abdi hafid abdi salan1 Madaxa Qeebta Maaqaalooyinka & Maahmaahyada
Mawduucyadaada : 20 ka Qeeb Qaadashaadaada : 46 Mahadcelin : 0 Is Diiwaangalintaa : 14/02/2010 35 Shaqadaada : student at university
| Subject: maansada darxumo Sun Feb 14, 2010 3:10 am | |
| Darxumo Maansadaan la magac baxday Darxumo waxay si kooban u guud mareysaa daruufaha iyo darxumada heysato shacabka Soomaaliyeed Abwaankana waxuu ilaah ka baryayaa in uu dalkaan dhibaatada ku dhacday samata bixiyo waxaa hal-abuuray Abwaan C/fitaax Xasan Maxamuud (Xaaxaale) Deeleyda maansada Haddii daaha laga rogay Suugaanta dahabkaa Waageed dilaacoo Marlabaad digleysaa Kama daahin anigoo Durdurkeeda buuxaan Wadaan soo darsanayaa Daa’inow alahayow Umadeena daadihi Hal-abuurka soo dagay Da’yartaan afmaalkaa Waan idiin dardaarmoo Dhaqankeena duuggaa Afka aan dabiibnoo Xeer daab ilaaliyo Dabin aan sameynoo Qolo naga dambeysaa Dhaxal loogu deeqana Dowgeena weeyaan Daa’inow alahayow Umadeena daadihi Anigoo damaashaad Moqokori dusheediyo Maxaas soo dalxiisoo Nugaal oo daruuruhu Wali roobku da’yayoo Oo haradu doogiyo Shimbiruhu dul buubaan Waa deeq ilaahoo Dalkeenaa ku faanee Daa’inow alahayow Umadeena daadihi Hadaan deelka maansada Murti aan ku sii daro Dulucda iyo ujeedada Hadaan dacal ka soo rogo Dalka iyo dadkeenii Darxumaa haleeshoo Dihaal iyo dhibkiisii Diif baa ku raagtoo Cudur baa dilaayoo Dawo looma haayee Daa’inow alahayow Umadeena daadihi Umadyahay dalkeenii Duul baa ku soo dagay Dacalada ka soo galay Diin iyo wanaageed Iyagaa ka daadagay Dhaqankeeni dahabkaa Waa horaa la duugoo Dirac iyo hagoog baa Raggi loogu duubee Daainow alahayow Umadeena daadihe Adduunyada dareeniyo Waa daar dhib badanoo Waa guri dab naariyo Waa hooy dahsoonoo Holoc aan dameyniyo Olol sii durkaayee Kolna waa dux roonoo Waa daad rogmaayoo Waa doog baxaayoo Ishu eey ka daaline Waa duunyo dhaqaniyo Nimco lagu dareeree Waa dumar qurxooniyo Aqal lagu dakeeyee Waa dambar macaaniyo Adhi sabada daaqee Ninki sabin ku daahana Mar baa laga dul qaadaa Daa’ino alahayow Umadeena daadihi Wadaad iyo dirkiisana Waa in aan ka durugnaa Kol hadeyba diintii Qaab kale u dalillsheen Sabiyadiina dooxeen Duub iyo waxgaradkii Maati eysan deeyneyn Iyagaa dulleysane Kolley umaddu diidaye Daa’inow alahayow Umadeena daadihi Ardeydii kuwii dilay Kumanaan daweynaa Dhiigooda daadshoo Jihad loogu dowgalay Amarkey dulsaaraan Ruuxii ka daahana Diintuu ka baxayaa Dastuurkooda suu qabo Sidaas baa ka daacada Dakana kuwii galay Dagaalada sokeeyiyo Kuwi deebta hurin jiray Taariikhda daabacan Iyadaa diiwaan galin Daa’inow alahayow Umadeena daadihi waxaa curiyay Abwaan :C/fitaax Xasan Maxamuud (Xaaxaale) xaaxaale77@hotmail.comTafatire abdi hafid abdi salan Email xaafidyare88@hotmail.com
------------------------------------------------------------------------------- | |
|
Ina_Maadow shabakada maadow
Mawduucyadaada : 276 ka Qeeb Qaadashaadaada : 722 Mahadcelin : 6 Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010 Shaqadaada : Arday Jaamici
| Subject: waaaaaaaaaaaaaw Sun Feb 14, 2010 3:24 am | |
| walaahi sxb maansadaan waaa maanso zaaid u qatar inkastoo aan ahayn dadka xiiseeya maansooyinka laakin saamayn ay iigu yeshay walaal abdi hafid wad dadaaalkaa salamu calykum | |
|
abdi hafid abdi salan1 Madaxa Qeebta Maaqaalooyinka & Maahmaahyada
Mawduucyadaada : 20 ka Qeeb Qaadashaadaada : 46 Mahadcelin : 0 Is Diiwaangalintaa : 14/02/2010 35 Shaqadaada : student at university
| Subject: kkkkkkkkkkkkkkkk Sun Feb 14, 2010 5:43 am | |
| - BinMaadow wrote:
- walaahi sxb maansadaan waaa maanso zaaid u qatar inkastoo aan ahayn dadka xiiseeya maansooyinka laakin saamayn ay iigu yeshay walaal abdi hafid wad dadaaalkaa salamu calykum
sxb adaa mudan | |
|
Dr.Jabjab shabakada maadow
Mawduucyadaada : 3 ka Qeeb Qaadashaadaada : 3 Mahadcelin : 0 Is Diiwaangalintaa : 25/02/2010
| |
Sponsored content
| Subject: Re: maansada darxumo | |
| |
|