Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Casharka 4-aad: Motherboard ama Mainboard

Go down 
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka
Kuliyada Shabakada Maadow


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

Casharka 4-aad: Motherboard ama Mainboard Empty
PostSubject: Casharka 4-aad: Motherboard ama Mainboard   Casharka 4-aad: Motherboard ama Mainboard EmptyThu Feb 10, 2011 3:13 am

Motherboard

Si aad ula socoto una fahamto casharkaan iyo casharrada
ka dambeeya, waxaan kugula talinaynaa in haddaad kumbiyuutar leedahay aad
casharka warqad ku daabacdo ka dibna aad santuukha kumbiyuurtakaaga furto
oo aad fiiriso waxa gudihiisa ku jira adigoo isku dayaya inaad hesho hadba
qeybta uu markaas casharku ku saabsan yahay. Waxaan inta badan adeegsan
doonnaa sawirro si toos ah looga soo qaaday qeybaha ay casharradu ka hadlayaan
sidaa darteed way kuu fududaan doontaa inaad hesho qeybta aad raadinayso.
Inta aadan kumbiyuutarka kala furin iska hubi inuu dansan yahay oo marna
ha furin kumbiyuutarka isagoo shidan.


Muxuu yahay Motherboard?

Motherboard waa qeybta ugu muhiimsan qeybaha uu
kumbiyuutarku ka kooban yahay. Magacyada kale ee qeybtaan loo yaqaan waxaa
ka mid ah Mainboard iyo Systemboard. Dhammaan magacyadaasi waxay kuu muujinayaan
muhimadda ay qeybtaani leedahay. Waayo waa qeybta aasaaska u ah ayna
ku dul rakiban yihiin qeybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka islamarkaasna
xiriirisa oo korontada iyo akhbaarta u kala gudbisaa dhammaan qeybaha kale
ee kumbiyuutarka.


[You must be registered and logged in to see this image.]

Motherboard uu noociisu yahay ATX oo dusha laga sawiray
isagoo keligii ah oo aysan waxba ku dul rakibnayn


Motherboard-yada caasriga ah ee maanta la isticmaalaa
waxay u muuqdaan sida sawirka kaaga muuqata. Waxaa laga yaabaa in fiilooyin
fara badan iyo qeybo kale ay ka soo sokeeyaan oo uu kuu wada muuqan waayo.


Haddii nooca santuukha kumbiyuutarkaagu uu yahay Tower
wuxuu Motherboard-ku ku rakiban yahay dhinaca midige ama bidixe ee santuukha.
Haddiise uu nooca santuukhaagu yahay Desktop wuxuu Motherboard-ku fadhiyaa
sagxadda santuukha. Si aad u hesho sharaxaad ku saabsan Tower iyo Desktop
fiiri [You must be registered and logged in to see this link.].


Noocyada Motherboard-ka

Motherboard-ku wuu kala dhismo iyo cabbir duwan yahay.
Taasina waxay keentay in santuukha kumbiyuutarka loo dhiso si waafaqsan
hadba Motherboard-ka santuukhaas loogu tala galay. Haddaba iyadoo la fiirinayo
qaabka iyo cabbirka Motherboard-ka ayaa waxaa loo kala qaadaa dhowr nooc
oo ay ka mid yihiin:


  1. Baby-AT

  2. Full-size AT

  3. LPX

  4. ATX

  5. NLX

Shantaas nooc ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadanaynaa.


  1. Baby-AT
    Sida aan ku soo sheegnay Casharka
    2-aad
    shirkadda IBM waxay sanadkii 1983-kii soo saartay kumbiyuutar
    la oran jiray IBM PC/XT. Kumbiyuutarkaasi wuxuu watay Motherboard uu magiciisu
    ahaa XT. Motherboard-kaasi aad ayuu caan u noqday wuxuuna keenay in shirkado
    badan ay koobiyeeyaan oo ay soo saaraan Motherboard-yo la mid ah XT. Muddo
    ka dib ayaa IBM waxay soo saartay Motherboard la oran jiray AT oo ka cabbir
    weynaa XT islamarkaana lagu soo daray qeybo hor leh oo aan la socon XT.
    Shirkadihii koobiyeeyay XT waxay go'aansadeen in aysan cabbirka Motherboard-yadooda
    waxba ka beddelin laakiin ay qeybaha cusub ee AT lagu soo daray boos uga
    helaan kuna soo daraan Motherboard-yadooda ku salaysnaa qaab dhismeedkii
    XT, taasna wey ku guulaysteen waxaana Motherboard-kii halkaa ka soo baxay
    loo bixiyey Baby-AT.



    Maadaama Baby-AT isagoo ka cabbir yar AT uu watay
    dhammaan qeybihii la socday AT ayaa taasi waxay keentay in Baby-AT uu beddeli
    karo AT islamarkaana uu qaadan karo santuukha loogu tala galay AT. Sidaa
    darteed laga soo billaabo 1983 ilaa 1996 wuxuu Baby-AT ahaa Motherboard-ka
    ugu caansan uguna badan suuqa. Laakiin laga soo billaabo bartamihii 1996
    waxaa Baby-AT beddelay oo suuqa ka saaray Motherboard-ka sida aadka u caan
    baxay ee la yiraahdo ATX oo aan ka hadli doonno. Welise waa la helaa kumbiyuutarro
    wata Motherboard-ka Baby-AT.


    Sida ugu fudud ee aad ku garan karto Baby-AT adigoo aan
    kumbiyuutarka furin waa inaad fiirso santuukha dhiniciisa dambe. Baby-AT
    waxaa kaliya oo si toos ugu xiriirsan Keyboard-ka. Qeybaha kale oo dhan
    waxay ku xiriirsan yihiin kaarar kala duwan oo Baby-AT ku sii xiriirsan.
    Waxaa kale oo laga yaabaa in Mouse-kuna uu Motherboard-ka toos ugu xiriirsan
    yahay laakiin taasi ma badna. Kaararka Baby-AT ku xiriisan waxay Motherboard-ka
    ugu fadhiyaan si toosan oo ah xagal 90 digrii ah.


  2. Full-size AT
    Full-size AT waa Motherboard-kii ay IBM gadaal ka soo
    saartay ee aan horey uga soo hadalnay. Full-size AT aad ayuu u weyn yahay
    oo wuxuu dhererkiisu gaarayaa qiyaastii 35 cm, ballaciisuna wuxuu gaarayaa
    30 cm. IBM waxay cabbirkaas weyn ugu baahatay si ay boos ugu hesho qeybaha
    ay ku soo kordhisay Motherboard-ka markii ay ka wareegtay nidaamka uu PC/XT
    ku dhisnaa oo ahaa 8-bit oo ay u wareegtay 16-bit.




    Maadaama uu cabirkiisu aad u weynaa IBM waxay goosatay
    inay yarayso. Dhawr jeer ayay marba xoogaa ka dhintay ugu dambayntiina
    waxay gaarsiisay cabbir le'eg kii XT waxayna u bixisay XT-286. Shirkado
    badan oo kumbiyuutarrada sameeya ayaa kumbiyuutarradooda ku saleeyay XT-286
    wuxuuse qaatay oo uu ku caan baxay magaca Baby-AT oo ah midka aan kor uga
    soo hadalnay.


  3. LPX
    Noocaan wuxuu soo baxay 1987-kii waxaana asalkiisa lahaa
    oo soo saaray shirkadda Western Digital. In kasta oo shirkaddaasi ay mar
    hore joojisay samaynta kumbiyuutarrada haddana noocaan weli wuu nool yahay
    oo shirkado kale ayaa qaatay oo soo saara. Nasiib darro Western Digital
    ma aysan wada fasixin dukument-gii sharxaayay qaabdhismeedka LPX. Taasi
    waxay keentay in shirkad kastaa ay samayskiisa dhinac la aaddo. Sidaa darteed
    Motherboard-yada noocaan ah ee ay shirkadaha kala duwani sameeyeen
    isma qaataan. Taas micnaheedu wuxuu yahay haddii aad haysato kumbiyuutar
    uu Motherboard-kiisu yahay LPX kuuma suurtoobayso inaad sii dhisto ama
    aad Motherboard-ka ka beddesho. Taasina waa arrin aan fiicnayn.




    Shirkadaha sameeya kumbiyuutarrada uu Motherboard-koodu
    noocaan yahay waxaa ka mid ah Compaq iyo Packard Bell iyo kuwo kale. Kumbiyuutarrada
    noocaan ah badanaa waxay wataan santuukh desktop ah oo aad u dhumuc yar
    laakiin xataa iyagoo Tower ah waa la helaa. Maadamaa aan la sii dhisi karin
    waxaa wanaagsan in aad ka digtoonaato gadashada kumbiyuutarrada noocaan
    ah.

    Kumbiyuutarka noocaan ah waxaa lagu gartaa oo uu leeyahay
    kaar u dhexeeya Motherboard-ka iyo kaararka kale. Kaarkaasi wuxuu ku dul
    fadhiyaa Motherboard-ka, kaararka kale oo dhanna isaga ayay ku sii dul
    fadhiyaan iyagoo si parallel ah ula safan Motherboard-ka. In ay kaararku
    si parallel ah ula safan yihiin Motherboard-ka iyo in kale waxaad kala
    garan kartaa xataa adigoo aan kumbiyuutarka furin. Haddaad fiiriso dhinaca
    dambe ee santuukha kumbiyuutarka noocaan ah waxaad arkaysaa in afka kaararka
    fiilooyinka looga xiriiriyo uu si parallel ah ula safan yahay Motherboarka,
    taas ayaana ku filan inaad garato in nooca Motherboad-ku uu yahay LPX.
    Haddaad kumbiyuutarka furtana kaba sii fiican oo waxaad arkaysaa kararka
    iyo Motherboard-ka oo isku dhinac u jeeda.


  4. ATX
    Nooca ATX waa nooca ugu caansan noocayada Motherboard-yada
    caasriga ah ee maanta la isticmaalo. ATX waxaa laga sameeyay Baby-AT iyo
    LPX oo la isu geeyay, iyadoo mid kasta laga soo qaatay qeybaha ugu fiican.
    Kadibna qeybo hor leh ayaa lagu sii kordhiyay. Laakiin xagga cabbirka wuu
    kaga duwan yahay labadaba oo midkoodna isma qaadan karaan. Taasoo micnaheedu
    yahay santuukh loogu tala galay Baby-AT ama LPX looma istcimaali karo ATX.




    ATX waxaa 1995-kii soo bandhigay shirkadda Intel iyadoo
    isla markaana u fasaxday in ay cid kastaa samayn karto. ATX wuxuu si xoog
    leh suuqa u soo galay bartamihii sanadkii 1996-kii. Intel waxay soo saartay
    dokumenti si tifaftiran u sharxaya samayska ATX si ay shirkadaha kale ugu
    fududaato inay qaataan noocaan.


    ATX waa nooca ugu fiican noocyada Motherboard-ka ee maanta
    jira waayo wuxuu kuu ogolaanayaa in aad sii dhisto oo aad hadba wax ka
    beddesho si aad ula socoto isbeddelka suuqa kumbiyuutarrada.


    Sida ugu fudud ee aad ku garan karto in Motherboard-ka
    kumbiyuutarkaagu uu yahay ATX iyo in kale waa inaad fiiriso santuukha kumbiyuutarka
    dhiniciisa dambe. Haddii uu Motherboard-kaagu yahay ATX waxaad markaa arki
    doontaa in afka kaararka fiilooyinka looga xiriiriyo uu Motherboard-ka
    la samaynayo xagal toosan oo 90 digrii ah. Taasina waxay kuu caddaynaysaa
    in kaararku ay si toos ah ugu fadhiyaan Motherboard-ka oo uusan jirin kaar
    u sii dhexeeya Motherboard-ka iyo kaararka kale.


  5. NLX
    NLX waa nooca ugu dambeeyay Motherboard-yada loogu tala
    galay santuukhyada uu noocoodu yahay Desktop. Kumbiyuutarrada wata
    Motherboard-ka noocaan ah waxay u badan yihiin kuwa loogu tala galay in
    qiimo jaban lagu iibiyo. NLX waa nooca PLX oo la sii horumariyay. Horumarka
    lagu soo kordhiyey waxaa ka mid ah in Motherboard-yada noocoodu yahay NLX
    ee ay sameeyaan shirkadaha kala duwani ay is qaataan oo la isku beddeli
    karo taasoo aanan suurtogal ka ahayn LPX.




    Waxaa si aad ah loo fududeeyay isticmaalikiisa oo xataa
    waxaa suurtogal laga dhigay in adiga oo aan kumbiyuutarka oo dhan kala
    furfurin aad Motherboard-ka beddesho. Waxaa kale oo xoogga la saaray in
    uu qaadkiisu weynaado oo kumbiyuutarka gudihiisu uu nafis ahaado. Welise
    waxaan sidii la rabay ahayn xagga sii dhisidda waxaana yar tirada boosaska
    loogu talagalay kaararka dheeriga ah.



Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga
waxaan mid mid ugu soo qaadan doonnaa qeybaha ugu muhiimsan ee uu Motherboard-ku
ka kooban yahay.





Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]
Back to top Go down
 
Casharka 4-aad: Motherboard ama Mainboard
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Casharka 5-aad: Qaybaha Motherboard-ka 1
» Casharka 6-aad: Qaybaha Motherboard-ka 2
» Casharka 7-aad: Qaybaha Motherboard-ka 3
» Casharka 8-aad: Qaybaha Motherboard-ka 4
» Casharka 19-aad: CD-ROM Drive-ka

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
Jump to: