tita shabakada maadow
Mawduucyadaada : 59 ka Qeeb Qaadashaadaada : 165 Mahadcelin : 1 Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010 37 Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities
| Subject: qiso layaab leh Tue Jun 15, 2010 10:17 pm | |
| Qiso layaab leh oo aad intan oga boggan doontaan haddii Eebbe idmo,Waxaanan ugu tala gallay keliya Dadka Xiiseeya arrimaha Jacaylka,aadna ugu taxan ayadoo aan filayao inaad aad uga heli dontan markad gudahha u gashid Qisadan xiisahah Badan sheekadan waxay ka dhacday magaalada hargaysa ee ah magaalo madaxda dalka s/land, gar ahaan dagmada m/haybe. xamda waxay ahayd wakhtigay sheekadan la soo daristay gabadh da,a yar oo jirta 16 sano waxay ku dhalatay magaalada hargaysa waxaanay waxbarashadeedii ka bilawday isla magaalda hargasya halkaas oo ay ku soo qadatay wax barashadea tii h/dhexe iyo tii sare xamda waxay ahayd inaan aan waxba ka aqoon jacayl iyo waxa dhex mara wiil iyo gabadh waxay ahayd gabadh aan ka badin danteeda iyo tan reerkooda ,hadaba waxay sidaa ahaato ilaa mudo waxa dhacday in ay is bartaan wiil ay isku xaafad ahaayeen oo la odhan jiray maxamed, maxamed waxa uu ahaa runtii wiil Allahi aabuuray u ka dheereeyaay xumaan iyo dhaliiloo idil, waxa uu ahaa wiil qurux badan oo aad u dabeecad wanaagasan maxamed waxaa uu ahaa nin aqoon leh oo aan la hayn wax balwad ah ama waxay dhalinta kale isticmaalaan si ay wakhtigooda u daayacaan, hadaba xamda sidaad hore u soo sheegay waxaba ka ma garanayn jacayl, balse waxay si kadisa uga hesha wiilkaa maxamed ah, waxa dhacaday in uu wiilkiina isna uu ka helo gabadhaa xamda ah xamda waa gabadh dabeeda ilaahay u dhaliyay oo daacad had iyo jeer ugula dhaqanta bulshada ay ku dhex nooshahay hadaba maalin maalimaha ka mida in ay xamda soo dhex gasho dhalinyaro xaafadaa oo iskugu jirta wiilal iyo gabdho o iskugu yimdi meel hadha wakhtigaa oo magaalad hargaysa ay ahayd kulayl in ay halkaa ku kul maan xamda iyo maxamed oo maal mahaaba isku la,aa wakhti ay ku kulmaam xooga xishooda ahna uu dhex yaalay labadoodaba hadaba maxamed ayaan waxa uu sameeyaay in uu kaco u galo giriga uu dagaanaa oo la hor fadhiyaay waxa uu si dag dag ah uga oo qaaday buug(book) waxaa uu si dhaqso ah ugu qoray dhambaal sidan u dhignaa ( walaal waanku salamay mid anan qiimaheda qiiyasi karaan xubnaha ay ka soo go,aday, intaa kadib waxaan nahay laba dhalinyaro ah o xafad ku waada nool hadana aan aqoon dheer isku lahayn balse waxaan rabaa walaal inaan xirrir kula yeesho ee sedii u aragtaa. hadii u ku qanciyay baaqayagu walaal jawaab dag dag ah aaan kaa helo. xamda waxan rajaynayaa inaad iga qabasho codsigayga telkaa fariin iigu so dir 41++++) sidaa ayaay u dhignayd dhambaalka Uu soo qoray wana uu soo baxay waxanuu u dhiibay xamda buugi uu ku soo dhex riday waraaqda waanay ka gudoontay , kadib waxay si dag daga u aaday xaafadoodii oo aan ka dhereen isla goobtaa markay gaadhay qolkedii waxay si dhaqso ah u furtay buugii waxay ka dhex heshay waraaqdii gal ayaa k siijara waxaa raagsato intay furaysay waxay gadhay guntii waaraaqda waxanaan akhriday qoraalkii ku yaalay waxay la yaabtay daren ka ku jiray ee ku wajahnaa wiilkaa iyo rabitaankiisa waxay ilaahay ugu mahadisay sida uu ugu soo fududeeyaay , xamda waxay garan wayday sida ay uga jawaabto waraaqda maadama ay tay gabadh da,a yar oo xishoonaysa jacayl ama rabitankiisu uu ug horeeyo oo mar mar isla yaaban waxa ay daremayso ee hore uga maqnaa waxay so qaadatay mopile , waxayna go’aansatay inay u qorto message(sms) waayo xataa codkeeda ayay kala baqaysaa waxay isleedahay dadka oo dhan way ku ogyihiin waxaad samaysay, waxay u qornayd sidan dhambaalkii ay kaga jawaabaysay(walaal salaan sare iga hano, tan labad aad ayaan ugu mahad santay inaad igaga horeeyso waxaan soo waday wanaan ku soo dhawaynayaa ee dhankayaga hoo kaagana iga adkee) iyo ereyo naxariis iyo soo jiidasho ay ku jirto oo dabacsan waxay ku qortay mopile-kii waraaqda ku qornaa isla markiiba waa u so jawabaay waxana ku qornaa dhambaalaka ereyo ah (dookhaygan kaahelay iyo kaagan iga daray waa isla doonasho illaah,) iyo ereyo badan xamda isla markiiba waxay la dhacaday sida uu usoo dhaweeyaay iyo hanaanka uu u hayo xirrikeeda, waxay isla markiiba ku soo dhacay niyadeeda heeso badan oo ay ka midtay (naftayda agtaadiyo aragaag jeceloo indhahaa ku weheshaadaa,waan ku doonayaayoo anogaba daraadaa indhihii idaaloo naftaa ku diyaaree hadmaan ku huunooy kulmaynaa) iyo qaar kale oo badan xamda waxay saadaali naysay aragtida maxamed iyo waxay kala kumi jacayl keeda curdinkaa waxay sheekadu joogto baqasho iyo telphone waxay gaadhay kulan waji ka waji ah ah kaasi oo uu soo qaban qaabiyaay maxamed xamda aya ka aqbashay iyado dheeraysanaysa wakhtiga inta laga gaadhayo balanta waxa la gaadhay habeenkii balanta ,xamda waxay u labisatay si aanay waligeed u labisay xaafada waxay u sheegtay in ay u socoto aroos ay leeday gabadh ay isku iskuul yihiin oo ay caawa halkaaa ku soo daahayso waana la fasaxay madama ay ogaysiisay reeka meeshay ay u socoto. Lasoco Cadadka Danbe ee Qisdaani Week gaani Haduu Ilaahey Yiraahdo WaxaanaUgaaga Bogan Doontaan Indhahiina Iyo qalbigiina oo Dagan Iyo Markaasi Baad Fahmi Doontaan Macaha Qisadaani NB: Qoraalkaan xaquuq Diisa Waxaa Leh Qoraaga Ku saxiixan Amar La,aana Lama daabacan Karo........lamana Qaadan karo ilaa ogulaasho Laga Helo Qoraaga sheekada Hadii aad Dooneyso ugu hagaaji Ciwaanadiisa Fariin Ama Waxii Kusaabsan Qisadaani ... Waa Qalinkii Omar Suleiman Omar | |
|