Maahmaahyo.fullpost{display:inline;}Maahmaahdu waa hadal murtiyeed ,inta badan ka dhasha waayo aragnimo ama dhacdo qof soo martay dabadeena uu ka reebo erayo xikmadaysan oo cabiraya dhacdadiisa saamayna ku leh nolol maalmeedka bulsho waynta uu af ahaan iyo dhaqan ahaanba la hal maalo. Soomaalidu waxay ku jirtaa dadka aad loogu tilmaamo inay leeyihiin luqad hodan ah oo u suurto galisay inay reebi karaan odhaah nuxur leh oo xambaarsan macna xeel dheer,jirina karta inta ay jiraan dad isticmaala luqadaa. Haddaba waxaa nasiib daro wayn ah , dagaaladii xaq u dirirka ahaa ka dib, luqada soomaaliyeed gaar ahaan suugaanta hadal iyo hawrarba lahayd sida gabayadii, buraanburkii, googaalaysigii, maahmaahyihii , sheekhooyinkii dhalaanka iwm in ay ka baxeen nolol maalmeedka ummada . Maahmaahuhu waxay si aad ah uga muuqan jireen nolol maalmeedka bulshada ,oo had iyo jeer qurxin jiray haasaawaha, gogol fadhiga , iyo hadal maalmeedka joogtada ah eey umaddu is waydaarsanayso. Si loo daweeyo dhibaatadan waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa maahmaahihii inta aanu ka ururin karnay ilaa iminka, wixii kalee aanu ka ururinana waanu ku daraynaa haduu eebe idmoh
Xarafka A1. Aadmi la aragyaaba, dhib la arag.
2. Aan wada hadalno waa aan heshiino.
3. Aar qoyey dacawo la mood.
4. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
5. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
6. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.
7. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa, waadaadna dad u eki.
8. Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh.
9. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
10. Aboorku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
11.
12. Abuur iyo waano ,abuur baa horreysey.
13. Adduun i khatal.
14. Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id.
15. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.
16. Adhi jiri ma kala abaal waydo.
17. Adhi jiri xil bay wadaagtaa.
18. Adhi magantii ma barriiyo.
19. Adhi shidho laga daayo.
20.
21. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
22. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
23. Aduun wey kii amoodeey ogaaw.
24. Af aamusani marti ma sedo.
25. Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa.
26. Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
27. Af aanad lahayn lama qabto.
28. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha kuu daaqdo.
29.
30. Af Daboolan, Dahab waaye.
31. Af hadlaaba aamus.
32. Af jabtay sideedii ma noqoto.
33. Af jooga looma adeego.
34. Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
35. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa.
36. Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa.
37. Af waa kane, maxaa lagu aamaa
38. Af wax cunay xishoo.
39. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
40. Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.
41. Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
42. Af-ka nool abooto mudac.
43. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
44. Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa.
45. Afkii dab yiri ma guban.
46. Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.
47. Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.
48. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
49. Alla aamin ma iisho.
50. Alle watow wehel uma baahna.
51. Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin
52. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
53. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
54. Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh.
55. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.
56. Ammaan lama dhu-dhumiyo.
57. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
58. Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.
59. Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji.
60. Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha.
61. Aqal libaax lafo lagam waayo.
62. Aqoon la'aani waa iftiin la'aan.
63. Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran)
64. Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh.
65. Aroos lagama raago, lagumana raago.
66. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino
67. Arrimo rag waa mudacyo afkood.
68. Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato.
69. Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso.
70. Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday.
71. Arrin xumo abaar ka daran
72. Atoorku intiisuu guun ku yahay.
73. Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan.
74. Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun.
75. Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay
76. Awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay.
77. Ayax teg eedna reeb
78. Ayaydaa taag darran iyadoon tabar lahayn bay dadka isku taagtaagi.
lasoco maahmaahyda xarafka B