Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Soomaaliya Dhiman Meyso!!.

Go down 
2 posters
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Soomaaliya Dhiman Meyso!!. Empty
PostSubject: Soomaaliya Dhiman Meyso!!.   Soomaaliya Dhiman Meyso!!. EmptyMon Jan 10, 2011 6:34 pm

waxaan marka hore wada salaamayaa dhmaan asxaabta shabkadan
runtii waxaan idinka raali gelinayaa maqnaashaha aan kamaqnaa shabkadaan in badan mashquul dartii.........................................




Hadii aad fiiriso sida ay abaaruhu ugu dhufteen dalka gees ilaa gees. Hadii
aad fiiriso Colaadaha iyo Dagaalada aan dhammaadka lahayn. Hadii aad fiiriso
sida ay u adag tahay in Al-shabab laga adkaado ama ay iyagu ku adkaadaan
dagaalada socda.

Hadii aad fiiriso karti yarida iyo hufnaan la,aanta Maamulada jira. Hadii
aad fiiriso sida ajnabigu faraha wasaqaysan ugula jiraan arimaha Soomaaliya.


Intaas iyo inkale oo kasii mugdi badan hadii aad kafekerto, waxaad is
leedahay iska illow Somaaliya iyo Soomaalinnimo, waxaad gaareysaa inaad
qaamuuskaaga ka saarto erayada “ Ummad, Dal,Qaran,Xaq,Xoriyad, iyo
jiritaan”.

Laakiin qoraagii caanka ahaa ee Masaarida “ Mustafa Amiin” [ waa ninkii
sameeyay wargeyska caanka ah ee Akhbaar Al-yoom], ayaa laga bartay oraah uu
cuksado ama ku tiirsan karo qof ama ummad kasta oo waayuhu la ciireen, wuxuu
yiri” Habeenka saacadaha ugu gudcur badan waa marka Ileyska waaberigu uu soo
dhowyahay”.

Waa oraah run ah oo rajo gelinaysa qof ama ummad kasta oo marxalad adag
kujirta, waa oraah falsafadeed oo aan si qeexan kuugu tilmaameyn halka uu
yaallo furaha xalka mushkilada,laakiin diidan in uu damo ilayska rajada.

Haa dalkii waa burburay, dadkii qax, dhimasho iyo dhaawac ayay u bateen,
mudaaduna waa in ka badan Labaatan sano.Tolow waa maxaay Ilayska haray ee
weli rajo laga qabi karo?.

Rajo ayaa ku geleysa kolkaad daawato sawirada farshaxanka ah ee fanaanka
Amiin Caamir sida uu sanooyin badan Burushkiisa uu ula hor taagan yahay qof
ama koox kasta oo diidan in Somalidu nasato oo qarankoodii kabkabato.

Rajo ayaa kugeleysa Markaad daawato, ama dhageysato Suugaanta iyo Muusigga
“Jooqle, Axmed naaji, Saado Cali, Maryan Mursal, iyo Wiilasha iyo gabdhaha
kale oo hesaha damqashada leh ugu maansoonaya dalka, calanka iyo khasaaraha
na gaaray.

Rajo ayaa ku gelaysa markaad maqasho sida uu usii kordhayo dareenka
Soomaalinimo iyo waddan jacaylka ay qabaan “Somali diaspora”.

Rajo aya aku gelaysa markaad aragto sida Al-shabab ay hubka uga dhigayaan
mooryaantii ugu dhibka badnayd koofurta Soomaaliya.

Rajo ayaa ku geleysa kolkii aad ufiirsato Sida mudane Farmaajo iyo wiilasha
iyo gabdhaha la shaqaynaya ay uga go,antahay inay isbedel sameeyaan oo ay
dowladnimada fidiyaan.

Mugdi kasta oo jira, si kasta oo ay xaaladdu u murugsantahay soomaalidu weli
way dhaq dhaqaaqayaan.

Soomaaliya Dhiman Mayso!!.


Xegasho

By : Omar Suleiman Omar (Tita)
Back to top Go down
Admin
Maamule Ku Xigeen
Maamule Ku Xigeen
Admin


Mawduucyadaada : 77
ka Qeeb Qaadashaadaada : 155
Mahadcelin : 2
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010

Soomaaliya Dhiman Meyso!!. Empty
PostSubject: Re: Soomaaliya Dhiman Meyso!!.   Soomaaliya Dhiman Meyso!!. EmptyFri Jan 14, 2011 3:11 am

mahadsanid walaal tita
Back to top Go down
 
Soomaaliya Dhiman Meyso!!.
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Fitnada Soomaaliya Ka Jirta
» soomaaliya iyo saacadihii kala guurka

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: