Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Casharka 8-aad: Qaybaha Motherboard-ka 4

Go down 
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka
Kuliyada Shabakada Maadow


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

Casharka 8-aad: Qaybaha Motherboard-ka 4 Empty
PostSubject: Casharka 8-aad: Qaybaha Motherboard-ka 4   Casharka 8-aad: Qaybaha Motherboard-ka 4 EmptyThu Feb 10, 2011 3:20 am

Qaybaha Motherboard-ka (Way
socotaa...)


Sidaan ku soo aragnay [You must be registered and logged in to see this link.] , Casharka
6-aad
iyo [You must be registered and logged in to see this link.] waxaan Motherboard-ka u qaybinay 11 qeybood oo kala ah:[You must be registered and logged in to see this image.]




  1. Processor Socket ama Slot (sawirka nr 4)
  2. Chipset (sawirka nr 1)
  3. BIOS (sawirka
    nr 10)

  4. Battery (sawirka nr 9)
  5. Memory SIMM/DIM sockets (sawirka nr Cool
  6. Bus Slots (sawirka nr 2 iyo 3)
  7. Processor Voltage Regulator
  8. Storage Device Interfaces (sawirka nr 11)
  9. Serial Ports (sawirka nr 6)
  10. Parallel Ports (sawirka nr 5)
  11. Mouse and Keyboard connectors (sawirka nr 7)


[You must be registered and logged in to see this link.] , Casharka
6-aad
iyo [You must be registered and logged in to see this link.] waxaan ku soo qaadannay qaybaha 1-aad ilaa 7-aad.
Casharkaan waxaan ku soo qaadanaynaa inta ka hartay qaybaha
Motherboard-ka innagoo ka billaabayna qeybta 8-aad.



  1. Storage Device InterfacesStorage Device Interfaces waa meelaha
    Hard disk-ga, Floppy disk-ga (ama Diskette Station),
    CD-ROM-ka iwm ay kaga xirmaan Motherboardka (fiiri
    sawirka nr 11). Sidaan ku soo aragnay
    [You must be registered and logged in to see this link.] ,Hard disk-gu waa halka si joogto ah loogu
    kaydiyo akhbaarta iyo program-yada kumbiyuutar-ka ku
    jira. Floppy disk-guna waa halka kumbiyuutarka laga
    geliyo diskette-ka (cajaladda yar ee kumbiyuutarka lagu
    isticmaalo). CD-ROM-ku waa halka kumbiyuutarka laga
    geliyo cajaladda CD-ga. Hard disk-ga, Diskette-ka iyo
    CD-ROM-ka iyo noocyadooda waxaan midba uga hadli doonnaa
    cashar u gaar ah.

    Storage Device Interfaces-ka
    Motherboard-yada casriga ah waxaa ugu caansan oo maanta
    la isticmaalaa laba nooc oo la kala yiraahdo IDE iyo
    SCSI. Labadaas nooc ayaan halkaan mid mid ugu soo
    qaadanaynaa.


    • IDE IDE (Integrated Drive Electronics)
      waa nooca ugu caansan uguna badan ee maanta la
      isticmaalo. IDE-ga waxaa markiisii hore loogu
      talagalay Hard disk-ga oo keliya, maantase waxaa
      loo isticmaalaa oo ku xirma CD-ROM (reader),
      CD-RW (Writer), Zip drives, Tape devices iyo
      noocyo kale oo fara badan. IDE-gu wuxuu ku caan
      baxay xagga fudaydka isticmaalkiisa, nooca
      sawirka kore kaaga muuqdana waa isaga. IDE waxaan
      si fiican uga hadli doonnaa casharrada dambe ee
      aan kaga hadli doonno Hard disk-yada iyo
      noocyadooda.

    • SCSI SCSI oo loogu dhawaaqo "iskaasi"
      waxay u taagan tahay (Small Computer System
      Interface). SCSI inta badan kuma samaysna
      Motherboard-ka laakiin waa kaar ka gaar ah
      Motherboard-ka oo la geliyo mid ka mid ah
      Buses-ka Motherboard-ka. SCSI wuxuu caan ku yahay
      tirada disk-yada iyo qalabka kale ee ku xirmi
      kara oo aad uga fara badan inta IDE ku xirmi
      karta. SCSI run ahaantii ma aha Disk interface ee
      waa Bus gaar ah oo ay ku xirmi karaan ilaa 15
      qaybood. Kumbiyuutarrada badankoodu waxay qaadan
      karaan ilaa afar kaar oo SCSI ah oo kiiba ay ku
      xirmi karaan 15 qaybood. Isu geyn waxay isku
      noqonayaan 60. SCSI xagga isticmaalka wuu ka adag
      yahay IDE taasina waxay keentay in shirkadaha
      kumbiyuutarrada sameeyaa ay inta badan ka door
      bidaan IDE. SCSI waxaan si faahfaahsan uga hadli
      doonnaa casharrada dambe ee aan kaga hali doonno
      Hard disk-yada iyo noocyadooda.


</li>
  • Serial Ports Serial Ports waxay ka
    mid yihiin meelaha asaasiga ah ee kumbiyuutarka looga
    xiriiriyo qalabka ay ka mid yihiin Modem-yada,
    Mouse-yada, Scanner-yada iyo qaybaha kale ee
    kumbiyuutarka la sameeya xiriir laba dhinacle ah oo
    micnihiisu yahay inay kumbyuutarka akhbaarna u gudbiyaan,
    midna ka soo qaataan. Serial Ports-ku waxay ka mid yihiin
    afafka ka muuqda kumbiyuutarka xaggiisa dambe ee
    fiilooyinka la galiyo (fiiri sawirka nr 6). Serial
    Ports-ka waxaa loogu tala galay inuu kumbiyuutarku kula
    xiriiro qalabka dibedda looga xiriiriyo ama uu xataa kula
    xiriiro kumbiyuutar kale.

    Serial Ports-ku waxay u shaqeeyaan sida
    fiilada laynka telefoonka. Akhbaarta laga soo akhriyo
    kumbiyuutarku waxay raacdaa fiilo u gaar ah, akhbaarta
    kumbiyuutarka loo gudbinayana waxay raacdaa fiilo kale oo
    iyada u gaar ah. Akhbaarta waxaa fiilada loogu diraa si
    unug unug (bits) ah islamarkaana isdabajoog ah. Taas
    ayaana keentay in lagu magacaabo Serial Port.
    Motherboard-yada casriga ahi waxay leeyihiin 1 (hal) ilaa
    2 (laba) Serial Ports oo Motherboard-ka ku dhex dhisan.
    Waxaase jira Serial Ports ku dul samaysan kaarar si gaar
    ah loo soo gadan karo oo kumbiyuutarka lagu xiriirin karo
    si aad u hesho in ka badan laba Serial Ports.

  • Parallel Ports Parallel Ports-ku waxay iyaguna ka mid yihiin
    meelaha asaasiga ah ee kumbiyuutarka looga xiriiriyo
    qalabka kala duwan. Parallel Port-ku waxay ka kooban
    yihiin siddeed fiilo oo is garab socoto. Akhbaarta la
    diraayana waxaa loo diraa si unug unug (bits) ah iyadoo
    unugyada uu hal xaraf ka kooban yahay (8 bits) mar kaliya
    si barbarro ah loogu diraayo siddeedaas fiilo. Taas
    ayaana keentay in lagu magacaabo Parallel Port. Parallel
    Ports-ku way ka dheereeyaan Serial Ports-ka waxaana
    markiisii hore loogu tala galay in loo isticmaalo
    daabacayaasha (Printers) oo kaliya. Laakiin muddo kadib
    waxaa si aad ah u batay qalabka isticmaala Parallel Port-ga.
    Maanta waxaad heli kartaa LAN adapters, CD-ROM-yo iyo
    Modem-yo kumbiyuutarka kaga xirma Parallel Ports-ka.

    Waxaa kale oo jira program-yo loogu
    tala galay inay laba kumbyuutar akhbaar u kala gudbiyaan.
    Program-yadaasi waxay isticmaalaan oo ay akhbaarta ku
    diraan Parallel Ports. Program-yadaas waxaa ka mid ah
    program-ka la yiraahdo Interlnk ee ka mid ah MS-DOS
    (Fiiri program-ka ISBAR-DOS qeybta seddexaad). Waxaa kale
    oo program-yadaas ka mid ah program-ka la socda Windows
    95/98 ee la yiraahdi "Direct Cable Connection"
    oo aad ka heli karto Start - Program
    - Accessories. Dokumentiga la socda
    Windows ama Help-giisa ayaad ka heli kartaa sida loo
    isticmaalo program-kaas. Si program-yadaas iyo kuwa la
    midka ahi ay laba kumbiyuutar akhbaar ugu kala gudbiyaan
    waxaa loo baahan yahay fiilo gaar ah oo loo yaqaan
    "Null Modem Cable".

  • Mouse and Keyboard connectors
    Waa halka Motherboard-ka looga xiriiriyo
    Keyboard-ka iyo Mouse-ka. Connectors-kaani waxay qaab
    ahaan leeyihiin af wareegsan oo leh duleello yar yar.

    Connector-ka Keyboard-ku wuxuu u kala
    baxdaa laba nooc:


    • DIN Connector wuxuu
      leeyahay 5 duleel oo yar yar oo loogu tala galay
      inay galaan ilkaha fiilada Keyboard-ka waxaana
      laga helaa Motherboard-yada uu qaab dhismeedkoodu
      yahay Baby-AT (Fiiri Casharka 4-aad).

    • Mini DIN Connector wuxuu
      leeyahay 6 duleel waxaana laga helaa
      Motherboard-yada uu qaab dhismeedkoodu yahay LPX,
      ATX iyo NLX (Fiiri Casharka 4-aad). Mini DIN
      Connector
      -ku aad buu uga dhumuc yar yahay DIN
      Connector
      -ka laakiin wuu ka duleello badan
      yahay.


    Connector-ka Mouse-ku wuxuu isaguna
    isticmaalaa nooca dambe ee Mini DIN Connector oo
    leh lix duleel. Taasi waxay keenaysaa in Mouse-ku uu geli
    karo Connector-ka loogu tala galay Keyboard-ka iyo in
    Keyboard-ku uu gali karo Connector-ka loogu tala galay
    Mouse-ka maadaamaa ay isku duleello iyo cabbirba yihiin.
    Laakiin si kasta oo uu Mouse-ku u galo halka Keyboard-ka
    loogu tala galay haddana kuma shaqaynayo. Sidoo kale
    Keyboard-kuna kuma shaqaynayo Connector-ka loogu tala
    galay Mouse-ka. Sidaa darteed shirkadaha kumbiyuutarrada
    sameeyaa waxay inta badan Connectors-kaas u yeelaan
    astaamo lagu kala garto si aan la isugu khaldin. Qaar
    waxay isticmaalaan sawir muujinaya Keyboard ama Mouse
    hadba kii Connector-kaas loogu tala galay. Qaarna waxay
    isticmaalaan midab iyagoo Connector-ka iyo fiilada
    galaysa isku midab ka dhiga.

    </li>


    Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa.
    Casharka xiga waxaan ku soo qaadan doonnaa Processor-ka iyo
    noocyadiisa.





    Copyright ©️ 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]

  • Back to top Go down
     
    Casharka 8-aad: Qaybaha Motherboard-ka 4
    Back to top 
    Page 1 of 1
     Similar topics
    -
    » Casharka 5-aad: Qaybaha Motherboard-ka 1
    » Casharka 6-aad: Qaybaha Motherboard-ka 2
    » Casharka 7-aad: Qaybaha Motherboard-ka 3
    » Casharka 4-aad: Motherboard ama Mainboard
    » Casharka 19-aad: CD-ROM Drive-ka

    Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
    Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
    Jump to: