Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Casharka 7-aad: Qaybaha Motherboard-ka 3

Go down 
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka
Kuliyada Shabakada Maadow


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

Casharka 7-aad: Qaybaha Motherboard-ka 3 Empty
PostSubject: Casharka 7-aad: Qaybaha Motherboard-ka 3   Casharka 7-aad: Qaybaha Motherboard-ka 3 EmptyThu Feb 10, 2011 3:19 am

Qaybaha Motherboard-ka (Way
socotaa...)




Sidaan ku soo aragnay [You must be registered and logged in to see this link.] iyo Casharka
6-aad
waxaan Motherboard-ka u qaybinay
11 qeybood oo kala ah:
[You must be registered and logged in to see this image.]



  1. Processor Socket ama Slot (sawirka nr 4)
  2. Chipset (sawirka nr 1)
  3. BIOS (sawirka
    nr 10)

  4. Battery (sawirka nr 9)
  5. Memory SIMM/DIM sockets (sawirka nr Cool
  6. Bus Slots (sawirka nr 2 iyo 3)
  7. Processor Voltage Regulator
  8. Storage Device Interfaces (sawirka nr 11)
  9. Serial Ports (sawirka nr 6)
  10. Parallel Ports (sawirka nr 5)
  11. Mouse and Keyboard connectors (sawirka nr 7)



[You must be registered and logged in to see this link.] iyo Casharka
6-aad
waxaan ku soo qaadannay qaybaha
kala ah Processor Socket ama Slot, Chipset, BIOS
iyo Battery. Casharkaan waxaan ku soo
qaadanaynaa saddexda qaybood ee kala ah Memory SIMM/DIM
sockets, Bus Slots iyo Processor Voltage
Regulator
.



  1. Memory SIMM/DIM sockets Memory Sockets waa halka Memory-du ay
    kaga xiranto Motherboardka (fiiri sawirka nr Cool. Sidaan
    ku soo aragnay
    [You must be registered and logged in to see this link.] Memory-du
    waa halka si ku meelgaar ah loogu kaydiyo wixii akhbaar
    ah ee diyaarinteeda gacanta lagu hayo inta aan si rasmi
    ah loo kaydin. Wixii halkaas lagu kaydiyo waxaad heli
    kartaa inta uu kumbiyuutarku shidan yahay. Memory-da
    waxaa kale oo isticmaala hadba program-yada markaas
    shidan.

    Memory-du waxay samays ahaan ka kooban
    tahay Chip-yo yar yar oo mad madow oo ku dul rakiban kaar
    yar oo loo yaqaan Memory Module. Memory Module-yadu waxay
    u kala baxaan laba nooc oo kala ah SIMM (Single Inline
    Memory Module) iyo DIM (Dual Inline Memory Module)
    waxayna muuqaal ahaan u eg yihiin sida kaaga muuqata
    sawirka hoose.

    [You must be registered and logged in to see this image.]
    Memory-da iyo noocyadeeda cashar u gaar
    ah ayaan ku soo qaadan doonnaa hadduu rabbi idmo.

  2. Bus Slots Sidaan
    hore u soo sheegnay Motherboard-ku wuxuu xiriiriyaa oo uu
    akhbaarta u kala gudbiyaa dhammaan qeybaha kale ee
    kumbiyuutarka. Akhbaarta uu Motherboard-ku u kala gudbiyo
    qaybaha kumbiyuutarku waxay martaa oo ay ku qulqushaa
    waddoonyin ku dhex dhisan Motherboard-ka. Waddoonyinkaas
    ay akhbaartu ku qulqusho ayaa waxaa loo yaqaannaa Buses.
    Xawaaraha ay akhbaartu ku soconayso wuxuu ku xiran yahay
    hadba Bus-ka (waddada) ay akhbaartu marayso. Waayo Bus
    kastaa wuxuu leeyahay xawaare u go'an oo aan la dhaafi
    karin.

    Kumbiyuutarku wuxuu leeyahay dhawr Bus
    oo kala xawaare dheereeya. Qayb kasta oo kumbiyuutarka ka
    mid ah waxay ku xiriirsan tahay mid ka mid ah Buses-kaas.
    Qaar ka mid ah qaybaha kumbiyuutarka oo uu ka mid yahay
    Chipset-ku ayaa waxay u shaqeeyaan sidii buundo isku
    xirta Buses-ka kala duwan. Buses-ka ugu muhiimsan
    Motherboard-yada casriga ah waxaa ka mid ah:


    • Processor Bus
      Processor Bus-ku waa bus-ka ugu
      muhiimsan uguna dheereeya Buses-ka
      Motherboard-ka. Bus-kaani waa Bus-ka uu
      Processor-ku isticmaalo si uu akhbaar ugu gudbiyo
      ama uga soo qaato Memory-da ama Chipset-ka.
      Xawaaraha Processor Bus-ka Motherboard-yada
      casriga ahi waa 66 Mhz ama 100 Mhz. Taasi waxay
      keenaysaa in xataa haddii uu xaawaaraha
      Processor-ku yahay dhawr boqol oo Mhz uu
      Processor-ku ku khasban yahay inuu xawaarihiisa
      ka dhigo mid la mid ah xaawaaraha Processor
      Bus-ka kumbiyuutarka si uu waddadaas akhbaar ugu
      diro ama uga soo qaato. Processor-ku waa maskaxda
      Kumbiyuutarka ee kala socodsiisa hawlaha uu
      kumbiyuutarku qabto, casharradeena dambe ayaanan
      si faahfaahsan uga hadli doonnaa noocyada iyo wax
      qabadka Porcessor-ka.

    • AGP Bus AGP (Accelerated Graphics Port) waa Bus
      dheereeya oo uu xawarihiisu yahay 66 Mhz wuxuuna
      gaar u yahay oo isticmaala kaarka loo yaqaan
      Graphic Card ama Video Card oo ah kaarka ka
      shaqaysiiya Monitor-ka (Muraaydda) kumbiyuutarka.
      Bus-kaani wuxuu ku xiriirsan yahay Chipset-ka
      wuxuuna leeyahay Slot loo yaqaan AGP Slot oo ah
      halka uu Graphic Card-ku ka galo AGP Bus-ka.
      Monitor-ka iyo Graphic Card-kaba waxaan si
      faafaahsan uga hadli doonnaa casharradeenna
      dambe.

    • PCI Bus PCI (Peripheral Component Interconnect)
      waa Bus uu xawaarihiisu yahay 33 Mhz waxaana laga
      helaa dhammaan kumbiyuutarrada uu processor-koodu
      yahay 486 iyo wixii ka dambeeyay. Bus-kaan waxaa
      maamula oo koontroola qeyb ka mid ah Chipset-ka.
      PCI Bus-ku wuxuu sida caadiga ah leeyahay afar
      Slot oo ay kaararka kumbiyuutarku galaan.
      Slot-yadaasi waxay u muuqdaan sida kaaga muuqata
      sawirka kore nambarka 3. Kaararka Slot-yadaas
      gala waxaa ka mid ah Network Cards, SCSI Cards
      iyo qaar ka mid ah Graphic Cards.

    • ISA Bus ISA (Industry Standard Architecture)
      xawaarihiisu waa 8Mhz waana Bus-ka ugu gaabiya
      Buses-ka Motherboard-ka, waxaana isticmaala
      kaararka ama qaybaha duqa ah ee aan xammili karin
      xawaaraha Buses-ka kale. Labada shirkadood ee
      kala ah Intel iyo Microsoft ayaa waxay in badan
      isku dayeen in ay suuqa Kumbiyuutarrada ku
      cadaadiyaan in ISA Bus-ka laga takhaluso oo
      kaararka iyo qaybaha kale ee isticmaala Bus-kaan
      loo wareejiyo Buses-ka kale laakiin arrintaasi
      uma suurtoobin. ISA Bus-ka waxaa maamula oo
      koontaroola qayb ka mid ah Chipset-ka qaybtaas
      ayaana ISA Bus-ka ku xiriirisa PCI Bus-ka oo aad
      uga dheereeya. Motherboard-yada casriga aha waxay
      leeyihiin 3 ilaa 4 ISA Slots oo ah halka ay
      kaararku ka galaan ISA Bus-ka. ISA Slots-ku waxay
      u muuqdaan sida kaaga muuqata sawirka kore
      nambarka 2. Kaararka isticmaala ISA Bus-ka waxaa
      ka mid ah Modem-yada internal-ka ah iyo Sound
      Cards.


Chipset-ka ayaa koontaroola isticmaalka
Buses-ka Motherboard-ka. Chipset-ku wuxuu qaybaha kale ee
kumbiyuutarka ugu taagan yahay sidii nalalka waddooyinka
baabuurta kala haga, oo wuxuu marba qayb u fasaxaa inay
akhbaarteeda ku dirto Bus-ka ay codsato isagoo qaybaha
kalena ka xayiraaya inay isla waddadaas wax ku diraan.
Qayb walbaa waxay sugaysaa kalkeeda oo marka uu
Chipset-ku u oggolaado ayay akhbaarteeda ku diraysaa
Bus-ka loo fasaxay.

</li>
  • Processor Voltage Regulator
    Processor-ku wuxuu korontada ka qaataa
    Motherboard-ka. Laakiin Processor-ku ma xammili karo
    quwadda korontada ka timaadda Motherboard-ka. Sidaa
    darteed waxaa loo baahday qayb processor-ka korontada ka
    yaraysa oo u gudbisa inta uu xammili karo. Qaybtaas ayaa
    la yiraahdaa Processor Voltage Regulator. Qaybtaani waxay
    waayihii hore ku dhex dhisnaan jirtay Motherboard-ka
    laakiin wakhtiyadaan dambe waxaa soo baxay waxa loo
    yaqaan VRM (Voltage Regulator Module) oo ah qayb
    Motherboard-ka ka madax bannaan oo markii la doono laga
    bixin karo oo la beddeli karo. VRM waxaa loo baahday
    markii ay Intel billawday inay soo saarto Processor-ro uu
    noocoodu yahay Pentium oo xaddiga korontada ee ay
    qaadtaan uu kala duwan yahay. VRM wuxuu keenay in
    Motherboard-ka loogu tala galay Pentium uu qaato
    procrssor-ro ay kala duwan tahay awoodooda korontada ay
    qaataan. Si Motherboard loogu isticmaalo Processor ka mid
    ah Processor-rada noocaas ah waxaa Motherboard-ka lagu
    rakibayaa VRM loogu tala galay Processor-kaas.
    Motherboard-yada casriga ah ee ugu dambeeyay waxay
    leeyihiin Socket loogu tala galay in VRM la galiyo ama
    waxay leehiin VMR ku dhex dhisan Motherboard-ka kaasoo
    awoodda korontada ee uu Processor-ka u gudbiyo la bed
    beddeli karo.




  • Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa.
    Casharka xiga waxaan ku soo qaadan doonnaa qaybaha ka haray
    Motherboard-ka.







    Copyright ©️ 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]
    Back to top Go down
     
    Casharka 7-aad: Qaybaha Motherboard-ka 3
    Back to top 
    Page 1 of 1
     Similar topics
    -
    » Casharka 5-aad: Qaybaha Motherboard-ka 1
    » Casharka 6-aad: Qaybaha Motherboard-ka 2
    » Casharka 8-aad: Qaybaha Motherboard-ka 4
    » Casharka 4-aad: Motherboard ama Mainboard
    » Casharka 13-aad: Memory-da

    Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
    Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
    Jump to: