Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Casharka 19-aad: CD-ROM Drive-ka

Go down 
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka
Kuliyada Shabakada Maadow


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

Casharka 19-aad: CD-ROM Drive-ka Empty
PostSubject: Casharka 19-aad: CD-ROM Drive-ka   Casharka 19-aad: CD-ROM Drive-ka EmptyThu Feb 10, 2011 4:04 am


CD-ROM Drives(Compact Disk-Read Only Memory)



[You must be registered and logged in to see this image.]_[You must be registered and logged in to see this image.]
Sawir muujinaya CD-ROM
Drive (bidix) iyo saxanka CD-ga (midig)




CD-ROM Drive-ku waa halka kumbiyuutarka laga
geliyo saxanka wareegsan ee loo yaqaan CD-ga ee kumbiyuutarrada
lagu isticmaalo. Ereyga CD-ROM wuxuu u taagan yahay "Compact
disk - Read Only Memory
" taasoo muujinaysa samayska iyo
isticmaalka saxanka CD-ga. "Compact Disk"
waxay muujinaysaa in saxanka CD-gu uu samays ahaan yahay mid adag
oo isku cufan oo aan si fudud loo qalloocin karin iyadoo aan
dhibaato loo gaysan. "Read Only Memory" waxay
muujinaysaa in saxanka loogu talagalay in wixii akhbaar ah ee ku
jira laga soo akhristo oo kaliya ee aan wax lagu qori karin.
CD-ROM-ku muddo dheer ayuu sidaa u shqayn jiray oo isticmaalkiisu
uu ku koobnaa oo in wax laga soo akhristo oo kaliya, laakiin
arrintaasi waxay wax weyn iska beddeleen markii ay soo baxeen
noocyada CD-R iyo CD-RW oo ah saxammo loogu talagalay in wax lagu
qoro waxna laga soo akhriyo. Noocyadaas waan ka hadli doonnaa
hadduu rabi idmo.
Marka la eego Windows, CD-ROM Drive-ku ma laha xaraf go'an oo si
joogto ah astaan ugu ah, laakiin waxaa astaan u noqda hadba
xarafka ugu horreeya ee bannaan. Sidaa darteed waxaa laga yaabaa
inaad aragto CD-ROM uu astaan u yahay xarafka D:
iyo mid kale oo uu astaan u yahay xarafka E: ama
F: iwm.




Baaxadda iyo cabbirka CD-ROM-ka



Baaxadda CD-ROM-ka waxaa, sida [You must be registered and logged in to see this link.]-ga iyo Floppy Disk-ga, lagu cabbiraa Byte, KB
(kilobyte) iyo MB (megabyte). Haddaad u baahan tahay faahfaahin
dheeraad ah oo ku saabsan cabirradaas iyo waxa ay kala yihiin
fadlan fiiri
Casharka
14-aad
gaar ahaan qaybta "Baaxadda
Hard Disk-ga".
Saxanka CD-ROM-ka cabbirkiisu (dhexroorka) waa 4.72 inch
(4.72") oo u dhaganta 12 cm, dhumucdiisuna waa 1.2 mm. Xagga
baaxadda waxay CD-ROM-yada caadiga ahi qaadaan 650 MB, waxaase
jira qaar ay baaxaddoodu intaa ka badan tahay oo qaada 750 MB in
kastoo kuwaas isticmaalkoodu uusan badnayn.




Muhiimadda CD-ROM Drive-ka



CD-ROM Drive-ka muddo yar oo sanado ah ayay ku
qaadatay in uu ka mid noqdo qaybaha asaasiga ah ee inta badan
kumbiyuutar kasta la socda. Sidaan ku soo aragnay
[You must be registered and logged in to see this link.] CD-ROM-ku wuxuu xataa la wareegay inta badan hawlihii
uu
Floppy Disk
Drive-ku
qaban jiray taasna waxaa
keenay qiimaha CD-ROM-ka oo aad hoos ugu dhacay iyo samayntiisa
oo iyaduna aad fudud. Intaa waxaa sii dheer baaxadda program-yada
kumbiyuutarka la geliyo oo aad sare ugu kacday tasoo keentay in
CD-ROM-ku uu la wareego hawsha program gelinta kumbiyuutarka
(Software Installation). Waayo halkii CD-ROM oo nooca caadiga ahi
wuxuu la qaad yahay qiyaas ahaan 451 Diskette. Tusaale ahaan
program-ka "Windows 98 Second Edition" oo laga
reebay dhammaan waxyaabaha dheeriga ah ee la socda ayaa
baaxaddiisu waxay tahay 120 MB wuxuuna u baahanayaa 84 Diskette.
Si program-kaas oo Diskette-yo ku jira aad kumbiyuutar u geliso
waxaad u baahan tahay inaad 84 Diskette marba mid geliso, taasoo
sida aad garan karto ah arrin aad u adag. Sidaa darteed
shirkadaha program-yada sameeyaa waxay program-yadooda iibiyaan
iyagoo ku jira CD-ROM. Taasi waxay CD-ROM-ka ka dhigtay qayb
asaasi ah oo aad muhiim ugu isticmaalka kumbiyuutarka.

CD-ROM-ka hawlaha loo isticmaalo ka mid ah:



  1. Kumbiyuutar gelinta program-yada
    cusub
    (Software Instalation)
    Arrinta ugu muhiimsan ee CD-ROM-ka ka dhigtay qayb lagama
    maarmaan u ah kumbiyuutarka waa program-yada cusub oo
    intooda badan la iibiyo iyagoo ku jira CD-ROM oo kaliya.
    Haddii kumbiyuutarkaagu uusan lahayn CD-ROM kuuma
    suurtoobayso inaad isticmaasho inta badan program-yada
    ganacsiga ah ee maanta isticmaalo. Waa dhif iyo naadir in
    la arko program-yo cusub oo Diskette-yo ku jira, hadddii
    ay jiraanna waa kuwo aad u yar yar.

  2. Kumbiyuutar gelinta program-yada
    ka shaqaysiiya qalabka kumbiyuutarka lagu xiriiriyo (
    Driver
    installation)
    Inta badan qalabka kumbiyuutarka lagu xiriiriyo
    waxay adeegsadaan CD-ROM si ay kumbiyuutarka u geliyaan
    program-yada la socda ee qalabkaas ka shaqaysiiya ee loo
    yaqaan Drivers-ka. Qalabka CD-ROM-ka noocaan u adeegsado
    waxaa tusaale ahaan ka mid ah daabaceyaasha (Printers),
    Monitors-ka, Scanners-ka, Sound Cards-ka, Joysticks-ka,
    Gamepads-ka iwm.

  3. Kaydinta iyo xafidaadda program-yada
    iyo akhbaaraha muhiimka ah
    (Backup)
    Markii ay soo baxeen noocyada CD-R iyo CD-RW oo
    suurtogal ka dhigay in CD-ga wax lagu qoro, ayaa waxaa
    billaabatay in noocyadaas CD-ga ah loo adeegsado in lagu
    keydsado koobi ka mid ah program-yada iyo akhbaarta
    muhiimka ah, iyadoo arrintaas loo adeegsanayo qalabka loo
    yaqaan "CD Burner".




Dhismaha CD-ROM Drive-ka



CD-ROM-ku wuxuu xagga dhismaha asaasiga ah ka
shaabahaa
Hard
Disk-ga
iyo [You must be registered and logged in to see this link.] wuxuuse uga duwan yahay habka saxanka akhbaarta loogu
qoro iyo habka looga soo akhriyo. Qaybaha uu CD-ROM Drive-ku
dhismo ahaan ka kooban yahay waxaa ka mid ah:



  1. Head Assembly
  2. Head Actuator Mechanism
  3. Spindle Motor
  4. Connectors



Qaybahaas ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadan
doonnaa.



  1. Head AssemblySida aad
    la socoto CD-ga hal dhinac ayaa akhbaarta looga qoraa,
    sidaa darteed CD-ROM Drive-ku wuxuu leeyahay hal Head oo
    wax ka soo akhriya dhinaca ay CD-ga akhbaartu uga qoran
    tahay. Head-ka CD-ROM Drive-ku wuxuu ka kooban yahay
    qaybo la isku dhisay (Assembly) wuxuuna u shaqeeyaa si ka
    duwan sida ay u shaqeeyaan kuwa Hard Disk-ga iyo FDD-ka.
    Taasna waxaa u sabab ah farsamada uu CD-ROM Drive-ku
    adeegsado si CD-ga akhbaar loogu qoro ama looga soo
    akhriyo oo ka duwan tan Hard Diska-ga iyo FDD-ka. Si
    akhbaar loogu qoro CD-ga waxaa la adeegsadaa ilays
    xooggan (laser) oo lagu gubo hadba meesha la rabo in wax
    lagu qoro.
    Si CD-ga akhbaar looga soo akhriyo waxaa oogada CD-ga
    lagu shidaa iftiin lagu toosiyo hadba meesha la rabo in
    akhbaarta laga soo akhriyo. Marka uu iftiinkaasi ku dhaco
    oogada CD-ga, wuxuu CD-gu dib u soo celiyaa qayb ka mid
    ah iftiinkaas. Xaddiga iftiinka ee uu CD-gu soo celiyaa
    waxay ku xiran tahay hadba meesha uu iftiinku ku dhaco.
    Iftiinka uu CD-gu soo celiyo ayaa waxaa loo rogaa awood
    koronto, taasoo loo sii turjumo akhbaartii loo baahnaa.
    Head-ka CD-ROM-ku ma taabto oogada CD-ga ee kor ayuu uga
    kacsan yahay, maadaama uu CD-ROM Drive-ku adeegsado
    iftiin marka uu CD-ga wax ka soo akhrinayo. CD-ga oo
    wareeganaya ayuu Head-ku dul socdaa oo uu ilayska ku
    shidaa isagoo u soconaya horay iyo gadaal. Wareegga CD-ga
    iyo socodka Head-ka ayaa waxay keenayaan in ilaysku uu ku
    dhaco hadba meel cusub oo ka mid ah oogada CD-ga.

  2. Head ActuatorHead Actuator-ku waa qaybta dhaqaajisa Head-ka
    oo geysa hadba meesha la rabo in wax lagu qoro ama wax
    laga soo akhriyo. Head Actuator-ka CD-ROM Drive-ku wuu
    gaabiyaa marka la garab dhigo Head Actuator-ka Hard
    Disk-ga, arrintaas waxaan uga hadli doonaa casharrada
    dambe ee aan uga hadli doono xawaaraha CD-ROM Drive-ka.

  3. Spindle Motor
    Spindle Motor-ku waa qaybta
    wareejisa saxanka CD-ga ee markaa ku jira CD-ROM
    Drive-ka. Akhbaarta CD-ga ku keydsani waxay ku qoran
    tahay wareegyo aanay ishu arki karin oo loo yaqaan
    Tracks, sida kaaga muuqata sawirka tusaalaha ah ee hoose:

    [You must be registered and logged in to see this image.]
    Sida sawirka kaaga muuqata Track-yadu waxay u kala weyn
    yihiin sida ay u kala korreeyaan. Sidaa darteed akhbaarta
    ku qorani waxay u kala badan tahay sida ay u kala weyn
    yihiin. Haddaba si Head-ku uu akhbaar uga soo akhriyo
    Track-ga ugu weyn, wuxuu u baahan yahay wakhti ka badan
    inta ay ku qaadato Tracka-ga ugu yar. Taasi waxay keentay
    in xawaaraha Spindle-ku uu isla beddelo cabbirka Track-ga
    markaas wax laga soo akhrinayo. Mar kasta oo cabbirka
    Track-gu uu sii weynaadaba waxaa yaraanaya xawaaraha uu
    Spindle-ku ku wareego, si Head-ka loo siiyo wakhti uu
    akhbaarta ku soo akhriyo. Nidaamka noocaas ah waxaa loo
    yaqaan CLV (Constant Linear Velocity). Ujeeddada
    ugu muhiimsan ee nidaamka CLV-gu waa in xaddiga akhbaarta
    uu Head-ku soo akhriyo halkii ilbiriqsi (second) ay isku
    mid noqoto. Nidaamka CLV-ga waxaa isticmaala laga soo
    billaabo CD-ROM-yadii ugu horreeyay ilaa kuwa uu
    xawaarahoodu yahay 12X (xawaaraha CD-ROM-ka waan ka hadli
    doonnaa).

    Marka la eego Hard Disk-ga iyo FDD-ka, Spindle-koodu
    wuxuu had iyo jeer ku wareegaa xawaare isku mid ah oo aan
    isbeddelin, cabbirka Track-guna wax saamayn ah kuma laha
    xawaaraha Spindle-kooda. Nidaamka noocaas ah ee uu ku
    shaqeeyo Spindle-ka Hard Disk-ga iyo FDD-ka waxaa loo
    yaqaan CAV (Constant Angular Velocity). Nidaamka
    CAV-gu wuxuu isaguna xoogga saaraa in xawaaraha
    Spindle-ku uu had iyo jeer isku mid ahaado, tasoo
    keenaysa in akhbaarta uu Head-ku halkii ilbiriqsi
    ku soo akhriyaa ay sii yaraato mar kasta oo cabbirka
    Track-gu uu sii weynaadaba.

    Markii xawaaraha CD-ROM-ku uu aad kor ugu kacay ayaa
    waxaa farsamo ahaan adkaatay in xawaaraha Spindle-ku uu
    isla bedbeddelo cabbirka Track-ga, waayo taasi waxay wax
    weyn u dhintay xawaaraha guud ee CD-ROM-ka. Sidaa darteed
    CD-ROM-yada uu xawaarhoodu yahay 16X iyo wixii ka
    dambeeyay waxay qaateen nidaamka CAV (Constant Angular
    Velocity) oo ah midka ay Hard Disk-ga iyo FDD-ku
    isticmaalaan ee aan kor uga soo hadalnay. Nidaamka CAV-gu
    wuxuu keenayaa in CD-gu uu had iyo jeer ku wareego
    xawaare isku mid ah, laakiin akhbaarta uu Head-ku soo
    akhriyo halkii ilbiriqsi (second) ayaa is bedbeddesha.
    Waxaa kale oo jira qaar ka mid ah CD-ROM-yada oo
    isticmaala labda nidaam ee CLV iyo CAV oo la isku daray
    la iskuna celceliyey.

  4. Connectors

    CD-ROM Drive-ku wuxuu xagga
    fiilooyinka kala mid yahay Hard Disk-ga oo waxay run
    ahaantii isticmaalaan fiilooyin isku mid ah. CD-ROM Drive-ka
    waxaa sida Hard Disk-ga ku xirma oo kumbiyuutarka ku
    xiriiriya laba fiilo oo kala ah:


    • Power Connector oo
      ah fiilada uu CD-ROM Drive-ku korontada ka qaato.


      [You must be registered and logged in to see this image.]

      Fiiladaasi waxay sida sawirka kaaga muuqata la
      mid tahay fiilada uu Hard Disk-gu korontada ka
      qaato waxaana isticmaala CD-ROM-yada ku dhex
      dhisan santuukha kumbiyuutarka (Internal CD-ROM).

    • Data interface Cable

      Fiilada labaad ee CD-ROM
      Drive-ka ku xiranta waa fiilada akhbaarta u kala
      gudbisa CD-ROM Drive-ka iyo kumbiyuutarka intiisa
      kale. Fiiladaasi waxay la mid tahay fiilada Hard
      Disk-ga akhbaarta u gudbisa ee aan ku soo aragnay
      Casharka
      15-aad
      .


</li>



Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa.
Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa
xawaaraha CD-ROM-ka.







Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]


Back to top Go down
 
Casharka 19-aad: CD-ROM Drive-ka
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Casharka 22-aad: DVD Drive-ka
» Casharka 20-aad: Xawaaraha CD-ROM Drive-ka
» Casharka 18-aad: Floppy Disk Drive-ka
» Casharka 9-aad: Processor-ka
» Casharka 13-aad: Memory-da

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
Jump to: