Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Casharka 14-aad: Hard Disk-ga

Go down 
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka
Kuliyada Shabakada Maadow


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

Casharka 14-aad: Hard Disk-ga Empty
PostSubject: Casharka 14-aad: Hard Disk-ga   Casharka 14-aad: Hard Disk-ga EmptyThu Feb 10, 2011 3:38 am

Hard Disk Drive (HDD)

[You must be registered and logged in to see this image.]
Hard Disk dusha laga sawiray isagoo marna qolofkii kore wata
(bidix) marna laga furay (Midig) oo ay calooshiisii muuqato


Sida aan ku soo aragnay [You must be registered and logged in to see this link.] Hard Disk-gu waa halka sida joogtada ah loogu kaydiyo
dhammaan program-yada iyo akhbaarta kale ee kumbiyuutarka ku
jirta. Hard Disk-gu waa qaybta ugu muhiimsan qaybaha uu
kumbiyuutarku u isticmaalo kaydinta akhbaarta. Wixii akhbaar ama
program-yo ah ee Hard Disk-ga lagu kaydiyaa waxay halkaa ku
jirayaan ilaa inta aad adigu ka tirtirto. Taasi waa haddii uu
Hard Disk-gu bed qabo oo aysan ku iman cillad farsamo oo keenta
inuu kharribmo halkaana ay ku lumaan dhammaan wixii ku jiray.
Hard Disk-gu wuxuu ka mid yahay qaybaha muhiimka ah ee ku dhex
jira
[You must be registered and logged in to see this link.] kumbiyuutarka. Halkii kumbiyuutar wuxuu yeelan karaa
hal ama in ka badan oo Hard Disk-yo ah, iyadoo taasi ay mar kasta
ku xiran tahay baahida qofka kumbiyuutarka iska leh.


Baaxadda Hard Disk-ga

Maadaama ay dhammaan program-yada iyo akhbaarta
kale ee kumbiyuutarka ku jira lagu kaydiyo Hard Disk-ga, waxaad
garan kartaa in baaxadda Hard Disk-gu ay aad muhiim u tahay.
Waayo xaddiga akhbaarta iyo program-yada kumbiyuutarka la gelin
karaa waxay ku xiran tahay baaxadda Hard Disk-ga. Mar kasta oo ay
baaxadda Hard Disk-gu sii weynaataba waxaa badanaya tirada
program-yada kumbiyuutarka la gelin karo.


Baaxadda Hard Disk-ga waxaa, sida Memory-da oo
kale, lagu cabbiraa waxa loo yaqaan "Byte" oo u dhigma
hal xaraf. 1024-kii byte waxay noqdaan hal kilobyte (KB). Kunkii
KB-na waxay noqdaan hal megabyte (MB). Kunkii MB-na waxay noqdaan
hal gegabyte (GB). Hard Disk-gii ugu horreeyay ee loogu tala
galay kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay PC-ga, baaxaddiisu waxay
ahayd 10 MB. Hard Disk-yada maanta la isticmaalo baaxaddoodu
waxay gaaraysaa ilaa 60 GB iyo ka sii badan. Kumbiyuutarrada ay
dadka caadiga ah isticmaalaan waxaa caadi ah inay wataan Hard
Disk-yo ay baaxaddoodu u dhaxayso 6 - 20 GB.


Muhimmadda Hard Disk-ga

Hard Disk-gu wuxuu ka mid yahay qaybaha ugu
muhiimsan kumbiyuutarka. Taas waxaan filayaa inaad si dhib yar u
fahmi karto maadaama aad fahamsan tahay in dhammaan program-yada
iyo akhbaarta kale ee kumbiyuutarka ku jirtaa ay ku Hard Disk-ga
ku kaydsan yihiin oo haddii uu kharribmo ay lumayaan. Waxaase
intaas sii dheer oo laga yaabaa in aysan si fudud kuugu muuqan in
Hard Disk-gu uu muhiim u yahay guud ahaanba tayada wax qabadka ee
kumbiyuutarka. Xawaaraha uu kumbiyuutarku ku kaco marka la shido
waxay si toos ah ugu xiran tahay xawaaraha Hard Disk-ga. Sidoo
kale xawaaraha uu program kasta oo aad shiddaa ku kaco wuxuu
isaguna si toos ah ugu xiran yahay xawaaraha Hard Disk-ga.
Program-yada adeegsada nooc Database ah waxay had iyo jeer wax ku
qora waxna ka soo akhriyaan Hard Disk-ga, taasoo keenaysa in
xawaaraha hawl qabadkoodu uu iyaguna si toos ah ugu xiran yahay
xawaaraha Hard Disk-ga.
Haddaba si aan u fahamno tayada iyo xawaaraha Hard Disk-ga waxaa
lagama maarmaan ah inaan fahamno dhismaha Hard Disk-ga iyo sida
uu akhbaarta u kaydiyo. Sidaa darteed inta aynaan ka hadlin
xawaaraha Hard Disk-ga waxaan ku hor maraynaa dhismihiisa iyo
sida uu u shaqeeyo.


Dhismaha Hard Disk-ga

[You must be registered and logged in to see this image.]

Sida kaaga muuqata sawirka kore, Hard Disk-gu
wuxuu ka kooban yahay dhowr qaybood iyadoo qayb kastaa ay qabato
hawl gaar ah. Halkaan waxaan ku soo qaadanaynaa qaybaha ugu
muhiimsan oo ay ka mid yihiin (fiiri sawirka qaybaha ay
nambarradu ku hor qoran yihiin
):



  1. Platers
  2. Heads
  3. Spindle
  4. Actuator
  5. Interface connector
  6. Power connector


Lixdaas qaybood ayaan halkaan mid mid ugu soo
qaadaynaa



  1. Platters


<blockquote>
[You must be registered and logged in to see this image.]
Sawir ah hal Platter oo kaligeed gaar loo soo furay

Hard Disk-gu wuxuu akhbaarta ku kaydiyaa
saxammo wareegsan oo xagga muuqaalka u eg saxammada CDROM-ka.
Saxammadaas ayaa la yiraahdaa Platters waxayna ka samaysan
yihiin shay sida birta u adag oo aan la qalloocin karin.
Halkaas ayuuna ka yimid magaca Hard Disk oo loo turjumi karo
"saxan adag". Platters-ku waa qeybta ugu muhiimsan
qaybaha Hard Disk-ga waayo waa halka ay wax kastaa ku kaydsan
yihiin, hawshaas oo ah hawsha ugu muhiimsan ee uu Hard
Disk-gu qabto. Platters-ku waxay leeyihiin laba dhinac oo
labadaba akhbaar lagu qoro, halka saxammada CDROM-ka dhinac
kaliya wax looga qoro. Hard Disk kastaa wuxuu yeelan karaa
hal Platter iyo wixii ka badan, waxayse kuwa maanta la
isticmaalaa inta badan leeyihiin 1 - 5 Platters.

Si akhbaarta Platters-ka ku qoran loo
nidaamiyo loona fududeeyo wax ku qoridda iyo wax ka soo
akhrinta Platters-ka ayaa waxaa Platter-ka loo sii kala
qaybiyaa qaybo yar yar oo la kala yiraahdo Tracks iyo
Sectors.

[You must be registered and logged in to see this image.]
Sawir tusaale ah oo muujinaya sida
Platter-ka Hard Disk-ga loo kala qaybiyo


Sida sawirka kaaga muuqata Platter-ku wuxuu
leeyahay wareegyo isku dhex jira ama kala korreeya. Halkii
wareeg ayaa lagu magacaabaa Track. Halkii Track waxaa loo sii
kala qaybiyaa qaybo yar yar oo la yiraahdo Sectors. Waxaa
sawirka kaaga muuqda hal Sector oo lagu calaamadeeyay midab
buluug ah. Platter-ka sawirka kaaga muuqda oo ah mid aan dhab
ahayn laakiin tusaale ahaan loo sameeyay wuxuu leeyahay 20
Track oo halkii Track-ba uu leeyahay 16 Sectors. Hard
Disk-yada casriga ee maanta la isticmaalaa waxay leeyihiin
kumanaan Tracks.
Halkii Sector wuxuu qaadaa 512 byte (xaraf) waana inta ugu
yar ee ay akhbaar kasta Hard Disk-ga ka qaadan karto. Tusaale
ahaan haddaad qorto warqad ka kooban 100 xaraf oo aad kaydiso
waxay Hard Disk-ga ka qaadanaysaa hal Sector oo ah 512 xaraf.
Haddiise ay warqaddaadu gaarto kun xaraf waxay qaadanaysaa
laba Sector oo ah 512 + 512 = 1024.

Sawirkaasi wuxuu muujinayaa hal dhinac oo
ka mid ah labada dhinac ee Platter-ka. Dhinaca kelana wuxuu
leeyahay Tracks iyo Sectors tiro ahaan iyo cabbir ahaanba la
mid ah kuwa halkaan kaaga muuqda. Track kastaa wuxuu leeyahay
nambar u gaar ah oo lagaga garto Track-yada ay isku dhinaca
ku yaallaan. Nabarrada Tracks-ka waxaa laga billaabaa eber
(0) iyadoo kan ugu hooseeya ama ugu xiga xagga bartamaha
Platter-ku uu leeyahay nambar eber, kan ka korreeyana uu
qaadanayo hal (1), kan kaas ka sii korreeyana uu qaadanayo
labo (2) ilaa laga gaaro kan ugu korreeya oo ugu xiga xagga
darafka Platter-ka oo qaadanaya nambarka ugu dambeeya. Labda
dhinac ee Platter-ku waxay kala leeyihiin laba nambar oo kala
ah eber (0) iyo hal (1). Platter kasta oo ka mid ah
Platter-rada uu Hard Disk-gu ka kooban yahay wuxuu leeyahay
nambar u gaar ah. Haddaba marka la rabo in Hard Disk-ga laga
soo akhriyo akhbaar ku qoran Sector gaar ah waxaa akhbaartaas
lagu raadiyaa iyadoo la sheegayo nambarka Platter-ka ,
nambarka dhinaca ay kaga qoran tahay, nambarka Track-ga iyo
nambarka Sector-ka ay akhbaartaasi ku qoran tahay. Tusaale
ahaan Platter 1, Side 1, Track 9 iyo Sector 16.

Waxa kale oo jira waxa loo yaqaano Cylinder
oo micno ahaan la mid ah Track lakiin la isticmaalo marka la
sheegayo adreeska akhbaarta la raadinayo. Haddaba si aan u
fahamno Cylinder iyo waxa uu yahay waxaan adeegsanaynaa
sawirka hoose:

[You must be registered and logged in to see this image.]
Platters-ka uu Hard Disk ka kooban yahay
waa isku cabbir waxayna leeyihiin tiro Tracks ah oo is le'eg
isla markaana way isku dul aaddan yihiin. Tusaale ahaan
haddii uu Hard Disk-gu leeyahay 4 Platters wuxuu yeelanayaa 8
dhinac oo dhinac kastaa uu leeyahay tiro Tracks ah oo ka
billawda eber. Haddaba Track-yada uu nambarkoodu yahay eber
ee ku yaalla dhinac kasta oo ka mid ah siddeedaas dhinac way
isku dul addan yihiin waxayna isku noqonayaan hal Cylinder oo
uu nambarkiisu yahay eber. Taasna wuxuu sawirku kuugu
muujinayaa xarriiqa taagan oo buluugga ah.

</blockquote>

Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa.
Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo halkaas ka sii wadi
doonnaa qaybaha kale ee Hard Disk-ga.





Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]

Back to top Go down
 
Casharka 14-aad: Hard Disk-ga
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Casharka 15-aad: Dhismaha Hard Disk-ga
» Casharka 16-aad: Xawaaraha Hard Disk-ga
» Casharka 17-aad: Noocyada Hard Disk-ga
» Casharka 18-aad: Floppy Disk Drive-ka
» Casharka 19-aad: CD-ROM Drive-ka

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
Jump to: