Kuliyada Shabakada Maadow Maamulka
Mawduucyadaada : 42 ka Qeeb Qaadashaadaada : 129 Mahadcelin : 3 Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010
| Subject: Casharka 20-aad: Xawaaraha CD-ROM Drive-ka Thu Feb 10, 2011 4:09 am | |
| Xawaaraha CD-ROM Drive-kaMarka la cabirayo xawaaraha CD-ROM Drive-ka waxaa la fiiriyaa xaddiga akhbaarta ee uu CD-ROM-ku soo akhriyo halkii ilbiriqsi (second). CD-ROM-ka waxaa suuqa uga horreeyay oo la isticmaali jiray ilaa iyo maantana la isticmaalaa qalabka loo yaqaan stereo-ga ee lagu dhegaysto saxammada CD-ga ee ay ku duuban yihiin heesaha iyo wixii la mid ah. Run ahaantii qalabkaasi wuxuu asaas u noqday samaynta CD-ROM-ka oo CD-ROM-yadii ugu horreeyay waxa farsamo ahaan u shaqayn jireen sida Stereo-ga. Xawaare ahaan Stereo-gu wuxuu halkii ilbiriqsiba soo akhriyaa 150 KB, CD-ROM-yadii ugu horreeyayna wuxuu xawaarahoodu la mid ahaa kan Stereo-ga oo waxay iyaguna halkii ilbiriqsi soo akhrin jireen akhbaar dhan 150 KB. Xawaaraha Stereo-ga oo loo yaqaan "Single Speed" wuxuuna qiyaas asaasi ah u noqday guud ahaan xawaaraha CD-ROM-yada oo ilaa iyo maanta waxaa xawaaraha CD-ROM-ka looga qiyaas qaataa kan Stereo-ga. Xawaaraha CD-ROM-ka waxaa lagu muujiyaa tiro ay ka dambayso calaamadda ku dhufada (X) sida: 24X, 32X, 40X iwm. Tiradaasi waxay sheegaysaa inta jeer ee uu CD-ROM-kaasi ka dheereeyo xawaaraha Stereo-ga oo loo soo gaabiyo 1X. Tusaale ahaan tirada 24X waxay sheegaysaa in CD-ROM-kaas uu xawaarihiisu yahay 24 X 150 KB = 3600 KB (3.6 MB), taasoo uu micneheedu yahay inuu halkii ilbiriqsiba soo akhriyo akhbaar dhan 3.6 MB. Tirada 32X waxay sheegaysaa inuu xawaaruhu yahay 32 X 150 KB = 4800 KB (4.8 MB). 40X waxay iyaduna u dhigantaa 40 X 150 KB = 6000 KB (6 MB).Xawaaraha CD-ROM-ka ee sidaas loo sheego waxaa si aad ah u isticmaala shirkadaha sameeya CD-ROM-yada iyagoo arrintaaas u adeegsada xayaysiin ahaan iyo suuq geynta qalabkooda. Shirkadahaasi waxay tiradaas ku dul qoraan baakadda uu CD-ROM-ku ku jiro iyo xataa inta badan CD-ROM-ka laftiisa. Laakiin sida aan casharkaan ku arki doonno tiradaasi ma sheegto xawaaraha dhabta ah ee CD-ROM-ka ee waxaa kaliya ee ay sheegaysaa xawaaraha ugu badan ee macquulka ah.Haddaba si loo ogaado xawaaraha dhabta ah ee CD-ROM-ka waxaa la fiiriyaa qodobbo ay ka mid yihiin kuwa soo socda:
- Transfer Rate
- Speed Change Time
- Seek Time
- Latency
- Access Time
Shantaas qodob ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadan doonaa.
- Transfer RateTransfer
Rate-ku wuxuu sheegaa xaddiga akhbaarta ah ee uu CD-ROM-ku halkii ilbiriqsi soo akhriyo. Sida aan ku soo aragnay Casharka 19-aad akhbaarta CD-ga ku keydsani waxay ku qoran tahay wareegyo aanay ishu arki karin oo loo yaqaan Tracks oo u kala weyn sida ay u kala korreeyaan, fiiri sawirka tusaalaha ah ee hoose. [You must be registered and logged in to see this image.] Maadaama Tracks-ka CD-gu ay cabbir ahaan kala weyn yihiin, akhbaarta ku qorani waxay u kala badan tahay sida ay u kala weyn yihiin. Tusaale ahaan akhbaarta ku qoran Track-ga ugu korreeya cabbir ahaana ugu weyn dhawr jeer ayay ka badan tahay tan ku qoran Track-ga ugu hooseeya ee cabbir ahaan ugu yar. Arrintaasi waxay saamayn weyn ku leedahay xaddiga akhbaarta ah ee uu Head-ka CD-ROM-ku soo akhrin karo halkii ilbiriqsi (Transfer Rate). Marka uu CD-ROM-ku akhbaar soo akhrinayo waxaa saxanka CD-ga wareejiya qaybta loo yaqaan [You must be registered and logged in to see this link.]. Saxanka CD-ga oo wareeganaya ayuu Head-ka CD-ROM-ku akhbaarta ka soo akhriyaa isagoo u soconayo horey iyo gadaal. Socodka Head-ku uu horay iyo gadaal u soconayo ayaa wuxuu keenayaa in uu marba tago Track hor leh oo uu akhbaarta ka soo akhriyo. Haddii saxanka CD-gu uu had iyo jeer ku wareego xawaare isku mid ah, waxaa markaa dhacaysa in xawaaraha ay ku socoto akhbaarta maraysa Head-ka hoostiisa uu kor u kaco mar kasta oo cabbirka Track-gu uu sii kordhaba. Taasi waxay keenaysaa in marka Head-ku uu wax ka soo akhrinayo Track-yada waaweyn uu ka gaari waayo inuu halkii ilbiriqsi ku soo akhriyo akhbaar xaddi ahaan la mid ah tan uu ka soo akhriyo Track-yada yar yar. Si arrintaas loo xalliyo ayaa waxaa la soo saaray nidaamka loo yaqaan CLV (Constant Linear Velocity). Nidaamkaasi wuxuu sheegayaa in xawaaraha Spindle-ku (oo ah xawaaraha uu saxanka CD-gu ku wareego) uu isla beddelo cabbirka Track-ga markaas wax laga soo akhrinayo. Mar kasta oo cabbirka Track-gu uu sii weynaadaba waxaa yaraanaya xawaaraha Spindle-ka. Mar kasta oo cabbirka Track-gu uu sii yaraadana waxaa kor u sii kacaya xawaaraha Spindle-ka. Taasi waxay keenaysaa in xaddiga akhbaarta ee uu Head-ku halkii ilbiriqsi soo akhriyaa ay had iyo jeer isku mid noqoto. CD-ROM-yada uu xawaarahoodu yahay 12X iyo wixii ka horreeyay waxay ku shaqeeyaan nidaamka CLV-ga. Markii xawaaraha CD-ROM-ku uu aad kor ugu kacay ayaa waxaa farsamo ahaan adkaatay in xawaaraha Spindle-ku uu isla bedbeddelo cabbirka Track-ga, waxayna taasi wax weyn u dhintay xawaaraha guud ee CD-ROM-ka. Waayo mar kasta oo loo baahdo in xawaaraha Spindle-ka hoos loo dhigo ama kor loo qaado waxay qaadanaysaa wakhti dheeri ah oo hawl kale lagu qaban kari lahaa. Sidaa darteed CD-ROM-yada uu xawaarhoodu yahay 16X iyo wixii ka dambeeyay waxay qaateen nidaamka CAV (Constant Angular Velocity) oo ah midka ay Hard Disk-ga iyo FDD-ku shaqeeyaan. Nidaamka CAV-gu wuxuu keenayaa in CD-gu uu had iyo jeer ku wareego xawaare isku mid ah, laakiin akhbaarta uu Head-ku soo akhriyo halkii ilbiriqsi ama Transfer Rate-ka ayaa is bedbeddela. CD-ROM-yada nidaamkaan ku shaqeeya waxaa xawaaraha Head-kooda lagu saleeyaa xawaaraha Track-ga ugu sarreeyaa uu ku socdo, sidaa darteed waxay akhbaarta ugu badan soo akhriyaan marka ay wax ka soo akhrinayaan Track-ga ugu weyn. Mar kasta oo cabbirka Track-gu sii yaraadaba waxaa sii yaraanaysa xaddiga akhbaarta ee uu Head-ku soo akhriyo halkii ilbiriqsi. Sidaa darteed xawaaraha ku qoran CD-ROM-yada ku shaqeeya nidaamka CAV-ga (sida 24X, 40X iwm) wuxuu sheegayaa Transfer Rate-ka Track-ga ugu weyn. Waxaa kale oo jira qaar ka mid ah CD-ROM-yada oo isticmaala labada nidaam ee CLV iyo CAV oo la isku daray la iskuna celceliyey. CD-ROM-yada noocaan u shaqeeyaa marka ay wax ka soo akhrinayaan Track-yada waaweyn waxay adeegsadaan nidaamka CAV-ga, marka ay wax ka soo akhrinyaan Track-yada yar yarna waxay u adeegsadaan nidaanka CLV-ga. Xawaaraha CD-ROM-yada noocaan ah waxaa loo qoraa CLV/CAV sida 12X/20X. Transfer Rate-ku waa qodobka ugu muhiimsan ee lagu cabbiro xawaaraha CD-ROM-ka, hase yeeshee waxa jira qodobo kale oo aan ka hadli doonno oo samayn ku leh Transfer Rate-ka CD-ROM-ka iyo guud ahaan xawaarhiisaba.
- Speed Change TimeSida
aan kor ku soo sheegnay xawaaraha Spindle-ka ee CD-ROM-yada ku shaqeeya nidaamka CLV-gu wuxuu isla beddelaa cabbirka Track-ga oo marka uu cabbirka Track-gu sii weynaadaba xawaaraha Spindle-ku hoos ayuu u dhacaa. Wakhtiga ay qaadato in xawaaraha Spindle-ka la beddelo oo ama hoos loo dhigo ama kor loo qaado ayaa la yiraahdaa Speed Change Time. Beddelidda xawaaraha Spindle-ku waxay qaadan kartaa muddo ilbiriqsiyo ah, muddadaasna Head-ku waxba ma soo akhriyo oo Transfer Rate-ku waa 0 (eber). Shirkadaha CD-ROM-yada sameeyaa inta badan qodobkaan gaar uma sheegaan ee waxay ku dhex daraan Access Time-ka oo aan ka hadli doonno. Haddii akhbaarta uu CD-ROM-ku soo akhrinayaa aysan hal meel ah ku urursanayn ee ay ku kala baahsan tahay oogada CD-ga, markaa Head-ku wuxuu u shaqeeyaa si bood bood ah oo markuu qayb akhbaarta ka mid ah soo akhriyaba wuxuu u boodaa Track-ga ay ku qoran tahay qaybta xigta ilaa uu soo wada akhriyo dhammaan akhbaartii loo baahnaa. Arrintaas waxaa loo yaqaan Random Access. Marka CD-ROM-yada ku shaqeeya nidaamka CLV-gu ay soo akhrinayaan akhbaar sidaa u kala firirsan, waxay mararka qaarkood bixiyaan guux aad maqli karto oo marna kor u kaca marna hoos u dhaca. Guuxaasi wuxuu astaan u yahay isbeddelka ku dhacaya xawaaraha Spindle-ka ee marna kor u kacaya marna hoos u dhacaya. CD-ROM-yada ku shaqeeya nidaamka CAV-ga sidaan hore u soo sheegnay xawaaraha Spindle-koodu isma beddelo, sidaa darteed Speed Change Time-ku iyaga ma khuseeyo kamana mid aha qodobbada xawaarahooda lagu cabbiro.
- Seek TimeSi
Head-ku uu akhbaar uga soo akhriyo saxanka CD-ga waa inuu horta tagaa [You must be registered and logged in to see this link.] markaas la rabo in wax laga soo akhriyo. Wakhtiga ay arrintaasi qaadataa wuxuu ku xiran yahay inta ay le'eg tahay fogaanta u dhexaysa Track-ga la raadinayo iyo Track-ga uu markaas Head-ku taagan yahay. Wakhtiga celcelis ahaan ay Head-ka ku qaadato inuu tago hadba Track-ga loo baahan yahay ayaa la yiraahdaa Seek Time. Mar kasta oo uu Seek Time-ku sii yaraadaba waxaa kor u kaca xawaaraha CD-ROM Drive-ka. Seek Time-ka CD-ROM-ka inta badan gaar looma sheego ee waxaa inta badan la sheegaa Access Time-ka oo uu Seek Time-ku qayb ka yahay. Guud ahaan Seek Time-ka CD-ROM-yadu aad ayuu u liitaa oo wakhti badan ayuu qaataa marka la garab dhigo Hard Disk-ga.
- Latency Sida aan
hore uga soo sheegnay, Head-ka CD-ROM-ku si uu akhbaar u soo akhriyo wuxuu u baahan yahay in inuu horta tago Track-ga markaas la rabo in wax laga soo akhriyo. Marka uu Head-ku halkaa tago wuxuu sugaa inta akhbaarta loo baahan yahay ay ka imanayso halka uu Head-ku markaa taagan yihiin. Wakhtiga ay taasi qaadato wuxuu ku xiran yahay fogaanta ay akhbaarta la rabaa u jirto halka uu Head-ku markaa taagan yahay. Celceliska wakhtiga ay qaadato in akhbaarta la rabaa ay ku timaado halka uu Head-ku joogo ayaa la yiraahdaa Latency. Muddada uu Head-ku sugaayo akhbaarta waxba lama soo akhriyo oo Transfer Rate waa 0 (eber). Latency-ga CD-ROM-ku wuxuu si toos ah ugu xiran yahay xawaaraha uu ku wareego Spindle-ka CD-ROM-ka oo ah qaybta wareejisa saxanka CD-ga. Mar kasta oo xawaarha Spindle-ku uu kor u kacaba waxaa yaraada Latency-ga CD-ROM-ka taasoo keenaysa in xawaaraha CD-ROM-ku uu kor u kaco. Xawaaraha Spindle-ka CD-ROM-ku wuxuu u kala badan yahay sida ay u kala bdan tahay tirada ka horraysa xarafka "X" ee sheegaysa xawaaraha CD-ROM-ka sida 24X, 32X, 40X iwm. Latency-ga CD-ROM-ka inta badan gaar looma sheego, waxaase inta badan la sheegaa Access Time-ka, Latency-guna waa qayb ka mid ah Access Time-ka.
- Access TimeAccess
Time-ku waa qodobka ugu caansan ee inta badan lagu cabbiro xawaaraha CD-ROM-ka wuxuuna ka kooban yahay qodobada kala ah Speed Change Time-ka, Seek Time-ka iyo Latency-ga oo la isu geeyay. Access Time-ku wuxuu u taagan yahay wakhtiga ay CD-ROM-ka ku qaadato inuu billaabo akhrinta akhbaar ku qoran Track aan ahayn kan uu Head-ku markaa taagan yahay. Taas waxaa soo hoos galaya wakhtiga ay Head-ka ku qaadato inuu tago Track-ga ay akhbaartu ku qoran tahay (Seek Time), beddelidda xawaaraha Spindle-ka (Speed Change Time) iyo sugidda la sugo inta ay akhbaarta la rabaa ka imanayso halka uu Head-ku taagan yahay (Latency). Access Time-ku wuxuu billawdaa marka Head-ka la dhaqaajiyo, wuxuuna dhammaadaa marka ay billaabato akhrinta akhbaartii loo baahnaa. Sida aad halkaa ka garan karto wuxuu Access Time-ku cabbir ahaan faa'iido leeyahay oo la isticmalaa marka CD-ROM-ku uu samaynayo waxa loo yaqaan Random Access oo ah marka uu CD-ROM-ku soo akhrinayo akhbaar ku kala firirsan oogada CD-ga. Haddiise akhbaarta la soo akhrinayaa ay si isdba joog ah ugu qoran tahay oogada CD-ga (sequentially) markaa waxaa la adeegsadaa Transfer Rate-ka. Access Time-ka CD-ROM-ku wuxuu si toos ah ugu xiran yahay tirada ka horraysa xarafka "X" ee lagu sheego xawaaraha CD-ROM-ka. Mar kasta oo ay tiradaasi kor u kacdaba waxaa hoos u dhaca Access Time-ka CD-ROM-ka. Tusaale ahaan CD-ROM-yadii ugu horreeyay ee uu xawaarahoodu ahaa 1X wuxuu Access Time-koodu gaari jiray ilaa 300 ms. Maantana Access Time-ka CD-ROM-yada dheereeyaa wuxuu ka hooseeyaa 100 ms. In kasta oo xawaaraha CD-ROM-ku uu aad kor ugu kacay haddana CD-ROM-ka ugu dheereeyaa wax badan ayuu ka gaabiyaa Hard Disk-ga ugu gaabiya. Taasna waxaa u sabab ah CD-ROM-ka oo farsamo ahaan markiisii hore lagu saleeyay qalabka Stereo-ga. Qalabkaas oo marka la adeegsanayo ay aad dhif u tahay in Random Access loo baahdo, oo wuxuu raaca hal Track wuxuuna soo akhriyaa akhbaar si is dabajoog ah ugu kaydsan saxanka CD-ga. Teeda kale Track-yada saxanka CD-gu qaab ahaan way ka duwan yihiin kuwa [You must be registered and logged in to see this link.] Hard Disk-ga. Halka Track-yada Platters-ku ay ka yihiin wareegyo kala go'an oo uu midba goonidiisa u taagan yahay, Track-yada CD-gu waxay ka kooban yihiin hal xarriiq oo la wareejiyay oo billaw ilaa dhammaan isku xiriirsan, fiiri sawirka kore. Sidaa darteed CD-gu ma laha Cylinders sida kuwa Platters-ka Hard Disk-ga. Taasi waxay sii adkaysaa in akhbaarta loo baahan yahay si fudud loo helo.
Xawaaraha CD-ROM-ku wuxuu guud ahaan u dhexeeyaa kan Hard Disk-ga iyo [You must be registered and logged in to see this link.], taasoo uu micnaheedu yahay in CD-ROM-ku uu xawaare ahaan ka dheereeyo Floppy Disk Drive-ka islamarkaan uu ka gaabiyo Hard Disk-ga. Guud ahaan marka la eego xawaaraha lagu sheego xarafka X, waxaa la oran karaa CD-ROM kastaa kan uu xagga tirada ka horraysa xarafkaas kaga badan yahay wuu ka dheereeyaa , laakiin inta uu ka dheereeyo tiradaas toos looga garan karo. Tusaale ahaan 24X wuu ka dheereeyaa 12X, laakiin lama oran karo laba laab ayuu ka dheereeyaa. Taas waxaa u sabab ah in sida aan kor ku soo aragnay ay jiraan qodobbo kale oo arrintaas saamayn weyn ku leh, kuwaasoo keeni kara in 24X xawaarihiisa dhabta ahi uu celcelis ahaan noqdo 18X iwm.Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa CD Burner-ka (CD-R / CD-RW). Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]
| |
|