waa maanso siinleey ah oo lamagac baxday Sooyaal waa hal-abuur tilmaamaaya xaaladda maanta uu dalkeenu maraayo iyo sida nabaddu lama huraanka u tahay waxaa curiyay Abwaan C/fitaax Xasan Maxamuud Xaaxaale waa tan maansadii :
Siinlayda maansada
wali lama salgooynine
sahankii hadraawiyo
qeys baa sifeeyoo
saxarleey dhamaantood
tilmaantoodu saarnayd
waxay socoto gaadhaba
way soo sagooteen
socod barad kolay tahay
dhowr sano jirkeedii
bay sahal ku dhaafeen
Af-soomaaligeeniyo
suugaanta hodankaa
subaxaynu joognaa
hal-abuur sareeyiyo
sabaraynti jiiriyo
sowdkii tubeeciyo
hooriska iyo sargooyada
rag inoo sameeyaa
saakaba haddaan helin
waa saban xumaadoo
waa sagal la'aaniyo
sulmi iyo kulaylba leh
Afku wuxuu sugaayaa
da'yar soo koraysoo
hal-abuurka siinleey
rabbi hibo u siiyoo
waa seerma weydoo
waa sano barwaaqaa
sumal baa inoo qalan
hilib baa inoo solan
soomaali maanatana
silac bay ku raagtoo
colaad baa sal iyo baar
waqti uu ku sayree
Allow seero nabadiyo
waa samaad inoo bixi !
Allow nabadu waa sidig
seenlay inoo raran
sararta iyo lageedana
nin saluugo maahiye
labeenta iyo sibraarkuna
socotaa taqaanee
hooyada sagaalkaa
ilmahay sidaa iyo
ruux sideetan sii maray
safar is dhaafay weeyoo
wey kala socdaaleen
guluf laga sed roonaa
nabaduna salaamiyo
saxansaxo qaboobaa
Allow seera nabadiyo
waa samaad inoo bixi !
Dhiig sokeeye qubiddii
hubka ma u sifaysanay
seefta iyo bilaawaha
ma u simanay daabkoo
soofaha ma marinoo
mariid ma ugu saafanay
senge ma u diyaarinay
cadowgii ma sahashanay
salal baa naqaadoo
surankii ka bayrnee
Allow seera nabadiyo
waa samaad inoo bixi !
haween iyo sirtoodana
kala saari maayee
sahwigii jaceylkaa
samadaa ku geeyoo
sirma qabe haddaa tahay
talo seegi mayside
samiroo ha fududaan
midkuu caasha saaqee
suleeqadii warkeedana
sodon cawa sugaayoow
midki saadshay nabaddaa
kaa seeta dheeree
sooyaalka duniduna
waa silsilad is daba taal
waqtigaa sameeyee
saadoonta ha u dhigin
saamigaan lahaa wali
sin iyo bar baa maqan
maldaha iyo sareebtuna
isisaarka maansada
kii suga uun baa garan
waan soo arooroo
haamahaan sitaayee
maguraanki siinleey
lagu kala sed roonaa
Allow seera nabadiyo
waa samaad inoo baxi !
Suur dhaanto waligeey
saantayda maan dhigin
inkastoo nin saalixa
inan suuban aan ahay
hooyadeey Siciidaa
taasi loo sawaabee
hablahana sagaal baa
sadrigayga jiiftoo
Saynab ha u horaysee
sambabaha dhaxdoodiyo
seedaha jirkaygiyo
beerkay i surantoo
sidi daadkiyoo kale
ha sabayso maansadu
sama wade ha taliyoo
ha sinaato xaajadu
seenya-dhuux nin maaloo
sabadiisu buuxdaa
iyo kii sabooloo
sacabkiisu maranyahay
waa soor aduunyoo
ninba saacaddiisuu
sumaddiisa yeeshaa
Allow seera nabadiyo
waa samaad inoo bixi !
Ninka seylac iyo sheekh
surad soo abaaroo
sool maalma joogoo
sanaag wada ekeeyoo
maxaas soo salaamoo
simanta iyo qaraabadu
beryo soorayeenow
colku inoo si daran yahay
nabaduna sal leedahay
saakaba ogsoonow
Allow seera nabadiyo
waa samaad inoo bixi !
Suuradaha quraankiyo
ninka saad higaadshaa
subac toosinaayee
saxar maleh dhulkeenoo
saablayda uurkaan
guri uga sameeyee
Allow seera nabadiyo
waa samaad inoo bixi !
Waxaa qoray Abwaan C/fitaax Xasan Barre (Xaa-xaale)
Email:
Xaaxaale77@hotmail.com ama tel:
00249922092532 Kharduum Sudan
Tafatire
abdi hafid abdi salan