wadani shabakada maadow
Mawduucyadaada : 71 ka Qeeb Qaadashaadaada : 119 Mahadcelin : 0 Is Diiwaangalintaa : 24/02/2010
| Subject: Kororso Aqoontaada Qeebta (6 ) Tue Jan 18, 2011 6:17 pm | |
| salaamu calaykum dhamaan walaalaaha waan ka raali galinayaaa oo la socday barnaamijaani suaalaha iyo jawaabaha oo taxanaaha noo ahaayay wax yar waxaan ku jiray imtixaanaad hada laakin way ii dhamaadeen waa mahad alaaah marka qeebtii lexaad ku soo dhawaada
QEYBTII 6AAD.
1-Su'aal, Sheeg kumuu ahaa Gabyaagii Rasuulka (NNKH). 1-Jawab, Gabyaagii Rasuulka (NNKH) wuxu ahaa Xasaan Binu Thaabit.
2-Su'aal, Sheeg imisa sano ayey dacwadu (Fidinta diinta) Qarsoodi ehayd. 2-Jawab, Waxay dacwadu qarsoodi ahayd mudo saddex sano ah (3 sano).
3-Su'aal, Sheeg kuwii Islaamka ugu horeeyey ee muhaajiriin ah ? 3-Jawab, Waxay kala ahaayeen, 1- Hooyo Khadiijo Bintu Khuweylad rc, 2- Cali Bin Abii Daalib rc, 3-Abuu-bakar rc, 4-Sayid Binu Thaabit rc, 5- Cusmaan Bin Cafaan rc, 6-Subeyr Bin Cawaam rc, 7- Cabdi Raxmaan Bin Cowf rc, 8- Sacad Bin Abii waqaas rc, 9-Dalxa Bin Cubeydillah rc,
4-Su'aal, Sheeg Qofkii ugu horeeyey ee islaanimo ku shahiida? 4-Jawab, Wuxu ahaa Camar Bin Yasir rc, 5-Su'aal, Sheeg Gabadhii ugu horeesay ee Islaanimo ku Shahiida? 5-Jawab, Waxay ahayd sumeya Rc,
6-Sheeg, Markii ay Muhaajiriinta u haajireen Xabasho, Kufaartii Qureysh waxay ka daba diren Labo Nin, Si'ay Boqorka hadiyad ugu geeyaan, Muhaajiriintana Gacantooda loo-soo geliyo, Hadaba sheeg labadaas Nin magacyadooda? 6-Jawab, Waxay kala ahaayeen Cumar Bin Caas, iyo Cabdullaahi Bin abii Raabica.
7-Su'aal, Sheeg goormuu soo Islaamay Xamza Bin cabdi mudalib? 7-Jawab, Xamza Bin Cabdi mudalib wuxu soo islaamay sanadkii lixaad ee Nabinimada. Nabiga (NNKH) oo 6 sano nebi ah ayuu soo islaamay xamza. Sidoo kale sanadkaan waxaa soo islaamay Cumar bin Khadaab.
8-Su'aal, Sheeg Xamza RC iyo Cumar bin khadaab imisa maalmood ayey kala danbeeyeen soo galitaanka Diinta Islaamka . 8-Jawab, Waxay kala danbeyeen saddex maalmood (3 maal-mood).
9-Su'aal, Sheeg goormay dhacday hijradii uu Rasuulka (NNKH) ka soo Hijrooday Maka una soo Hijrooday Madiina? 9-Jawab, Waxay dhacday 29-kii bishii Safar sanadkii 14-aad ee Bicthada.
10-Su'aal, Sheeg markii Nebiga (NNKH) uu madiina u hijroonaayey kumuu ahaa asxaabigii la socday? 10-Jawab, Waxa la socday asxaabikiisii Godka= Waa abuu-bakar Sidiiq (RC).
11-Su'aal, Sheeg ciidaanka caalamka ugu tirada badan ? 11-Jawab, Ciidaanka caalamka ugu tirada badan waa ciidanka Shiinaha (China).
12-Su'aal, Sheeg ciidaanka caalamka ugu awooda badan? 12-Jawab, ciidanka caalamka ugu awooda badan waa ciidanka u.s.a, united states of America.
13-Su'aal, Sheeg warshada sonkor isnaay oo ku taalo magaalada jowhar sanadkii la-aas-aasay? 13-Jawab. Waxaa la-aas-aasay sanadkii 1925-tii
14- Su'aal, Sheeg magaalada kaliya ee Soomaaliya bariiska ka baxo? 14-Jawab, Waa magaalada Jowhar ee gobolka Shabellada Dhexe.
15-Su'aal, Sheeg bariiska ka baxa magaalada Jowhar magaca loo-yaqaano? 15-Jawab, Waxaa loo-yaqaanaa Bariis Baaroow.
16-Su'aal, Sheeg abwaanka weyn ee soomaaliyadeed Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) sanadkii uu dhashay? 16-Jawab, Wuxuu dhashay sanadkii 1943-dii
17-Sheeg sanadkii ey jabuuti xurnimada qaadatay? 17-Jawab. Waxay qaadatay 27 june 1977.
18-Su'aal, Sheeg shimbirka shimbiraha ugu xoogga badan? 18-Jawab, Waa shimbirka loo-yaqaano Gorgorka.
19-Su'aal, Sheeg Libaaxa yar ee ilmaha ah magaca loo-yaqaan? 19-Jawab, Waxaa loo-yaqaanaa Caga-baruur.
20-Sheeg sanadkii la qoray farta Soomaaliya? 20-Jawab. Waxaa la qoray 12 october 1972.
laco QEYBTII 7AAD.
| |
|
Admin Maamule Ku Xigeen
Mawduucyadaada : 77 ka Qeeb Qaadashaadaada : 155 Mahadcelin : 2 Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
| Subject: Re: Kororso Aqoontaada Qeebta (6 ) Sun Feb 06, 2011 12:35 pm | |
| | |
|
wadani shabakada maadow
Mawduucyadaada : 71 ka Qeeb Qaadashaadaada : 119 Mahadcelin : 0 Is Diiwaangalintaa : 24/02/2010
| Subject: Re: Kororso Aqoontaada Qeebta (6 ) Sun Feb 20, 2011 9:30 pm | |
| | |
|
Sponsored content
| Subject: Re: Kororso Aqoontaada Qeebta (6 ) | |
| |
|