wadani shabakada maadow
Mawduucyadaada : 71 ka Qeeb Qaadashaadaada : 119 Mahadcelin : 0 Is Diiwaangalintaa : 24/02/2010
| Subject: Kororso Aqoontaada Qeebta(1) Wed Aug 25, 2010 12:20 pm | |
|
salaamu calykum waxaan walaalaha u soo gudbin doonaa haduu ale yirahdo inaan u soo gudbiyo qeebo farabadan ee aqoon karorsi oo ka kooban suaalo iyo jawaabo waxaana filayaa inay umada soomaaliyeed ay ka faaideysan doonaan haduu ale yirahdo
1- su'aal. sheeg ninkii afhayeenka u ahaa asxaabtii u hijrootay ardul xabash? 1-jawaab. wuxu ahaa jacfar bin abii daalib rc.
2- su'aal. sheeg kumuu ahaa asxaabigii loo-aqoon jiray tartamaagii quraanka kariimka 2-jawaab. wuxu ahaa c/laahi bin cabaas rc.
3- su'aal. sheeg magaca islamka kahor madiina loo yaqiinay? 3-jawaab. waxa loo yaqiinay yaidrib.
4= su'aal. sheeg sanadkii uu soo islaamay halyeey-gii cumar bin khadaab rc?
jawaab. wuxu soo islaamay sanadkii 6-aad ee nabinimada rasuulka nnkh loo-soo saaray.
5= su'aal sheeg abuu bakar rc magaciisa oo seddexan?jawaab. waxa waaye c/raxmaan bin qaxaafa.
6= su'aal. sheeg magaca rasuulka nnkh hooyadii oo seddexan?
jawaab. waxa waye aamina bintu wahab bin cabdi manaaf.
7= su'aal. sheeg ninkii dadka waaweyn ugu hor rumeeyey rasuulka nnkh?
jawaab. wuxu ahaa abuu bakar sadiiq rc.
8= su'aal. sheeg qofkii ugu hor rumeeyey rasuulka nnkh oo haween ah?
jawaab. waxay eheed hooyo khadiija bintu khuweylad.
9= su'aal. sheeg nabiga nnkh yaa ugu hor rumeeyey caruurta yar yar?
jawaab. wuxu ahaa cali bin abuu daalib rc.
10= su'aal. sheeg islamka kahor c/raxmaan bin cawf magacii loo aqoon jiray?
jawaab. waxa loo aqoon jiray "cabdi camr''
11= su'aal. sheeg ninkii ugu horeeyey ee muslimiinta salaad jimco tujiyo?
jawaab. wuxu ahaa asxaabigii weynaa ee sacad bin suraara rc.
12= su'aal. sheeg goortuu dhacay dagaalkii badar?
jawaab. wuxu dhacay 17-kii ramadaan sanadkii 2-aad ee hijriyada.
13= su'aal. sheeg shanta nabi ee ulul-casmiga laysku yiraahdo?
jawaab. waxay kala yihiin. 1=nabi nuux cs, 2=nabi ibrahim cs. 3=nabi muuse cs. 4=nabi ciise cs, 5=nabi muxamed scw.
14= su'aal. sheeg maxa la oran jiray ninkii dilay cali bin abii daalib?
jawaab. waxa la oran jiran c/raxmaan binu muljin.
15= su'aal. sheeg ninkii waqtigii nabiga scw noolaa nabinimada sheegtay?
jawaab. waxa la oran jiray musaylamatul kadaab.
16= su'aal. sheeg kumuu ahaa mu'adinkii rasuulka nnkh ?jawaab. wuxu ahaa bilaal binu rawaaxa.
17= su'aal. sheeg yaa ugu horeeyey muslimiinta qof maka ka haajira oo u haajira madiina?
jawaab. wuxu ahaa abuu salaama rc.
18= su'aal. sheeg aayada kulmisay dhammaan xuruuful hijaa'iga?
waa muxamadu rasuullulaah. (suuratul fatax)
19= su'aal. sheeg kumuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee qora bismillaahi raxmaanil raxiim?
jawaab. wuxu ahaa nabi suleymaan cs.
20= su'aal. sheeg meesha uu ku shihiiday imaam xuseen ?
jawaab, wuxu ku shahiiday karbala.
21= su'aal. sheeg goorma ayaa la farad yeelay zakaatul fidriga?
jawaab, waxa la farad yeelay sanadkii labaad ee hijriyada.
22= su'aal. sheeg asxaabigii ey ka xishoon jirtay malaa'iigta?j
awab wuxu ahaa cusmaan bin cafaan.
23= su'aal. sheeg asxaabigii dhimashadiisa dartiis uu cashriga la gil gishay ?
jawaab. wuxu ahaa sacad bin mucaad.
24= su'aal. sheeg goorma ayuu dhacay dagaalkii qanda?
jawaab. wuxu dhacay sanadkii 8-aad ee hijriyada.
25= su'aal. sheeg asxaabigii u soo jeedshay rasuulka (nnkh) dagaalkii qandaq dhufeys in aad noqoto?
jawaab. wuxu ahaa salmaan al faarisi rc.
26= su'aal. sheeg goorma ayuu dhacay heshiiskii xudeybiya ?
jawaab. wuxu dhacay sanadkii 6-aad ee hijriyada.
27= su'aal. sheeg kumuu ahaa asxaabigii bilaabay taariikhda hijriyada?
jawaab. wuxu ahaa cumar bin khadaab rc.
28= su'aal. sheeg sanadkii la-oofsaday rasuulka (nnkh)?
jawaab. waxa la-oofsaday 11-kii hijriyada.
29= su'aal. sheeg Rasuulka (nnkh) markii uu geeriyooday ilmihiisa imisa ayaa ka noolaa?
jawaab. waxa ka nooleed faaduma bintu rasuulullaah.
30= su'aal. sheeg nabi muuse cs iyo nabi haaruun cs keebaa weynaa?
jawaab. waxa weynaa nabi haaruun cs.
Last edited by wadani on Wed Aug 25, 2010 12:30 pm; edited 1 time in total | |
|
wadani shabakada maadow
Mawduucyadaada : 71 ka Qeeb Qaadashaadaada : 119 Mahadcelin : 0 Is Diiwaangalintaa : 24/02/2010
| Subject: Re: Kororso Aqoontaada Qeebta(1) Wed Aug 25, 2010 12:25 pm | |
| la socda qeebta labaa haduu ale yirahdo | |
|
Ina_Maadow shabakada maadow
Mawduucyadaada : 276 ka Qeeb Qaadashaadaada : 722 Mahadcelin : 6 Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010 Shaqadaada : Arday Jaamici
| Subject: Re: Kororso Aqoontaada Qeebta(1) Sat Aug 28, 2010 7:01 am | |
| sxb waa ku mahadsantahay waana la soconaynaa qeebta labaad haduu ale yirahdo | |
|
wadani shabakada maadow
Mawduucyadaada : 71 ka Qeeb Qaadashaadaada : 119 Mahadcelin : 0 Is Diiwaangalintaa : 24/02/2010
| Subject: Re: Kororso Aqoontaada Qeebta(1) Tue Aug 31, 2010 5:10 am | |
| mahad sanid sxb la socoshadaad hada la soco qeebta labaad | |
|
Sponsored content
| Subject: Re: Kororso Aqoontaada Qeebta(1) | |
| |
|