Kuliyada Shabakada Maadow Maamulka
Mawduucyadaada : 42 ka Qeeb Qaadashaadaada : 129 Mahadcelin : 3 Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010
| Subject: Casharka 21-aad: CD Burner-ka Thu Feb 10, 2011 4:11 am | |
| CD Burner-ka (CD-R / CD-RW Drivers) [You must be registered and logged in to see this image.] Sawir muujinaya nooc ka mid ah CD Burner-yada jira iyo saxammada CD-ga ee uu qaato CD Burner-ku ama CD-R / CD-RW Drive-ku waa qalabka la adeegsado marka la rabo in CD akhbaar lagu kaydiyo ama akhbaar CD ku jirta wax laga beddelo ama lagaba tirtiro. Run ahaantii magaca rasmiga ah ee CD Burner-ku waa "CD-R Drive" ama "CD-RW Drive" oo ah labada nooc ee uu u kala baxo, laakiin wuxuu ku caan baxay oo ay dad badani u yaqaanaan magaca "CD Burner" oo wax ka tilmaamaya hawsha uu qabto. Sidaa darteed waxaan doorbidnay in casharkaan aan ku isticmaalno magaca "CD Burner". CD Burner-ku wuxuu xagga muuqaalka, cabbirka iyo dhismahaba kala mid yahay CD-ROM Drive-ka oo aan uga soo hadalnay [You must be registered and logged in to see this link.] iyo [You must be registered and logged in to see this link.]. Sida aan casharradaas ku soo aragnay saxanka CD-ROM-ka in wax laga soo akhriyo ma ogiye wax laguma qori karo. Arrintaasi waxay wax weyn iska beddeleen markii uu soo baxay CD Burner-ka iyo saxammada CD-R iyo CD-RW oo ah saxammo loogu talagalay in wax lagu qoro waxna laga soo akhriyo. CD Burner-ku wuxuu kumbiyuutarka ugu xirmaa sida CD-ROM Drive-ka wuxuuna santuukha kumbiyuutarka ka galaa halka uu CD-ROM Drive-ku ka galo. Marka la eego Windows, waxaa CD Burner-ka astaan u noqda hadba xarafka ugu horreeya ee bannaan. Sidaa darteed waxaa laga yaabaa inaad aragto CD Burner uu astaan u yahay xarafka D: iyo mid kale oo uu astaan u yahay xarafka E: ama F: iwm. CD Burner-ku wuxuu in badan kala mid yahay CD-ROM Drive-ka sidaa darteed waxaad akhbaar badan oo ku saabsan CD Burner-ka ka helaysaa casharrada ka hadlaya CD-ROM-ka. Haddaba mar kasta oo aan ka hadlayno dhinacyada ay isaga midka yihiin waxaan kuu tilmaami doonaa casharradaas. Baaxadda iyo cabbirka saxammada CD Burner-ka Saxammada CD Burner-ku waxay xagga baaxadda iyo cabbirkaba kala mid yihiin kuwa CD-ROM-ka sidaa darteed fadlan fiiri [You must be registered and logged in to see this link.] gaar ahaan qaybta uu ciwaankeedu yahay "Baaxadda iyo Cabbirka CD-ROM-ka". Muhiimadda CD Burner-ka Haddaan dib ugu yara noqonno CD-ROM-ka, wuxuu sida aan hore u soo sheegnay la wareegay oo uu fududeeyay in badan oo ka mid ah howlihii loo isticmaali jiray diskette-ka. Waxaan soo sheegnay in CD-ROM-ku uu aad uga qaad weyn yahay Diskette-ka oo hal CD ayaa wuxuu qaadaa akhbaar qiyaas ahaan u dhiganta inta ay qaadaan 451 diskette. Arrintaasi waxay si gaar ah faa'iido weyn u noqotay shirkadaha sameeya program-yada kumbiyuutarka, waayo waxaa u suurtogashay in hal CD ay ku kaydiyaan program ama program-yo ay baaxaddoodu gaarayso boqolaal MB. Si kastaba ha ahaatee dadka caadiga ah suurtogal uma aysan ahayn in arrintaas ay si buuxda uga faa'iidaystaan, waayo si CD-ROM-ka caadiga ha akhbaar loogu kaydiyo waxaa loo bahan yahay qalab gaar ah oo loo yaqaan "CD Press". Qalabkaas waxaa lagu tilmaami karaa inuu yahay warshad yar, waayo waxaa loogu talagalay inuu halkii mar soo saaro boqolaal kun ama in ka badan oo CD ah oo ay isku akhbaar ku keydsan tahay. Sidaa darteed qalabkaasi ma aha mid ay dadka caadiga ahi isticmaali karaan. CD Burner-ku wuxuu faa'iidooyinka CD-ROM-ka ee aan hore u soo sheegnay ku sii kordhiyay isagoo dadka caadiga ah suurtogal uga dhigay inay saxanka CD-ga akhbaar ku kaydsadaan iyadoo kharash iyo wakhti badan toona uusan uga bixin. Taasi waxay dadka caadiga ah suurtogal uga dhigtay in ay hal CD ku kaydsadaan dhammaan (ama inta badan) akhbaarta muhiimka ah ee kumbiyuutarka ku jirta iyo in ay hal CD ka samaystaan dhowr koobi si haddii uu mid dhaawacmo ay kuwa kale ugu baxsadaan. Faa'iidooyinka kale ee uu CD burner-ku leeyahay waxay la mid yihiin kuwa CD-ROM-ka, sidaa darteed fiiri [You must be registered and logged in to see this link.] gaar ahaan qeybta uu ciwaankeedu yahay "Muhiimadda CD-ROM-ka". Dhismaha CD Burner-ka CD Burner-ku wuxuu xagga dhismaha guud kala mid yahay CD-ROM Drive-ka, sidaa darteed fadlan fiiri Cashar-ka 19-aad gaar ahaan qeybta uu ciwaankeedu yahay "Dhismaha CD-ROM Drive-ka". Waxaase jira laba dhinac oo muhiim ah oo CD Burner-ku uu kaga duwan yahay CD-ROM-ka. Labadaas waxay kala yihiin:
- Head-ka CD-Burner-ku
wuxuu adeegsadaa iftiin ah nooca loo yaqaan Laser-ka oo aad uga xoog badan kan CD-ROM-ka, iftiinkaas oo suurtogaliya in saxanka CD-ga wax lagu qoro.
- CD-Burner-ku wuxuu u baahan
yahay saxammo gaar ah oo samays ahaan loogu tala galay in wax lagu qoro oo ka duwan kuwa CD-ROM-ka caadiga ah. Saxammadaasi waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah CD-R (CD-Recordable) iyo CD-RW (CD-Rewriteable). Labadaas nooc waxay ku kala duwan yihiin dhinacyada soo socda: Nooca hore ee CD-R-ka waxaa loogu talagalay in meel kasta oo oogada CD-ga ka mid ah hal mar wax lagu qoro, meeshii wax lagu qorana lagama tirtiri karo. Noocaan magacyada loo yaqaan waxaa ka mid ah CD-WO (Write Once) oo loo fasiri karo "hal mar wax ku qor" iyo CD-WORM (Write Once Read Many) oo loo fasiri karo "hal mar wax ku qor oo in badan wax ka soo akhri". Nooca labaad ee CD-RW-ka waxaa loogu tala galay in waxa lagu qoro lagana tirtiro, qiime ahaanna aad ayuu uga qaalisan yahay nooca CD-R-ka. Waxaa kale oo noocaan loo yaqaannaa CD-E (CD-Erasable) oo tilmaamaysa in CD-ga wax laga tirtiri karo.
Marka laga reebo in saxanka CD-ga akhbaar lagu qoro, waxaa kale oo CD Burner-ka loo adeegsadaa in lagu soo akhriyo wixii akhbaar ah ee CD-ga ku jira. Markaa wuxuu CD Burner-ku u shaqeeyaa sida CD-ROM-ka caadiga ah oo wuxuu wax ka soo akhrin karaa saxammada CD-ROM-ka iyo xataa kuwa Audio Drive-yada (Stereo-ga). Taas micnaheedu wuxuu yahay in CD Burner-ku uu qaban karo dhammaan howlaha uu CD-ROM-ku qabto iyo in kale oo lagu sii kordhiyay. Noocyada CD Burner-ka CD Burner-ku sida saxammadiisa ayuu wuxuu u kala baxaa laba nooc oo kala ah CD-R Drive iyo CD-RW Drive.
-
CD-R Drive (Recordable CD)
CD-R Drive-ku wuxuu adeegsadaa oo uu wax ku qori karaa nooca saxammada loo yaqaan CD-R-ka ee aan hore uga soo hadalnay. CD-R Drive-ku wuxuu CD-ga wax ugu qori karaa laba siyood oo kala ah: Single Session oo keenaya in dhammaan akhbaarta la rabo hal mar lagu wada qoro saxanka CD-ga wax kalena aan gadaal looga dari karin xataa haddii ay CD-ga qayb ka bannaan tahay. Iyo Multi Session oo keenaya in saxanka CD-ga lagu qoro qayb ka mid ah akhbaarta, kadibna marba qaar gadaal looga daro ilaa uu CD-gu buuxsamo. Akhbaarta uu CD-R drive-ku ku qoro saxammada CD-R-ka isagoo adeegsanaya nidaamka Single Session-ka waxaa lagu soo akhrin karaa dhamman noocyada CD Drive-yada sida CD-ROM-ka, CD-R-ka, CD-RW-ka iyo xataa Audio Drive-ka (stereo-ga iwm). Laakiin akhbaarta uu CD-R drive-ku ku qoro saxanka CD-R-ka isagoo adeegsanaya nidamka Multi Session-ka waxaa lagu soo akhrin karaa oo kaliya CD Drive-yada af garan kara nidaamkaas sida CD-ROM-yada casriga ah, CD-R iyo CD-RW.
Saxanka CD-R-ka wixii lagu qoro kas iyo kama' toona loogama tirtiri karo, sidaa darteed marka la rabo in akbaarta aan wax laga beddelin waxaa la door bidaa in la adeegsado saxan uu noociisu yahay CD-R. Arrintaasi waxay si gaar ah xiiso ugu leedahay dadka sameeya program-yada la iibsado, waayo dadkaasi ma rabaan in program-ayadooda la tirtiro ama wax kale lagu dul qoro.Waxaa kale oo ay arrintaasi xiiso leedahay marka aad CD-ga ku kaydsato akhbaarta muhiimka ah ee kumbiyuutarka kuugu jirta si haddii ay akhbaarta kumbiyuutarka kuugu jirtaa kaa kharribanto aad ugu baxsato midda aad CD-ga ku kaydsatay (backup). Markaa waxaad ku xisaabmi kartaa in akhbaartii aad CD-ga ku kaydsatay aad ka helayso maadaamaa aan sina loo tirtiri karin. Arrintaasi waxay isla mar ahaantaas ka mid tahay waxayaabaha uu CD-R-ku ku xun yahay, waayo waxaa laga yaabaa inaad CD-R akhbaar ku kaydiso ka dibna muddo kadib aad u aragto in akhbaartaas aadan u baahnayn. Markaa waxaad ku khasban tahay inaad CD-gaas iska tuurto ama aad akhbaartaas iska haysato adigoo aan u baahnayn, waayo CD-gaas wax kale uma isticmaali kartid. Haddaba waxay arrintaasi guud ahaan ku xiran tahay hadba akhbaarta aad kaydinayso iyo sida aad mustaqbalka ka yeelayso.
-
CD-RW Drive (Rewriteable CD)
CD-RW Drive-ku wuxuu adeegsadaa oo uu wax ku qori karaa saxammada CD-R-ka iyo kuwa CD-RW-ka labadaba. Taasi waxay keenaysaa in CD-RW Drive-ku uu qaban karo dhammaan howlaha uu CD-R Drive-ku qabto iyo in kale oo uu ku sii kordhiyay oo ah in uu saxammada CD-RW wax ku qoro waxna ka tirtiro. Sidaa darteed marka dhankaas laga eego CD-RW Drive-ku xagga isticmaalka wuu ka fudud yahay CD-R Drive-ka, waayo haddii ay wax kaa khaldamaan waad iska tiritiri kartaa ama akhbaar kale ayaad ku dul qori kartaa. Waxaa kale oo uu kuu suurto galinayaa in saxan aad hore u isticmaashay aad wixii ku jiray oo dhan ka tirtirto kadibna aad akhbaar hor leh ku kaydsato. CD-RW Drive-ku marka uu CD-ga wax ku qorayo wuxuu had iyo jeer adeegsadaa nidaamka Multi Session-ka ee aan kor uga soo hadalnay, sidaa darteed CD-yada uu CD-RW drive-ku qoro waxaa lagu soo akhrin karaa oo kaliya CD Drive-yada af garan kara nidaamka Multi Session-ka sida CD-ROM-yada casriga ah, CD-R iyo CD-RW. Intaa waxaa sii dheer iyada oo iftiinka ay soo celiyaan saxammada CD-RW-ka marka wax laga soo akhrinayo awooddiisu ay ka yar tahay awoodda iftiinka ay soo celiyaan saxammada CD-ROM-ka, taasna waxay keentay in CD-ROM-yada duqa ahi aysan saxammadaas wax ka soo akhrin karin. Marka la fiiriyo xagga qiimaha CD-RW Drive-ku wuu ka qaalisan yahay CD-R Drive-ka.
Xawaaraha CD Burner-ka Xawaaraha CD burner-ka waxaa loo cabbiraa sida CD-ROM-ka sidaa darteed fadlan fiiri [You must be registered and logged in to see this link.] oo ku saabsan xawaaraha CD-ROM-ka. Si kastaba ha ahaatee xawaaraha CD burner-ku wuxuu ku xiran yahay hadba hawsha uu markaa qabanayo. Marka uu wax qorayo ama uu wax tirtirayo wuxuu inta badan adeegsadaa xawaare ka hooseeya kan uu wax ku soo akhriyo. Marka la sheegayo xawaaraha CD-R drive-ka waxaa la sheegaa xawaaraha wax akhriska iyo kan wax qoridda. Marka la sheegayo xawaaraha CD-RW drive-kana waxaa la sheegaa xawaaraha wax akhriska, kan wax qoridda iyo kan wax tirtirka ama ku dul qoridda. Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa inaad aragto CD-RW drive ay ku qoran tahay 32X/10X/40X. Taasoo u taagan in xawaaraha wax qoriddu uu yahay 32X, kan ku dul qoridduna uu yahay 10X halka kan wax soo akhrintuna uu ka yahay 40X. Waxaad halkaa ka garan kartaa in uu farqi weyn u dhexeeyo xawaaraha akhrinta iyo kan ku dul qoridda. CD-R drive-ka isaga waxaa lagu qoraa laba tiro sida 32X/40X oo sheegaysa in xawaaraha wax qoriddu uu yahay 32X kan wax soo akhrintuna uu yahay 40X.
Program-yada CD burner-ka CD burner-ka waxaa inta badan la socda program loogu tala in lagu hago lagana maamulo hawlaha uu CD burner-ku qabto. Program-kaas waxaa loo adeegsadaa in lagu diyaariyo akhbaarta la rabo inta aan CD-ga lagu qorin. Tusaale ahaan haddaad rabto in akhbaarta muhiimka ah ee kumbiyuutarka kuugu jirta aad CD ku kaydsato wuxuu program-kaasi kuu suurto galinayaa in akhbaartaas aad isu soo ururiso oo aad nidaamiso inta aadan CD-ga ku qorin. Marka aad go'aansato in akhbaarta aad CD-ga ku qortana isla program-kaas dhexdiisa ayaad CD burner-ka ka amraysaa inuu akhbaarta CD-ga ku qoro. Waxa kale oo program-kaasi uu kuu suurto gelinayaa inaad doorato nidaamka CD-ga wax loogu qorayo sida Single Session ama Multi Session iyo nooca akhbaarta CD-ga lagu qorayo sida Data ama Audio. Sida aad halkaa ka garan karto program-kaasi wuxuu fududeeyaa hawsha koobiyaynta iyo wax ku qoridda CD-yada iyo guud ahaan isticmaalka CD burner-ka. Sidaa darteed waa muhiim in haddii aad CD burner gadaynayso aad iska hubiso in uu wato program hawlahaas loogu tala galay iyo weliba dukumenti sharraxaad fiican ka bixinaya sida program-kaas loo isticmaalo.
Program-yada noocaan ahi way fara badan yihiin waxaase kuwa ugu caansan ka mid ah Nero, Clone CD, Easy CD Creator, Roxio iyo kuwo kale.
Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa DVD Drive-ka. Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.] | |
|