Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Rag maxaa lagu raacaa

Go down 
3 posters
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Rag maxaa lagu raacaa Empty
PostSubject: Rag maxaa lagu raacaa   Rag maxaa lagu raacaa EmptySun Aug 08, 2010 9:30 pm

Ragga iyo dumarku way ku kala duwan yihiin marka laga eego sifooyinka la’isku doorto xilliga guurka. Rasuulkeennu (Sallallaahu calayhi wasallam) waa kii yiri : (Naag waxa loo guursadaa maalkeeda, quruxdeeda, sharafteeda iyo diinteeda), taasi oo ina tusaysa in maalka iyo quruxdu ay 50% ka yihiin sababaha dumarka loo guursado, ha yeeshee kolkay arrintu joogto ninka isagu doonaya inuu guursado, qiimeyntiisu taa ka duwan.

Diinteenna Islaamku waxa ay xaddidday laba shardi oo haddii ninka laga helo ay tahay in markaa inanta uu soo doontay loo guuriyo, labadaasi shardi oo kala ah; Diin iyo Dabeecad. Rasuulka suubbani (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis ku leeyahay: (Hadduu idiin yimaado nimaad diintiisa iyo dabeecaddiisa u bogtaan u guuriya, haddii kale xumaan iyo dhibaato weyn baa dhulka ka dhacaysa). Xadiiska waxaad ka garan kartaa in dabeecadda qofku aanay ku xirnayn diintiisa, maxaa yeelay si kasta oo qofku uu diinta u yaqaan, haddana dabeecad wanaagga, degganaanta iyo qabowga iyo waa loo kala dhashaa dabeecad xumida, xanaaq dhowaanta iyo kulaylka joogtada ah.

Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) kuma aanu soo hadal qaadin xadiiskiisa qurux iyo maal looga baahan yahay ragga guurdoonka ah toona. Haddaba sababtu waxa weeyaan, aynu ku horreeyno quruxda eh, ninka ragga ah waxaa qurux ugu filan ragannimadiisa, oo kol hadduu waxgarad yahay, geesi yahay, caqli iyo kartina leeyahay, waxay ila tahay qurux ay dumar ku raacaan oo u harsani ma jirto. Dhanka kale, marka diinta Islaamka laga hadlayo, maalku kamid ma aha shuruudaha guurdoonka lagu xiray. Ninkii diin (aqoon iyo ku dhaqan) iyo dabeecad wanaag isku darsada, Eebbe asagaa xagga maalka ka kafaalad qaaday. Waxana taasi marqaati ka ah Aayadda oranaysa: (Hadday sabool yihiin eebbe asagaa deeqdiisa ku hodminaya).
by:
omar suleiman omar (Tita)

Back to top Go down
Ina_Maadow
shabakada maadow
shabakada maadow
Ina_Maadow


Mawduucyadaada : 276
ka Qeeb Qaadashaadaada : 722
Mahadcelin : 6
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Shaqadaada : Arday Jaamici

Rag maxaa lagu raacaa Empty
PostSubject: Re: Rag maxaa lagu raacaa   Rag maxaa lagu raacaa EmptyTue Aug 10, 2010 10:03 am

waaa maqaaal zaaid u wanaagsan.
walaal cumar waa ku mahad santhay maqaladaada yaabka badan
Back to top Go down
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Rag maxaa lagu raacaa Empty
PostSubject: Re: Rag maxaa lagu raacaa   Rag maxaa lagu raacaa EmptyWed Aug 11, 2010 9:40 pm

aad iyo aad adigana ugu mahadsantahay sida aad u xiiseeyso maqaaladeyda
Back to top Go down
abdi hafid abdi salan1
Madaxa Qeebta Maaqaalooyinka & Maahmaahyada
Madaxa Qeebta Maaqaalooyinka & Maahmaahyada
abdi hafid abdi salan1


Mawduucyadaada : 20
ka Qeeb Qaadashaadaada : 46
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 14/02/2010
35
Shaqadaada : student at university

Rag maxaa lagu raacaa Empty
PostSubject: Re: Rag maxaa lagu raacaa   Rag maxaa lagu raacaa EmptyMon Aug 23, 2010 5:54 am

kkkkkk waa maqaal oo magaciisabo u soo jiitay waay sxb mahadsanid rageeda ayaa tahay sxb
Back to top Go down
Sponsored content





Rag maxaa lagu raacaa Empty
PostSubject: Re: Rag maxaa lagu raacaa   Rag maxaa lagu raacaa Empty

Back to top Go down
 
Rag maxaa lagu raacaa
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Maxaa loo dhaawacay ???
» Maxaa kalimadda Culimadda iyo tan Kufaarta kulmiyey?.
» Guurka Ka Dib maxaa labada Lamaane laga Rabaa?
» Calaamadaha Qiyaaamaha lagu garto
» Anashid Sheekh usama Lagu faalinayo

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: