Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeFAQSearchRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

Share | 
 

 Casharka 17-aad: Noocyada Hard Disk-ga

View previous topic View next topic Go down 
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

PostSubject: Casharka 17-aad: Noocyada Hard Disk-ga   Thu Feb 10, 2011 3:53 am

Noocyada Hard Disk-ga



Casharrada 14-aad, 15-aad iyo 16-aad waxaan kaga hadalnay guud ahaan waxa uu Hard Disk-gu
yahay iyo qaybaha uu ka kooban yahay oo aan ka soo qaadannay kuwa
ugu muhiimsan. Casharkaana waxaan ku soo qaadan doonnaa noocyada
Hard Disk-ga.




Habka uu Hard Disk-gu ugu xirmo akhbaartana ugu
gudbiyo kumbiyuutarka intiisa kale waxaa loo yaqaan "Hard
Disk Interface" aad ayuuna muhiim u yahay. Haddaba marka
laga eego xagga Interface-ka Hard Disk-ga waxaa Hard Disk-yada
maanta la isticmaalo loo kala qaadaa laba nooc oo kala ah:



  1. IDE
  2. SCSI



Labadaas nooc ayaan halkaan mid mid ugu soo
qaadan doonaa.







  1. IDEHard Disk-yada isticmaala Interface-ka loo
    yaqaan
    IDE (Integrated
    Drive Electronics) waxaa lagu magacaabaa IDE Hard Drives,
    waana nooca ugu caansan uguna badan ee lagu isticmaalo
    kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay PC-ga. Magacyada kale
    ee Interface-kaan loo yaqaan waxaa ka mid ah
    ATA, ATA/ATAPI,
    EIDE
    , ATA-2, Fast ATA, ATA-3, Ultra
    ATA
    iyo Ultra DMA. Magacyadaasi waxay ka
    turjumayaan marxaladihii uu Interface-ka IDE-gu soo maray
    iyadoo marka uu cillad weyn ka gudbo ama uu tallaabo weyn
    hore u qaadaba magac cusub loo bixinayay.

    Markuu noocaani soo baxay wuxuu kor u
    qaaday xawaaraha, adkaysiga iyo is afgaradka Hard
    Disk-yada. Noocaan waxaa inta badan lagu isticmaalaa
    Kumbiyuutarrada loogu tala galay dadka caadiga ah iyo
    shaqaalaha kumbiyuutarka u isticmaala howl maalmeedkooda.
    Taasna waxaa u sabab ah qiimihiisa oo jaban iyo
    isticmaalkiisa oo fudud. Markii ay shirkadaha
    kumbiyuutarrada sameeyaa arkeen in kumbiyuutarrada ugu
    badan ee la gataa ay yihiin nooca loogu tala galay dadka
    caadiga ah iyo shaqaalaha ayaa waxay go'aansadeen inay
    soo saaraan kumbiyuutarro qiimahoodu jaban yahay oo uu
    Motherboard-kooda ku dhex dhisan yahay Interface-ka IDE-ga (fiiri Casharka
    8-aad
    ) islamarkaana uu la socdo
    ugu yaraan hal Hard Disk oo uu noociisu yahay IDE. Taasi
    waxay keentay in noocaani uu suuqa qabsado.

    Sidaan hore u soo sheegnay Interface-ka
    IDE-gu wuxuu soo maray marxalado badan oo marba marka ka
    dambeeya waa la sii casriyaynayay. Billawgii waxaa
    inteface-ka IDE-ga loogu tala galay Hard Disk-yada oo
    kaliya, tiro ahaanna wuxuu qaadan jiray oo ku xirmi karay
    laba Hard Disk oo kaliya. Waayo wuxuu lahaa hal kanaal
    (waddada uu Hard Disk-gu akhbaarta u mariyo kumbiyuutarka
    intiisa kale) oo ay ku xirmi kareen laba Hard Disk oo keliya.
    Waxaa intaas sii dheeraa iyadoo Hard Disk-ga adeegsanaya
    Interface-ka IDE-ga uu qaadkiisu (size) ku koobnaa ugu
    badnaan 504 MB oo keliya. Waayo Interace-ka IDE-ga iyo
    BIOS-ka midna awood uma lahayn inuu maamulo Hard Disk
    uu qaadkiisu ka weyn yahay 504 MB.

    Billawgii 1990-meeyadii ayaa waxaa la
    garawsaday baahida loo qabo in Interface-ka IDE-ga loo
    isticmaalo qalab kale oo aan Hard Disk ahayn. Taasina
    waxay keentay in wax laga beddelo sidii uu IDE-gu u
    shaqayn jiray si uu u aqbalo qalab aan ahayn Hard
    Disk-gii markii hore loogu tala galay. Interface-ka
    IDE-ga waxaa maanta Hard Disk-yada la wadaaga qalab kale
    oo ay ka mid yihiin CD-ROM (reader), CD-RW (Writer), Zip
    drives, Tape devices iwm, wuxuuna sida caadiga ah
    leeyahay laba kanaal oo ay kiiba ku xirmi karaan laba ka
    mid ah qalabka aan kor ku soo sheegnay. Guud ahaan waxay
    labada kanaal qaadan karaan 4 qalab oo isugu jira Hard
    Disk-yo, CD-ROM, Zip Drive iyo Tape device. Waxaa kale oo
    meesha ka baxay xadkii qaadka Hard Disk-gu uu ku
    xaddidnaa 504 MB oo waxaa maanta IDE adeegsada Hard
    Disk-yo uu qaadkoodu kor u dhaafayo 30 GB.


    • IDE Channels

      Waddooyinka uu Hard Disk-gu akhbaarta u
      mariyo kumbiyuutarka intiisa kale ayaa waxaa loo
      yaqaannaa Channels. Sidaan hore u soo sheegnay
      Interface-ka IDE-gu wuxuu sida caadiga ah leeyahay laba
      kanaal. Labadaas kanaal oo sidaan hore u soo sheegnay ku
      dhex dhisan
      Motherboard-ka waxay
      kala yihiin:

      1. Primary Channel
      2. Secondary Channel

      Mid kasta oo ka mid ah labadaas kanaal
      waxaa gala ama ku xirma fiilo ballaaran oo muuqaalka guud
      uga eg suunka ay askartu dhexda ku xirato (fiiri sawirka
      hoose).

      [You must be registered and logged in to see this image.]
      Fiiladaasi waxay sida saawirka kaaga
      muuqata leedahay saddex af oo midkood ku xirmo
      Motherboard-ka. Labada kale waxaa ku xirmi kara mid ka mid ah
      qalabka isticmaala Interface-ka IDE-ga ee aan kor ku soo
      sheegnay. Qalabka labada af ee dambe ee fiiladaas ku
      xirmayaa waxay tusaale ahaan noqon karaan laba Hard Disk
      ama hal Hard Disk iyo hal CD-ROM iwm. Khasab ma aha in
      labada afba wax lagu xiro oo taasi waxay ku xiran tahay
      hadba tirada qalabka aad haysato. Tusaale ahaan haddaad
      haysato hal Hard Disk oo kaliya islamarkaana aadan haysan
      CD-ROM, markaa wuxuu Hard Disk-gaasi ku xirmayaa mid ka
      mid ah labada af ee Primary Channel-ka. Afka kale ee
      Primary Channel-ka iyo labada af ee Secondary
      Channel-kuba way iska banaanaanayaan oo waxba kuma
      xiraysid, illeen waxaad ku xirtaba ma hayside. Haddaadse
      haysato hal Hard Disk iyo hal CD-ROM markaa Hard Disk-ga
      waxaad ku xiraysa mid ka mid ah labada af ee Primary
      Channel-ka, CD-ROM-kana waxaad ku xiri kartaa afka kale
      ee Primary Channel-ka ama mid ka mid ah labada af ee
      Secondary Channel-ka. Sidaa iyo si la mid ah ayaad u
      isticmaalaysaa labada kanaal iyo afafkoodaba.

      </li>





  • Master / Slave
    Mid kasta oo ka mid ah kanaallada
    IDE-ga waxaa, sidaan hore u soo sheegnay, ku xirmi kara
    hal ilaa laba ka mid ah qalabka adeegsada Interface-ka
    IDE-ga. Haddaba si ay u suurto gasho in hal kanaal ay
    wada adeegsadaan laba shay, waxaa muhiim ah in la helo
    nidaam lagu kala garto ama lagu kala sooco labadaas shay.
    Sidaa darteed ayaa waxa la soo saaray nidaam faraya in
    labada shay midkood laga dhigo Master kan kalena
    laga dhigo Slave. Si mid ka mid ah labada shay
    looga dhigo Master ama Slave waxaa la
    adeegsadaa waxa loo yaqaan Jumper oo ah qolof
    yar oo madaw oo lagu daboolo laba ka mid ah ilko yar yar
    oo bir ah oo ku samaysan qalabka adeegsada Interface-ka
    IDE-ga (fiiri sawirka hoose).

    [You must be registered and logged in to see this image.]
    Sawirkaas waxaa kaaga muuqda laba
    ilkood oo lagu daboolay Jumper islamarkaana ay
    labada dhinac ka kala xigaan min laba ilkood oo aan wax
    dabool ahi saarnayn. Sawirkaas oo muujinaya qaar ka mid
    ah Jumpers-ka
    Motherboad-ka waxaan
    ugu tala galnay oo keliya inaad ku fahamto waxa uu
    Jumper-ku yahay.

    Qalabka adeegsada Interface-ka IDE-ga
    waxaa inta badan la socda akhbaar kuu sheegaysa sida
    qalabkaas looga dhigo Master ama Slave.
    Akhbaartaas waxaad had iyo jeer ka heli kartaa buugga yar
    ee la socda qalabkaas. Waxaa kale oo ay shirkadaha
    qaarkood akhbaartaas ku qoraan qalabka dushiisa ama
    warqad dusha looga sii dhejiyo qalabkaas. Sawirka hoose
    wuxuu muujinayaa Hard Disk lagu dul qoray akhbaarta
    sheegaysa sida Hard Disk-gaas looga dhigo Master
    ama Slave.

    [You must be registered and logged in to see this image.]
    Sawirkaas waxaa kaaga muuqda lix ilkood
    oo laba laba isugu aaddan. Labada ilkood ee xiga dhanka
    bidixe waxaa ku hoos qoran xarfaha "MA" oo u
    taagan Master, taasoo micneheedu yahay in si
    Hard Disk-gaas looga dhigo Master Jumper-ka lagu
    daboolo labada ilkood ee bidixda xiga. Labada ilkood ee
    dhexe waxaa iyagana ku hoos qoran xarfaha "SL"
    oo u taagan Slave, taasoo uu micneheedu yahay in
    si Hard Disk-gaas looga dhigo Slave Jumper-ka
    lagu daboolo labada ilkood ee dhexe. Labada ilkood ee
    midigta xiga waxaa iyagana ku hoos qoran xarfaha
    "CS" oo u taagan Cable Select, taasoo
    uu micneheedu yahay in Hard Disk-gaasi uu adeegsanayo
    fiilo gaar ah oo iyadu awood u leh inay iskeed u kala
    garato Master iyo Slave iyadoo aan si
    cad loogu sheegin.






  • Xawaaraha IDE-ga
    Hard Disk-yada uu noocoodu yahay IDE-gu
    xawaare ahaan way ka gaabiyaan nooca kale ee loo yaqaan
    SCSI oo aan ka hadli doono.
    Seek Time-ka Hard Disk-yada IDE-gu wuxuu u dhexeeyaa 8 ms
    ilaa 10 ms.
    Latency-gooduna wuxuu
    u dhexeeyaa 3 ms ilaa 5.6 ms. Celcelis ahaan xawaarahooda
    rasmiga ahi wuxuu markaa noqonayaa inta u dhexaysa 11 ms
    ilaa 15.6 ms. Xusuusnow in waxa la cabirayo uu yahay
    wakhtiga ay Hard Disk-ga ku qaadato in uu akhbaar ka soo
    akhriyo ama ku qoro
    Platters-ka. Taasi
    waxay keenaysaa in marka uu wakhtigu sii yaraadaba uu
    xawaaraha Hard Disk-gu sii kordho. Sidaa darteed Hard
    Disk-ga uu xawaarihiisu yahay 11 ms wuu ka dheereeyaa kan
    uu xawaarihiisu yahay 15.6 ms.


</li>
  • SCSINooca labaad ee Hard
    Disk-yadu waa kuwa adeegsada Interface-ka loo yaqaan SCSI
    (Small Computers System Interface) oo loogu dhawaaqo
    "iskaasi". Interface-ka SCSI-gu wuu ka heer
    sarreeyaa, xawaare ahaana ka dheereeyaa Interface-ka
    IDE-ga ee aan hore uga soo hadalnay, waxaana jira
    dhinacyo dhawr ah oo SCSI-gu uu kaga fiican yahay IDE-ga.
    Sidaa darteed ayaa SCSI waxaa inta badan loo isticmaalaa
    kumbiyuutarrada loo yaqaan Servers-ka ee loo isticmaalo
    inay xarun u noqdaan islamarkaana ay kala hagaan akhbaar
    ama howlo ay dad badani isla isticmaalaan.
    Kumbiyuutarrada noocaas loo isticmaalo waxaa tusaale
    ahaan ka mid ah Web Hosts (oo ah kuwa xarunta u ah
    Homepage-yada Internet-ka) iyo kuwa loo yaqaan Mail
    Servers (oo ah kuwa xarunta u ah E-mail-ka la isu diro)
    iyo kuwo kale.

    Hard Disk-yada uu noocoodu yahay
    SCSI-gu way ku yar yihiin suuqa kumbiyuutarrada ay dadka
    caadiga ahi isticmaalaan, waayo qiimahooda ayaa ka
    sarreeya kan IDE-ga islamarkaana dhinacyada uu SCSI-gu
    kaga fiican yahay IDE-ga waa kuwo aan faa'iido sidaas ah
    oo la dareemi karo u lahayn dadka caadiga ah. Intaas
    waxaa dheer iyada oo SCSI uu xagga isticmaalka ka adag
    yahay IDE. Taasi waxay keentay in shirkadaha
    kumbiyuutarrada sameeyaa ay inta badan kumbiyuutarradooda
    u doortaan IDE.

    Interface-ka SCSI-gu inta badan kuma
    dhex dhisna
    Motherboard-ka laakiin
    waa kaar ka gaar ah Motherboard-ka oo loo yaqaan SCSI
    Host Adapter oo la geliyo mid ka mid ah
    Buses-ka Motherboard-ka. SCSI wuxuu caan ku yahay tirada
    disk-yada iyo qalabka kale ee ku xirmi kara oo aad uga
    badan inta IDE ku xirmi karta. SCSI run ahaantii ma aha
    Disk Interface ee waa
    Bus gaar ah oo ay ku
    xirmi karaan ilaa 15 nooc oo ka mid ah noocyada qalabka
    kala duwan ee kumbiyuutarka lagu xiriiriyo.
    Kumbiyuutarrada badankoodu waxay qaadan karaan ilaa afar
    kaar oo SCSI ah oo kiiba ay ku xirmi karaan 15 ah qalab
    kala duwan. Laakiin sida xaqiiqada ah way adag tahay in
    hal kumbiyuutar lagu xiro tiro intaas le'eg oo ah qalab
    kala duwan, waayo waxaa jira dhawr arrimood oo arrintaas
    ka dhigaya mid aan munaasab ama suurtogal ahayn.

    Si loo kala sooco qalabka ku xirmaya
    Interface-ka SCSI-ga waxaa mid kasta oo qalabkaas ka mid
    ah la siiyaa nambar u gaar ah oo lagu garto. Nambarkaas
    waxaa loo yaqaan SCSI ID wuxuuna ka billawdaa 0 (eber)
    iyadoo mar kasta lagu darayo hal, sida 0, 1, 2, 3, 4, 5,
    6, 7 ... iwm. Hal nambar islama qaadan karaan laba shay
    ama wax ka badan, waayo haddii ay taasi dhacdo waxaa
    imaanaysa in labada shay ee isku nambarka ahi ay isku
    dhacaan oo la kala garan waayo. Sidaa darteed aad ayay
    muhiim u tahay in shay kastaa uu qaato hal nambar oo
    isaga u gaar ah.

    Qalabka adeegsada Interface-ka SCSI-gu
    wuxuu u kala baxaa laba nooc oo kala ah:

    1. Internal Devices:
      Oo ah qalabka la galiyo oo lagu rakibo santuukha
      kumbiyuutarka dhexdiisa sid Hard Disk-yada,
      CD-ROM, CD-WR, Tape Drives iyo kuwo kale.

    2. External Devices:
      Oo ah qalabka xagga dambe kaga xirma santuukha
      kumbiyuutarka iyagoo bannaanka yaalla sida
      Printers-ka, Scaners-ka iyo Hard Disk-yada iyo
      CD-ROM-yada ku xirma santuukha kumbiyuutarka
      iyagoo bannaanka ka yalla (External Hard Drivers
      / External CD-ROM Drives) iyo kuwo kale.


    </li>


    <blockquote>
    Halka IDE markiisii hore loogu tala galay
    Hard Disk-yada oo keliya, SCSI waxaa markiisii horeba loogu
    talagalay inay isticmaalaan qalabka kala duwan ee
    kumbiyuutarka lagu xiriiriyo iyadoo aan Hard Disk-yada la
    siinin mudnaan gaar ah oo laga duulayay in Har Disk-yadu ka
    mid noqdaan noocyada qalabka kala duwan ee adeegsanaya
    Interface-ka SCSI. Taasi waxay keentay in SCSI uu xagga
    xawaaraha, tirada noocyada qalabka ku xirmi karaba kaga
    horreeyo nooc kasta oo ka mid ah noocyada Interface-yada loo
    isticmaalo kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay PC-ga.





    • Xawaaraha SCSI-ga
      Hard Disk-yada uu noocoodu yahay SCSI-gu
      xawaare ahaan way ka dheereeyaan nooca kale ee loo yaqaan
      IDE-ga.
      Seek
      Time-ka
      Hard Disk-yada SCSI-gu
      wuxuu u dhexeeyaa 4 ms ilaa 8 ms.
      Latency-gooduna wuxuu u dhexeeyaa 2 ms ilaa 3 ms. Celcelis ahaan
      xawaarahooda rasmiga ahi wuxuu markaa noqonayaa inta u
      dhexaysa 6 ms ilaa 12 ms. Xusuusnow in waxa la cabirayo uu
      yahay wakhtiga ay Hard Disk-ga ku qaadato in uu akhbaar ka
      soo akhriyo ama ku qoro
      Platters-ka. Taasi waxay
      keenaysaa in marka uu wakhtigu sii yaraadaba uu xawaaraha
      Hard Disk-gu sii kordho. Sidaa darteed Hard Disk-ga uu
      xawaarihiisu yahay 6 ms wuu ka dheereeyaa kan uu xawaarihiisu
      yahay 12 ms.


    </blockquote>


  • Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa.
    Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa
    Floppy Disk Drive-ka.







    Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]
    Back to top Go down
     
    Casharka 17-aad: Noocyada Hard Disk-ga
    View previous topic View next topic Back to top 
    Page 1 of 1

    Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
    Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
    Jump to: