Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Casharka 22-aad: DVD Drive-ka

Go down 
3 posters
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka
Kuliyada Shabakada Maadow


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

Casharka 22-aad: DVD Drive-ka Empty
PostSubject: Casharka 22-aad: DVD Drive-ka   Casharka 22-aad: DVD Drive-ka EmptyThu Feb 10, 2011 4:13 am

DVD Drive-ka



[You must be registered and logged in to see this image.]

Sawir
muujinaya nooc ka mid ah DVD Drive-yada suuqa ka jira


DVD drive-ku waa halka kumbiyuutarka laga geliyo
saxammada DVD-ga ee
lagu daawado filammada iwm. Waxa kale oo DVD drive-ka loo adeegsadaa in
saxammada DVD-ga akhbaar lagu kaydiyo ama akhbaar ku jirta wax laga
beddelo ama lagaba tirtiro. Saddexda xaraf ee DVD-ga waxaa la sheegaa
in ay u taagan yihiin
"Digital Video Disc" ama "Digital Versatile Disc", hase yeeshee
dadka qaar ayaa waxay ku doodaan in saddexdaas xaraf la iska doortay oo aysan
wax micne leh u taagnayn.


DVD drive-ku sida CD Burner-ka ayuu xagga
muuqaalka, cabbirka iyo dhismahaba wuxuu kala mid yahay CD-ROM Drive-ka
oo aan uga soo hadalnay [You must be registered and logged in to see this link.]
iyo [You must be registered and logged in to see this link.].
DVD drive-ku wuxuu kumbiyuutarka ugu xirmaa sida CD-ROM
Drive-ka wuxuuna santuukha kumbiyuutarka ka galaa halka uu CD-ROM
Drive-ku ka galo.
Marka la eego Windows, waxaa DVD drive-ka astaan u noqda hadba xarafka ugu horreeya
ee bannaan. Sidaa darteed waxaa laga yaabaa inaad aragto
DVD drive uu astaan
u yahay xarafka D: iyo mid kale oo uu astaan u yahay
xarafka E: ama F: iwm.


DVD Drive-ku wuxuu in badan kala mid yahay CD-ROM Drive-ka
iyo CD Burner-ka sidaa darteed waxaad akhbaar badan oo ku saabsan
DVD Drive-ka ka helaysaa casharrada ka hadlaya CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka.
Haddaba mar kasta oo aan ka hadlayno dhinacyada ay isaga midka yihiin
waxaan kuu tilmaami doonaa casharradaas.


Baaxadda iyo cabbirka saxammada DVD Drive-ka



Baaxadda saxammada DVD-gu aad ayay uga weyn tahay kuwa CD-ROM-ka iyo CD
Burner-ka waxayna baaxaddoodu gaaraysaa inta u dhexeysa 4.7 GB ilaa 17
GB (xusuusnow in halkii GB uu u dhigmo 1000 MB). Kordhinta baaxadda DVD-ga
waxaa keenay arrimaha soo socda:




  1. Marka saxammada DVD-ga iyo CD-ga akhbaar lagu qorayo waxaa oogada
    saxanka lagu gubaa dhibco aad u yar yar oo ili ma aragtay ah. Haddaba
    si loo[You must be registered and logged in to see this image.]
    kordhiyo baaxadda saxanka DVD-ga waxaa la yareeyay dhumucda dhibcaha
    lagu gubo oogada DVD-ga iyadoo halkii dhibicba dhumucdeeda laga dhigay ugu
    yaraan 0.4 microns (0,001 mm) halka dhumucda dhibicaha lagu gubo oogada
    CD-gu ay ka tahay ugu yaraan 0.83 microns. Teeda kale waxa la yareeyay fogaanta
    u dhaxaysa Track-yada saxanka DVD-ga oo fogaantaas waxaa laga dhigay 0.74
    microns halka fogaanta u dhaxaysa Track-yada CD-gu ay ka tahay 1.6 microns.
    Halkaa waxaa ka dhashay in akhbaarta lagu qoro DVD-gu ay aad isugu cufnaato,
    taasoo keentay in saxanka DVD-gu uu qaado akhbaar gaaraysa ilaa 4,7 GB.
    Fadlan fiiri labada sawir ee midigta ka muuqda kuwaas oo muujinaya farqiga
    xagga cufnaanta akhbaarta ee u dhexeeya CD-ga iyo DVD-ga.

  2. Waxaa la suurto galiyay in akhbaarta saxanka DVD-ga lagu qoro
    laba lakab (layers) oo is dul saaran iyadoo halkii lakabba uu qaado 4.7
    GB, taasoo keentay in DVD-gu uu qaado akhbaar gaari karta ilaa 8.5 GB.

  3. Waxaa kale oo la suurto galiyay in saxanka DVD-ga labada dhinacba
    wax looga qoro taasoo iyaduna keentay in hal saxan uu qaado akhbaar
    gaari karta ilaa 17 GB.



Marka laga eego xagga baaxadda waxaa guud ahaan saxammada DVD-ga loo kala
qaadaa afar nooc oo kala ah:



  1. Single sided / single layer oo micneheedu yahay
    in saxanka akhbaarta hal dhinac looga qoro, islamarkaana akhbaarta lagu qoro
    hal lakab oo kaliya. Saxammada noocaan ah waxay qaadaan akhbaar gaari karta
    4.7 GB.

  2. Single sided / Double layer oo micneheedu yahay
    in saxanka akhbaarta hal dhinac looga qoro, islamarkaana akhbaarta lagu
    qoro laba lakab oo is dul saaran. Saxammada noocaan ahi waxay qaadaan akhbaar
    gaari karta ilaa 8.5 GB.

  3. Double sided / Single layer oo micneheedu yahay in saxanka
    labada dhinacba akhbaarta looga qoro, laakiin dhinac kasta akhbaarta lagu
    qoro hal lakab. Saxammada noocaan ah waxay qaadaan akhbaar gaari karta ilaa
    9.4 GB.

  4. Double sided / Double layer oo micneheedu
    yahay in saxanka labada dhinacba akhbaarta looga qoro, islamarkaana dhinac
    kasta akhbaarta lagu qoro laba lakab. Saxammada noocaan ah waxay qaadaan
    akhbaar gaari karta ilaa 17 GB.



Saxammada DVD-gu waxay xagga cabbirka kala mid yihiin kuwa CD-ROM-ka
sidaa darteed fadlan fiiri [You must be registered and logged in to see this link.]
gaar ahaan qaybta uu ciwaankeedu yahay "Baaxadda iyo Cabbirka CD-ROM-ka".



Muhiimadda DVD Drive-ka



DVD Drive-ku wuxuu faa'iidooyinka CD-ROM-ka iyo
CD Burner-ka ee aan hore u soo sheegnay ku sii kordhiyay iyadoo
baaxadda saxammada DVD-gu ay aad uga weyn tahay tan saxammada CD-ROM-ka
iyo kuwa CD-Burner-ka. Hal saxan oo DVD ah ayaa waxaa lagu kaydin karaa
akhbaar la mid ah inta ay qaadaan 7 ilaa 26 saxan oo ah CD-ROM-ka caadiga
ah. Taasi waxay keentay in hal saxan oo DVD ah
lagu kaydiyo:




  • dhamaan akhbaarta ku jirta kumbiyuutarka
    (Full Backup).

  • filin dheer oo soconaya ilaa 3 saacadood islamarkaana tayada sawirradiisu aad u sarrayso iyo in weliba
    filinka la raaciyo akhbaar dheeri ah oo filinka barbar socota oo dadkii
    filinka sameeyay ay sharraxaad uga bixinayaan sida filinka loo sameeyay
    iyo micnaha iyo ula jeeddada ka dambaysa qayb kasta oo filinka ka mid ah
    .

  • Tiro ciyaaro ah (games) oo ay tayada sawirradoodu (Graphics) ay
    aad u sarrayso.

  • dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay mid ka mid ah buugaagta loo
    yaqaan encyclopedia ee ka hadla taariikhda iyo dhacdooyinka adduunka, waddammada,
    dadka, xayawaanka, cayayaanka, dhirta, macdanta iyo dhammaan laamaha culuunta
    kala duwan.

  • heeso fara badan oo marka la isu geeyo socon kara ilaa 16 saacadood.




Faa'iidooyinka kale ee uu DVD Drive-ku leeyahay waxay
la mid yihiin kuwa CD-ROM-ka, sidaa darteed fiiri [You must be registered and logged in to see this link.] gaar ahaan qeybta uu ciwaankeedu
yahay "Muhiimadda CD-ROM-ka".




Dhismaha DVD Drive-ka



DVD Drive-ku wuxuu xagga dhismaha guud kala mid
yahay CD-ROM Drive-ka iyo CD buirner-ka, sidaa darteed fadlan fiiri
Cashar-ka
19-aad
gaar ahaan qeybta uu ciwaankeedu yahay "Dhismaha CD-ROM
Drive-ka". Si kastaba ha ahaatee waxaa jira dhinacyo uu DVD Drive-ku
kaga duwan yahay CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka. Dhinacyadaas waxaa ka mid
ah:



  1. Head-ka DVD drive-ku
    wuxuu adeegsadaa farsamo u suurto galinaysa in uu iftiinka Laser-ka ku
    beego hadba dhinaca saxanka iyo lakabka uu rabo inuu wax ku qoro ama wax
    ka soo akhriyo. Taasoo micneheedu yahay in DVD drive-ku uu awood u leeyahay
    in iftiinka uu saxanka uga shido dhinaca hoose islamarkaana uu ku beego
    oo uu wax ka soo akhriyo dhinaca kore lakabka ugu sarreeya. Haddii tusaale
    ahaan uu saxanku yahay Double-sided / Double layer wuxuu markaa
    iftiinku ka gudbayaa saddex lakab oo akhbaar ah si uu u soo akhriyo akhbaarta
    ku qoran lakabka ugu sarreeya isagoo aan akhbaarta isku khaldayn.

  2. DVD Drive-ku wuxuu u
    baahan yahay
    saxammo gaar ah oo samays ahaan isaga loogu
    tala galay saxammadaas oo u kala baxa sida aan kor ku soo sheegnay.


Marka laga reebo in saxanka DVD-ga akhbaar lagu qoro, waxaa
kale oo DVD Drive-ka loo adeegsadaa in lagu soo akhriyo wixii akhbaar
ah ee ku jira saxammada DVD-ga, CD-ROM-ka, Audio Drive-ka (Stereo) iyo kuwa
CD-R iyo CD-RW oo ay DVD drive-yada badankoodu wax ka soo akhrin karaan.
Markaa wuxuu DVD Drive-ku u shaqeeyaa sida CD-ROM-ka caadiga ah. Taas
micnaheedu wuxuu yahay in DVD Drive-ku uu qaban karo dhammaan howlaha
ay qabtaan CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka iyo in kale oo lagu sii kordhiyay.
Haddaba sida aad halkaa ka garan karto DVD Drive-ku wuxuu ku socdaa in mustaqbalka
uu suuqa ka saaro CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka labadaba.

Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka
xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa noocyada iyo xawaaraha
DVD Drive-ka.






Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]

Back to top Go down
xannaan2
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 1
ka Qeeb Qaadashaadaada : 2
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 17/07/2011

Casharka 22-aad: DVD Drive-ka Empty
PostSubject: Re: Casharka 22-aad: DVD Drive-ka   Casharka 22-aad: DVD Drive-ka EmptySun Jul 17, 2011 10:48 pm

ASC waaan idin salaamay dhammaan walaalahayha bahda webka shabakada madow waxan jeclaan laha inan wax idinka weydiiyo cajalad DVD ayan rabaa inan ka fiirsado program loo duubay film ahaan balse hadii aan geliyo computerka iyo maqal ah ayan maqlaya oo keli ah waxa iga saran movie calaamad X oo i tusaysa inan fiirsan karin hadaba max aiga qaldan si aan u helo muuqaalka programka dvd ga. mahadsanidin by Maxibo
Back to top Go down
yahye45
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 1
ka Qeeb Qaadashaadaada : 1
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 18/07/2011

Casharka 22-aad: DVD Drive-ka Empty
PostSubject: Re: Casharka 22-aad: DVD Drive-ka   Casharka 22-aad: DVD Drive-ka EmptyMon Jul 18, 2011 7:36 pm

walaal sawir lama arkayo
Back to top Go down
Sponsored content





Casharka 22-aad: DVD Drive-ka Empty
PostSubject: Re: Casharka 22-aad: DVD Drive-ka   Casharka 22-aad: DVD Drive-ka Empty

Back to top Go down
 
Casharka 22-aad: DVD Drive-ka
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Casharka 19-aad: CD-ROM Drive-ka
» Casharka 20-aad: Xawaaraha CD-ROM Drive-ka
» Casharka 18-aad: Floppy Disk Drive-ka
» Casharka 9-aad: Processor-ka
» Casharka 13-aad: Memory-da

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
Jump to: