Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Casharka 21-aad: CD Burner-ka

Go down 
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka
Kuliyada Shabakada Maadow


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

Casharka 21-aad: CD Burner-ka Empty
PostSubject: Casharka 21-aad: CD Burner-ka   Casharka 21-aad: CD Burner-ka EmptyThu Feb 10, 2011 4:11 am

CD Burner-ka (CD-R / CD-RW Drivers)





[You must be registered and logged in to see this image.]

Sawir muujinaya
nooc ka mid ah CD Burner-yada jira iyo saxammada CD-ga ee uu
qaato




CD Burner-ku ama CD-R / CD-RW Drive-ku waa qalabka
la adeegsado marka la rabo in CD akhbaar lagu kaydiyo ama akhbaar
CD ku jirta wax laga beddelo ama lagaba tirtiro. Run ahaantii magaca
rasmiga ah ee CD Burner-ku waa "CD-R Drive" ama "CD-RW Drive" oo ah
labada nooc ee uu u kala baxo, laakiin wuxuu ku caan baxay oo ay dad
badani u yaqaanaan magaca "CD Burner" oo wax ka tilmaamaya hawsha
uu qabto. Sidaa darteed waxaan doorbidnay in casharkaan aan ku isticmaalno
magaca "CD Burner".
CD Burner-ku wuxuu xagga muuqaalka, cabbirka iyo dhismahaba
kala mid yahay CD-ROM Drive-ka oo aan uga soo hadalnay [You must be registered and logged in to see this link.] iyo [You must be registered and logged in to see this link.]. Sida aan
casharradaas ku soo aragnay
saxanka CD-ROM-ka in wax laga soo akhriyo ma ogiye wax laguma qori
karo. Arrintaasi waxay wax weyn iska beddeleen markii uu soo baxay
CD Burner-ka iyo saxammada CD-R iyo CD-RW oo ah saxammo loogu talagalay
in wax lagu qoro waxna laga soo akhriyo. CD Burner-ku wuxuu kumbiyuutarka
ugu xirmaa sida CD-ROM Drive-ka wuxuuna santuukha kumbiyuutarka ka galaa
halka uu CD-ROM Drive-ku ka galo.
Marka
la eego Windows,
waxaa CD Burner-ka
astaan u noqda hadba xarafka ugu horreeya ee bannaan. Sidaa darteed waxaa
laga yaabaa inaad aragto CD Burner uu astaan u yahay xarafka D:
iyo mid kale oo uu astaan u yahay xarafka E: ama F:
iwm.




CD Burner-ku wuxuu in badan kala mid yahay CD-ROM
Drive-ka sidaa darteed waxaad akhbaar badan oo ku saabsan CD Burner-ka
ka helaysaa casharrada ka hadlaya CD-ROM-ka. Haddaba mar kasta oo
aan ka hadlayno dhinacyada ay isaga midka yihiin waxaan kuu tilmaami
doonaa casharradaas.



Baaxadda iyo cabbirka saxammada CD Burner-ka





Saxammada CD Burner-ku waxay xagga baaxadda iyo cabbirkaba kala mid yihiin
kuwa CD-ROM-ka sidaa darteed fadlan fiiri [You must be registered and logged in to see this link.] gaar ahaan qaybta uu ciwaankeedu
yahay "Baaxadda iyo Cabbirka CD-ROM-ka".




Muhiimadda CD Burner-ka





Haddaan dib ugu yara noqonno CD-ROM-ka, wuxuu
sida aan hore u soo sheegnay la wareegay oo uu fududeeyay in badan oo ka
mid ah howlihii loo isticmaali jiray diskette-ka. Waxaan soo sheegnay
in CD-ROM-ku uu aad uga qaad weyn yahay Diskette-ka oo hal CD ayaa wuxuu
qaadaa akhbaar qiyaas ahaan u dhiganta inta ay qaadaan 451 diskette.
Arrintaasi waxay si gaar ah faa'iido weyn u noqotay shirkadaha sameeya
program-yada kumbiyuutarka, waayo waxaa u suurtogashay in hal CD ay
ku kaydiyaan program ama program-yo ay baaxaddoodu gaarayso boqolaal
MB. Si kastaba ha ahaatee dadka caadiga ah suurtogal uma aysan ahayn
in arrintaas ay si buuxda uga faa'iidaystaan, waayo si CD-ROM-ka caadiga
ha akhbaar loogu kaydiyo waxaa loo bahan yahay qalab gaar ah oo loo yaqaan
"CD Press". Qalabkaas waxaa lagu tilmaami karaa inuu yahay
warshad yar, waayo waxaa
loogu talagalay inuu halkii mar soo saaro boqolaal kun ama in ka badan
oo CD ah oo ay isku akhbaar ku keydsan tahay. Sidaa darteed qalabkaasi
ma aha mid ay dadka caadiga ahi isticmaali karaan.
CD Burner-ku wuxuu faa'iidooyinka CD-ROM-ka ee aan hore
u soo sheegnay ku sii kordhiyay isagoo dadka caadiga ah suurtogal
uga dhigay inay saxanka CD-ga akhbaar ku kaydsadaan iyadoo kharash
iyo wakhti badan toona uusan uga bixin. Taasi waxay
dadka caadiga ah suurtogal
uga dhigtay in ay hal CD ku kaydsadaan dhammaan (ama inta badan) akhbaarta
muhiimka ah ee kumbiyuutarka ku jirta iyo in ay hal CD ka samaystaan dhowr
koobi si haddii uu mid dhaawacmo ay kuwa kale ugu baxsadaan.




Faa'iidooyinka kale ee uu CD burner-ku leeyahay waxay
la mid yihiin kuwa CD-ROM-ka, sidaa darteed fiiri [You must be registered and logged in to see this link.] gaar ahaan qeybta uu ciwaankeedu
yahay "Muhiimadda CD-ROM-ka".





Dhismaha CD Burner-ka





CD Burner-ku wuxuu xagga dhismaha guud kala mid
yahay CD-ROM Drive-ka, sidaa darteed fadlan fiiri
Cashar-ka
19-aad
gaar ahaan qeybta uu ciwaankeedu yahay "Dhismaha CD-ROM
Drive-ka". Waxaase jira laba dhinac oo muhiim ah oo CD Burner-ku uu
kaga duwan yahay CD-ROM-ka. Labadaas waxay kala yihiin:



  1. Head-ka CD-Burner-ku
    wuxuu adeegsadaa iftiin ah nooca loo yaqaan Laser-ka oo aad uga xoog
    badan kan CD-ROM-ka, iftiinkaas oo suurtogaliya in saxanka CD-ga wax
    lagu qoro.

  2. CD-Burner-ku wuxuu u baahan
    yahay
    saxammo gaar ah oo samays ahaan loogu tala
    galay in wax lagu qoro
    oo ka duwan kuwa
    CD-ROM-ka caadiga ah
    . Saxammadaasi waxay
    u kala baxaan laba nooc oo kala ah CD-R (
    CD-Recordable) iyo CD-RW (CD-Rewriteable). Labadaas nooc waxay ku kala duwan yihiin dhinacyada soo
    socda:

    Nooca hore ee CD-R-ka waxaa loogu talagalay in meel kasta oo oogada
    CD-ga ka mid ah hal mar wax lagu qoro, meeshii wax lagu qorana lagama
    tirtiri karo. Noocaan magacyada loo yaqaan waxaa ka mid ah CD-WO (
    Write Once) oo loo fasiri karo "hal mar wax ku qor" iyo CD-WORM (Write Once Read Many)
    oo loo fasiri karo "hal mar wax ku qor oo in badan wax ka soo akhri".
    Nooca labaad ee CD-RW-ka waxaa loogu tala galay in waxa lagu qoro
    lagana tirtiro, qiime ahaanna aad ayuu uga qaalisan yahay nooca CD-R-ka.
    Waxaa kale oo noocaan loo yaqaannaa CD-E (
    CD-Erasable) oo
    tilmaamaysa in CD-ga wax laga tirtiri karo.


Marka laga reebo in saxanka CD-ga akhbaar lagu qoro, waxaa kale oo
CD Burner-ka loo adeegsadaa in lagu soo akhriyo wixii akhbaar ah ee CD-ga
ku jira. Markaa wuxuu CD Burner-ku u shaqeeyaa sida CD-ROM-ka caadiga
ah oo wuxuu wax ka soo akhrin karaa saxammada CD-ROM-ka iyo xataa kuwa Audio
Drive-yada (Stereo-ga).
Taas micnaheedu wuxuu yahay in CD Burner-ku uu qaban karo dhammaan howlaha
uu CD-ROM-ku qabto iyo in kale oo lagu sii kordhiyay.


Noocyada CD Burner-ka


CD Burner-ku sida saxammadiisa ayuu wuxuu u kala baxaa laba nooc
oo kala ah CD-R Drive iyo CD-RW Drive.




  1. CD-R Drive (Recordable CD)




    CD-R Drive-ku wuxuu adeegsadaa oo uu wax ku qori karaa nooca saxammada
    loo yaqaan CD-R-ka ee aan hore uga soo hadalnay. CD-R Drive-ku wuxuu CD-ga
    wax ugu qori karaa laba siyood oo kala ah: Single Session oo keenaya in
    dhammaan akhbaarta la rabo hal mar lagu wada qoro saxanka CD-ga wax kalena
    aan gadaal looga dari karin xataa haddii ay CD-ga qayb ka bannaan tahay.
    Iyo Multi Session oo keenaya in saxanka CD-ga lagu qoro qayb ka mid ah
    akhbaarta, kadibna marba qaar gadaal looga daro ilaa uu CD-gu buuxsamo.
    Akhbaarta uu CD-R drive-ku ku qoro saxammada CD-R-ka isagoo adeegsanaya
    nidaamka Single Session-ka waxaa lagu soo akhrin karaa dhamman noocyada
    CD Drive-yada sida CD-ROM-ka, CD-R-ka, CD-RW-ka iyo xataa Audio Drive-ka
    (stereo-ga iwm).
    Laakiin akhbaarta uu CD-R drive-ku ku qoro saxanka CD-R-ka isagoo
    adeegsanaya nidamka Multi Session-ka waxaa lagu soo akhrin karaa oo kaliya
    CD Drive-yada af garan kara nidaamkaas sida CD-ROM-yada casriga ah, CD-R
    iyo CD-RW.

    Saxanka CD-R-ka wixii lagu qoro kas iyo kama' toona loogama tirtiri
    karo, sidaa darteed marka la rabo in akbaarta aan wax laga beddelin waxaa
    la door bidaa in la adeegsado saxan uu noociisu yahay CD-R. Arrintaasi
    waxay si gaar ah xiiso ugu leedahay dadka sameeya program-yada la iibsado,
    waayo dadkaasi ma rabaan in program-ayadooda la tirtiro ama wax kale lagu
    dul qoro.Waxaa kale oo ay arrintaasi xiiso leedahay marka aad CD-ga ku kaydsato
    akhbaarta muhiimka ah ee kumbiyuutarka kuugu jirta si haddii ay akhbaarta
    kumbiyuutarka kuugu jirtaa kaa kharribanto aad ugu baxsato midda aad CD-ga
    ku kaydsatay (backup). Markaa waxaad ku xisaabmi kartaa in akhbaartii aad
    CD-ga ku kaydsatay aad ka helayso maadaamaa aan sina loo tirtiri karin.
    Arrintaasi waxay isla mar ahaantaas ka mid tahay waxayaabaha uu CD-R-ku
    ku xun yahay, waayo waxaa laga yaabaa inaad CD-R akhbaar ku kaydiso ka dibna
    muddo kadib aad u aragto in akhbaartaas aadan u baahnayn. Markaa waxaad
    ku khasban tahay inaad CD-gaas iska tuurto ama aad akhbaartaas iska haysato
    adigoo aan u baahnayn, waayo CD-gaas wax kale uma isticmaali kartid.


    Haddaba waxay arrintaasi guud ahaan ku xiran tahay hadba akhbaarta
    aad kaydinayso iyo sida aad mustaqbalka ka yeelayso.


  2. CD-RW Drive (Rewriteable CD)




    CD-RW Drive-ku wuxuu adeegsadaa oo uu wax ku qori karaa saxammada
    CD-R-ka iyo kuwa CD-RW-ka labadaba. Taasi waxay keenaysaa in CD-RW Drive-ku
    uu qaban karo dhammaan howlaha uu CD-R Drive-ku qabto iyo in kale oo uu
    ku sii kordhiyay oo ah in uu saxammada CD-RW wax ku qoro waxna ka tirtiro.
    Sidaa darteed marka dhankaas laga eego CD-RW Drive-ku xagga isticmaalka
    wuu ka fudud yahay CD-R Drive-ka, waayo haddii ay wax kaa khaldamaan waad
    iska tiritiri kartaa ama akhbaar kale ayaad ku dul qori kartaa. Waxaa kale
    oo uu kuu suurto galinayaa in saxan aad hore u isticmaashay aad wixii ku
    jiray oo dhan ka tirtirto kadibna aad akhbaar hor leh ku kaydsato.
    CD-RW Drive-ku marka uu CD-ga wax ku qorayo wuxuu had iyo jeer adeegsadaa
    nidaamka Multi Session-ka ee aan kor uga soo hadalnay, sidaa darteed CD-yada
    uu CD-RW drive-ku qoro waxaa lagu soo akhrin karaa oo kaliya CD Drive-yada
    af garan kara nidaamka Multi Session-ka sida CD-ROM-yada casriga ah, CD-R
    iyo CD-RW. Intaa waxaa sii dheer iyada oo iftiinka ay soo celiyaan saxammada
    CD-RW-ka marka wax laga soo akhrinayo awooddiisu ay ka yar tahay awoodda
    iftiinka ay soo celiyaan saxammada CD-ROM-ka, taasna waxay keentay in CD-ROM-yada
    duqa ahi aysan saxammadaas wax ka soo akhrin karin. Marka la fiiriyo xagga
    qiimaha CD-RW Drive-ku wuu ka qaalisan yahay CD-R Drive-ka.



Xawaaraha CD Burner-ka


Xawaaraha CD burner-ka waxaa loo cabbiraa sida CD-ROM-ka sidaa darteed
fadlan fiiri [You must be registered and logged in to see this link.] oo ku saabsan
xawaaraha CD-ROM-ka. Si kastaba ha ahaatee xawaaraha CD burner-ku wuxuu ku
xiran yahay hadba hawsha uu markaa qabanayo. Marka uu wax qorayo ama uu
wax tirtirayo wuxuu inta badan adeegsadaa xawaare ka hooseeya kan uu wax
ku soo akhriyo. Marka la sheegayo xawaaraha CD-R drive-ka waxaa la sheegaa
xawaaraha wax akhriska iyo kan wax qoridda. Marka la sheegayo xawaaraha CD-RW
drive-kana waxaa la sheegaa xawaaraha wax akhriska, kan wax qoridda iyo kan
wax tirtirka ama ku dul qoridda.
Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa inaad aragto CD-RW drive ay ku qoran tahay
32X/10X/40X. Taasoo u taagan in xawaaraha wax qoriddu uu yahay 32X, kan
ku dul qoridduna uu yahay 10X halka kan wax soo akhrintuna uu ka yahay 40X.
Waxaad halkaa ka garan kartaa in uu farqi weyn u dhexeeyo xawaaraha akhrinta
iyo kan ku dul qoridda. CD-R drive-ka isaga waxaa lagu qoraa laba tiro sida
32X/40X oo sheegaysa in xawaaraha wax qoriddu uu yahay 32X kan wax soo akhrintuna
uu yahay 40X.




Program-yada CD burner-ka


CD burner-ka waxaa inta badan la socda program loogu tala in lagu hago
lagana maamulo hawlaha uu CD burner-ku qabto. Program-kaas waxaa loo adeegsadaa
in lagu diyaariyo akhbaarta la rabo inta aan CD-ga lagu qorin. Tusaale ahaan
haddaad rabto in akhbaarta muhiimka ah ee kumbiyuutarka kuugu jirta aad
CD ku kaydsato wuxuu program-kaasi kuu suurto galinayaa in akhbaartaas aad
isu soo ururiso oo aad nidaamiso inta aadan CD-ga ku qorin. Marka aad go'aansato
in akhbaarta aad CD-ga ku qortana isla program-kaas dhexdiisa ayaad CD burner-ka
ka amraysaa inuu akhbaarta CD-ga ku qoro. Waxa kale oo program-kaasi uu
kuu suurto gelinayaa inaad doorato nidaamka CD-ga wax loogu qorayo sida
Single Session ama Multi Session iyo nooca akhbaarta CD-ga lagu qorayo sida
Data ama Audio. Sida aad halkaa ka garan karto program-kaasi wuxuu fududeeyaa
hawsha koobiyaynta iyo wax ku qoridda CD-yada iyo guud ahaan isticmaalka
CD burner-ka. Sidaa darteed waa muhiim in haddii aad CD burner gadaynayso
aad iska hubiso in uu wato program hawlahaas loogu tala galay iyo weliba
dukumenti sharraxaad fiican ka bixinaya sida program-kaas loo isticmaalo.

Program-yada noocaan ahi way fara badan yihiin waxaase kuwa ugu caansan
ka mid ah Nero, Clone CD, Easy CD Creator, Roxio iyo kuwo kale.



Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka
xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa DVD Drive-ka.







Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]
Back to top Go down
 
Casharka 21-aad: CD Burner-ka
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Casharka 19-aad: CD-ROM Drive-ka
» Casharka 22-aad: DVD Drive-ka
» Casharka 9-aad: Processor-ka
» Casharka 13-aad: Memory-da
» Casharka 1-aad: Waa Maxay Kumbiyuutar?

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
Jump to: