Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Casharka 1-aad: Waa Maxay Kumbiyuutar?

Go down 
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka
Kuliyada Shabakada Maadow


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

Casharka 1-aad: Waa Maxay Kumbiyuutar? Empty
PostSubject: Casharka 1-aad: Waa Maxay Kumbiyuutar?   Casharka 1-aad: Waa Maxay Kumbiyuutar? EmptyThu Feb 10, 2011 3:04 am

Kumbiyuutarka iyo taariikhdiisa


Waxaan casharkeenna koowaad ee taxanaha barashada kumbiyuutarka ku soo qaadan doonnaa qodobbada
soo socda:



  • Waa maxay kumbiyuutar?
  • Taariikh kooban.
  • Noocyada Kumbiyuutarka.




Waa maxay kumbiyuutar?



Haddii aan adiga ku weydiinno, muxuu yahay waxa maskaxdaada ku soo dhacaya markaad maqasho ereyga
kumbiyuutar? Waxaan filayaa inay jawaabtaadu noqonayso, waa aaladda aan hadda muraayaddeeda wax ka akhrinaayo ee
xafiisyada iskuullda iyo guryahaba taalla loona isticmaalo keydinta qoraallada iyo akhbaaraha kala duwan.
Ma khaldana jawaabtaadu haddii aad sidaan u qiyaasay u fikirtay. Laakiin ereyga kumbiyuutar wuxuu xambaarsan yahay
micne intaas ka ballaaran.

Waxaan maalin walba si joogta ah ula kulannaa adeegsiga farsamada kumbiyuutarka oo wajiyo kala
duwan nagu soo marta isuguna jirta mid aan garanayno in ay farsamada kumbiyuutarku ka dambayso iyo mid aynaan garanayn
intaba.
Farsamada kumbiyuutarku waxay afartankii sano ee ugu dambaysay door lixaad leh ku yeelatay dhammaan waxyaabaha
naga soo gaaro warshadaha casriga ah. Waxay farsamadaasi ka mid noqotay waxyaabaha ay nolosha casriga ahi sida
joogtada ah ugu baahan tahay ee ay ka mid yihiin korontada, taleefoonka iwm.

Waxaa laga yaabaa in marka aan lacag kala baxayno darbiyada (Bank automat) ama aan kaararka bangiyada
wax ku iibsanayno aan garnayno ama aan tuhunsannahay in ay farsamadda kumbiyuutarku ka dambayso fulinta hawshaas.
Laakiin marka aan taleefoon ka jawaabaynno ama aan isticmaalaynno mishiinnada dharka lagu dhaqdo ama aan fiidiyawga
ku amraynno inuu noo duubo program TV-ga ka soo geli daana annagoo maqan, waxaa laga yaabaa in aynaan ka fikirayn
inay farsamada kumbiyuutarku ka dambayso fulinta hawlahaas.

Dhammaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaa fulintooda ka dambeeya nooc ka mid ah farsamada
kumbiyuutarka oo ku dhex dhisan hadba aaladda aan markaas adeegsanayno. Sidaa darteed kumyuutarku wuu ka ballaaran
yahay inta ka muuqatay jawaabtii aan ku soo marnay billowgii casharkan.

Haddii aan meel dhaw ka soo qabanno kumbiyuutar waxaa la oran karaa waa aalad kasta oo koronto
ku shaqaysa islamarkaana maamuli karta waxa loo yaqaan DATA oo ah akhbaar si gaar ah loo nidaamiyay. Aaladdaas
oo leh xusuus laguna hagi karo program.




Taariikh kooban



Kumbiyuutarkii ugu horreeyay waxaa la soo saaray sanadkii 1946, Waxaana la oran jiray ENIAC. Wuxuu
ka koobnaa in ka badan 18 000 (Siddeed iyo toban kun) oo waayarro waaweyn ah. Sida aad qiyaasi karto kumbiyuutarkaasi
aad ayuu u weynaa wuxuuna keligiis buuxin jiray guri weyn. Miisaankiisu wuxuu ahaa 30 tan oo u dhiganta ilaa 30
baabuur oo yar yar.
Kumbiyuutarkaas waxaa la isticmaalayay muddo toban sano ah laakiin haba weynaadee ma uusan qaban karin wax ka badan
inta uu maanta qabto xisaabiyaha yar ee jeebka lagu qaato (calculator).

Sanadkii 1975 ayaa waxaa la soo saaray kumbiyuutarkii ugu horreeyay ee loogu tala galay isticmaalka
guryaha iyo xafiisyada. Shirkadihii ugu horreeyay soo saaridda kumbiyuutarradaasna waxaa ka mid ahaa Apple, Commodore,
Tandy, MITS iyo Atari.
Sanadkii 1981 ayaa shirkadda IBM oo caan ku ahayd
kumbiyuutarrada waaweyn waxay soo saartay kumbiyuutarkeedii ugu
horreeyay oo loogu tala galay inuu qofka caadiga ahi isticmaalo.
Sanadkaas wixii ka dambeeyay wuxuu horumarka kumbiyuutarku
ku socday xawli aad u dheereeya taasoo keenatay in ay
kumbiyuutarrada maanta la isticmaalaa ka dheereeyaan, ka
awood badan yihiin kana miisaan fudud yihiin isla markaana uu
qiimahahoodu aad iyo aad uga jaban yahay kii ay IBM
soo saartay 1981.

Shirkado fara badan oo adduunka ku kala baahsan ayaa qaatay qaabdhismeedkii IBM, taasoo keentay
in kumbiyuutarrada noocaas u dhisani ay suuqa qabsadaan. Waxaa kumbiyuutarrada noocaas u dhisan loo yaqaannaa Personal
Computers(PC), waxaana soo baxay noocyo fara badan oo wata magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: XT, AT, PS/2
iyo taxanaha 8086 oo ay ka mid yihiin kuwa loo yaqaan 286, 386, 486 iyo Pentium.
Noocyadaas waxaan si faahfaahsan uga hadli doonnaa casharradeena dambe.




Noocyada kumbiyuutarka



Kumbiyuutarka waxaa maanta loo qeybiyaa afar nooc oo kala ah:


  • Super Computers
  • Big Computers
  • Mini Computers
  • Personal Computers

Super Computers iyo Big Computers



Aad bay u waaweyn yihiin waxaana uu qiimahoodu gaarayaa malaayiin doollar. Noocayadaan waxaa isticmaala
shirkadaha aadka u waaweyn, hey'adaha dawladaha iyo jaamacadaha waaweyn, waxayna hal mar fulin karaan hawlo fara
badan mana aha wax lala yaabo in boqolaal qof ay isku mar hal kumbiyuutar u diraan shaqooyin kala duwan uuna isku
wakhti ugu wada fuliyo hawlahooda oo dhan.

Kumbiyuutarrada noocaan ah waxaa ka shaqeeya dad si gaar ah loogu tababaray oo la yiraahdo operators.
Waxay kaloo u baahan yihiin xannaano gaar ah oo ah xagga cimilada taasoo micnaheedu yahay in laga ilaaliyo kulaylka
iyo qabowga badan labaddaba.

Mini Computers



Mini Computers waxay la dhismo yihiin labada nooc ee hore laakiin wey ka baaxad yar yihiin. Waxaana
loo isticmaalaa hawlaha warshadaha sida xisaabinta iyo hagidda hawl qabadkooda. Sida badan waxay isku mar qaban
karaan ilaa konton arrimood.
Noocaani labada nooc ee hore wuu uga adkaysi badan yahay xagga cimilada umana baahna operator joogto ah.

Personal Computers (PC)



Noocani waa nooca ugu yar inta badanna laga isticmaalo xafiisyada, iskoollada iyo guryahaba. Noocaan
oo loo soo gaabiyo PC aad buu u yar yahay marka loo eego kuwii aan horay uga soo hadalnay, waxaa loogu tala galay
in la saaro miis dushiis, iwm.
PC waa nooca ugu badan xagga soo saaridda uguna jaban xagga qiimaha. Noocaan waxaa markii hore loogu tala galay
in qofka isticmaalyaa uu markiiba isticmaalo hal program haddase waxaa caadi ah in la isku xiro kumbiyuutarro badan
(Computer Network) halkaasna ay dad fara badani isku mar ku wada isticmaalaan hal program ama in ka badan.

Qeybaha dambe ee cashareedeena waxaan kaliya oo aan haddii rabbi idmo uga hadli doonnaa noocaan
dambe ee PC annagoo qeyb qeyb u soo qaadan doonna qeybaha uu ka kooban yahay iyo program-yada uu ku shaqeeyo.




Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]
Back to top Go down
 
Casharka 1-aad: Waa Maxay Kumbiyuutar?
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Casharka 19-aad: CD-ROM Drive-ka
» Casharka 21-aad: CD Burner-ka
» Casharka 22-aad: DVD Drive-ka
» Casharka 9-aad: Processor-ka
» Casharka 13-aad: Memory-da

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
Jump to: