Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Naag Gabadheeda Siisay Nin uu Jaceyl dhexmaray (Qiso Cajiib ah)

Go down 
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Naag Gabadheeda Siisay Nin uu Jaceyl dhexmaray (Qiso Cajiib ah) Empty
PostSubject: Naag Gabadheeda Siisay Nin uu Jaceyl dhexmaray (Qiso Cajiib ah)   Naag Gabadheeda Siisay Nin uu Jaceyl dhexmaray (Qiso Cajiib ah) EmptyTue Jun 22, 2010 10:03 pm

Dhacdaaan ayaa waxay u dhaxeysay lamaane Soomaaliyeed oo in muddo ah wada socday, waxaana lagu kala magacaabaa Abshir iyo Kaltuun, Abshir ayaa waxaa la sheegay inuu yahay nin dhalinyaro ah, oo aan weligiis guur soo marin, halka Kaltuun ay horey guur u soo martay,iyadoo dhashay 3 caruur ah, ilmaha kaltuum ayaa waxaa ka mid aheed gabar 12 jir ah oo xilligaas u joogtay.

Abshir ayaa la sheegay inuu wax ka baran jiray dalka Suudaan, halka Kaltuum ay ku nooleyd dalka Holand, kaltuum iyo ninkeeda ayaa ku kala tagey isla dalka Holand,iyagoo inta aaney kala tagin ka hor halkaas ku noolaa waqti dheer.

Abshir ayaa doonaayay inuu dalka Suudaan kaga soo baxo Dokumintiyo aanan sharcin aheyn, taasoo ka danbeysay in muddo 2 sano ah uu ku xirnaado dalkaasi Suudaan; Kaltuun ayaa dhowr jeer baafisay gacaliyaheyda Abshir hase ahaatee ma aysan helin oo waa ka quursatey , waxana dhibaatada helid la’aanteeda sabab u aheed,inta aan la xirin inaaney helin qof isku garanaya iyada iyo gacaliyaheedii Xabsiga loo taxaabey.

Nasiibddarro Kaltuum lama aaney soconin inuu Xabsiga galey ninkii ay jecleyd ee Abshir,waxayna kaltuum la sheekeysatey nafteeda oo waxay niyadda ka tiri wiilkani wuxuu kaaga tagey inaad ka weyn tahay,islamarkaasna uu asagu yahay wiil dhalinyaro ah oo aan hore guur u soo marin,waxayna si shaqsiyan ah isku qancisey inuu ka tashadey oo uu ka dhuuntey.

Abshir ayaa waxa u dhammaadey Xabsigii 2-da Sano ahaa,waxana loo soo tarxiiley magaalada Muqdisho,hase yeeshee wuxu la kulmey magaalada Muqdisho oo ay dagaallo ka dhaceen oo lagu kala qaxayo ,wuxuuna ka mid noqdey shacabkii ay saameynta ku yeesheen dagaalada ka dhacaya Caasimadda Soomaaliya.
Hal Sano kadib ayuu Abshir tagay dalka Kenya,wuxuuna billaabey inuu raadiyo gacalisadiisa Kaltuum oo ay ku kala lumeen Xabsiga uu ku galey dalka Suudaan,wuxuuna u direy dhowr Email wax jawaab ahna kama uusan helin oo wuu waayey,Sidoo kale wuxuu ka wacey Taleefoonkii uu kala xiriiri jirey nasiibddarro way iska beddeshey,talo ayaa ku caddaatey Abshir mar haddii Email u direy jawaab ka waayey Telkiina ay iska beddeshey.

Nasiib wanaag Abshir ayaa wuxuu Nairobi kula kulmay Haweeyney uu horey u yaqiinay oo ku nooleed dalka Holland taasoo saaxiib dhow la aheed Kaltuumo,wuxuuna ka wareystey Xaaladda gacalisadiisa,wuxuna weydiiyey inay guursatey iyo inkale;waxayna u sheegtey hadal uu ka naxey oo ahaa inay nin kale guursatey ka dib markii ay in badan sugtay islamarkaasna ay si weyn u raadisey.

Wiilkii yaraa ee Abshir ayaa niyad jab xooggan ku dhacey ka dib markii loo sheegey inay guursatey kaltuum,wuxuuna goostey inuusan raadinin oo uu ka tashado,waa la yaabe asagoo ku nool dalka Kenya halkaasna ka sameystey Meharado ayaa waxa magaalada Nairobi si dalxiis iyo qaraabo salaan ku timid gabadhii uu jeclaa ee Kaltuum.

Abshir iyo Kaltuun weligood maysan kulmin balse waxay iska arkeyn oo kaliya Kamira iyo sawiro oo ay is-dhaafsadeen intii ay xiriiri jireen, Kaltuun Saxibteed ayaa u sheegtay Abshir inay Kaltuum magaaladda dhinac ka joogto , hase yeeshee Abshir ayaa arintaas aad uga caroodey ,wax hadal ahna kama soo bixin oo wuu iska aamusey,wuxuuna ka careysnaa sababta ay nin kale u guursatey , halka Kaltuun ay dhinaceeda ka cuqdadeysan tahay, iyadoo aaminsaneed inuu Abshir nacey oo ka tashadey, maadaama ay leedahay caruur waaweyn waa sida ay iyadu iskula sheekaysatey inta aaney guursanin ka hor,
Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabin!
Abshir markii uu la kulmaayay Kaltuun saxibteeda ayuu u sheegay waxa qabsaday, Kaltuun-na waxay saxiibteed u sheegtay inuu nacay Abshir, sidaasi darteedna ay u guursatay nin kale Ugu dambeyntii Abshir iyo Kaltuum ayaa ku guuleystey inay ku kulmaan magaalada Nairobi,waxayna isu sheegeen wixii qof waliba intii ay kala maqnaadeen ku dhacey,ka dib markii ay isku keentey Kaltuum Saaxiibteeda,Iyadoo kaltuum markii ay ogaatey dhibaatada Xabsiga ee Abshir ku dhacdey ay oohin la dhacdey.

Kaltuum ayaa u garoowdey Abshir,waxayna isku xukuntey inay iyadu qalddan tahay oo sheeko aan jirin iska dhaadhicisey gacaliyihii ay jecleedna uu Xabsiga ku jirey iyadiina ay guursatey,waxayna u sheegtey inay u joogto Gabar 16 jir ah islamarkaasna ay siisey gabadheeda,waa la yaabe Abshir kama laba labeeynin si degdeg ah ayuu uga gudoomey.

Ugu dambeyntii Abshir ayaa la aqal galey oo guursadey gabadhii ay dhashey islaantii uu hore jaceyl u dhaxmarey waa la yaabe Akhristoow fikradaada ku darso adiga ma kaa suuragali laheed,tallaabada ay wada qaadeen Abshir iyo Kaltuum?
By:

Omar Suleiman Omar (Tita)
Back to top Go down
 
Naag Gabadheeda Siisay Nin uu Jaceyl dhexmaray (Qiso Cajiib ah)
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Dhuubaney Dhoolashaadi aaway? (Qiso Cajiib )
» Dhanbaalo Jaceyl
» Ma Rabtaa Jaceyl Xaqiiq ah?
» qiso layaab leh
» nashiido zaaid u cajiib badan oo ka hadlaysa.

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: