Kuliyada Shabakada Maadow Maamulka
Mawduucyadaada : 42 ka Qeeb Qaadashaadaada : 129 Mahadcelin : 3 Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010
| Subject: Casharka 13-aad: Memory-da Thu Feb 10, 2011 3:32 am | |
| Memory-daMemory-du waxay u kala baxdaa laba nooc oo kala ah: ROM (Read Only Memory) iyo RAM (Random Access Memory). Casharkeenaan waxaa kaliya oo aan kaga hadli doonnaa nooca dambe ee RAM. Mar kasta oo aan casharkaan ku soo qaadno Memory waxaan ula jeednaa nooca RAM oo kaliya.Waa Maxay RAM?RAM (Random Access Memory) waa halka si ku meelgaar ah loogu kaydiyo akhbaarta uu processor-ku markaas gacanta ku hayo iyo program-yada markaa shidan (running programs). Tusaale ahaan haddaad rabto inaad wax qorato waxaad horta shiddaa program-ka aad wax ku qorato sida Word. Markaad program-kaas shiddo waxaa Memory-da lagu kaydiyaa koobi ah program-kaas, koobigaas ayaana lagu tusaa si aad wax ugu qorato. Muddada aad wax qorayso waxaa akhbaarta aad qorto lagu kadiyaa Memory-da, waxaana halkaa lagu haynayaa ilaa inta uu kumbiyuutarku shidan yahay ama aad program-ka Word ka xirayso. Haddiise kumbiyuutarka la damiyo ka hor inta aadan kaydin akhbaartaasi way lumaysaa. Tusaalaha ugu caansan ee la soo qaato marka la sharxayo sida uu kumbiyuutarku wax u kaydiyo waa iyadoo kumbiyuutarka lagu matalo xafiis yar oo ay yaallaan miis iyo armaajo lagu kaydiyo dukumentiga xafiiska. Armaajadu waxay u taagan tahay Hard Disk-ga oo ah halka sida joogtada ah loogu kaydiyo akhbaarta iyo program-yada kumbiyuutarka ku jira. Miiskuna wuxuu u taagan yahay Memory-da. Qofka xafiiska ka shaqaynaya (oo u taagan Processor-ka) wuxuu armaajada kala soo baxaa hadba dukumentiga uu rabo inuu wax ka qabto wuxuuna ku kala fidiyaa miiska dushiisa. Waxaa caadi ah in qofka xafiis ka shaqaynayaa uu dukumentiyo fara badan ku haysto miiska dushiisa. Mar kasta oo baaxadda miisku ay sii weynaataba waxaa badanaya tirada dukumentiyada dushiisa la saari karo. Sidaa si la mid ah ayuu kumbiyuutarku program-yada iyo hawlaha uu markaas gacanta ku hayo ugu kaydsadaa Memory-da. Mar kasta oo ay baaxadda Memory-du sii weynaataba waxaa badanaya akhbaarta lagu keydin karo iyo tirada program-yada isku mar kuu furnaan karo. Memory-da la'aanteed kumbiyuutarku wax hawl ah ma qaban karo. Sidaa darteed Memory-du waxay ka mid tahay qaybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka.[You must be registered and logged in to see this image.]Baaxadda Memory-da waxaa lagu cabbiraa waxa loo yaqaan "Byte" oo u dhigma hal xaraf. 1024-kii byte waxay noqdaan hal KiloByte (KB). Kunkii KB waxay noqdaan hal MegaByte (MB). Kunkii MB-na waxay noqdaan hal GigaByte (GB). Memory-du waxay ku dul rakiban tahay kaarar yar yar oo uu dhererkoodu qiyaas ahaan le'eg yahay 10 ilaa 15 cm (Fiiri sawirka). Kaararkaasi waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah SIM (Single Inline Memory Module) iyo DIM (Dual Inline Memory Module). Kaararkaas waxaa la gadaa iyagoo baaxadda Memory-da ku dul rakibani ay tahay 1 MB, 2 MB, 4 MB, 8 MB, 16 MB, 32 MB, 64 MB ama 128 MB.Haddaan dib ugu noqonno tusaalihii xafiiska, mar kasta oo uu miiska xafiisku sii weynaadaba waxaa badanaya tirada dokumentyada isku mar dushiisa la saari karo islamarkaana waxaa fududaanaya helitaanka dokumenti ka mid ah dokumentiyada saaran miiska dushiisa, maadaama uu miisku waasac yahay oo aan loo baahanayn in dokumentiyada la is kor saaro oo ay markaa is qariyaan. Sidaa si le'eg ayaa mar kasta oo ay baaxadda Memory-da kumbiyuutarku sii weynaataba waxaa bata tirada porgamyada isku mar kuu furnaan kara iyo xaddiga akhbaarta Memory-da lagu kaydin karo. Waxaa kale oo fududaanaya helitaanka wixii akhbaar ah ee Memory-da looga baahdo. Taasina waxay kor u qaadaysaa xawaaraha hawl qabadka kumbiyuutarka. Xawaaraha Memory-da (RAM)Xawaaraha Memory-du wuxuu muhiim u yahay guud ahaan xawaarha kumbiyuutarka. Mar kasta oo uu processor-ku u baahdo inuu qabto hawl gaar ah wuxuu inta badan u baahdaa inuu akhbaar ka soo akhristo Memory-da. Markaa wuxuu processor-ku ku khasban yahay inuu sugo Memory-da oo uu wax uga soo akhristo xawaare la mid ah kan Memory-da. Haddaba mar kasta oo uu xawaaraha Memory-du hoos u dhacaba waxaa sii badanaya wakhtiga processor-ka uga luma sugitaanka Memory-da.Xawaaraha Memory-da waxaa lagu cabbiraa waxa loo yaqaan nanoseconds (ns). Halkii ns wuxuu u dhigmaa hal seken (ilbiriqsi) oo loo qaybiyay bilyan qeybood qeyb ahaan. Memory-da maanta la isticmaalo wuxuu xawaareheedu u dhexeeyaa 60ns ilaa 8ns. Madaama uu xawaaraha Memory-du ku salaysan yahay wakhti, mar kasta oo uu wakhtigu sii yaraadaba waxaa kor u kaca xawaarha Memory-da. Tusaale ahaan Memory uu xawaaraheedu yahay 8ns waxay in ka badan 7 jeer ka dheeraysaa Memory uu xawaaraheedu yahay 60ns. Memory uu xawaaraheedu yahay 60ns waxay la xawaare tahay processor uu xawaarihiisu yahay 16.7Mhz. 8ns waxay iyaduna u dhigantaa 125Mhz. Haddaba waad qiyaasi kartaa wakhtiga processor uu xawaarihiisu yahay 650 Mhz iyo ka sii badan uga lumaya inuu la shaqeeyo Memory uu xawaaraheedu yahay 16.7 Mhz. Sidaa darteed waa muhiim in marka aad Memory gadanayso aad ka fikirto kuna xisaabtanto xawaaraha Memory-da.Noocyada Memory-da (RAM)RAM-ku wuxuu guud ahaan u kala baxaa laba nooc oo asaasi ah oo kala ah:
- DRAM (Dinamic RAM)
- SRAM (Static RAM)
Labadaas nooc ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadnaynaa.
- DRAM Noocani waa nooca ugu badan ee ay isticmaalaan
kumbiyuutyarrada uu noocoodu yahay PC (Personal Computers). Noocani xawaare ahaan aad ayuu uga gaabiyaa nooca SRAM, laakiin qiimihiisa ayaa aad uga jaban, cabbir ahaanna wuu ka yar yahay. Taas ayaana keentay in shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa ay noocaan u doortaan kumbiyuutarradooda. DRAM wuxuu u sii kala baxaa dhawr nooc oo ay ka mid yihiin:
- FPM DRAM Noocani wuxuu farsamadii DRAM ku
kordhiyay farsamo loo yaqaan Fast Page Mode (FPM). Farsamadaasi waxay fududaysay raadinta iyo helitaanka akhbaarta Memory-da ku kaydsan. Kumbiyuutarrada uu noocoodu ahaa 486 wixii ka dambeeyay waxay isticmaalaan Memory noocaan ah wixii ka horreeyayna waxay isticmaali jireen DRAM caadi ah oo aan lahayn farsamada FPM-ka. Si aad u isticmaasho Memory-da noocaan ah waxaa khasab ah in kaararka Memory-da (SIMM/DIMM) noocaan ah ay laba laba ahaandaan. Taas oo uu micneheedu yahay in haddaad rabto inaad kumbiyuutarka ku kordhiso Memory ay baaxaddeedu tahay 64 MB waxaad ku khasban tahay inaad soo gadato ugu yaraan laba kaar oo min 32 MB ah (ama afar kaar oo min 16 MB ah ama ka sii badan). Haddaad soo gadato hal kaar oo 64 MB ah, ma isticmaali kartid kaarkaas ilaa aad u hesho kaar labaad oo ah 64 MB. Taasina waxay keenaysaa inay marka dambe kugu yaraadaan boosaska loogu tala galay Memory-da ee ka bannaan Motherboard-ka, maadaama uu noocani mar kasta Motherboard-ka ka qaadanayo ugu yaraan laba boos.
- EDO RAM Billawgii sannadkii 1995-kii ayaa waxa
soo baxay noocaan oo luugu tala kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay Pentium. EDO (Extended Data Out) waa FPM DRAM oo wax laga beddelay. EDO wuxuu xawaaraha Memory-da kor u qaaday 5% si dhakhso ah ayuuna suuqa ugu faafay. EDO wuxuu si gaar ah ugu fiican yahay kumbiyuutarrada uu xawaaraha Motherboard-koodu yahay 66Mhz.
- SDRAM SDRAM oo u taagan Synchronous DRAM aad
ayuu uga dheereeya EDO iyo noocyadii ka sii horreeyayba. Wixii ka dambeeyay 1997-kii wuxuu noocani ahaa nooca ugu caansan uguna badan noocyada Memory-da ee loo isticmaalo kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay PC-ga. SDRAM wuxuu si gaar ah ugu sii fiican yahay Pentium II iyo wixii ka dambeeya.
</li> SRAM Nooca labaad ee noocayada asaasiga ah ee Memory-da loo qaybiyo waxa la yiraahdaa SRAM (Static RAM). SRAM aad ayuu uga dheereeyaa dhammaan noocyada DRAM. Waxaa la helaa SRAM uu xawaarahoodu gaarayo 2ns iyo ka sii hoose, taasoo xawaare ahaan la socon karta processor uu xawaarihiisu yahay 500 Mhz iyo ka badan. Laakiin SRAM waxay leedahay laba cilladood oo kala ah: Cabbir ahaan way ka weyn tahay DRAM taasna waxay keenaysaa inay boos weyn kumbiyuutarka ka qaadato. Tan labaadna aad ayay qaali u tahay kumbiyuutarkii iyada loo doortaana sidoo kale ayuu qaali u noqonayaa. Labadaas arrimood ayaa waxay keeneen in shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa ay ka door bidaan DRAM gaabisa. Maadaama ay SRAM aad qaali u tahay waxaa loo isticmaala oo kaliya Cache Memory ahaan.
Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa Hard Disk-ga iyo noocyadiisa. Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]
| |
|