    Pentium 90 60 Mhz 1.5
    jeer
    Pentium 100 66 Mhz 1.5
    jeer
    Pentium 120 60 Mhz 2
    jeer
    Pentium 133 66 Mhz 2
    jeer
    Pentium 150 50 Mhz 2.5
    jeer
    Pentium 166 66
    Mhz
    2.5
    jeer
    Pentium 200 66
    Mhz
    3
    jeer


  • Pentium-MMX (Third Generation
    Pentium)



    Bishii January ee sanadkii 1997-kii ayaa waxay
    Intel soo saartay jiilkii saddexaad ee Pentium oo loo bixiyey Pentium
    MMX.
    Noocani wuxuu in badan kala mid yahay nooca aan kor ku
    soo aragnay ee Second Generation Pentium laakiin wuxuu
    farsamadii noocaas ku sii kordhiyay farsamo ay Intel u bixisay MMX
    Technology
    oo ah farsamo si gaar ah loogu tala galay inay
    awood dheeraad ah siiso program-yada uu noocoodu yahay Multimedia
    oo ah program-yada adeegsada maqalka iyo muuqaalka (audio, video,
    graphics iwm) kuwaas oo si aad ah loo isticmaalo.


    Pentium MMX wuxuu u kala baxaa xawaareyaasha
    kala ah 166 Mhz, 200 Mhz iyo 233 Mhz. Waxaa intaas soo raaca nooc
    uu xawaarihiisu yahay 266 Mhz oo loogu tala galay kumbiyuutarrada
    yar yar ee gacanta lagu qaato (portable). Dhammaan noocayada
    Pentium MMX waxay adeegsadaan Motherboard uu xawaarihiisu yahay
    66 Mhz.



  • AMD-K5


    Shirkadda AMD waxay soo saartay processor loo
    bixiyey AMD-K5 oo la mid ah islamarkaan ay is qaataan Pentium.
    AMD-K5 waxaa loogu tala galay in ay cabbir ahaan iyo farsamo
    haanba isqaataan Processor-rada uu noocoodu yahay Pentium. Sidaa
    darteed Motherboard kasta oo loogu tala galay Pentium wuxuu
    qaadan karaa oo si toos ah loogu isticmaali karaa AMD-K5,
    inkastoo laga yaabo inaad u baahato inaad BIOS-ka casriyayso
    (upgrade). Sidaa darteed waxaa AMD-K5 lagu tiriyaa processor-rada
    jillka 5-aad. AMD-K5 wuxuu u kala baxaa noocayada kala ah: PR-75,
    PR-90, PR-100, PR-120, PR-133 iyo PR-166. Nambarka ka dambeeya PR
    waxaa dhacda inuusan ka turjumin xawaaraha dhabta ah ee
    processor-ka waxaadse xawaaraha dhabta ah ee nooc kasta oo ka mid
    ah noocyada AMD-K5 ka arki kartaa shaxanka hoose:


    Processor-ka Xawaaraha dhabta ah Xawaaraha Motherboard-ka Inta uu Motherboard-ka
    ka dheereeyo
    PR-75 75 Mhz 50 Mhz 1.5
    jeer
    PR-90 90 Mhz 60 Mhz 1.5
    jeer
    PR-100 100 Mhz 66 Mhz 1.5
    jeer
    PR-120 90 Mhz 60 Mhz 1.5
    jeer
    PR-133 100 Mhz 66 Mhz 1.5
    jeer
    PR-166 117 Mhz 66 Mhz 1.75
    jeer



Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa.
Casharka xiga waxaan ku soo qaadan doonnaa Processor-rada jiilka
6-aad oo ah Pentium Pro iyo Pentium II iyo
jiilka 7-aad oo ah Pentium III.







Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]
Back to top Go down
 
Casharka 11-aad: Noocyada Processor-ka 2
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Casharka 10-aad: Noocyada Processor-ka 1
» Casharka 12-aad: Noocyada Processor-ka 3
» Casharka 9-aad: Processor-ka
» Casharka 17-aad: Noocyada Hard Disk-ga
» Casharka 1-aad: Waa Maxay Kumbiyuutar?

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
Jump to: