Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Taleefoon baa i lumiyay(Qiso dhab ah)

Go down 
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Taleefoon baa i lumiyay(Qiso dhab ah) Empty
PostSubject: Taleefoon baa i lumiyay(Qiso dhab ah)   Taleefoon baa i lumiyay(Qiso dhab ah) EmptyTue Jul 13, 2010 10:05 pm

qisadaan dhabta ah ha inooga sheekeyso gabadhaan dhibka ku dhacay
Dhamaan noloshaydii waxaa baabi’iyey telfoon waxaan ahaa gabar yar aadna u jecel dirista telefoonka waxaa maalin soo garaacay telefoon kayagii wiil waxaanu I waydiiyey ma taqaanaa telefoonka hebel aniguna waxaan ugu jawaabay hadal debecsan oo aan leeyahay maya ma naqaano walaal!
Waxaa uu soo celiyey telefoonkii dhawr goor laba sadex,iyo afarba waxaana nooga bilaabantay halkaas is barasho iyo wada sheekaysad waxaanu ii sheegay markii afraad in uu aad ii jecel yahay ! uuna yahay nin fiican oo ehlu sharaf ah ,waxaan is waydiiyey sidee ayuu sharaf ugu faanayaa waxaabu kugu bilaabay sheeko aan fiicanayn oo ah jacayl iyo wax la midee.
Waxaa aan kala kulmay hadal aad u macaan oo uu igu soo celceliyo iyo kaftan farabadan anigana shaydaan ayaa ii sii qurxinayay .
Waxaa ay noo gaadhay in aanu balano oo aanu is qaabilno waxaanu wada soconay mudo aan ka yarayn afar sano, telfoon isu diristu iyadu waa tiro beeshay oo xuduudba ma lahayn.
Si fiican ayaan ugu gacan galay yaygaas runtii waa yay waanu istaahilaa macna kasta oo kelmadaasi ay keensanayso.wuxuu igu maaweelin jiray waa is guursanaynaa waxaase uu iila yimi waxaan xisaabtaba iigu jirin waxaanu igu yidhi maalin ka mid ah maalmaha I sii naftaada !
Waxaanan is waydiiyey si naxdin leh ma waxaa uu doonayaa in uu baabi’iyo diintaada ,bikranimadaad ,sharaftaada,dadnimadaada iyo ehelkaaga .
Waxaan ku gacan saydhay codsigiisii guracnaa laakiin maxaa iga qabsaday .
Hadii aad yeeli waydo sida aan kaa rabo waan ku fadeexadin doonaa waxaanan kaa dhex saari doona umada ayuu iigu jawaabay waxaanu raaciey waan duubay dhamaan hadaladii aynu ku sheekaysan jirnay ee aad iigaga warantay xaaladaada iyo ta reerkiina waxaanan balan kuugu qaadayaa in aan maqashiiyo dadka hadii aad I diido.
Dabadeed waan is dhiibay waxaanan noqday lax u hogaansan amarkiisa waxaan u raaci jiray meel ksata oo uu iga codsado in aan u raaco .
ISAGU WAXAA UU NOQDAY yey aniguna sabeen waxaana uu iila macaamilay si kasta oo yaydu ula macaamisho adhiga ,waa ka dhergay naftaydii.
Waxaana uu ku guulaysatay yoolkiisa anigana waxaa uu baabi’iyey mustaqbalkaygii iyo diintaydii iyo sharaftii dadkayaga .
Waxaana iigaystay dhamaan waxaas oo khasaare ah telefoonkii, hadii aan dhawri lahaa naftayda maanta waxaasi ima gaadheen.
Hadii aan yaraysto ku hadalka aaladan masiibadayda keentay alla ilayn talo isuma kaa sheegto
Dhamaan waxaan ka codsanayaa hablaha walaalahay meelksato oo ay joogaan in ay ka taxadaraan aafada telefoonka .
Dibna isaga taagaan ku hadalkiisa iyo in ay kula xidhiidhaan cid kasta .
Waalidiintana waxaan ka codsanayaa in ay ka digtoonaadaan dhibaatada telefoonku u keenayo caruurtooda

By:
Omar Suleiman Omar (Tita)
Back to top Go down
 
Taleefoon baa i lumiyay(Qiso dhab ah)
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» qiso layaab leh
» Dhuubaney Dhoolashaadi aaway? (Qiso Cajiib )
» Naag Gabadheeda Siisay Nin uu Jaceyl dhexmaray (Qiso Cajiib ah)

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: