tita shabakada maadow
Mawduucyadaada : 59 ka Qeeb Qaadashaadaada : 165 Mahadcelin : 1 Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010 37 Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities
| Subject: Halkan ka Baro Kelmadaha Dumarka Soomaaliyeed ay ku Beerla-xawsadaan ama kusoo Jiitaan Wiilasha Soomaaliyeed Mon Aug 30, 2010 9:38 pm | |
| Kadib markii mudo aan fogayn daraasad aan ku sameeyay kalmadaha Raggu marka ay doonayaan gabadha inay kaga hadliyaan ama xilliga is barashada ee ay doonayaan inay inanta halkaa uga dhawaadaan. (100 Kalmadood oo dumarku ku Beer-laxawsadaan ragga). 1. Kalmadahani(100-kan Dumarka iyo 100-kii Ragguba) maaha kuwa kaliya ee Ragga ama Dumarku midba dhinacooda isticmaalo laakiin waa kuwii ugu badnaa, ama Ragga badankooda iyo Dumarkuba isticmaalaan. 2. Beer-laxawsiga iyo kalmadahanba qofba si buu u isticmaalaa, qofbaa si daacad ah uga xog waramaya qalbigiisa oo kalmadahan adeegsan kara. Qofbaa si ilaaqi ku jirto ama dhallinyarnimo u isticmaalaya, iyo qaar kale oo badan. Markaa yaan loo malayn in dadka isticmaala oo dhami aanay ka run sheegayn. waa kuwan kelmadaha: 1. walal magac macaan baad leedahay 2. aniga magacaygu waa Fihiima, Hinda, Layla, Siraad 3. wiil isku dhacaaya ayaad tahay 4. magacaaga waad u qalantaa 5. walaal ma xaas baad tahay? 6. kolay ta ku calfataa waa mid nasiib leh. 7. ninkii wanaagsanaa, gabadh baa haysata. 8. kolay hooyadaa baa kuu ducaysay 9. aftahanimada ma aabahaa baa kugu dhallay? 10. hanad hooyo dhashay baad tahay. 11. geesi baad iila muuqataa 12. aqoon yahan baad iila eg tahay 13. nin faraha lagaga gubtay baad u muuqataa 14. ragga adigoo kale ah lamaba helo 15. hawl kar baad tahay 16. meel lagugu diidaba ma lihid 17. habeen dhalad baad tahay 18. Deeqsi baad tahay 19. walal wiil kuu eeg walaalo ma tihiin? 20. wax wax loo dhalaad tahay 21. janaalaad tahay 22. gob baad tahay 23. jiniyadahaagaa I qanciyay 24. waad Jamaal badan tahay 25. walal waan kaa helay 26. indhahayga ayaan kaa jeclahay 27. imikaaban ku hadal hayey gacaliye 28. xageed ka dhacday? 29. lama arag baad noqotay 30. oo yaa ku arkaba 31. oo inaabti maxaad iila soo hadli weydey? 32. haday inani ku jamato sedan loolama dhaqmo dee 33. waan kuu xiisay 34. ma qof la ilaawaad tahay 35. been hay sheegin 36. daacada sidaan kuugu ahay, iigu ahow. 37. kaama maarmi karo 38. imika intaadan ila soo hadal ka hor uun baan ku hadal hayey. 39. indhahayga ayaan kaa jeclahay 40. dee waabay iga kaa haysataeye 41. tollow miyaad I fashay! 42. alla anigaaba iska ba’ay, (waar ma geed baad I saartay) 43. illeen waxani jacayl ka wayne 44. sawnigan saacad kastaba tabaya! 45. car anigoo kale isoo hel 46. cawo iyo nasiibkaa hadaad I hesho 47. ma miskiinadaydan ku jecel baad aragtay? 48. horta maxaad isla macaanaysaa? 49. horta marna ma iga fikirtaa? 50. isku halayn baad waxaa iigu samaynaysaa 51. baryahanba anigoo kuu cadhaysan baan hadan ku raadinayay 52. wax laygu kaa daayiyay garan maayee 53. dareenkaygu kaama taggana 54. hayaankaagu wacanaa 55. hoodaadu ma xumee, hadalka I deeqsii 56. horta hooyadaa miyay nooshay? 57. hablo miyay kula dhasheen? 58. inamadiina ma adigaa u way? 59. baryahan miyaanad waxba cunin waad xumaatee? 60. horta ma ogtahay inaan magacaaga ku hadaaqo? 61. gacalka muraayad xidho yaan indhaha lagaa cawryine 62. iska daa, anigaa mid qurux badan kusoo hadyadayne 63. waan kugu taamaa sidaan kuu ilaaliyo iima ilaalisid 64. aboowe macaanoow waa kuu xiisay 65. miyaanan ku qancin? 66. nabsi hayga galin 67. raalibaan kaa ahay 68. raali ahow macaan mise waan is dilaaba? 69. hayga hinaasin 70. nin aan kaa jeclahay aduunka maba joogo 71. Illaahay igama kaa qaado 72. alla maxaan ku dhaqaalayn lahaa 73. tollow yaa ii kaa xidhxidha 74. waynu isku macaanahay saw maaha? 75. caruur qurux badan baan kuu dhali lahaa 76. libaax baad tahay 77. ninku dhali karaa, ku dhiqi kara. 78. macaanoow anigu raaliyo ayaan ahay 79. adiga waan ku ogolahay 80. macaan waan kuu fiicanahay 81. waa laysku kaa halayn karaa 82. hada waan ku aaminay 83. hay lugoyn 84. imika maxaa ka run ah 85. horta ma ogtahay khayrkaa codsiyadoodii aan ka nasan waayay 86. adna markaasaad isu kay xariifinaysaa 87. war la’aan baaba ku haysa 88. hoy intaan kuu soo jeedo wax ila qabo 89. hadaan qof sanifo layma soo mariyo 90. qalbi qaboojoow 91. naftaa aragtidaada ku dagta 92. alla ani maa ku nool jacaylkaaga 93. miyaad fakartay saw kuwan timihii kugu baxeen? 94. labiskaagaa nin kugu gaadhayaa maba jiro 95. qosolkaagaan la dhacaa 96. yaan layga kaa cawryin 97. walal reer dhan baa igu indho kuusha 98. adna waad I dhayal sanaysaa 99. sayloon baad igu xidhay xalay 100.waan kusoo hiloobay By: Omar Suleiman omar (Tita)
| |
|