Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Maxaa kalimadda Culimadda iyo tan Kufaarta kulmiyey?.

Go down 
AuthorMessage
mujaahid123
shabakada maadow
shabakada maadow
mujaahid123


Mawduucyadaada : 58
ka Qeeb Qaadashaadaada : 123
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Halkaa joogto : muqdisho al ciz
Shaqadaada : xoreenta dalka

Maxaa kalimadda Culimadda iyo tan Kufaarta kulmiyey?. Empty
PostSubject: Maxaa kalimadda Culimadda iyo tan Kufaarta kulmiyey?.   Maxaa kalimadda Culimadda iyo tan Kufaarta kulmiyey?. EmptyMon Jun 21, 2010 2:14 am

salaamu calykum
waxaan salaamayay waalaaha webka oo dhan
Waxaa laga yaabaa in akhristaha qaayaha lihi is weydiiyo qoraagu muxuu u la jeedaa kulminta kelimadda culimadda iyo tan kufaarta oo caqliga saliimka ahi uu san meel soo wada dhigi karin.

Haddaba akhristow sidaad dareensantahay ama qof walba oo Muslim ahi oo caqli saliim ahi ku jiro dareensan yahay, waxa adag in labadaa qolo kelimaddooda meel laysugu geeyo laakiin markaad qoraalka aad hoos ugu daadagto ayaad garanaysaa sababta isku kefed ama miisan saartay.



Yaan loo fahmin in culimadda iyo kufaartu aay isku si u fekeraan ama aay isku si wax u doonayaan laakiin kelimaddaha aay adegsadeen ayaad moodaa ina isku hal cabir haystaan. Tusaale waxaa kuugu filan, marka laga hadlayo arrimaha Soomaaliya waxaa caado ah ama sharci laga dhigaa ah in laga hadlo arrimahan ama sidaanba loo hadlo:!!!

Waxaan shaki ku jirin inay hal kelmad isticmaalaan ragga kufaarta u badan ee arrimaha Soomaaliya ka hadlo ee uu ugu horeeyo, Obama, madaxweynaha Mareykanka wuxuu yiraahdaa arrimaha Soomaaliya Soomaalidu haka tashato, iyadu ha heshiiso, Banki-Mon oo isna ah ninka xoghayaha guud ka ah Qaramada sharta u midoobay isna intaa in le’eg buu yiraahdaa, Walad Cabdalla hadalkooduu isna ku hadaaqaa illayn wax baa loo yeeriyaa isagu arrin degsan buu fulinayaaye. Jaamacatu carab oo aan dareensanahay in warkeeedu yahay lo’duba ciday iyana intaasaay ku ceshaan Midowga Afrika oo aad mooddo inwaayahan ay shaqo ka heleen Soomaaliya oo hadba dal ka mid ah qandaraas lagu siiyey iyana wax intaa ka beddelan ma yaqaanaan. Isku soo hooriyoo arrinta waxay ku koobaan in Soomaali kaliya dagaalamayso iyaga keliyana is hayaan. Waxaa lama taabtaan ah ama uu qofkii afka soo mariyaa uu dambaabayo AMISOM oo ah nooc gumaysiga casriga ah ee loo yaqaan calooshii u shaqayste(mercenery).

Tacaddiyadda aay AMISOM ummadda Islaamka ah ku hayaana lagama hadlo inay dalka joogaana in la xusaa waa dambi ama la soo hadal qaado sidii Etiopia markii aay dalka qabsatay aan looga hadli jirin. Intaa waa garannay waa kufaar iyo cawaankeed. Waxaa markahaati ma doonta ah oo qof walbaa dhegihiisa ku maqlaa in culimmo badani meelo kala duwan shirar iyo nadwooyin diini ah aay ku qabtaan shirarkaas sidii qoladii hore oo aan sheegay ayaad moodaa iyagana inay mabnuuc ama dambi Alle laga galay ka tahay qofkii AMISOM ka hadla meesha shirar kale oo Islaami ah rag ka sheegeen inay xaq tahay inay AMISOM joogto madaama dowlad Islaami ah u yeeratay si aay Islaamiyiinta ula dagaalamaan. Caqliga basharku ma qaadi karo dowlad Islaami sheegata inay kufaar ka dalabto inay Muslimiinta kale uga hiiliso, kaasi waa caqli foorara. Nin Soomaaliyeed baa waxa laga hayaa isagoo nin sheekha oo turub ciyaaraya arkay buu wuxuu ku yiri; Qulaankaasi fas weeye iyo qaalallaahu tacaalaa qaalliyow kala daa!!!

Culimadda Islaamka guud ahaan iyo gaar ahaan qolyaha cilladdeeya ama duruqyo uyeelaya jihaadka Soomaaliaya ka jira waxa afkooda ka xaaraan ah inay xusaan Ciidammada AMISOM ee dadka Muslimiinta gummaadaya maalin walba waxayna ku agwareegaan Soomaalidu ha heshiisho, Soomaalidu ha is dayso. Soomaalidu yaysan is layn warkaasi waa kii Obama iyo daba qoodhigiisu oran jireen. Arrin argagax leh waxay ahayd qarraxii Masjidkii Cabdalla Shideeya oo Muslimiin badan cadowgu ku gummaaday xataa ninka lagu magacaabo Maxame Cumar Dalxa oo qolada cammiilka ah horjoogayaashooda ka mid uu ku adeeyey kufaartu inay ka dambayso qoladii Culimmaddii Gorowe ku shirtay Muslimiinta dhexdooda ayey ku eedeeyeen. Waa aarin naxdin leh in Dalxana gartay Culimmaddiina garan weyday

Warka waan badiyee waxaan ku soo gabagabaynayaa waxa meesha ka muuqdaa waa oraahdii Garaad Guuleed (Wiilwaal) uu walaashii ku yiri markay ninka inta la soo heshiisey aay tiri walaalkay Saca naasa adag markuu lisayo ayuu hubka dhigaaye codkaan kor u qadayaa oo waxaan oranayaa ma Saca naasa adag baan weysha u soo dayaa markaas gaad oo dil si aynu isu raacno Wiilwaalna wuxuu ahaa nin dareen dheer wuuna gartay oo yiri Saca naasa adag iyo weedha maxaa kulmiyey?!!!

Haddaba arrinka culimmadu wuxuu la mid yahay warkooda iyo warka kufaarta maxaa kulmiyey?

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare(Abu-Cabduraxmaan)
Back to top Go down
 
Maxaa kalimadda Culimadda iyo tan Kufaarta kulmiyey?.
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Maxaa loo dhaawacay ???
» Rag maxaa lagu raacaa
» Guurka Ka Dib maxaa labada Lamaane laga Rabaa?

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: