Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Casharka 6-aad: Qaybaha Motherboard-ka 2

Go down 
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka
Kuliyada Shabakada Maadow


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

Casharka 6-aad: Qaybaha Motherboard-ka 2 Empty
PostSubject: Casharka 6-aad: Qaybaha Motherboard-ka 2   Casharka 6-aad: Qaybaha Motherboard-ka 2 EmptyThu Feb 10, 2011 3:17 am

Qaybaha Motherboard-ka (Way
socotaa...)




Sidaan ku soo aragnay [You must be registered and logged in to see this link.] waxaan Motherboard-ka u qaybinay 11 qeybood oo kala ah:[You must be registered and logged in to see this image.]



  1. Processor Socket ama Slot (sawirka nr 4)
  2. Chipset (sawirka nr 1)
  3. BIOS (sawirka nr 10)
  4. Battery (sawirka nr 9)
  5. Memory SIMM/DIM sockets (sawirka nr Cool
  6. Bus Slots (sawirka nr 2 iyo 3)
  7. Processor Voltage Regulator
  8. Storage Device Interfaces (sawirka nr 11)
  9. Serial Ports (sawirka nr 6)
  10. Parallel Ports (sawirka nr 5)
  11. Mouse and Keyboard connectors (sawirka nr 7)



[You must be registered and logged in to see this link.] waxaan ku soo qaadannay labada qeybood ee ugu horreeya
ee kala ah Processor Socket ama Slot iyo Chipset.
Casharkaan waxaan ku soo qaadanaynaa labada qeybood ee ku xiga ee
kala ah BIOS iyo Battery.



  1. BIOS
    BIOS waa chip gaar ah oo uu ku kaydsan
    yahay program loo yaqaan ROM BIOS oo inta badan loo soo
    gaabiyo BIOS (Fiiri sawirka nambarka 10). ROM waxay u taagan tahay Read Only
    Memory. BIOS-na waxay u taagan tahay Basic Input/Output
    System. Chip-kaas loo yaqaan BIOS waxaa ku kaydsan
    program-yada kiciya kumbiyuutarka iyo kuwa inta uu
    kumbiyuutarku shidan yahay ka shaqaysiiya qeybaha
    aasaasiga ah ee kumbiyuutarka. Waxaa kale oo halkaa ku
    jira program-ka loo yaqaan POST (Power-On Self Test) oo
    mar kasta oo kumbiyuutarka la shido koontaroola in
    qeybaha kumbiyuutarka ugu muhiimsani ay u shaqaynayaan
    sidii loogu tala galay. Iyo waliba Program-ka loo yaqaan
    BIOS SETUP oo loo isticmaalo si akhbaar ku saabsan
    qeybaha kala duwan ee kumbiyuutarka loogu kaydiyo
    memory-da batariga ku shaqaysa ee loo yaqaan CMOS
    (Complimentary Metal-Oxide Semiconductor).


    Program-yada ku kaydsan BIOS-ku waa waxa ugu
    horreeya ee uu kumbiyuutarku isticmaalo marka la shido,
    xataa ka hor inta aan Operating System-ka la kicin. Marka
    aad kumbiyuutarka shiddo waxaa ilbiqsiyada ugu horreeya
    Monitor-ka (muraayadda) kaaga soo baxaya akhbaar ay
    program-yada BIOS-ku soo qorayaan oo kuu sheegaysa nooca
    iyo moodelka BIOS-ka kumbiyuutarkaaga, sida aad SETUP-ka
    BIOS-ka ku geli karto iyo akhbaar kale oo ku saabsan
    kumbiyuutarka iyo qaybihiisa. Si aad akhbaartaas u wada
    aragto waxaa wanaagsan in aad horta Monitor-ka shiddo
    inta aadan kumbiyuutarka shidin waayo Monitor-ada wakhti
    ayay ku qaadataa inay is kululeeyaan inta aysan wax ku
    tusin halkaasna waxaa laga yaabaa inay akhbaartii kugu
    dhaafto.

    Sida caadiga ah BIOS-ku wuxuu qabtaa 4
    (afar) hawlood oo kala ah:

    1. POST (Power-On Self Test) wuxuu
      koontroolaa processor-ka, Memory-da, Chipset-ka,
      Graphic Card-ka, Disk-yada, Keyboard-ka iyo
      dhammaan qeybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka.

    2. Bootstrap Loader wuxuu raadiyaa oo
      uu hadduu helo kiciyaa Operating System-ka
      kumbiyuutarkaas ku jira sida MS-DOS, Windows,
      Unix, Linux, OS/2 iwm. Kadibna Operating
      System-kaas ayuu ku wareejiyaa awoodda maamulka
      kumbiyuutarka.

    3. Qeyb ka mid ah BIOS-ka oo loo
      yaqaan Drivers waxay u kala turjuntaa Operating
      System-ka iyo qaybaha kumbiyuutarka (Computer
      Hardware).

    4. CMOS Setup waa program kuu suurto
      galinaya inaad wax ka beddesho sida
      Motherboard-ka iyo Chipset-ku ay u shaqeeyaan iyo
      weliba inaad beddesho ama aad wax ku kordhiso
      disk-yada ku xiran kumbiyuutarka. Waxaa kale uu
      CMOS Setup kuu suurto galinayaa inaad beddesho
      ama saxdo taariikhda iyo saacadda kumbiyuutarka
      iyo inaad kumbiyuutarka ku xirto Password lagu
      weydiiyo mar kasta oo kumbiyuutarka la shido.
      Taasoo keenaysa in qof aan Password-kaas aqoon
      uusan isticmaali karin kumbiyuutarka.
      Kumbiyuutarrada casriga ah badankoodu waxay marka
      la shido kuu soo qorayaan hadal kuu sheegaya sida
      aad ku gali karto program-ka CMOS Setup oo inta
      badan loo soo gaabiyo Setup.


    Waxaa muhiim ah in BIOS-ku uu waafaqsan
    yahay nidaamkii PC-ga (PC Standard) ee ay asal ahaan IBM
    dejisay. Maadaamaa uu BIOS-ku u kala turjumo Operating
    System-ka iyo qeybaha Kumbiyuutarka waxaa aad muhiim u ah
    in BIOS-ku uu la shaqeyn karo fahmina karo Operating
    System-yada caanka ah ee ay ka mid yihiin MS-DOS/Windows
    iyo Linux. Shirkadaha BIOS-ka sameeyaa waxay qeyb kasta
    oo kumbiyuutarka ka mid ah u sameeyaan BIOS-kana ugu soo
    daraan Drivers qeybtaas u gaar ah si ay taasi u suurto
    galiso in BIOS-koodu uu u af-garto qeyb kasta oo
    kumbiyuutarka ka mid ah iyo Operating System-yada caanka
    ah.

    Waxaa jira shirkado si gaar ah shaqo
    uga dhigta samaynta BIOS-ka. Shirkadahaas waxaa ka mid ah
    uguna caansan AMI (Amirican Megatrends Inc.) , Phoenix
    iyo Award Software. Shirkadahaasi waxay BIOS-kooda ka sii
    gadaan shirkadaha Motherboard-yada sameeya. Tusaale ahaan
    shirkadda Intel waxay heshiis la gashay oo intii muddo ah
    BIOS-ka Motherboard-yadeeda u samayn jiray shirkadda AMI.
    Taasina waxay keentay in BIOS-ka AMI oo loo yaqaan AMI
    BIOS uu noqday BIOS-ka ugu badan uguna caansan suuqa.
    Shirkadda AMI waxay xataa samaysaa Motherboard-yo ay
    iyadu leedahay. Shirkadda HP (Hewlett Packard) waxay
    iyaduna heshiis kula gashay Phoenix in ay u samayso
    BIOS-ka dhammaan kumbiyuutarrada loo yaqaan HP Vectra ee
    ay HP samayso.

    Laga soo billaabo sanadkii 1998-kii waxay
    Intel ku wareegtay oo ay heshiis la gashay Phoenix oo
    hadda samaysa BIOS-ka dhammaan Motherboard-yada ay Intel
    samaysay wixii ka dambeeyay 1998-kii. Bartamihii 1998-kii
    ayaa Phoenix waxay gadatay shirkadda Award Software
    waxayna isku noqdeen hal shirkad, BIOS-yada ay
    sameeyaanna waxay wataan magaca Phoenix. Halkaas waxaad
    iyadoo aan laguu sheegin ka garan kartaa in wixii
    muddadaas ka dambeeyay ay Phoenix qabsatay suuqa BIOS-ka.
    Laakiin marka laga reebo Motherboard-yada ay AMI samayso,
    waxaa jira shirkado kale oo Motherboard-yadooda u
    isticmaala BIOS-ka AMI maadaamaa uu muddo badan suuqa
    haysatay.


    In badan oo ka mid ah shirkadaha
    Motherboard-yada sameeya sida Compaq iyo AT&T ayaa
    waxay sameeyaan BIOS ay iyagu leeyihiin oo u dhigma
    BIOS-yada ay sameeyaan AMI, Phoenix iyo shirkadaha la
    midka ah.

    Dhammaan shirkadahaas aan kor ku soo
    sheegnay waxay kuu suurto galinayaan inaad BIOS-kaaga
    cusboonaysiiso (upgrading) oo mar kasta oo ay BIOS-ka wax
    ku soo kordhiyaan ama ay khalad hore ka saxaan waxay kuu
    ogolaanayaan inaad Homepage-kooda ka soo koobiyaysato
    BIOS-ka ugu dambeeyay. Arrintaasi aad ayay muhiim u tahay
    oo haddii ay kuu suurtoobi weydo inaad BIOS-kaaga
    cusboonaysiiso waxaa dhacaysa in kumbiyuutarkaagu uu
    qaadan waayo qaybaha kumbiyuutarka ee soo baxay kadib
    wakhtigii BIOS-kaaga la sameeyay iyo in aadan sixi karin
    wixii cillad ah ee BIOS-ka laga saxo. Taasi waxaa laga
    yaabaa inay kugu kallifto inaad Motherboard-ka beddesho.
    Sidaa darteed waxaad marka aad kumbiyuutar gadanayso iska
    hubisaa in BIOS-ka kumbiyuutarkaas ay samaysay shirkad
    weyn oo caan ah oo kuu suurto galinaysa in adiga oo
    internet isticmaalaya aad BIOS-ka casriyayn karto.


    Haddana waxaan halkaan mid mid ugu soo
    qaadnaynaa BIOS-yada ay sameeyaan saddexda shirkadood ee
    kala ah AMI, Phoenix iyo Award.



    • AMI

      AMI BIOS waa BIOS-ka maanta suuqa
      ugu caansan noocyadiisa ugu dambeeyayna waxaa
      lagu magacaabaa AMI Hi-Flex. BIOS-ka AMI Hi Flex
      waxaa isticmaala Motherboard-yada ay sameeyaan
      AMI, Intel iyo shirkado kale oo fara badan.
      SETUP-ka BIOS-ka AMI waxaad ku gali kartaa adigoo
      dhowrka ilbiriqsi ee ugu horreeya marka
      kumbiyuutarka la shido taabta batoonka
      Keyboard-ka ee 'Del' ama 'Esc'. BIOS-ka ayaa kuu
      sheegaya batoonka aad taabanayso iyo goorta aad
      taabanayso. Wuxuu BIOS-ku kuu soo qorayaa tusaale
      ahaan hadalka 'Press Del to enter the Setup'.
      Si aad u gasho SETUP-ka waa inaad taabataa
      batoonka uu BIOS-ku kuu sheego inta uu hadalkaasi
      kuu muuqdo. Waayo haddii hadalkaas laga gudbo ma
      gali kartid SETUP-ka xataa haddaad taabato
      batoonkii uu BIOS-ku kuu sheegay.

      AMI ma samayso dukumenti sharxaya
      isticmaalka BIOS-keeda. Qoridda dukumentigaas
      waxay u deysay shirkadaha isticmaala BIOS-keeda.
      Laakiin waxa jira buug ay qoreen injineerro u
      shaqeeya AMI oo magiciisa la yiraahdo
      "Programer's Guide to the AMIBIOS".
      Buuggaasi wuxuu si tifaftiran u sharxayaa AMI
      BIOS wuxuuna si aad ah u anfacayaa qof kasta oo
      isticmaala AMI BIOS. Buuggaasi wuxuu leeyahay
      nambar ay si fudud u garan karaan dadka ka
      shaqeeya dukaammada lagu gado buugaagta
      kumbiyuutarka, nambarkaas oo ah (ISBN
      0-07-001561-9).

    • Award

      Award waa shirkadda kaliya ee
      shirkadaha sameeya Motherboard-yada ka gadda
      qoraalka asalka u ah BIOS-keeda (source code)
      iyadoo shirkadahaas u ogolaanaysa inay wax ka
      beddelaan dhismaha iyo hawl qabadka BIOS-keeda.
      Taasina waxay keentaa in shirkad kastaa ay
      BIOS-ka u beddesho si waafaqsan baahideeda.
      Halkaasna waxaa ka soo baxa BIOS-yo asalkoodu
      yahay BIOS-kii Award laakiin wax badan uga duwan
      kii ay Award samaysay. Shirkadaha isticmaala
      BIOS-yada sidaas loo beddelay waxaa ka mid ah
      AST. Laakiin Award ma qaaddo mas'uuliyadda
      BIOS-ka noocaas loo beddelay oo waxay xilka
      casriyaynta iyo cillad bixinta BIOS-ka noocaas ah
      ku wareejisaa shirkadaha isticmaala.

      SETUP-ka BIOS-ka Award waxaad ku gali
      kartaa adigoo ilbiriqsiyada ugu horreeya marka
      kumbiyuutarka la shido isla taabta batoommada
      Keyboard-ka ee kala ah Ctrl, Alt
      iyo Esc. BIOS-ka ayaa kuu sheegaya
      batoommada aad taabanayso iyo goorta aad
      taabanayso. Si aad u gasho SETUP-ka waa inaad
      Batoommadaas isla taabataa inta uu hadalka kuu
      sheegaya sida aad SETUP-ka ku galaysaa uu kuu
      muuqdo. Wixii caawimaad ah ee ku saabsan BIOS-ka
      Award waxaad ka heli kartaa adreeskaan:
      [You must be registered and logged in to see this link.].

    • Phoenix

      BIOS-ka Phoenix wuxuu BIOS-yada
      kale uga fiican yahay laba arrimood. Midda
      koowaad waa program-ka POST (Power-On Self Test)
      ee mar kasta ee kumbiyuutarka la shido koontroola
      in qeybaha kumbiyuutarku ay u shaqaymayaan sidii
      loogu tala galay ee la socda BIOS-ka Phoenix
      wuxuu hadduu khalad helo bixiyaa codad kala duwan
      oo mid kastaa uu u taagan yahay khalad nooc ah.
      Codadkaas waxaa loo isticmaali karaa in si dhib
      yar markiiba loo fahmo halka uu khaladku ka jiro.
      Arrinta labaad ee uu BIOS-ka Phoenix uga fiican
      yahay BIOS-yada kale waa xaga dukumentiga.
      BIOS-ka Phoenix waxaa la socda dukumenti si
      faahfaahsan u sharxaya dhismaha iyo isticmaalka
      BIOS-ka. Waxaa kale oo ay Phoenix soo saartay
      dukumentiyo dhowr ah oo farsamo ahaan (technical)
      u sharxaya sida BIOS loo sameeyo.
      Dokumentiyadaasi waxay raadraac u noqdeen guud
      ahaan suuqa BIOS-ka. Waxa kale oo aad caawimaad
      ku saabsan casriyaynta iyo cillad bixinta BIOS-ka
      iyo dukumentiba ka heli kartaa homepage-ka
      Phoenix oo ah

      [You must be registered and logged in to see this link.] iyo weliba hompage-ka shirkadda gadda
      BIOS-yada Phoenix ee la yiraahdo Micro Firmware
      oo ah
      [You must be registered and logged in to see this link.].
      SETUP-ka
      BIOS-ka Phoenix waxaad ku gali kartaa adigoo
      ilbiriqsiyada ugu horreeya marka kumbiyuutarka la
      shido isla taabta batoommada Keyboard-ka ee kala
      ah Ctrl, Alt iyo Esc ama
      adigoo taabta batoon kale oo gaar ah sida F2
      taasoo ku xiran moodelka BIOS-kaaga. BIOS-ka ayaa
      kuu sheegaya batoommada aad taabanayso iyo goorta
      aad taabanayso. Si aad u gasho SETUP-ka waa inaad
      Batoommadaas isla taabataa inta uu hadalka kuu
      sheegaya sida aad SETUP-ka ku galaysaa uu kuu
      muuqdo.


</li>
  • Battery
    Bateriga kumbiyuutarku wuxuu suurto
    galiyaa in akhbaarta uu BIOS-ku hayo ee ku saabsan
    kumbiyuutaka iyo qaybihiisa aysan lumin marka
    kumbiyuutarka la damiyo. Akhbaartaasi waxay ku kaydsan
    tahay Memory-da loo yaqaan CMOS. CMOS-ku wuxuu ku
    shaqeeyaa bateri oo xataa haddii fiilooyinka
    kumbiyuutarka korontada siiya laga bixiyo darbiga
    akhbaartaasi ma lumayso waayo korontaba shaqo kuma leh.
    Tusaale ahaan haddaad soo gadato hard disk (waa halka
    lagu kaydiya akhbaarta aad kumbiyuutarka gashato) oo aad
    kumbiyuutarkaaga ku xirto wuxuu kumbiyuutarku CMOS-ka ku
    kaydinayaa akhbaar ku saabsan nooca Hard disk-gaas. Ka
    dibna mar kasta oo kumbiyuutarka la shido wuxuu og yahay
    inuu ku xiran yahay hard disk noocaas ah.


    Bateriga kumbiyuutarku wuxuu qaab ahaan u eg
    yahay kan saacadaha wuuse ka weyn yahay (Fiiri sawirka nambarka 9) wuxuuna shaqayn
    karaa wakhti badan oo sanado gaaraya. Inta badan uma
    baahnid inaad ka ka fikirto baterigaas waayo wuxuu inta
    badan la cimri yahay kumbiyuutarka laftiisa oo inaad
    beddesho uma baahnid.




  • Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka Xiga waxaan ku soo qaadan doonnaa saddexda qaybood ee Battery-ga ku xiga.






    Copyright ©️ 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]
    Back to top Go down
     
    Casharka 6-aad: Qaybaha Motherboard-ka 2
    Back to top 
    Page 1 of 1
     Similar topics
    -
    » Casharka 5-aad: Qaybaha Motherboard-ka 1
    » Casharka 7-aad: Qaybaha Motherboard-ka 3
    » Casharka 8-aad: Qaybaha Motherboard-ka 4
    » Casharka 4-aad: Motherboard ama Mainboard
    » Casharka 19-aad: CD-ROM Drive-ka

    Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
    Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
    Jump to: