tita shabakada maadow
Mawduucyadaada : 59 ka Qeeb Qaadashaadaada : 165 Mahadcelin : 1 Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010 37 Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities
| Subject: Haweenayda qaylada badan oo la ogaaday in ninkeedo faa’idoyin ka helo Wed Jan 19, 2011 5:33 pm | |
| Xaasaska dagaalka iyo dooda badan oo inta badan ragooda ka daba laad laadsada xiliyada xaafada joogaan ayaa cilmi baariso dhowr ah oo la sameeyey la garan waayey sababta dhabta ah ee ka dambaysa dhawaawaan waxaa la ogaaday cilmi baaris lagu sameeyay raga qaba haweenka nuucaas ah in ay heleen dhowr faa’ido oo hadii aysan xasaskooda galarka ku dhagi lahayn laga yaabo in aysan heli lahayn. Afartan faa’ido oo ah kuwo aad muhiim u ah oo lagu ogaaday cilmi baaris dhawaan la sameeyey oo ay helaan ragaas xasaska murunka iyo qaylada badan ayaa kala ah:- 1) In marka odeyga ka yaabo qaska ay ku hayso xaaskiisa uu digriga Allaah badiyo asigoo leh.XASBIYA LAAHU WANIMCAL WAKIIL, 2) In ninkaas si uu uga baxsado qaylada iyo muranka xaaskiisa uu waqtiga ku soo lumiyo guryaha waalidiintiisa iyo qaraabada ugu dhaw oo sidaas ku xariiriyo EHELADIISA oo laga yaabee hadii aysan xaaskiisa qaylo iyo muran badneen uusan in badan u tagi lahayn, 3)In ninkaan aan qabin haweeney ku soo dhawaysa guriga uu ku fiicnaado shaqadiisa oo halkii uu guriga ku soo ordi lahaa ku daaho shaqadiisa si uu uga badbaado qaylada gacalisadiisa guriga kula sugayso, 4) In ninkaasi uusan noqon mid cayilan, sababtoo ah haweeneydiisan qaylada badan ayey u badan tahay inuusan ka helin nasasho iyo cunto fiican. In badan oo ka mid ah dadka wax baar baara caalamka ayaa ku wareeray baaritaano ay ku sameeyeen haweenka caynkaas ah ee murun iyo qaylo u jooga ah iyagoona qaar ku sheegay in ay yihiin kuwo masayr badan oo ragooda had iyo jeer shaki ka qaba, halka kuwa kale ku sheegeen in uu yahay dareen maskaxeed oo uu haweeneydaas ninkeeda ku kalifay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhawaan la xaqiijiyey in haweenka kulaylka badan oo ragooda guriga ku soo dhaweeya qaylada, isla mar ahaantaane laga yaabo in ay ku sagootiyaan ayaa la helay in ninkoodu ka dhaxlo afarta faa’ido ee muhiimka ah oo aan kor ku soo xusnay.
xigasho Omar Suleiman Omar (Tita)
| |
|
wadani shabakada maadow
Mawduucyadaada : 71 ka Qeeb Qaadashaadaada : 119 Mahadcelin : 0 Is Diiwaangalintaa : 24/02/2010
| Subject: Re: Haweenayda qaylada badan oo la ogaaday in ninkeedo faa’idoyin ka helo Thu Feb 03, 2011 2:50 am | |
| mahadsanid walaal cumar walaahi maqaalooyinkaada waa maqaalooyin aan ka helo | |
|
Admin Maamule Ku Xigeen
Mawduucyadaada : 77 ka Qeeb Qaadashaadaada : 155 Mahadcelin : 2 Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
| Subject: Re: Haweenayda qaylada badan oo la ogaaday in ninkeedo faa’idoyin ka helo Fri Feb 04, 2011 1:43 pm | |
| | |
|
Sponsored content
| Subject: Re: Haweenayda qaylada badan oo la ogaaday in ninkeedo faa’idoyin ka helo | |
| |
|