wadani shabakada maadow
Mawduucyadaada : 71 ka Qeeb Qaadashaadaada : 119 Mahadcelin : 0 Is Diiwaangalintaa : 24/02/2010
| Subject: Kororso Aqoontaada Qeebta (4 ) Mon Oct 04, 2010 11:05 pm | |
| salaamu claykum maantane waxaan jecleysanlahaayay qeebta afraad inaan u soo gudbiyo wlaalalaheeda webka say ugu faaideestaan suaalahaan iyo jawaabahaaan ku soo dhawaada qeebta 4.
QEYBTII 4AAD
1-Su'aal, Sheg meeshay eheed meeshii ay aayada quraanka ugu horeesay ku soo degtay? 1-Jawab, meeshii ugu horeesay ay aayada quraanka ku soo degto waxay eheed Xiraa. 2-Su'aal, sheg imisa sano ayuu Quraanka soo dagaayey?2-Jawab, Wuxu soo dagaayey 23 sano.
3-Su'aal, Sheg Quraanka yaa u keeni jiray Rasuulka (NNKH) Ama sidee buu ku soo gaari jiray?3-Jawab, Rasuulka (NNKH) waxaa u keeni jiray Jabriil (CS) isagoo allahiisa ka soo qaadi qaadaaya.
4-Su'aal, Sheg kumuu ahaa Safiirkii ugu horeeyey ee uu Rasuulka (nnkh) uu madiina i diro si uu u baro Quraanka?4-Jawab, wuxu ahaa wuxu ahaa Muscab Bin Cumeyr (RC).
5-Su'aal, Sheeg asxaabtii uu Rasuulka (NNKH) u doortay inay quraanka soo dagaya uruuriyaan?5-Jawab, Wuxu u doortay Sayid Bin Thaabid, Ubaya Bin Kacab, Mucaad Bin Jabal, Mucaawiye Bin Abuu Sufyaan, iyo Afartii Khaliif.
6-Su'aal, Sheeg ninkii ugu horeeyey ee Quraanka aruuriya?6-Jawab, Ninkii ugu horeeyey ee Quraanka aruuriya wuxu ahaa Abuu-kabar Sadiiq (RC).
7-Su'aal, Sheeg sababta kaliftay in quraanka la isu soo aruuriyo hadaba sababta maxay ahayd?7-Jawab, Sababta waxay ahayd (Asxaabtii Quraanka xifdisaney oo dagaalada aad ugu dhimanaayey) Sida dagaalkii ka noqoshada meesha la yiraahdo Yamaama markaa waxaa laga baqay in quraanka lumo, Sidaas darteed baa dib loogu aruurshay Quraanka.
8-Su'aal, Sheeg kumuu ahaa asxaabigii uu abuu-bakar u xil saaray ama madax uga dhigay asxaabtii soo ururineesay quraanka?8-Jawab, Abuu bakar (RC) Wuxu madax uga dhigay asxaabtii quraanka soo uruurineesay asxaabiga la yiraahdo Sayid binu Thaabid.
9-Su'aal, Sheeg qofkii ugu horeeyey ee Islaamka u hijrooda ?9-Jawab, Qofkii ugu horeeyey ee Islaamka u hijrooda waa Cusmaan Bin Cafaan iyo RUkhiya muxammed rc.
10-Su'aal, Sheeg maxay kala yihiin muhaajiriin iyo ansaar?10-Jawab, Waxay kala yihiin labo (2) 1- Muhajiriin waxaa ladhahaa asxaabtii maka ka timid oo timid madiina. 2-ansaar-na waa asxaabtii Madiina loogu yimid
11-Su'aal, sheeg buurta Africa ugu dheer magaceeda?11-Jawab, Buurta africa ugu dheer waxa ladhahaa Kalaminjaara.
12-Su'aal, Sheeg Buurta kalaminjaara oo ah Buurta africa ugu dheer wadanka ey ku taalo?12-Jawab, Buurta Kalaminjaaro waxay ku taalaa xadka tanzania iyo kenya.
13-Su'aal, Sheeg, Wax marka ay siyaadaan sii naaqusa?13-Jawab, waa dayaxa.
14-Su'aal, Sheeg goorma ayuu geeriyooday Sayid Maxamed Cabdule Xasan?14-Jawab, Sayid Maxamed Cabdule Xasan wuxu geeriyooday sanadkii 1921.
15-Su'aal, Sheeg wadankii ugu horeeyey oo Afrikaan ah diyaarad lagu weeraro?15-Jawab, Wadankii ugu horeeyey oo Afrikaan ah diyaarad lagu weeraro (Duqeeyo) waa Soomaaliya.
16-Su'aal, Sheeg meeshii ugu horeesay oo soomaaliya ah Misana diyaarad lagu weeraro?16-Jawab, Meeshii ugu horesay oo Soomaaliya ah diyaarad lagu weeraro waa degmada teleex, Waxana lagu weeraray xiligii sayid Maxamed Cabdule Xasan.
17-Su'aal, Sheeg dagaalkii u dhaxeeyey Sayid Maxamed Cabdule Xasan iyo England (British) sanadkii uu bilowday?17-Jawab, Dagaalkii u dhaxeeyey Sayid Maxamed Cabdule Xasan iyo england (British) Wuxu bilowday sanadkii 1900-kii.
18-Su'aal, Sheeg gobalka ugu weyn Soomaaliya?18-Jawab, Gobalka ugu weyn Soomaliya waa Gobalka Bari, magaaladiisana waa Boosaaso.
19-Su'aal, sheeg wadanka Afrika ugu dhulka balaaran?19-Jawab, Wadanka afrika ugu dhulka balaaran Waa wadanka Suudaan (Sudan). 20-Su'aal, Sheeg Sadaam Xuseen oo ahaa madaxweynihii hore ee ciraaq sanadkii uu dhashay?20-Jawab, Sadaam xuseen wuxu dhashay sanadka marka uu ahaa april 28, 1937. alla yaa raxma sadaam xuseen majiid aamiin aamiin aamiin.....
| |
|
Admin Maamule Ku Xigeen
Mawduucyadaada : 77 ka Qeeb Qaadashaadaada : 155 Mahadcelin : 2 Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
| Subject: Re: Kororso Aqoontaada Qeebta (4 ) Thu Oct 07, 2010 6:29 pm | |
| | |
|
wadani shabakada maadow
Mawduucyadaada : 71 ka Qeeb Qaadashaadaada : 119 Mahadcelin : 0 Is Diiwaangalintaa : 24/02/2010
| Subject: Re: Kororso Aqoontaada Qeebta (4 ) Fri Nov 05, 2010 11:15 pm | |
| | |
|
Sponsored content
| Subject: Re: Kororso Aqoontaada Qeebta (4 ) | |
| |
|