Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Casharka 15-aad: Dhismaha Hard Disk-ga

Go down 
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka
Kuliyada Shabakada Maadow


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

Casharka 15-aad: Dhismaha Hard Disk-ga Empty
PostSubject: Casharka 15-aad: Dhismaha Hard Disk-ga   Casharka 15-aad: Dhismaha Hard Disk-ga EmptyThu Feb 10, 2011 3:42 am

Dhismaha Hard Disk-ga


[You must be registered and logged in to see this image.]
Sawir muujinaya qaybaha Hard Disk-ga



[You must be registered and logged in to see this link.] waxaan kaga hadalnay guud ahaan waxa uu Hard Disk-gu
yahay iyo qaybaha uu ka kooban yahay. Qaybahaas waxaan sheegnay
inaan ka soo qaadan doonno kuwa ugu muhiimsan oo ah kuwa sawirka
kore ka muuqda ee ay nambarradu ku ag qoran yihiin. Waxaan ka soo
hadalnay qaybta 1-aad oo ah Platters-ka, casharkaanna waxaan kaga
hadli doonna inta ka hartay qaybahaas innagoo u soo qaadan doonna
sida ay nambar ahaan u soo kala horreeyaan.


Qaybaha aan halkaan ku soo qaadan doono waxay
kala yihiin: (fiiri sawirka qaybaha ay nambarradu ku ag qoran
yihiin
):



  1. Heads
  2. Spindle
  3. Actuator
  4. Interface connector
  5. Power connector






  1. Heads (Read/Write)
    Heads-ku waa qaybta wax ku qorta waxna ka
    soo akhrisa
    [You must be registered and logged in to see this link.] Hard Disk-ga. Sidaa darteed ayaa waxaa loo yaqaanaa
    oo ay caan ku yihiin magaca Read/Write Heads. Dhinac kasta oo
    ka mid ah labada dhinac ee Platter-ka waxa ku dul rakiban hal
    Head oo u qaybsan inuu wax ku qoro waxna ka soo akhriyo
    dhinacaas. Tusaale ahaan haddii uu Hard Disk-gu leeyahay
    saddex Platters, wuxuu markaa yeelanayaa lix Heads oo mid
    kastaa uu wax ku qoro waxna ka soo akhriyo mid ka mid ah
    lixda dhinac ee saddexdaas Platters-ka. Heads-ku waxay qaab
    ahaan u eg yihiin isku sina u shaqeeyaan saxanka
    jiiro-digsiga (stereo) madaxa ku dul rakiban ee ka akhriya
    soona saara wixii cod ah ee ku duuban. Platters-ku waxay u
    wareegaan sida saxanka jiiro-digsiga in kastoo ay ku socdaan
    xawaare aad u dheereeya. Platter kastaa wuxuu ku wareegaa
    inta i dhexaysa labada Head ee kor iyo hoos uga rakiban.
    Halka ay Platters-ku ka wareegaan Heads-ku waxay u socdaan
    midig ama bidix si ay marba u tagaan
    [You must be registered and logged in to see this link.] iyo [You must be registered and logged in to see this link.] markaas la rabo
    in wax laga soo akhriyo ama wax lagu qoro (fiiri sawirka
    kore).

    [You must be registered and logged in to see this image.]
    Sawir aad loo weyneeyay oo muujinaya laba Head oo laga
    dhex saaray Platter-kii u dhexeeyey

    Heads-ku waxay ka mid yihiin qaybaha Hard
    Disk-ga ugu muhiimsan uguna qaalisan xagga samaynta, waxayna
    door weyn ka cayaaraan xawaaraha iyo tayada hawlqabadka guud
    ee Hard Disk-ga. Xawaaraha uu Hard Disk-gu akhbaar ku soo
    akhriyo ama uu ku kaydiyo wuxuu si toos ah ugu xiran yahay
    xawaaraha ay Heads-ku wax ku qoraan waxna ku soo akhriyaan.

    Marka uu Hard Disk-gu dansan yahay ama uu
    fadhiyo oo uusan wax shaqo ah haynin Head kastaa wuxuu dul
    saaran yahay oo uu ku dhaggan yahay oogada (seface)
    Platter-ka uu ku dul rakiban yahay. Laakiin marka uu Hard
    Disk-gu kaco si uu hawl u qabto Heads-ku in yar ayay kor u
    kacaan oo oogada Platter-ka ma taabtaan. Waayo haddii ay
    Heads-ku taabtaan oogada Platter-ka iyadoo uu Hard Disk-gu
    shaqaynayo waxay taasi keeni kartaa in uu dhaawac gaaro
    Platter-ka ama Heads-ka laftooda ama labadaba. Taasoo keeni
    karta in Hard Disk-gu uu guud ahaanba kharribmo halkaasna ay
    ku lumaan wax kasta oo ku kaydsanaa. Sida keliya ee hadday
    taasi dhacdo looga soo kaban karo waa inuu jiro koobi
    (Backup) aad horay akhbaarta uga samaysay oo ama Diskette ama
    Hard Disk kale ku kaydsan. Waayo Hard Disk-gaasi waa ku
    daayay oo isaga iyo wixii ku kaydsanaaba waa tuuris. Haddii
    uu Hard Disk-gaasi ahaa midka kaliya ee uu Kumbiyuutarkaagu
    lahaa, markaa waxaad ku khasban tahay inaad Hard Disk cusub
    soo gadato, haddii kale kuuma suurtoobayso inaad
    kumbiyuutarka isticmaasho. Dhaawaca noocaan ah waxaa keeni
    kara dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin:


    • Iyadoo si uun uu qashin u galo inta u
      dhaxaysa Heads-ka iyo Platters-ka inkastoo maanta ay
      adag tahay in ay taasi dhacdo oo shirkadaha Hard
      Disk-yada sameeyaa ay aad uga taxadaraan.

    • Iyadoo kumbiyuutarka oo shidan ay
      gaarto jug keenta in Heads-ku ay gariiraan ama ay
      qalloocdaan oo ay markaa taabtaan islamarkaana xoqaan
      oogada Platters-ka.



Sidaa darteed aad ayay muhiim u tahay in
aadan kumbiyuutarka xoog u dhaqdhaqaajinin isagoo shidan.
Haddaad isagoo dansan qaadaysana aad si taxadar leh u qaaddaa
si uusan kaaga fakan waayo taasi waxay keeni kartaa in
Heads-ku ay qalloocsamaan oo marka dambe ee kumbiyuutarka la
shido ay xoqaan Platters-ka. Arrintaan waxay si gaar ah
muhiim ugu tahay kumbiyuutarrada yar yar ee gacanta lagu
qaato (Portable Combuters) oo iyagu si fudud kaaga dhici
kara. Waxaa kale oo iyaduna aad muhiim u ah in inta uu Hard
Disk-gu caafimaad qabo aad had iyo jeer koobi (Backup) ka
samaysatid akhbaarta muhiimka ah ee kumbiyuutarka kuugu jirta
si aad ugu baxsato marka ay baahideedu timaaddo.

</li>
  • Spindle
    Spindle-ku waa matoorka wareejiya ee ay
    Platters-ku ku dul rakiban yihiin (fiiri sawirka kore ee
    muujinaaya qaybaha Hard Disk-ga
    ). Spindle-ku wuxuu, sida
    sawirka kaaga muuqata, tiir dhexaad u yahay oo uu isku hayaa
    dhammaan Platters-ka Hard Disk-ga, wuxuuna Platters-ka ku
    wareejiyaa xawaare aad u dheereeya si uu ula shaqeeyo ulana
    qabsado xawaaraha Heads-ka. Sidaa darteed xawaaraha
    Spindle-ku wuxuu muhiim u yahay xaawaaraha hawlqabadka guud
    ee Hard Disk-ga.

  • Actuator
    Heads-ka Hard Disk-gu waxay fiidda hore uga
    rakiban yihiin gacmo dhaadheer oo loo yaqaan Head Arms.
    Gacmahaasi waxay iyaguna ku sii rakiban yihiin oo isku haya
    qaybta loo yaqaan Actuator (fiiri sawirka kore ee
    muujinaaya qaybaha Hard Disk-ga
    ). Actuator-ka shaqadiisu
    waa inuu isku mar dhaqaajiyo gacmaha ay Heads-ku ku rakiban
    yihiin si ay Heads-ku hadba u tagaan
    [You must be registered and logged in to see this link.] iyo [You must be registered and logged in to see this link.] ay akhbaarta
    markaas loo baahan yahay ku kaydsan tahay. Sida aan hore u
    soo sheegnay xawaaraha ay Heads-ku wax ku soo akhriyaan ama
    wax ku qoraan wuxuu aad muhiim ugu yahay xawaaraha
    hawlqabadka guud ee Hard Disk-ga. Laakiin Heads-ku iskood uma
    dhaqaaqaan ee waxaa dhaqaajiya Actuator-ka. Sidaa darteed
    xawaaraha Heads-ku wuxuu si toos ah ugu xiran yahay xawaaraha
    Actuator-ka. Taasina waxay Actuator-ka ka dhigaysaa qayb kale
    oo iyaduna aad muhiim ugu ah xawaaraha howlqabadka guud ee
    Hard Disk-ga.

  • Interface connector
    Interface Connector-ku waa halka ay Hard
    Disk-ga kaga xiranto fiilada isku xirta ee akhbaarta u kala
    gudbisa Hard Disk-ga iyo kumbiyuutarka intiisa kale (fiiri
    sawirka kore ee muujinaya qaybaha Hard Disk-ga
    ).
    Fiiladaasi waa fiilo ballaran oo u eg sidii suunka dhexda
    lagu xirto waxayna u muuqataa sida aad ka arki karto sawirka
    hoose.

    [You must be registered and logged in to see this image.]
    Fiilada akhbaarta u kala gudbisa Hard Disk-ga
    kumbiyuutarka oo uu nooceedu yahay IDE

    Sida sawirka kaaga muuqata fiiladaasi waxay
    dhinaca ku leedahay diillin guduudan (cas). Diillintaasi
    waxay muujinaysaa dhinaca ay fiiladu Hard Disk-ga u galayso.
    Inkastoo Hard Disk-yada casriga ah ay fiiladaasi hal dhinac
    oo kaliya u gali karto haddana waxaa jiray xilli ay labada
    dhinacba u gali jirtay oo ay aad u sahlanayd in si khaldan
    loo galiyo. Sidaa darteed diillintaas waxaa loogu tala galay
    in looga hor tago khaladkaas. Marka fiilada si sax ah loo
    galiyo Hard Disk-ga waxay diillintaasi maraysaa dhinaca xiga
    Power Connector-ka oo ah halka uu Hard Disk-gu korontada ka
    qaato. Interface Connectors-ku waxay u kala baxaan laba nooc
    oo kala ah IDE iyo SCSI. Labadaas nooc iyo wax ay ku kala
    duwan yihiin waxaan ku soo qaadan doonnaa casharkeenna kan
    xiga.

  • Power connector
    Sida aan horay u soo sheegnay Power
    connector-ku waa halka uu Hard Disk-gu korontada ka qaato (fiiri
    sawirka kore ee muujinaya qaybaha Hard Disk-ga
    ). Sida
    kaaga muuqata sawirka uu casharkani ku billawdo Power
    Connector-ku wuxuu leeyahay afar ilig oo fiilada korontada
    waddaa ay ku xaranto. Fiilada Hard Disk-ga korontada siisaa
    waxay iyaduna leedahay afar duleel oo ay afarta ilig ee Power
    Connector-ku kala galaan, sida kaaga muuqata sawirka hoose.

    [You must be registered and logged in to see this image.]
    Fiiladaas dhinaceeda kore ee halka af leh
    wuxuu ku xirmaa kumbiyuutarka qaybta ugu qaabilsan qaybinta
    korontada ee la yiraahdo Power Supply. Dhinaca hoose ee
    labada af leh wuxuu afkiiba ku xirmaa Hard Disk-ga, CDROM-ka
    iwm. Taasoo uu micneheedu yahay in Hard Disk-gu uu ku xirmo
    mid ka mid ah labda af ee dhinaca hoose. Labada af waa isku
    mid oo kii lagu xiraaba wuu ku shaqaynayaa. Fiiladaan waxaad
    iyadana aragtaa inay leedahay dhinac guduudan (cas).
    Dhinacaas waxaa isagana loogu tala galay in looga hor tago
    khaladkii aan kor ku soo sheegnay. Laakiin Hard Disk-yada
    maanta la isticmaalo hal dhinac oo kaliya ayay fiiladaasi u
    gali kartaa oo maba dhici karto in si khaladan loo galiyo.



  • Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa.
    Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa
    xawaaraha Hard Disk-ga.





    Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]

    Back to top Go down
     
    Casharka 15-aad: Dhismaha Hard Disk-ga
    Back to top 
    Page 1 of 1
     Similar topics
    -
    » Casharka 3-aad: Dhismaha Kumbiyuutarka (PC)
    » Casharka 14-aad: Hard Disk-ga
    » Casharka 16-aad: Xawaaraha Hard Disk-ga
    » Casharka 17-aad: Noocyada Hard Disk-ga
    » Casharka 18-aad: Floppy Disk Drive-ka

    Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
    Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
    Jump to: