Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Casharka 16-aad: Xawaaraha Hard Disk-ga

Go down 
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka
Kuliyada Shabakada Maadow


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

Casharka 16-aad: Xawaaraha Hard Disk-ga Empty
PostSubject: Casharka 16-aad: Xawaaraha Hard Disk-ga   Casharka 16-aad: Xawaaraha Hard Disk-ga EmptyThu Feb 10, 2011 3:45 am

Xawaaraha Hard Disk-ga


[You must be registered and logged in to see this image.]
Sawir muujinaya qaybaha Hard Disk-ga



[You must be registered and logged in to see this link.] iyo Casharka
15-aad
waxaan kaga hadalnay guud ahaan
waxa uu Hard Disk-gu yahay iyo qaybaha uu ka kooban yahay oo aan
ka soo qaadannay kuwa ugu muhiimsan oo ah kuwa sawirka kore ka
muuqda ee ay nambarradu ku ag qoran yihiin. Casharkaana waxaan ku
soo qaadan doonnaa xawaaraha Hard Disk-ga. Waxaan ka hadli
doonnaa qaybaha saamaynta ku leh xawaaraha Hard Disk-ga. Si aan
qaybahaas u tilmaanno waxaan adeegsan doonnaa sawirka kor kaaga
muuqda oo aan casharkaan ugu soo darnay arrintaas darteed.


Xawaaraha Hard Disk-ga waxaa loo kala qaadaa
dhowr qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin:



  1. Seek Time
  2. Latency
  3. Access Time


Saddexdaas qodob ayaan halkaan mid mid ugu soo
qaadan doonaa.






  1. Seek TimeSi [You must be registered and logged in to see this link.] ay akhbaar uga soo akhriyaan ama ugu qoraan [You must be registered and logged in to see this link.] Hard Disk-ga, waa inay horta tagaan [You must be registered and logged in to see this link.] markaas la rabo in wax laga soo akhriyo ama wax
    lagu qoro. Wakhtiga ay arrintaasi qaadataa wuxuu ku xiran
    yahay inta ay le'eg tahay fogaanta u dhexaysa Track-ga la
    raadinayo iyo Track-ga ay markaas Heads-ku taagan yihiin.
    Wakhtiga celcelis ahaan ay Heads-ka ku qaadato inay
    tagaan hadba Track-ga loo baahan yahay ayaa la yiraahdaa Seek
    Time
    . Seek Time-ku wuxuu si toos ah ugu xiran yahay
    xawaaraha Actuator-ka oo ah qaybta isku haysa isla
    markaana dhaqaajisa Heads-ka (Fiiri sawirka kore
    qaybta uu nambarkeedu yahay 4
    ). Seek Time-ka waxaa
    lagu cabiraa waxa loo yaqaan milliseconds oo loo soo
    gaabiyo "ms" una dhigma hal ilbiriqsi (second)
    oo loo qaybiyay milyan qaybood qayb ahaan. Seek Time-ka
    Hard Disk-yada casriga ah ee maanta la isticmaalaa wuxuu
    celcelis ahaan u dhexeeyaa 4 ilaa 10 ms. Arrintaa Waxaad
    garab dhigtaa xawaaraha Memory-da oo sidaan
    [You must be registered and logged in to see this link.] ku soo sheegnay lagu cabiro nanoseconds (ns) oo
    u dhigma hal ilbiriqsi oo loo qaybiyay bilyan qaybood qayb
    ahaan. Horeyna waxaan u soo sheegnay in Memory-du ay aad
    uga gaabiso Processor-ka.

    Halkaa waxaad ka garan kartaa in Hard
    Disk-gu uu ka mid yahay qaybaha kumbiyuutarka kuwa
    xawaare ahaan ugu gaabiya. Waxaa in badan dhacda in
    qaybaha kale ee kumbiyuutarku ay iska fadhiyaan oo ay
    sugaan in Hard Disk-gu uu hawsha qaybta kaga aaddan soo
    dhammeeyo. Seek Time-ku wuxuu ka mid yahay uguna
    horreeyaa waxyaabaha Hard Disk-ga wakhtiga ugu badan ka qaata, mar kasta
    oo uu Seek Time-ku sii yaraadana waxaa kor u kaca
    xawaaraha Hard Disk-ga taasoo iyaduna kor u qaadda
    xawaaraha hawl qabadka guud ee kumbiyuutarka. Sidaa
    darteed shirkadaha Hard Disk-yada sameeyaa waxay ku
    tartamaan xoogna ay saaraan in ay had iyo jeer hoos u
    dhigaan Seek Time-ka Hard Disk-ga. Waxaa suuqa Hard
    Disk-yada caadi ka noqotay in Seek Time-ka laga dhigo
    xawaaraha Hard Disk-ga oo dhan. Waxaad meelaha Hard
    Disk-yada lagu gado inta badan ka maqlaysaa iyadoo
    tusaale ahaan la oranayo xawaaraha Hard Disk-gaani yahay
    9 ms, taasoo inta badan lagu saleeyo Seek Time-ka Hard
    Disk-gaas. Taasina waxay kuu caddaynaysaa sida uu Seek
    Time-ku muhiim ugu yahay xawaaraha Hard Disk-ga.

  2. Latency Sida aan
    hore uga soo hadalnay marka Platters-ka waxa laga soo
    akhrinayo ama wax lagu qorayo waxaa loo baahan yahay in
    Heads-ku ay horta tagaan Track-ga markaas loo baahan
    yahay. Marka ay Heads-ku halkaa tagaan waxay sugaan inta
    [You must be registered and logged in to see this link.] ay akhbaartu ku qoran tahay uu ka imaanayo
    halka ay Heads-ku markaa taagan yihiin. Wakhtiga ay taasi
    qaadato wuxuu ku xiran yahay fogaanta uu Sector-ka la
    rabaa u jiro halka ay Heads-ku markaa taagan yihiin.
    Celceliska wakhtiga ay qaadato in Sector-ka la rabaa uu
    ku yimaado halka ay Heads-ku joogaan ayaa la yiraahdaa Latency.
    Latency-ga Hard Disk-gu wuxuu si toos ah ugu xiran yahay
    xawaaraha uu ku wareego Spindle-ka Hard Disk-ga oo ah
    tiir dhexaadka ay Platters-ku ku dul rakiban yihiin ee
    wareejiya (Fiiri sawirka kore qaybta uu nambarkeedu
    yahay 3
    ). Xawaaraha Spindle-ka waxaa lagu cabiraa
    waxa loo yaqaan RPM (Revolutions Per Minute) oo u taagan
    inta wareeg ee uu Spindle-ku sameeyo halkii daqiiqo.
    Xawaaraha Spindle-ka Hard Disk-yada maanta la isticmalo
    wuxuu u dhexeeyaa 4200 RPM ilaa 15000 RPM.

    Latency-ga waxaa sida Seek Time-ka lagu
    cabiraa Milliseconds (ms) waxaana xisaab ahaan lagu helaa
    30000 (soddon kun) oo loo qaybiyey xawaaraha Spindle-ka.
    Tusaale ahaan haddii xawaaraha Spindle-ku uu yahay 4200
    RPM, markaa wuxuu Latency-gu noqonayaa 30000/4200 = 7.1
    ms. Haddiise uu xawaaraha Spindle-ku yahay 15000 (Shan
    iyo tobon kun) RPM, markaa Latency-gu wuxuu noqonayaa
    30000/15000 = 2 ms.
    Marka laga hadlayo xawaaraha Hard Disk-ga waxaa sidaan
    hore u soo sheegnay inta badan aad looga hadlaa Seek
    Time-ka, waxaadse halkan ka aragtaa in Latency-gu uu door
    weyn ka cayaaro xawaaraha Hard Disk-ga oo uusan Seek
    Time-ka kaligiis ku filnayn cabirridda xawaaraha rasmiga
    ah ee Hard Disk-ga. Sidaa darteed waa muhiim in marka aad
    Hard Disk gadanayso aad ogaato Latency-gu inta uu yahay
    ama ugu yaraan xawaaraha Spindle-ku inta uu yahay si aad
    markaa iskaa ugula soo baxdo Latency-ga.

  3. Access TimeQodobada
    saamaynta ku leh xawaaraha Hard Disk-ga oo la isu geeyay
    ayaa waxaa la isku yiraahdaa Access Time. Qodobada uu
    Access Time-ku ka kooban yahay waxaa ugu muhiimsan labada
    qodob ee aan kor uga soo hadalnay ee kala ah Seek Time
    iyo Latency. Haddii uu tusaale ahaan Hard Disk-ga Seek
    Time-kiisu uu yahay 8 ms, Latency-giisuna uu yahay 5 ms,
    markaa wuxuu Access Time-ka Hard Disk-gaasi noqonayaa 8 +
    5 = 13 ms. Access Time-ku waa qodobka ugu muhiimsan ee
    lagu cabbiro xawaaraha dhabta ah ee Hard Disk-ga waayo
    wuxuu sheegayaa wakhtiga ay Hard Disk-ga ku qaadato inuu
    akhbaar ka soo akhriyo ama uu ku qoro Platters-ka.

    Inkastoo uu Access Time-ku yahay
    qodobka ugu muhiimsan xaqiiqadana ugu dhow ee lagu
    cabbiro xawaaraha Hard Disk-ga, haddana waxaa la yaab leh
    in ay yar tahay inta la isticmaalo oo shirkada Hard
    Disk-yada sameeyaa waxay had iyo jeer ka door bidaan
    qodobada kale sida Seek Time-ka. Waayo qodobada oo la
    kala qaado ama xataa mid keliya laga soo qaataa waxay
    Hard Disk-ga u muujinaysaa sidii inuu ka dheereeyo
    xawaarihiisa dhabta. Sidaa darteed waa muhiim in marka
    aad Hard Disk gadanayso ama aad is barbar dhigayso laba
    Hard Disk aad ogaato Access Time-ka Hard Disk-ga si aad u
    ogaato xawaaraha dhabta ah ee Hard Disk-gaas. Haddii
    aysan kuu suurtoobayn inaad ogaato Access Time-ka waxaad
    ugu yaraan codsataa inaad hesho Seek Time-ka iyo
    Latency-ga. Waayo labadaas qodob oo la isu geeyay waxay
    ku siinayaan qiime aad iyo aad ugu dhow Access Time-ka
    Hard Disk-gaas.



Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa.
Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa
noocyada Hard Disk-ga (IDE ama SCSI).





Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]

Back to top Go down
 
Casharka 16-aad: Xawaaraha Hard Disk-ga
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Casharka 20-aad: Xawaaraha CD-ROM Drive-ka
» Casharka 14-aad: Hard Disk-ga
» Casharka 15-aad: Dhismaha Hard Disk-ga
» Casharka 17-aad: Noocyada Hard Disk-ga
» Casharka 18-aad: Floppy Disk Drive-ka

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
Jump to: