Kuliyada Shabakada Maadow Maamulka
Mawduucyadaada : 42 ka Qeeb Qaadashaadaada : 129 Mahadcelin : 3 Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010
| Subject: Casharka 4-aad: Motherboard ama Mainboard Thu Feb 10, 2011 3:13 am | |
| Motherboard
Si aad ula socoto una fahamto casharkaan iyo casharrada ka dambeeya, waxaan kugula talinaynaa in haddaad kumbiyuutar leedahay aad casharka warqad ku daabacdo ka dibna aad santuukha kumbiyuurtakaaga furto oo aad fiiriso waxa gudihiisa ku jira adigoo isku dayaya inaad hesho hadba qeybta uu markaas casharku ku saabsan yahay. Waxaan inta badan adeegsan doonnaa sawirro si toos ah looga soo qaaday qeybaha ay casharradu ka hadlayaan sidaa darteed way kuu fududaan doontaa inaad hesho qeybta aad raadinayso. Inta aadan kumbiyuutarka kala furin iska hubi inuu dansan yahay oo marna ha furin kumbiyuutarka isagoo shidan.Muxuu yahay Motherboard?Motherboard waa qeybta ugu muhiimsan qeybaha uu kumbiyuutarku ka kooban yahay. Magacyada kale ee qeybtaan loo yaqaan waxaa ka mid ah Mainboard iyo Systemboard. Dhammaan magacyadaasi waxay kuu muujinayaan muhimadda ay qeybtaani leedahay. Waayo waa qeybta aasaaska u ah ayna ku dul rakiban yihiin qeybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka islamarkaasna xiriirisa oo korontada iyo akhbaarta u kala gudbisaa dhammaan qeybaha kale ee kumbiyuutarka.[You must be registered and logged in to see this image.] Motherboard uu noociisu yahay ATX oo dusha laga sawiray isagoo keligii ah oo aysan waxba ku dul rakibnaynMotherboard-yada caasriga ah ee maanta la isticmaalaa waxay u muuqdaan sida sawirka kaaga muuqata. Waxaa laga yaabaa in fiilooyin fara badan iyo qeybo kale ay ka soo sokeeyaan oo uu kuu wada muuqan waayo. Haddii nooca santuukha kumbiyuutarkaagu uu yahay Tower wuxuu Motherboard-ku ku rakiban yahay dhinaca midige ama bidixe ee santuukha. Haddiise uu nooca santuukhaagu yahay Desktop wuxuu Motherboard-ku fadhiyaa sagxadda santuukha. Si aad u hesho sharaxaad ku saabsan Tower iyo Desktop fiiri [You must be registered and logged in to see this link.].Noocyada Motherboard-kaMotherboard-ku wuu kala dhismo iyo cabbir duwan yahay. Taasina waxay keentay in santuukha kumbiyuutarka loo dhiso si waafaqsan hadba Motherboard-ka santuukhaas loogu tala galay. Haddaba iyadoo la fiirinayo qaabka iyo cabbirka Motherboard-ka ayaa waxaa loo kala qaadaa dhowr nooc oo ay ka mid yihiin:
Baby-AT
Full-size AT
LPX
ATX
NLX
Shantaas nooc ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadanaynaa.
Baby-AT Sida aan ku soo sheegnay Casharka 2-aad shirkadda IBM waxay sanadkii 1983-kii soo saartay kumbiyuutar la oran jiray IBM PC/XT. Kumbiyuutarkaasi wuxuu watay Motherboard uu magiciisu ahaa XT. Motherboard-kaasi aad ayuu caan u noqday wuxuuna keenay in shirkado badan ay koobiyeeyaan oo ay soo saaraan Motherboard-yo la mid ah XT. Muddo ka dib ayaa IBM waxay soo saartay Motherboard la oran jiray AT oo ka cabbir weynaa XT islamarkaana lagu soo daray qeybo hor leh oo aan la socon XT. Shirkadihii koobiyeeyay XT waxay go'aansadeen in aysan cabbirka Motherboard-yadooda waxba ka beddelin laakiin ay qeybaha cusub ee AT lagu soo daray boos uga helaan kuna soo daraan Motherboard-yadooda ku salaysnaa qaab dhismeedkii XT, taasna wey ku guulaysteen waxaana Motherboard-kii halkaa ka soo baxay loo bixiyey Baby-AT.
Maadaama Baby-AT isagoo ka cabbir yar AT uu watay dhammaan qeybihii la socday AT ayaa taasi waxay keentay in Baby-AT uu beddeli karo AT islamarkaana uu qaadan karo santuukha loogu tala galay AT. Sidaa darteed laga soo billaabo 1983 ilaa 1996 wuxuu Baby-AT ahaa Motherboard-ka ugu caansan uguna badan suuqa. Laakiin laga soo billaabo bartamihii 1996 waxaa Baby-AT beddelay oo suuqa ka saaray Motherboard-ka sida aadka u caan baxay ee la yiraahdo ATX oo aan ka hadli doonno. Welise waa la helaa kumbiyuutarro wata Motherboard-ka Baby-AT.
Sida ugu fudud ee aad ku garan karto Baby-AT adigoo aan kumbiyuutarka furin waa inaad fiirso santuukha dhiniciisa dambe. Baby-AT waxaa kaliya oo si toos ugu xiriirsan Keyboard-ka. Qeybaha kale oo dhan waxay ku xiriirsan yihiin kaarar kala duwan oo Baby-AT ku sii xiriirsan. Waxaa kale oo laga yaabaa in Mouse-kuna uu Motherboard-ka toos ugu xiriirsan yahay laakiin taasi ma badna. Kaararka Baby-AT ku xiriisan waxay Motherboard-ka ugu fadhiyaan si toosan oo ah xagal 90 digrii ah.
Full-size AT Full-size AT waa Motherboard-kii ay IBM gadaal ka soo saartay ee aan horey uga soo hadalnay. Full-size AT aad ayuu u weyn yahay oo wuxuu dhererkiisu gaarayaa qiyaastii 35 cm, ballaciisuna wuxuu gaarayaa 30 cm. IBM waxay cabbirkaas weyn ugu baahatay si ay boos ugu hesho qeybaha ay ku soo kordhisay Motherboard-ka markii ay ka wareegtay nidaamka uu PC/XT ku dhisnaa oo ahaa 8-bit oo ay u wareegtay 16-bit.
Maadaama uu cabirkiisu aad u weynaa IBM waxay goosatay inay yarayso. Dhawr jeer ayay marba xoogaa ka dhintay ugu dambayntiina waxay gaarsiisay cabbir le'eg kii XT waxayna u bixisay XT-286. Shirkado badan oo kumbiyuutarrada sameeya ayaa kumbiyuutarradooda ku saleeyay XT-286 wuxuuse qaatay oo uu ku caan baxay magaca Baby-AT oo ah midka aan kor uga soo hadalnay.
LPX Noocaan wuxuu soo baxay 1987-kii waxaana asalkiisa lahaa oo soo saaray shirkadda Western Digital. In kasta oo shirkaddaasi ay mar hore joojisay samaynta kumbiyuutarrada haddana noocaan weli wuu nool yahay oo shirkado kale ayaa qaatay oo soo saara. Nasiib darro Western Digital ma aysan wada fasixin dukument-gii sharxaayay qaabdhismeedka LPX. Taasi waxay keentay in shirkad kastaa ay samayskiisa dhinac la aaddo. Sidaa darteed Motherboard-yada noocaan ah ee ay shirkadaha kala duwani sameeyeen isma qaataan. Taas micnaheedu wuxuu yahay haddii aad haysato kumbiyuutar uu Motherboard-kiisu yahay LPX kuuma suurtoobayso inaad sii dhisto ama aad Motherboard-ka ka beddesho. Taasina waa arrin aan fiicnayn.
Shirkadaha sameeya kumbiyuutarrada uu Motherboard-koodu noocaan yahay waxaa ka mid ah Compaq iyo Packard Bell iyo kuwo kale. Kumbiyuutarrada noocaan ah badanaa waxay wataan santuukh desktop ah oo aad u dhumuc yar laakiin xataa iyagoo Tower ah waa la helaa. Maadamaa aan la sii dhisi karin waxaa wanaagsan in aad ka digtoonaato gadashada kumbiyuutarrada noocaan ah. Kumbiyuutarka noocaan ah waxaa lagu gartaa oo uu leeyahay kaar u dhexeeya Motherboard-ka iyo kaararka kale. Kaarkaasi wuxuu ku dul fadhiyaa Motherboard-ka, kaararka kale oo dhanna isaga ayay ku sii dul fadhiyaan iyagoo si parallel ah ula safan Motherboard-ka. In ay kaararku si parallel ah ula safan yihiin Motherboard-ka iyo in kale waxaad kala garan kartaa xataa adigoo aan kumbiyuutarka furin. Haddaad fiiriso dhinaca dambe ee santuukha kumbiyuutarka noocaan ah waxaad arkaysaa in afka kaararka fiilooyinka looga xiriiriyo uu si parallel ah ula safan yahay Motherboarka, taas ayaana ku filan inaad garato in nooca Motherboad-ku uu yahay LPX. Haddaad kumbiyuutarka furtana kaba sii fiican oo waxaad arkaysaa kararka iyo Motherboard-ka oo isku dhinac u jeeda.
ATX Nooca ATX waa nooca ugu caansan noocayada Motherboard-yada caasriga ah ee maanta la isticmaalo. ATX waxaa laga sameeyay Baby-AT iyo LPX oo la isu geeyay, iyadoo mid kasta laga soo qaatay qeybaha ugu fiican. Kadibna qeybo hor leh ayaa lagu sii kordhiyay. Laakiin xagga cabbirka wuu kaga duwan yahay labadaba oo midkoodna isma qaadan karaan. Taasoo micnaheedu yahay santuukh loogu tala galay Baby-AT ama LPX looma istcimaali karo ATX.
ATX waxaa 1995-kii soo bandhigay shirkadda Intel iyadoo isla markaana u fasaxday in ay cid kastaa samayn karto. ATX wuxuu si xoog leh suuqa u soo galay bartamihii sanadkii 1996-kii. Intel waxay soo saartay dokumenti si tifaftiran u sharxaya samayska ATX si ay shirkadaha kale ugu fududaato inay qaataan noocaan.
ATX waa nooca ugu fiican noocyada Motherboard-ka ee maanta jira waayo wuxuu kuu ogolaanayaa in aad sii dhisto oo aad hadba wax ka beddesho si aad ula socoto isbeddelka suuqa kumbiyuutarrada.
Sida ugu fudud ee aad ku garan karto in Motherboard-ka kumbiyuutarkaagu uu yahay ATX iyo in kale waa inaad fiiriso santuukha kumbiyuutarka dhiniciisa dambe. Haddii uu Motherboard-kaagu yahay ATX waxaad markaa arki doontaa in afka kaararka fiilooyinka looga xiriiriyo uu Motherboard-ka la samaynayo xagal toosan oo 90 digrii ah. Taasina waxay kuu caddaynaysaa in kaararku ay si toos ah ugu fadhiyaan Motherboard-ka oo uusan jirin kaar u sii dhexeeya Motherboard-ka iyo kaararka kale.
NLX NLX waa nooca ugu dambeeyay Motherboard-yada loogu tala galay santuukhyada uu noocoodu yahay Desktop. Kumbiyuutarrada wata Motherboard-ka noocaan ah waxay u badan yihiin kuwa loogu tala galay in qiimo jaban lagu iibiyo. NLX waa nooca PLX oo la sii horumariyay. Horumarka lagu soo kordhiyey waxaa ka mid ah in Motherboard-yada noocoodu yahay NLX ee ay sameeyaan shirkadaha kala duwani ay is qaataan oo la isku beddeli karo taasoo aanan suurtogal ka ahayn LPX.
Waxaa si aad ah loo fududeeyay isticmaalikiisa oo xataa waxaa suurtogal laga dhigay in adiga oo aan kumbiyuutarka oo dhan kala furfurin aad Motherboard-ka beddesho. Waxaa kale oo xoogga la saaray in uu qaadkiisu weynaado oo kumbiyuutarka gudihiisu uu nafis ahaado. Welise waxaan sidii la rabay ahayn xagga sii dhisidda waxaana yar tirada boosaska loogu talagalay kaararka dheeriga ah.
Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan mid mid ugu soo qaadan doonnaa qeybaha ugu muhiimsan ee uu Motherboard-ku ka kooban yahay. Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.] | |
|