Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Waa Maxay Maalinta Jaceylka Adduunka ee 14 Febraayo?‏

Go down 
2 posters
AuthorMessage
Ina_Maadow
shabakada maadow
shabakada maadow
Ina_Maadow


Mawduucyadaada : 276
ka Qeeb Qaadashaadaada : 722
Mahadcelin : 6
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Shaqadaada : Arday Jaamici

Waa Maxay Maalinta Jaceylka Adduunka ee 14 Febraayo?‏ Empty
PostSubject: Waa Maxay Maalinta Jaceylka Adduunka ee 14 Febraayo?‏   Waa Maxay Maalinta Jaceylka Adduunka ee 14 Febraayo?‏ EmptyThu Feb 18, 2010 6:28 am

salaamu calaykum
walaalayaal mawduucaan waxaa iigu soo diray inboxka walaalkeena oo katirsan webk maxamacarab marka walaalka maqaalkiisa wuxuu oogu hadlaayi waxyaaabay ay ka imaatay waxa lagu sheego maalinta jacaylka dunida iyo yaakeenay iyo diinta maxay ka qabtaaa ku soo dhawoow maqaalka.
Valentine's day maalinta dareenka dahsoon (jacaylka) waa maalin in badan oo dunida ka mid ah si milgo iyo maamuus badani ku dheehan yahay looga weyneeyo loogana dabaaldego, damaashaadka iyo dareenka farxada huwani waa maalin ay si weyn dunida uga dhexmuuqdaan,

waa maalin dad badan oo waayuhu kala qariyeen is tebaan, lamaanayaal tiro beel ahina kalsooni yo kalgacal hagar la'aan ah is weydaarsadaan, iyagoo qiyaasaya ballaca iyo jooga jacaylkoodu intuu leeg yahay iyo siduu midba midka kale ugu laab-xaadhan yahay uguna uur-sanyahay, iyagoo xasuustooda kasoo dheeganaya waayo waxay soo mareen iyo waagii ay nolosha bilaabayeen qaabkay u wadaageen dareenkooda dahsoon.

14/february waa maalin qiimo iyo qadarin baaxad weyn ugu fadhida dadka uu la dersey dareenkaasi maalmuhu iskuma jiraan maalintaas waxaa aad caalamka u maansheeya ugana dhexmuuqda midab ka mid ah 7da midab ee dunida ka jira waa midabka guduudka(casaanka)qofka isagu raba inuu wax ka wadaago dareenka diiran ee maalintaasi xambaarsantahay midabakaas si gaar ah ayuu u jantaa,

waxaaba suurta gal ah inuu dharkiisa, ubaxa uu hadiyada ka dhigayo, iyo shukulaatada dadku maalintaas is dhaafsadaan (shukulaatada saxibtinimada) intuba ay guduud noqdaan.

Sidee bayse maanka iyo maskaxda u geli kartaa xidhiidhka midabkaas iyo maalintaas amaba jacaylka iyo midabka guuduudan maxaa isku jaalka ka dhigay!! jawaabtu hoos bay ku qorantahaye haw daymo la,aan.!!.

Marka hore aynu milicsi taariikheed ku samayno maalintaas iyo mudnaanteeda meesha laga soo dheegtay 14/feb, si aynu dhammaanteen isula jaanqaadno una sii jibaaxno sooyaalka ay leedahay.

Horta magaca (VALENTINE) waa magac baaderi qaabkii magaca wadadkas iyo munaasabadaas laysugu lamaaniyeyna way inoo soo socotaa, maalintan valentine's day waxay ka mid ahayd ciidihi ay samayn jireen roomaaniyiintii baaniyaalka ahaa (pagan romans) waxaa la ogyahay in roman's ku muddo 17qarni ka badan ka qaawanaayeen dhammaan diimaha samaawiga ah, ahaayeena dad waxay maankooda ka helaan isku maamula, caqligaas garashada diimeed ka madhani wuxu u garawsanaa maalintani inay tahay (jacaylka rabbi).

Waxaa la weriyaa saddex sheeko oo dhammaantood lagu macneeyo maalintan iyo qaabkay baalasha taariikhda ku gashay iyo halkay ku biya shubato, waa kuwan.
1. Waxay rumays naayeen romansku in ninkii la odhan jiray (ROMULUS)*aasaasihii magaalada (ROMA), inay maalin maalmaha ka mid ah ay nuujisay yey-dhadig ka dibna caanihii yeyda uu ka dhaxlay garasho xeel dheer iy awood miiggan!

dhacdadaas dhalanteedka ah ayey sanad walba bisha february dhexdeeda u durbaan tuman jireen dabaal deg agaasimana astaysiin jireen, maalintaas waxa ugu weyn ay samayn jireen waxay ahayd *waxay gawrici jireen ri iyo ey dhiigooda ayaa waxa la marin jiray laba wiil oo aad u bilicsan, ka dibna waxaa lagaga dhiqi jiray caano,

markaas ka dib waxaa la agaasimi jiray raabayaal dad ah kuwaasoo wadooyinka magaalada gaaf meeri jiray labadii wiilna hor ka cayaan, labadaas wiil waxaa loo dhiibi jiray laba jaamood oo hargihii eyga iyo rida ah qofkastoo ka horyimaadana hargahaas ayaa lala dhici jiray iyadoo la barakaysanayo, gaar ahaan gabdhaha ayaa aad u beegsan jiray in haragaasi haleelo iyagoo garwaaqsanaa in ma dhalaysnimada iyo caruur la'aantu meesha ka baxayaan hadii haragaasi taabto!!!!.

Xidhiidhka maalintaas la maamuuso iyo baaderigii valentine waxa lagu macneeyey * baaderigan valentine waxaa silic dilyeeyay boqorkii meesha ka ariminayey (CLAUDIUS 11) abaaraha 296M, goobtii baaderigaasi ku qudhbaxay waxaa laga taagey kaniisada weyn (ROMAN CATHOLIC CHURCH) 350M, si maanka iyo maskaxda dadweynaha loogu kaydiyo kaalintii baaderi valentine ka qaatay halganka naf hurida diinta.

Ka dib markii roomaniyiintu cawaanimadii ka baxeen kiristaanimadana u xuub siibteen(christianity) ayey maalintii baaderi valentine la dilay u aqoonsadeen maalinta jacaylka iyagoo ka minguuriyey aragtidii ahayd jacaylka rabbi una raray maalinta jacaylka, waxay ka dhigeen baaderi valentine nin is jacaylka iyo nabada astaan lagu soo hirto u ahaa, waxay u aqoonsanaayeen nin dadka is jecel daryeela danahoodana difaaca.!!!.

2. Roman's ku waxay u dabaal degi jireen waagii ay baaniyaalnimada ku jireen ciidda loo yaqaan ( LUPERCALIA) waxay ciidaas darbi jireen qurbaan iyo hadiyado ay ilaahyadooda ugu dhowaan jireen iyagoo rumaysan inay xumaan oo dhan ka xijaabayso, xoolohoodana habar dugaag ka hor is taagi doonto!! ka dib markay diinta masiixiga qaateen waa qarnigii sadexaad nebi ciise (CS) ka dib, boqor claudius wuxu soo rogey xeer uu askartiisa guurka kaga xakamaynayo,

waa cuna qabatayn dhanka guurka ah, wuxuna ku sababeeyey arintaas boqorku dagaalo badan ayuu geli jiray wuxu rumaysnaa askari xaas lihi inaanu si hufan u dagaal geli karin, gol daloolo badanina ay iman karto hadiiba askarigu naag iyo ciyaal leeyahay,

arintaas waxaa ku gacan saydhay baaderi valentine oo waagaas noolaa wuxu bilaabay inuu lamaanayaasha doonaya inay nolosha wadaagaan si hoose isugu meheriyo askarta dhexdeeda. isagoo aan dheg jalaq u siin dhawaaqii boqor claudius, boqorkii arintii buu ogaaday mr.valentine xabsiga ayaa loo taxaabay dhegtaana dhiiga loo daray 14/feb/270 M oo noqotay maalin jacaylka jaal la ah. ( waxaa la sheegaa aragtidani inay tahay tan ugu dhow xaqiiqda uguna maan galsan marka la rog rogo.)

3. aragtidan ugu danbaysa waxay leedahay boqorkii aynu kasoo sheekaynay wuxu ahaa nin diin laawe ah (pagan) valentine na wuxu ahaa wadaad masiixiyada dadka ugu yeedha boqorkii wuxu go,aansaday inuu wadaadkaas diintiisa weydaariyo una raro dhanka diin la,aanta iyo baaniyaalnimada, valentine baase diiday aragtidaas gurracan ka dib 14/feb ayaa dil lagu xukumay lana ruux togey, markii boqor claudius diinta qaatayna wuxu ku aaddiyey ciidii maalintii valentine la dilay si logu xasuusto wadaadkaas diinta u dhintay.

ASTAAMAHA MAALINTA VALINTENS DAY.

Valentines day waxay leedahay astaamo iyo arimo qofka u dabaal degayaa ku sifoobo dadka kalena kaga soocmo, sumadaha maalintaas waxaa ka mid ah.
A. Farxad iy rayrayn heerkeedu sareeyo oo qofka foolkiisa ka muuqata iyo dareenka debecsan ee qaliba oo wejigiisa laga akhrisan karo.

B. Is dhaafsi ubaxyo midabkodu guduud yahay labada qof ee is jecelna is gudoon siiyaan.

C. Waxaa lays weydaarsadaa warqado hambalyo iyo bogaadin xambaarsan ayna dusha kaga xardhan tahay kelmeda valentines day iyo sawirka wadnaha oo si qurux badan loogu fara yaraystay lagana yaabo inay dareenka dad badan soo jiidato.

D. Waxay is dhaafsadaan kelmedo debecsan iyo weedho ka turjumaya dareenka qofka dhahaya ahna dhanbaal qalbiga laga soo dheehday sida . *happy valentines day* *happy day* *love and life* *dear love* * i love you * iyo qaarkale, mararka qaar waxaa dhacda in dareenka lagu wadaago hadalo tix iyo tiraab isugu jira, ruux walibana ku hadaaqo meerisyo gabayo iyo geeraaro ah oo dareen taabad leh lagana dhaxlay dadkii warmaha jacaylku tumaatiyeen sida cilmi bodhari iyo hodon, qays ibnu muluux iyo leyla*.

E. Waxaa la agaasimaa kulano maalmeed iyo cawaysyo habeenkii ah oo qofwaliba kusoo bandhigo farxadiisa iyo dareenkiisa diiran, waxaa laysku dhaafsadaa hadiyado iyo sanduuqyo shukulaato ah oo say iyo saxiba si siman laysu gaadhsiiyo.
Waxaa jira maalmo kale oo u qaab iyo qorsheba dhaw maalintaas valentines day, oo caalamka meelo badan oo ka mid ah laga sameeyo, tusale ahaan. SWEDEN * all hearts day* baa ka jirta FINLAND * friends day* TURKEY * sweat hearts day* MEXICO, GUATAMALA, ELSELVADOR * day of love and friendship* kuuriyooyinka waxa ka jira maalmo fara badan oo aad mooddo in laga soo dhirin dhiriyey maalintan valentineka waxaa ka mid ah *candle day* maalinta shumaca * white day* maalinta cad * black day* maalinta madow * rose day* maalinta ubaxa * kiss day* maalinta dhunkashada * silverday* maalinta fidada * movie day* maalinta shaleemada * green day* maalinta cagaaran * music day* maalinta muusikada * wine day* maalinta khamrada * hug day* maalinta xabadka laysa saaro.

UBAXA GUDUUDAN, ASTAANTA WADNAHA IYO JACAYLKA MAXAA ISKU SIDKAY.

Waxaynu idil ahaanteen ba ka wada dheregsanahay sida midabka guduudani midabada kale uga dheereeyey marka la joogo fagaaraha jacaylka iyo goobaha dareenka dahsoon lagu wadaago, qofkii wax jeclaa ubaxas cas buu sidaa kii la jeclaana ubaxas ayuu sugayaa, hadaba maxay tahay sababtu, ubaxan guduudanow xagee gunta ku haysaa, qisadan hoos ku qoran markaad akhrido ayaad jawaabta heli doontaa.

Waxay weriyeen * wiil dhalinyaro ah oo ku abtirsada qoys danyar ah, tabartooda dhaqaalena hoosayso ayaa ka qayb galay bandhig qolo tanaaday hantina is taawisay dhiganayso laguna qabanayo gole aad u qurux badan,

wiilkii markuu goobtii gaadhey ba wuxu indhaha ku dhuftay gashaanti bilicsan, ilaahayna dheg iyo dhaban ugu deeqay, quruxna rabbi weel u buuxshey, way beer qaaday, qalbigiisii ayey ruxday, si dareen taabad lehna wuu u eegay inantii,

waxay dani dhaafin wayday inuu u tago una bandhigo dareenkiisa, wuxu doonay inay gaada ka cayaar la samayso nasiib wanaag way ka yeeshay shardi bayse ku xidhay, waxay tidhi * waan kula cayaarayaa lakin waxaad ii keentaa ubax guduudan wuxu yidhi *qofyahay xilligaan ku jirnaa waa jiilaal ubax iska dhaafe dhirtu xataa caleen qoyan ma leh say tidhi "ilaa aad shardigaas buuxisid inta cirku kuu jiro ayaan kuu jiraa, wiilkii meeshii ayuu kabihiisa ka illaday, goobtiina wuu ka jaqaafiyey, wuxu bilaabay baadi doonka ubaxii guduudnaa xaguuse ka heli!!

isagoo meel beer ah wareega cadaysanaya welwelka iyo warba-haarkuna wehelkiisa kowaad yihiin ayaa waxaa arkay shimbir yar, su'aal ayuu waydiiyey wiilkii oo yidhi * maxaad raadinaysaa oo kaa lumay? wiilkii wuxu yidhi *ubax guduudan ayaan raadinayaa!! shimbirkii baa yaabay oo yidhi * wakhtiga lagu jiro miyaadan ogayn xagee ka helaysaa ubaxaas guduudan !!!? wiilkii wuxu ku jawaabay * waan ogahay lakin inaan raadiyo waan ku qasbanahay maxaa yeelay gabadh aan aad u jeclahay la'aantiis ma hanan karo !!.

shimbirkii wuxu yidhi is deji waxaan isku deyeyaa inaan kusoo helo ubaxaas lagugu xujeeyey, shimbirkii yaraa balaasha ayuu kala bixiyey wuuna duulay, wuxu caga dhigtay meel beer ah, bidix iyo midig ayuuna daymooday nasiib darrose waxba ma helin, markaas ka dib ayuu oohin la fadhiistay, isagoo ooyaya ayaa waxaa arkay geed dhirtii ka mid ah wuxuuna waydiiyey su.aashan "shimbiryohow yari maxaa kaa oohiyey", sheekadii ayuu ku jalbeebiyey isaga iyo wiilka dhexmartay !!.

geedkii wuxu yidhi * anagu haddaan dhirtii nahay xilli jiilaal ah baan ku jirnaa ubaxaasna lama heli karo hadda!!, shimbirkii baa yidhi waan ogahay lakin wiilka ayaan aad ula jeclahay inuu gabadha gacanta ku dhigo!!. geedkii baa yidhi ubaxaas inaad hesho wax kasta maw huri kartaa? suu yidhi aad oo weyn !!! geedkii wuxu yidhi * laan qalalan geedkaas kasoo jar, wadnahaagana dhaawac gaadhsii si dhiig uga soo daato, laantana u caseeyo shimbirkii wuxu yidhi hawraarsan iyo guddoon!!!!!!!!!.

shimbirkii yaraa mindi ayuu wadnaha iskaga dhuftay dhiigii qubanayeyna laantii ayuu hoos dhigay markay guduudatayna wuxu ula duulay dhankii wiilka isagoo laftiisu dhaawicii wadnihiisa gaadhey la ildaran, wiilkii buu u gacan geliyey, nasiib darro wiilkii ma xusuusan inuu u mahad celiyo shimbirkii yaraaye intaasoo saymood u maray garabna ku siiyey inuu gaadho yoolkiisa!!!.

gabadhii ayuu u geeyey ubaxii, waxayse tidhi "aad baan uga xumahay intaad maqnayd waxaan helay wiil adiga kaa maal iyo muuqaal ba fiican" !!! adigana hada boos kuuma hayo sxb!!!.

wiilkii wuu iska baxay isagoo cadho iyo ciil la cidi jiidaya ubaxiina carrada kaga dhacay !!! kasii darane shimbirkii wuxu u geeryooday nabarkii wadnihiisa gaadhey !!

maalintaas laga bilaabo sawirka wadnaha iyo ubaxa guduudani waxay ahaayeen astaan u taagan dareenka dahsoon (jacaylka). ubaxa guduudani waa ubaxii wiilka lagu xujeeyey, wadnuhuna waa wadnihii shimbirka ee hanashada ubaxaas birta loogu halaakeeyey!! wax badan ayaad arkaysay ama maqlaysay wadne iyo ubax guduudane maanta ujeedada ay salka ku hayaan waad haysaa baan filayaa.
******************************************************
halahaas ayuu walaalka ku soo gabagabeeyay maqaalkiisa wuuna ku mahad sanyahay
salaamu calaykum
Back to top Go down
wadani
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 71
ka Qeeb Qaadashaadaada : 119
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 24/02/2010

Waa Maxay Maalinta Jaceylka Adduunka ee 14 Febraayo?‏ Empty
PostSubject: Re: Waa Maxay Maalinta Jaceylka Adduunka ee 14 Febraayo?‏   Waa Maxay Maalinta Jaceylka Adduunka ee 14 Febraayo?‏ EmptyTue Feb 15, 2011 2:41 am

mahadsanid waalal waa maqaal aad uqiimo badan alaah ha kaa abaal mariyo
Back to top Go down
 
Waa Maxay Maalinta Jaceylka Adduunka ee 14 Febraayo?‏
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Waa maxay Maalinta Jaceylka Aduunka? Yaase Aaminsan?
» Naagtii adduunka ugu guurka Badneyd oo guursatay.............
» sidee loo joogteyn karaa jaceylka....!!
» waa maxay kolestarool?!
» Casharka 1-aad: Waa Maxay Kumbiyuutar?

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: