Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeFAQSearchRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

Share | 
 

 Casharka 13-aad: Memory-da

View previous topic View next topic Go down 
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

PostSubject: Casharka 13-aad: Memory-da   Thu Feb 10, 2011 3:32 am

Memory-da



Memory-du waxay u kala baxdaa laba nooc oo kala
ah: ROM (Read Only Memory) iyo RAM (Random Access Memory).
Casharkeenaan waxaa kaliya oo aan kaga hadli doonnaa nooca dambe
ee RAM. Mar kasta oo aan casharkaan ku soo qaadno Memory waxaan
ula jeednaa nooca RAM oo kaliya.




Waa Maxay RAM?



RAM (Random Access Memory) waa halka si ku
meelgaar ah loogu kaydiyo akhbaarta uu processor-ku markaas
gacanta ku hayo iyo program-yada markaa shidan (running
programs). Tusaale ahaan haddaad rabto inaad wax qorato waxaad
horta shiddaa program-ka aad wax ku qorato sida Word. Markaad
program-kaas shiddo waxaa Memory-da lagu kaydiyaa koobi ah
program-kaas, koobigaas ayaana lagu tusaa si aad wax ugu qorato.
Muddada aad wax qorayso waxaa akhbaarta aad qorto lagu kadiyaa
Memory-da, waxaana halkaa lagu haynayaa ilaa inta uu
kumbiyuutarku shidan yahay ama aad program-ka Word ka xirayso.
Haddiise kumbiyuutarka la damiyo ka hor inta aadan kaydin
akhbaartaasi way lumaysaa.




Tusaalaha ugu caansan ee la soo qaato marka la
sharxayo sida uu kumbiyuutarku wax u kaydiyo waa iyadoo
kumbiyuutarka lagu matalo xafiis yar oo ay yaallaan miis iyo
armaajo lagu kaydiyo dukumentiga xafiiska. Armaajadu waxay u
taagan tahay Hard Disk-ga oo ah halka sida joogtada ah loogu
kaydiyo akhbaarta iyo program-yada kumbiyuutarka ku jira.
Miiskuna wuxuu u taagan yahay Memory-da. Qofka xafiiska ka
shaqaynaya (oo u taagan Processor-ka) wuxuu armaajada kala soo
baxaa hadba dukumentiga uu rabo inuu wax ka qabto wuxuuna ku kala
fidiyaa miiska dushiisa. Waxaa caadi ah in qofka xafiis ka
shaqaynayaa uu dukumentiyo fara badan ku haysto miiska dushiisa.
Mar kasta oo baaxadda miisku ay sii weynaataba waxaa badanaya
tirada dukumentiyada dushiisa la saari karo. Sidaa si la mid ah
ayuu kumbiyuutarku program-yada iyo hawlaha uu markaas gacanta ku
hayo ugu kaydsadaa Memory-da. Mar kasta oo ay baaxadda Memory-du
sii weynaataba waxaa badanaya akhbaarta lagu keydin karo iyo
tirada program-yada isku mar kuu furnaan karo. Memory-da
la'aanteed kumbiyuutarku wax hawl ah ma qaban karo. Sidaa darteed
Memory-du waxay ka mid tahay qaybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka.[You must be registered and logged in to see this image.]




Baaxadda Memory-da waxaa lagu cabbiraa waxa loo
yaqaan "Byte" oo u dhigma hal xaraf. 1024-kii byte
waxay noqdaan hal KiloByte (KB). Kunkii KB waxay noqdaan hal MegaByte
(MB). Kunkii MB-na waxay noqdaan hal GigaByte (GB). Memory-du
waxay ku dul rakiban tahay kaarar yar yar oo uu dhererkoodu
qiyaas ahaan le'eg yahay 10 ilaa 15 cm (Fiiri sawirka).
Kaararkaasi waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah SIM (Single
Inline Memory Module) iyo DIM (Dual Inline Memory Module).
Kaararkaas waxaa la gadaa iyagoo baaxadda Memory-da ku dul
rakibani ay tahay 1 MB, 2 MB, 4 MB, 8 MB, 16 MB, 32 MB, 64 MB ama
128 MB.




Haddaan dib ugu noqonno tusaalihii xafiiska,
mar kasta oo uu miiska xafiisku sii weynaadaba waxaa badanaya
tirada dokumentyada isku mar dushiisa la saari karo islamarkaana
waxaa fududaanaya helitaanka dokumenti ka mid ah dokumentiyada
saaran miiska dushiisa, maadaama uu miisku waasac yahay oo aan
loo baahanayn in dokumentiyada la is kor saaro oo ay markaa is
qariyaan. Sidaa si le'eg ayaa mar kasta oo ay baaxadda Memory-da
kumbiyuutarku sii weynaataba waxaa bata tirada porgamyada isku
mar kuu furnaan kara iyo xaddiga akhbaarta Memory-da lagu kaydin
karo. Waxaa kale oo fududaanaya helitaanka wixii akhbaar ah ee
Memory-da looga baahdo. Taasina waxay kor u qaadaysaa xawaaraha
hawl qabadka kumbiyuutarka.




Xawaaraha Memory-da (RAM)



Xawaaraha Memory-du wuxuu muhiim u yahay guud
ahaan xawaarha kumbiyuutarka. Mar kasta oo uu processor-ku u
baahdo inuu qabto hawl gaar ah wuxuu inta badan u baahdaa inuu
akhbaar ka soo akhristo Memory-da. Markaa wuxuu processor-ku ku
khasban yahay inuu sugo Memory-da oo uu wax uga soo akhristo
xawaare la mid ah kan Memory-da. Haddaba mar kasta oo uu
xawaaraha Memory-du hoos u dhacaba waxaa sii badanaya wakhtiga
processor-ka uga luma sugitaanka Memory-da.




Xawaaraha Memory-da waxaa lagu cabbiraa waxa
loo yaqaan nanoseconds (ns). Halkii ns wuxuu u dhigmaa hal seken
(ilbiriqsi) oo loo qaybiyay bilyan qeybood qeyb ahaan. Memory-da
maanta la isticmaalo wuxuu xawaareheedu u dhexeeyaa 60ns ilaa
8ns. Madaama uu xawaaraha Memory-du ku salaysan yahay wakhti, mar
kasta oo uu wakhtigu sii yaraadaba waxaa kor u kaca xawaarha
Memory-da. Tusaale ahaan Memory uu xawaaraheedu yahay 8ns waxay
in ka badan 7 jeer ka dheeraysaa Memory uu xawaaraheedu yahay
60ns. Memory uu xawaaraheedu yahay 60ns waxay la xawaare tahay
processor uu xawaarihiisu yahay 16.7Mhz. 8ns waxay iyaduna u
dhigantaa 125Mhz. Haddaba waad qiyaasi kartaa wakhtiga processor
uu xawaarihiisu yahay 650 Mhz iyo ka sii badan uga lumaya inuu la
shaqeeyo Memory uu xawaaraheedu yahay 16.7 Mhz. Sidaa darteed waa
muhiim in marka aad Memory gadanayso aad ka fikirto kuna
xisaabtanto xawaaraha Memory-da.




Noocyada Memory-da (RAM)



RAM-ku wuxuu guud ahaan u kala baxaa laba nooc
oo asaasi ah oo kala ah:



  1. DRAM (Dinamic RAM)
  2. SRAM (Static RAM)



Labadaas nooc ayaan halkaan mid mid ugu soo
qaadnaynaa.



  1. DRAM Noocani waa nooca ugu badan ee ay isticmaalaan
    kumbiyuutyarrada uu noocoodu yahay PC (Personal
    Computers). Noocani xawaare ahaan aad ayuu uga gaabiyaa
    nooca SRAM, laakiin qiimihiisa ayaa aad uga jaban, cabbir
    ahaanna wuu ka yar yahay. Taas ayaana keentay in
    shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa ay noocaan u doortaan
    kumbiyuutarradooda. DRAM wuxuu u sii kala baxaa dhawr
    nooc oo ay ka mid yihiin:


    • FPM DRAM Noocani wuxuu farsamadii DRAM ku
      kordhiyay farsamo loo yaqaan Fast Page Mode
      (FPM). Farsamadaasi waxay fududaysay raadinta iyo
      helitaanka akhbaarta Memory-da ku kaydsan.
      Kumbiyuutarrada uu noocoodu ahaa 486 wixii ka
      dambeeyay waxay isticmaalaan Memory noocaan ah
      wixii ka horreeyayna waxay isticmaali jireen DRAM
      caadi ah oo aan lahayn farsamada FPM-ka. Si aad u
      isticmaasho Memory-da noocaan ah waxaa khasab ah
      in kaararka Memory-da (SIMM/DIMM) noocaan ah ay
      laba laba ahaandaan. Taas oo uu micneheedu yahay
      in haddaad rabto inaad kumbiyuutarka ku kordhiso
      Memory ay baaxaddeedu tahay 64 MB waxaad ku
      khasban tahay inaad soo gadato ugu yaraan laba
      kaar oo min 32 MB ah (ama afar kaar oo min 16 MB
      ah ama ka sii badan). Haddaad soo gadato hal kaar
      oo 64 MB ah, ma isticmaali kartid kaarkaas ilaa
      aad u hesho kaar labaad oo ah 64 MB. Taasina
      waxay keenaysaa inay marka dambe kugu yaraadaan
      boosaska loogu tala galay Memory-da ee ka bannaan
      Motherboard-ka, maadaama uu noocani mar kasta
      Motherboard-ka ka qaadanayo ugu yaraan laba boos.




  • EDO RAM Billawgii sannadkii 1995-kii ayaa waxa
    soo baxay noocaan oo luugu tala kumbiyuutarrada
    uu noocoodu yahay Pentium. EDO (Extended Data
    Out) waa FPM DRAM oo wax laga beddelay. EDO wuxuu
    xawaaraha Memory-da kor u qaaday 5% si dhakhso ah
    ayuuna suuqa ugu faafay. EDO wuxuu si gaar ah ugu
    fiican yahay kumbiyuutarrada uu xawaaraha
    Motherboard-koodu yahay 66Mhz.




  • SDRAM SDRAM oo u taagan Synchronous DRAM aad
    ayuu uga dheereeya EDO iyo noocyadii ka sii
    horreeyayba. Wixii ka dambeeyay 1997-kii wuxuu
    noocani ahaa nooca ugu caansan uguna badan
    noocyada Memory-da ee loo isticmaalo
    kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay PC-ga. SDRAM
    wuxuu si gaar ah ugu sii fiican yahay Pentium II
    iyo wixii ka dambeeya.


</li>
  • SRAM Nooca labaad ee noocayada asaasiga ah ee
    Memory-da loo qaybiyo waxa la yiraahdaa SRAM (Static
    RAM). SRAM aad ayuu uga dheereeyaa dhammaan noocyada
    DRAM. Waxaa la helaa SRAM uu xawaarahoodu gaarayo 2ns iyo
    ka sii hoose, taasoo xawaare ahaan la socon karta
    processor uu xawaarihiisu yahay 500 Mhz iyo ka badan.
    Laakiin SRAM waxay leedahay laba cilladood oo kala ah:
    Cabbir ahaan way ka weyn tahay DRAM taasna waxay
    keenaysaa inay boos weyn kumbiyuutarka ka qaadato. Tan
    labaadna aad ayay qaali u tahay kumbiyuutarkii iyada loo
    doortaana sidoo kale ayuu qaali u noqonayaa. Labadaas
    arrimood ayaa waxay keeneen in shirkadaha kumbiyuutarrada
    sameeyaa ay ka door bidaan DRAM gaabisa. Maadaama ay SRAM
    aad qaali u tahay waxaa loo isticmaala oo kaliya Cache
    Memory ahaan.




  • Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa.
    Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa Hard
    Disk-ga iyo noocyadiisa.







    Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]

    Back to top Go down
     
    Casharka 13-aad: Memory-da
    View previous topic View next topic Back to top 
    Page 1 of 1

    Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
    Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
    Jump to: