Waxeey aheeyd maalin muran hoosaad badani jiro, dadku Muslimiinta an qaar waxeey u aheeyd maalin aad u weeyn, dhalinyaradda iyo dadka danleeyda ah waxeey is weeydiinayeen xaafadeen ku hormarnaa iyo xaafadeen ku xijinaa (sabta), qaarna maalmaha caadiga ah waxbo kagama duwaneeyn.
Dadka gaaladda ah aad ayeey ugu faraxsanayeen maadaama loo sheegay in aay maantu tahay maalin howlaha dowladda laga nasanayo, waxaana loo cadeeyay in maanta aay ku beegnatahay dhalashadii Nabi Muxammed (CSWS), balse farxadooda kuma saleeysneeyn sababta fasaxa keentay ee farxadooda waxeey ku saleeysneeyd shaqo ka nasashadda.
Markaan magaaladda u soo dagay waxaan la kulmay laba nin oo akhyaar ah oon mid waliba dhinaca aan saxiibo kala ahay.
Mid waxaan isku aragti ka nahay dhibaatadda faraha ka baxday ee ka taagay wadankeeynii Soomaaliya, oo markuu mikeeyn dhacdo Somaliya ka dacdo soo maqlo isasoo waco kadibna halkaas aan ku calaacalno aan saxib ku nahay.
Akhyaarka kalana waxaan saaxiibo ku nahay xaga cibaadada rabi, marka saxibadeey waxaan ka codsaday inaan shaah wada cabno, weey iga aqbaleen markii shaahiga naloo keenay ayaa saxibadeey bilaabeen ineey ka hadlaan feestadda maanta shaqadda looga nasanyo, waxaan arkay saxibadeey oo hadalkii ka taag taagmay, waxaan damcay inaan hadalka dejito balse iima suurto galin, mid kamid ah saxibadey ayaa bakoorad iska soo jiiday saaxibkeey kale madaxa kaga dhuftay, dhiigii ka soo booday shaatiga ayuu iga qooyay markaasuu haddana markale ku celiyay, hadana sidoo kale.
Ciidamo ayaa nagu soo baxayoo kii dhaawaca ahaa isbitaal ayaan dhignay oo ilaa iyo 11 qodob ayaa la tolay, kii kalana xabsigaa la dhigay.
Runtii waxeey kala lahaayeen labo aragti mid waxa uu yiri mowliidkan waxaa la aasaasay 700 ilaa 800 sano kadib dhimashadii Nabi Muxammed (SCWS), kii kalan waxa uu yiri Mowliidku waa suno wanaagsan .
Marka walaalayaaloow shu'aasha taagan waxa aay tahay yaa qaldan oo gar daran, oo maxuu saaxibkeey saaxiibkiiykale ku dhaawacay???