Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeFAQSearchRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

Share | 
 

 Casharka 18-aad: Floppy Disk Drive-ka

View previous topic View next topic Go down 
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

PostSubject: Casharka 18-aad: Floppy Disk Drive-ka   Thu Feb 10, 2011 3:59 am

Floppy Disk Drive (FDD)



[You must be registered and logged in to see this image.]___________[You must be registered and logged in to see this image.]
Floppy Disk Drive uu cabbirkiisu yahay 3.5" oo la
sawiray isagoo marna kumbiyuutarka ku rakiban (bidix) marna
keligii gaar loo soo furay(midig)




Sida aan ku soo aragnay casharka 3-aad, Floppy Disk Drive-ku waa halka kumbiyuutarka laga
geliyo cajaladda yar ee kumbiyuutarka lagu isticmaalo loona
yaqaan "Floppy Disk" ama Diskette, waxaana astaan u ah
xarafka A:. Floppy Disk Drive-ka oo loo soo
gaabiyo FDD wuxuu ku dhex dhisan yahay
santuukha kumbiyuutarka wuxuuna ka mid yahay qaybaha asaasiga ah
ee kumbiyuutarka ilaa waagii la soo saaray la socday, marka laga
reebo in yar oo ka mid ah kumbiyuutarrada yar yar ee gacanta lagu
qaato (Portable Computers) oo la iibiyo iyaga oo aan FDD lahayn.




Baaxadda iyo cabbirka Floppy Disk-ga



Sida Hard Disk-ga ayaa baaxadda
Floppy Disk-ga waxaa lagu cabbiraa Byte, KB (kilobyte) iyo MB
(megabyte). Haddaad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah oo ku
saabsan cabirradaas iyo waxa ay kala yihiin fadlan fiiri
Casharka 14-aad gaar ahaan qaybta "Baaxadda Hard Disk-ga".
Diskette-yadii ugu horreeyey aad ayay u waa weynaayeen
cabbirkooduna wuxuu ahaa 8 inch (8") oo u dhaganta 20.32 cm,
baaxaddooduna waxay ahayd 360 KB. Muddo ka dib waxaa soo baxay
diskette-yo uu cabbirkoodu ahaa 5.25 inch (5.25") oo u
dhiganta 13.34 cm. Diskette-yadaas mudo dheer ayaa la
isticmaalayay waxayna lahaayeen baaxadaha kala ah: 160 KB, 320 KB
iyo 1.2 MB. Muddo aan sidaa u sii fogayn ayay shirkadaha
kumbiyuutarrada sameeyaa joojiyeen samaynta FDD-yada iyo
diskette-ya uu cabirkoodu yahay 5,25, sidaa darteed waxaa laga
yaabaa in aad aragto kumbiyuutarro duq ah wata FDD noocaan ah.




[You must be registered and logged in to see this image.]
Diskette uu cabbirkiisu yahay 3.5"

1987-kii ayaa waxaa soo baxay nooc uu cabirkiisu yahay 3.5 inch
(3.5") oo u dhaganta 8.89 cm. Noocaan oo ah nooca ilaa iyo
maanta la isticmaalo wuxuu u kala baxaa saddex nooc oo xagga
baaxadda ku kala duwan. Saddexdaas noo waxay kala yihiin: 720 MB,
1.44 MB iyo 2.88 MB.
Labada nooc ee ay baaxaddoodu kala tahay 720 MB iyo 2.88 MB inta
badan lama helo oo suuqa way ku yar yihiin, waxaase aad loo
isticmaalaa oo kumbiyuutar kasta la socda nooca ay baaxaddiisu
tahay 1.44 MB.




Labada nooc ee uu cabbirkoodu kala yahay
5.25" iyo 3.5" way isa soo gaareen, intii muddo ahna
waxaa la soo saari jiray kumbiyuutarro wata labo FDD oo uu
cabirkoodu kala ahaa 3.5" iyo 5.25". Haddaad u fiirsato
xarfaha astaan ahaan u taagan Hard Disk-ga, Diskette-ka,
CD-ROM-ka iwm, waxaad arkaysaa inay kala yihiin A:,
C:, D:, E:
iwm. Haddaad arrintaas mar labaad u sii fiirsato waxaad arkaysaa
in laga booday xarafka B: oo waxaa laga yaabaa
in aadan marna arkin qayb ay astaan u tahay B:.
Xarafkaas waxaa loo daayay oo loo isticmaali jiray FDD-ka labaad.
Laakiin markii FDD-ka uu cabirkiisu ahaa 5.25" uu suuqa ka
baxay ayuu xarafka B: banaanaaday ilaa iyo
maantana waxba looma isticmaalo, maadaama kumbiyuutarrada maanta
la isticmaalaa ay inta badan wataan hal FDD oo uu cabirkiisu
yahay 3.5". Laakiin qofkii doonaya inuu kumbiyuutarkiisa ku
isticmaalo labo FDD oo uu cabbirkoodu kala duwan yahay ama isku
mid yahay wuxuu xarafka B: u isticmaali karaa
mid ka mid ah labadaas FDD. Markaa labada FDD midka noqonaya A:
iyo midka noqonaya B: waxay ku xiran tahay hadba
afka ay kaga xirmaan fiilada xiriirisa FDD-ka iyo kumbiyuutarka
intiisa kale. Fiiladaasi waxay sida caadiga ah leedahay laba af
oo u kala taagan A: iyo B:.
Casharkeenna inta ka hartay waxaan uga hadli doonnaa nooca
3.5"-ga ah.




Muhiimadda Floppy Disk Drive-ka



Kumbiyuutarradii ugu horreeyey ee uu noocoodu
ahaa PC-gu ma aysan lahayn
Hard Disk waxayse lahaayeen
FDD, dhammaan akhbaarta uu kumbiyuutarku u baahdo inuu kaydiyana
wuxuu ku kaydin jiray Floppy Disk (Diskette). Xilligaas wuxuu
FDD-ku ahaa qayb aad u muhiim ah oo la'aanteed uusan
kumbiyuutarku qiimo badan lahaan jirin ama uu isticmaalkiisu aad
u adkaa. Dawrka FDD-ku wuxuu hoos u dhacay markii uu
Hard Disk-gu soo baxay ee uu la wareegay kaalinta 1-aad ee hawsha
kaydinta akhbaarta iyo program-yada kumbiyuutarka ku jira. Markaa
Taasi waxay keentay in FDD-ku uu soo galo kaalinta 2-aad
hawshiisu ay isgu soo ururto qodobada kala ah: akhbaar u kala
gudbinta kumbiyuutarrada (File Copy) iyo program-yada cusub ee
kumbiyuutarka la geliyo (software installation). Markii uu
CD-ROM-ku soo baxay islamarkaana baaxadda program-yada
kumbiyuutarka la geliyaa ay sare u kacday ayaa waxaa dhacday in
FDD-ka xataa kaalintii 2-aad lagu qabsado oo CD-ROM-ka ayaa la
wareegay in badan oo ka mid ah hawsha program gelinta
kumbiyuutarka (Software Installation). Maanta dawrka FDD-ka iyo
diskette-yadaba aad ayuu hoos ugu dhacay, waxaase weli loo
isticmaalaa hawlaha ay ka mid yihiin:



  1. Akhbaar u kala gudbinta
    kumbiyuutarrada (
    File Copy)
    Habka ugu fudud ee akhbaar aan baaxaddeedu weynayn loogu
    kala gudbiyo laba kumbiyuutar waa iyadoo diskette la
    adeegsado. Taas waxaa aad u sii caawinaya iyadoo dhammaan
    kumbiyuutarrada PC-ga ah ee maanta la adeegsadaa ay
    leeyihiin FDD isku dhismo ah isku sina u shaqeeya. Taasi
    waxay keenaysaa in wixii akhbaar ah ee aad diskette ku
    koobiyayso aad ku kalsoonaan karto in kumbiyuutar kastaa
    uu akhbaartaas diskette-ka kala soo bixi karo. Waxaa
    xataa jirta in in badan oo ka mid ah kumbiyuutarrada uu
    noocoodu yahay Macintosh-ka iyo xataa kuwa UNIX-kuba ay
    diskette ka soo akhrin karaan akhbaar uu kumbiyuutar PC
    ahi ku kaydiyay, taasoo diskette-yada ka dhigaysa hab
    fudud oo akhaarta loogu kala gudbin karo kumbiyuutarro
    sidaa u kala duwan.

  2. Kaydinta iyo xafidaadda akhbaaraha
    yar yar ee muhiimka ah
    (Backup)
    Qoraallada muhiimka ah iyo akhbaaraha kale ee
    aan baaxaddoodu weynayn waxaa inta badan lagu kaydsadaa
    diskette, si haddii kumbyuutarka ay wax ku dhacaan oo
    akhbaartaasi ay si uun u lunto loogu baxsado koobiga
    diskette-ka ku jira. Waxaase dhici karta in diskette-ka
    laftiisu uu kharribmo ama uu xataa lumo, sidaa darteed
    waa muhiim in si gaar ah loo xannaaneeyo diskette-yada
    lagu kaydiyo akhbaaraha muhiimka ah.

  3. Kumbiyuutar gelinta program-yada
    ka shaqaysiiya qaar ka mid ah qalabka kumbiyuutarka lagu
    xiriiryo (
    Driver installation)
    Qaar ka mid ah qalabka kumbiyuutarka lagu
    xiriiriyo ayaa weli waxay adeegsadaan diskette-yo si ay
    kumbiyuutarka u geliyaan program-yada la socda ee
    qalabkaas ka shaqaysiiya. Qalabkaas waxaa ka mid ah
    Modem-yada, qaar ka mid ah Monitor-rada, qaar ka mid ah
    daabaceyaasha (Printers) iwm. Waxaase qalabka
    kumbiyutarka lagu xiriiriyo intooda badan la socda CD-ROM
    hawshaas loo adeegsado.




Dhismaha Floppy Disk Drive-ka



FDD-ku wuxuu xagga dhismaha shabbahaa Hard Disk-ga inkastoo halka uu Hard Disk-gu ka isticmaalo Platers isaga ku dhex dhisan, FDD-ku uu isticmaalo Diskette
dibedda ka ah oo markii loo baahdo la geliyo, diskette-kaas oo uu
ku dhex jiro saxan jilicsan oo u dhigma Platers-ka Hard Disk-ga
(fiiri sawirka hoose).




[You must be registered and logged in to see this image.][You must be registered and logged in to see this image.]
Floppy Disk la kala furay oo qolofkiisii (bidix) iyo
saxankiisii (midig) la is garab dhigay




Xagga dhismaha FDD-ku wuxuu ka kooban yahay
qaybaha ay ka mid yihiin:



  1. Heads (Read/Write)
  2. Head Actuator
  3. Spindle Motor
  4. Connectors



Qaybahaas ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadan
doonnaa.



  1. Heads (Read/Write)Heads-ka
    FDD-ku waxay sida kuwa Hard Disk-ga hawshoodu tahay inay
    waxna ku qoraan waxna ka soo akhriyaan Diskette-ka markaa
    ku jira FDD-ka. Heads-ka FDD-ku waxay si toos u taabtaan
    oo ay ku dhagaan saxanka diskette-ka ay wax ku qorayaan
    ama ay wax ka soo akhrinayaan, halka Heads-ka Hard
    Disk-gu ay kor uga yara kacsan yihiin oo aysan taaban
    Platters-ka. Taasna waxaa u sabab ah saxanka diskette-ka
    oo aad uga jilicsan Platters-ka Hard Disk-ga iyo
    xawaaraha FDD-ku uu ku wareego oo aad uga hooseeya kan
    Hard Disk-ga, taasoo keenaysa in Heads-ka FDD-ku aysan
    xoqin oo aysan dhibaato u geysan saxanka Diskette-ka. Si
    kastaba ha ahaatee waxaa dhacda in istaabashada Heads-ka
    iyo saxanka diskette-ku ay muddo ka dib keento in qashin
    ku samaysmo afka Heads-ka taasina ay keento in Heads-ku
    aysan u shaqayn sidii loogu tala galay, waxayna markaa u
    baahanayaan in la nadiifiyo.
    Saxanka diskette-yada maanta la isticmaalaa wuxuu sida
    Platters-ka Hard Disk-ga leeyahay laba dhanac oo wax
    looga qoro, sidaa darteed wuxuu FDD-ku leeyahay laba Head
    oo uu midba dhanac uga dhago saxanka diskette-ka (Fiiri
    sawirka Heads-ka ee
    Casharka 15-aad)

  2. Head ActuatorHead Actuator-ku waa qaybta dhaqaajisa Heads-ka
    oo geysa hadba
    Track-ga la rabo in
    wax lagu qoro ama wax laga soo akhriyo. Head Actuator-ka
    FDD-ku aad ayuu u gaabiyaa marka la garab dhigo Head
    Actuator-ka Hard Disk-ga, taasina waxay ka mid tahay
    arrimaha keena in FDD-ku uu guud ahaan aad uga gaabiyo
    Hard Disk-ga.

  3. Spindle Motor

    Spindle Motor-ku waa qaybta
    wareejisa saxanka Diskette-ka markaa ku jira FDD-ka.
    Marka diskette la geliyo FDD-ka waxaa saxanka diskette-ka
    xagga hoose ka qabta ilko ku rakiban Spindle Motor-ka, ka
    dibna Spindle Motor-ka ayaa wareegta isagoo saxanka
    diskette-kuna uu markaa la wareeganayo. Xawaaraha uu
    Spindle Motor-ka FDD-ku uu ku wareegaa waa 300 RPM
    (Revolutions Per Minute)
    oo u taagan daqiiqaddiiba 300 oo wareeg. Taasi aad ayay
    uga gaabisaa xawaaraha uu ku wareego Spindle-ka Hard
    Disk-ga oo u dhexeeyo
    4200 RPM ilaa 15000 RPM. Sidaa darteed xawaaraha
    Spindle Motor-ka FDD-ku wuu isguna ka mid yahay arrimaha
    keena in xawaaraha FDD-ku uu aad u gaabiyo. Si kastaba ha
    ahaatee xawaaraha gaabiya ee Spindle Motor-ka ayaa suurto
    geliya in Heads-ku ay taabtaan ama ku dhagaan saxanka
    Diskette-ka ay wax ka akhrinayaan iyagoo aan xoqin oo aan
    dhaawac u geysan.


  4. Connectors

    FDD-ka waxaa ku xirma oo
    kumbiyuutarka ku xiriiriya laba fiilo oo kala ah:


    • Power Connector oo
      ah fiilada uu FDD-ku korontada ka qaato.

      [You must be registered and logged in to see this image.]
      _____[You must be registered and logged in to see this image.]

      Fiilada uu FDD-ku korontada ka qaataa waxay u
      kala baxdaa laba nooc oo ku kala duwan afka ay
      FDD-ka ka galaan (Fiiri sawirka kore). Nooca hore
      ee ka muuqda sawirka bidixe wuxuu la mid yahay
      fiilada uu Hard Disk-gu korontada ka qaato
      waxaana isticmaala FDD-yada duqa ah. Nooca labaad
      oo isna ka muuqda sawirka midige, cabbir ahaan
      wuu ka yar yahay nooca kale, FDD-yada maanta la
      isticmaalo intooda badanna noocaan ayay
      isticmaalaan.


    • Data interface Cable

      Fiilada labaad ee FDD-ka
      ku xiranta waa fiilada akhbaarta u kala gudbisa
      FDD-ka iyo kumbiyuutarka intiisa kale. Fiiladaasi
      waxay u eg tahay fiilada Hard Disk-ga akhbaarta u
      gudbisa ee aan ku soo aragnay
      Casharka
      15-aad
      wayse ka yara
      dhuuban tahay.


</li>



Floppy Disk Drive-ku guud ahaan aad ayuu u
gaabiyaa, baaxadda diskette-yaduna aad ayay u yar tahay oo wax
badan ma qaadaan. Intaa waxaa sii dheer Diskette-yada oo aan
adkaysi badan lahayn si fududna ku kharribma. Boorka, qashinka,
taabasha faraha iwm ayaa diskette-yada kharriba, taasoo keeni
karta in akhbaarta aad Diskette ku kaydsato aad ka soo akhrisan
weydo markaad u baahato oo lagu yiraahdo diskette-ka wax lagama
akhrin karo. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in Diskette-yada ay
kuugu kaydsan tahay akhbaarta muhiimka ah aad si gaar ah u
xannaanayso oo aad ka ilaaliso wixii keeni kara inay kharribmaan.
Haddii uu Diskette kaa kharribmo waxaad Diskette-ka marisaa
program-ka ScanDisk ee la socda Windows oo aad
ka helayso Start => Programs => Accessories =>
System Tools
. ScanDisk waxaa loogu tala galay inuu
badbaadiyo wixii akhbaar ah ee ku jira Disk-yada dhaawacma,
inkastoo ay dhacdo in mararka qaarkood uu hawshaas ku guul
darraysto.




Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa.
Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa
CD-ROM-ka.







Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]
Back to top Go down
 
Casharka 18-aad: Floppy Disk Drive-ka
View previous topic View next topic Back to top 
Page 1 of 1

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
Jump to: