Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 waa maxay kolestarool?!

Go down 
4 posters
AuthorMessage
Dr.Mohamed
Madaxa Qeebta Caafimaadka
Madaxa Qeebta Caafimaadka



Mawduucyadaada : 10
ka Qeeb Qaadashaadaada : 28
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 12/09/2010

waa maxay kolestarool?! Empty
PostSubject: waa maxay kolestarool?!   waa maxay kolestarool?! EmptyMon Nov 08, 2010 9:58 pm

Waa Maxay Kolestarool?!
Kolestarool (Cholesterol) waa shay dufan ah oo jirku uu u baahan yahay inuu ku shaqeeyo. Waxaa lagu sameeyaa beerka waxaana laga helaa cuntada ka timaadda xoolaha, sida hilibka, ukunta, waxyaabaha caanaha laga sameeyo iyo subagga.
Kolestarool fara badan oo jirka ku jira wuxuu noqon karaa mid waxyeello u leh jirkaaga wuxuuna kordhin karaa halista aad ugu jirto cudurka wadnaha.

Halis ayaad ugu jirtaa dhiig kolestaroolkiisu sarreeyo haddii:
• Jirkaagu uu sameeyo kolestarool fara badan
• Aad cunto cunno uu dufanka cayriin iyo kolestaroolku ay ku sarreeyaan
• Aad sonkorow qabto, heerka qanjirka dheecaan burburintaadu uu hooseeyo kaasoo loo yaqaanno hypothyroidism, ama cudurka killida

Waxaa jira 3 nooc oo waaweyn oo dufan ah oo dhiiggaaga ku jira:
• (Dufanka Cufkiisu Sarreeyo) High Density Lipoproteins (HDL):
Kolestaroolkaan “wanaagsan” wuxuu kolestaroolka dheeraadka ah ka qaadaa dhiiggaaga wuxuuna ku celiyaa beerka si markaas jirkaagu uu u awoodo inuu uga takhaluso.
• (Dufanka Cufkiisu Hooseeyo) Low Density Lipoproteins (LDL):
Kolestaroolkaan “xun” ee dhiiggaaga ku jira wuxuu ku kordhaa marinnada dhiiggaaga. Tani waxay keeni kartaa in marinnada dhiiggaagu ay ciriiri galaan, iyadoo dhibaato gelinaysa socodka dhiigga.
• Triglycerides: Cunidda Kaarbohaydareyt fara badan waxay kordhin kartaa heerka triglyceride.
Dufannada dhiigga waxaa lagu cabbiraa baaritaanka dhiigga.
Natiijooyinkaagu waxay kuu sheegi doonaan heerka guud ee kolestaroolka dhiiggaaga
• Heerka caafimaadka oo ka hooseeya 200.
• Haddii kolestaroolkaaga guud uu ka sarreeyo 200, takhtarkaagu wuxuu kaa baari doonaa HDL, LDL iyo triglycerides.

Heerka HDL ee kolestaroolka dhiiggaaga
Kani waa kolestaroolka “wanaagsan”: mar kasta oo ay tiradiisu sarreyso, way ka sii wanaagsan tahay.
• Heerka caafimaadka leh waa 60 iyo ka kor.
• Takhtarkaaga kala hadal daaweynta haddii heerkaagu ka hooseeyo 40.

Heerka LDL ee kolestaroolka dhiiggaaga
Kani waa kolestaroolka “xun”: mar kasta oo ay tiradiisu hooseyso, way ka sii wanaagsan tahay.
• Heerka caafimaadka leh wuxuu ka hooseeyaa 100.
• Waxaa laga yaabaa in takhtarkaagu uu doonayo in LDL-kaagu uu ka hooseeyo 70 haddii aad in dhawaale dhibaato wadne la kulantay.
• Takhtarkaaga kala hadal daaweynta haddii heerkaagu uu yahay 130 iyo ka kor.

Heerka triglyceride-ka dhiiggaaga
• Heerka caafimaadka leh wuxuu ka yar yahay 150.
• Takhtarkaaga kala hadal daaweynta haddii heerkaagu uu yahay 200 iyo ka kor.

Si aad hoos ugu dhigtid heerka kolestaroolka dhiiggaaga
• Takhtarkaaga u tag oo kolestaroolka si joogto ah ha lagaaga cabbiro.
• Kala hadal takhtarkaaga, kalkaalisada ama cunto qoraha wax ku saabsan qorshaha cunto cunidda iyo jir dhiska.
• Daawo ayaa laga yaabaa in loo baahdo haddii cuntada la qoray iyo jir dhisku aysan ku filneyn xalka arrinta.
• Cun cunto buunshuhu ama faybarku aad ugu badan yahay, sida miraha isu dhan, digirta isu dhan, iyo furuto markaas la gooyey iyo khudrad.
• Xaddid cuntada ay ku jiraan xaddiyo sare oo kolestarool ah iyo dufannada cayriin iyo dufannada polyunsaturated-ka ah, sida hilibka lo’da, farmaajada, iyo caanaha.
• Cun cuntooyin dufankoodu hooseeyo, sida digaagga haragga laga diiray, kalluun ama caano dufanka laga saaray.
• Dooro cuntooyinka ay ku sarreeyaan dufanka monosaturated-ka ah, sida saytuunka ama saliidda canola iyo naatiska.
• Dub, kari, sol ama dhagax ku dub halkii aad shiili lahayd.
XIGASHO

SOMALI DOC
Back to top Go down
wadani
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 71
ka Qeeb Qaadashaadaada : 119
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 24/02/2010

waa maxay kolestarool?! Empty
PostSubject: Re: waa maxay kolestarool?!   waa maxay kolestarool?! EmptyFri Dec 17, 2010 12:40 pm

mahadsanid walaal
Back to top Go down
adham
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 1
ka Qeeb Qaadashaadaada : 1
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 19/07/2011

waa maxay kolestarool?! Empty
PostSubject: Re: waa maxay kolestarool?!   waa maxay kolestarool?! EmptySat Jul 23, 2011 1:57 pm

[i] Asc;-
Salaan kadib aniga waxaan ahay qof uu aad u dilooday cudurkan kolosatoolaha waxaan aad ugu mahadcelinayaa shaqsigii noo soo qoray maqalaakan anigana ii soo duceeya inuu alle iga qaado cudurkan.
Mahadsanidiin.
Back to top Go down
Salman_Maadow
Maamulka
Maamulka
Salman_Maadow


Mawduucyadaada : 11
ka Qeeb Qaadashaadaada : 25
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 17/08/2010

waa maxay kolestarool?! Empty
PostSubject: Re: waa maxay kolestarool?!   waa maxay kolestarool?! EmptyMon Jul 25, 2011 7:30 am

adham wrote:
[i] Asc;-
Salaan kadib aniga waxaan ahay qof uu aad u dilooday cudurkan kolosatoolaha waxaan aad ugu mahadcelinayaa shaqsigii noo soo qoray maqalaakan anigana ii soo duceeya inuu alle iga qaado cudurkan.
Mahadsanidiin.
Alaaah waxaan ka baryaa inuu alaah kaa dulqaado cudurkaan kuna caafiyo
Back to top Go down
Sponsored content





waa maxay kolestarool?! Empty
PostSubject: Re: waa maxay kolestarool?!   waa maxay kolestarool?! Empty

Back to top Go down
 
waa maxay kolestarool?!
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Waa maxay Nacaybka Khaniisiinimadu?
» Casharka 1-aad: Waa Maxay Kumbiyuutar?
» Waa maxay kaygen iyo crack iyo patch??????
» Waa Maxay Maalinta Jaceylka Adduunka ee 14 Febraayo?‏
» Waa maxay Maalinta Jaceylka Aduunka? Yaase Aaminsan?

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Caafimaadka-
Jump to: