Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Fitnada Soomaaliya Ka Jirta

Go down 
2 posters
AuthorMessage
umu-salama
shabakada maadow
shabakada maadow
umu-salama


Mawduucyadaada : 44
ka Qeeb Qaadashaadaada : 86
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 10/03/2010

Fitnada Soomaaliya Ka Jirta Empty
PostSubject: Fitnada Soomaaliya Ka Jirta   Fitnada Soomaaliya Ka Jirta EmptyWed Jun 09, 2010 12:30 am

Fitnada Soomaaliya Ka Jirta, Waa Tee, Fadiilatu Sheekh?

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Muxaadarooyinka ah fitnaa Soomaaliya taal waa bateen! Been ma aha oo Soomaaliya fitno waa taal laakiin ma jiro waddan adduunka guudkiisa saaran oon fidno ool laakiin fidnadu waa tee? Cajamnimada baa culumo badan nooga faa’iideysanaysaa ee bal aan wax ka dhaho erayga fidno.

Waxaa la dhahaa erayga fidnah asal ahaan waxaa laga keenay marka dahabka iyo qalinka dab la gasho si qashinka looga sifeeyo. Sidoo kale waxaa lagu sheegaa xaaladda qofku ku sugan yahay kheyrkeeda ama sharkeeda. Marka erayga fidno oo dhan xumaan maaha. Waa halbeeg lagu kala saaro kheyrka iyo sharka. Qaarkeed markaad ku dhacdo waad ku gaaloobaysaa. Qaarna muslimiintaa lagu kala saaraa. Maxaa ku jaban haddaad dahabkaaga sifeysato oo qashinka ka tuurto?

Fidnadu waa masdar kulmiya: Khibrad (kala-saar), Ibtilaa (imtixaan), baadinimo, dambi, gaalnimo, fadeexo, cadaab, jirro, waalli, cibro, maal, iyo awlaad. Haddii awlaaddii iyo maalkii fidno noqdeen yaan jeclayn? Marka haddii sheekh xanaaqsan oo sheekh kale heysaa dhaho: sheekh hebel waa fidno jecel yahay si dadku ugu qaato in laga wado fidnadii xumeyd; laakiin isagu is leeyahay been maadan sheegin oo waxaad ka waddaa waa xoolo iyo maal jecel yahay, yaan adiga muslimka ah arrinta iskala boodin oo waa inaad arrinta hubisaa oo sheekha weydiisaa fidnada sheeka kale ku dhacay waxay tahay. Laakiin inaad iskala booddo oo tiraahdo sheekh hebel waa xun yahay oo sheekh hebel baa sheegay looma baahna. Hadday jirto culumo wax sarbeebeysa Ilaahay haka baqeen. Hadalku waa sida loo fahmo

Hadda laga bilaabo qofka muslimka ah waa inuu iska fiirshaa dhambalka kalmadda fidno waxa markaas loola jeedo. Tusaale ahaan marka Ilaahay ku leeyahay nabi Muuse (CS) haddaan Afsoomaali ahaan u qoro: WA FATANNAAKA FUTUUNAA lama rabo in qof yiraahdo nabi Muuse (CS) Fattaan buu ahaa ama maftuun! Sababtu waxaa weeye Ilaahay aayaddan ma isticmaalin “faccaal & mafcuul”. Mufasiriintu waxay leeyihiin waxa aayaddu sheegayso waa ikhtibaar la ikhtibaaray nabi Muuse (CS).

Marka dhambalka fitnada, waalida iyo cadaabka laga wado, waa ku jirtaa Qur’aanka sida Suuratu Al-Qalam sheegto: BI AYUKUMUL MAFTUUN micnuhu waa: yaa waalan? Ma nabiga (SCW) mise gaalada? Gaaladaa mujrimiin ah oo waalan. Waxay Suuratu Ad-Daariyaat leeyahay: YOOMAHUM CALANNAARI YUFTANUUN. Yacni marka naarta dhexdeeda lagu cadaabayo.

Qof kheyr badan markaad dhambalka kalmadda u isticmaalayso waa in laga fiirsadaa sidii nabigu (SCW) ugu lahaa Mucaad Binu Jabal (RC) markuu dadkii Salaadda ku dheereeyey: A FATTAANUN ANTA YAA MUCAAD?! Maxaa ka qurux badan qaabka nabigu (SCW) u canaananayo mu’miniinta! Nabigu (SCW) kuma oran Mucaad FATTAAN baad tahay. Sidoo kale ma aha su’aal toos ah iyo in nibigu (SCW) ka shakiyey mu’minnimada Mucaad (RC) ee wuxuu uga digayaa fitno iyo inuusan dadka Salaadda iyo jamaacada ka ceyrin. Qofkii raba inuu saxo Mujaahidiinta Soomaaliya ka halgameysa waa inuu usluubkaas u hadlaa. Qofku isagoo diin yaqaan sida Mucaad (RC) buu khalad geli karaa. Marka sixidda Mujaahidiinta maaha in dadka lagu yiraahdo: Yaan iyaga iyo Amisom la isagu tegin!

Arrinta Soomaaliya

Marka Soomaaliya laga hadlayo, xaalada gaalada (Sirdoonka shisheeye, Amisom iyo Tigreega) iyo gaalo-raacyada ha ahaadeen Qubuuriyiinta ama kuwa kalee, fidnaday ku jiraan waana caddahay oo noogama baahna imtixaamid. Ma jiro qof inta taayir dhammaaday oo baabuur dab u shita, raba inuu gubo oo dhalaaliyo si bal wax nafci leh uga soo baxaan! Marka fidnadaas dadkaasi ku jiraan waa tii gaalnimada, lumidda, waallida iyo sharkoo dhan ahayd. Marka Qubuuriyiinta, Shariifka, Amisom, Zenawi iyo gaaladu waa ku jiraan fidno ee aan fiirinno muslimiinta.

Muqaawamada (Mujaahidiinta + M. Maxkamadaha)

Markaan leeyahay fadiilatu Sheekh kama wado sheekh gooniya ee waxaan ka wadaa culumada iyo ducaadda muxaadarooyinka beryahan nagu harqiyey ee leh: waxa Soomaaliya ka socda waa fidno ee yaan la isagu tegin! Siday ila tahay waa labo arrimood in mid la yeelo:

1. In Mujaahidiinta sida Shabaab gaalo ama Khawaarij laga dhigo oo la dhaho iyaga iyo Amisom waa wada fidnoolayaal ee yaan la isagu tegin.

2. Tan kale waa in la dhao dadka loogu yeero gaalo-raacyadu waa muslimiin; Amisomna iyagay marti u yihiin sidaas darteed iyaga iyo Mujaahidiintuba waa wada muslimiin marka muslimiin isleynaysa waa fidno oo yaan la iskugu tegin.

Horay Hay’adda Culumada Soomaaliyeed waxay sheegeen inay dhexdhexaadinayaan “Mujaahidiinta” – Shabaab & X. Islaam oo isku meel ah iyo kuwii kale ee Midowga Maxkamadaha oo meel kale ah. Culumada hadda muxaadarooyinkaas la ordaya qaarkood baa ku jiray guddigaas Musaalixada marka maxaa loo dabbikhi waayey aayadda qaarkeeda kale ee leh: marka la dhexdhexaadinayo labo kooxood oo muslimiinta ah haddii midi baqyi ula timaaddo qolada kale waa in midda dhibka la timid lala wadadagaalo. Hadalkii ay si wadajir ah usoo saareen Musaalixadu wuxuu ahaa in labada kooxoodba muslimiin yihiin ee dagaalka la joojiyo.

Mar kale culumada qaarkeed waxay dhaheen: wax baa laga maqli waayey oo waa iska daynayaan ka-hadalka labada dhinac. Intaas kuma ekaane waxay hadda bilaabeen inay dhahaan yaan labadaas kooxood la isagu tegin. Culumada waxaa la weydiinayaa sababta? Muxaadarada waxaa laga fahmayaa in labaduba khaldanyihiin. Laakiin markay ku shireen hoteel ku yaal Muqdisho waxay soo saareen inay labaduba muslimiin yihiin! Waa wax iska soo horjeeda.


Fitnada kala-baxa ah waa lama-huraan

Haddii aakhiro la dulmarayo jidka Siraad si janno loo galo, adduunkana waa in fidno la dhexmaraa si aan janno u helnno. Aayadda Al-Baqarah ku jirta marka Ilaah leeyahay haddaan Afsoomaali u bedello: ma waxaad u maleyseen inaad janno gelaysaan iyadoon la idiin la imaan…, ilaa dhammaadka aayadda. Waxyaalihii la xusay waxaa ka mid ahaa dagaalka/jihaadka. Suuratu Aalu-Cimraan waxay si cad u sheegtay in Ilaah na weydiinayo: ma waxaan u malaynnay in janno galaynno iydoon la isku imtixaamin Jihaad iyo Samir? Sidoo kale Suura Al-Cankabuut waxaa Ilaah na leeyahay: ma waxay dadkii u maleeyeen in looga tagayo inay dhahaan oo keliya: waan rumeynay; iyagoon la ikhtibaarin?

Fitnadaas sunnada ah ninkii bidco ka dhiga waa nin diiddan in la kala baxo oo raba in la is huwanaado. Taasna Ilaah waa diiday. Xaddiis saxiix ah wuxuu leeyahay: belaayo/imtixaan teeda ugu daran waxay ku dhacdaa nabiyaasha. Kaddibna sida loo kala diin badan yahay. Lafdi xaddiiska ka mid ah baa saalixiinta ku xijinaya nabiyaasha. Marka qofka saalixa ah ha ahaado culumo, mujaahid ama muslim kalee oo la imtixaamaa waxay tusineysaa qaddarka diintiisa. Caalimka ku ciyaara dhaxalka nabiga (SCW) ma soo galayo dadkaas soo dhibtooda, waxaaba la arkaa inuu la dagaalo diinta Ilaahay. Marka xaddiiskaasi ma magacdhabin culumada. Waana iska caddahay in culumada xun aan boos meeshaas uga bannaanayn. Marka fadliga culumada loo sheegay iyo cilmi nin aruurshay kama dhigayso qof kasta oo waxbarta inuu fiican yahay. Marka caalimkii ogol Jihaadka oo xaqiiqda ka hadla waa la maqlayaa; kii murtadiin iyo gaalo wax u baarbaarana, cidna maqli meyso.

Yaa gaaladu Soomaaliya ku dhibaysaa? Mujaahidiinta. Maatada madfaca gaaladu ku dhacayana Shahiidnimaa loo sheegay. Marka nin Khaliijka, Yurub, Ustareeliya, iyo Waqooyiga Ameerika iska raaxaysana belaayo ma heysato. Waxaad is leedahay ducaadda qaarkood waxaa ka macquulsan hobolladii Waaberi oo yiri:

• Ma ogtahay jannadi weli
• Jirrab nimaan usoo marin
• Raaxo lama dhexjoojee

Ingiriisku waxay dhahaan “if you can not stand the heat (get out of the kitchen)” oo ah haddaadan kuleylka xamili karin; ka soo bax jikada! Micnaha oraahdu waa iska cadyahay. Marka culumadaas iyo ducaddaas waxaan ku leeyahay haddaad Jihaadka ka gabbateen iska daaya isku-dirka shacabka iyo Mujaahidiinta? Saan horay usoo iri: marna dhexdhexaadin baad sheegteen. Marna inaad ka aamusteen. Mar kalana inaan la isagu tegin Mujaahidiin iyo Gaalo!

Marka Soomaaliya fitno waa taal. Midday ku jiraan gaalada iyo gaalo-raacyadu waa caddahay. Inteenna kale fidnaa noo taal oo ah kala-baxa. Sharraxa Kitaabka Ujrimiga waxaan ku soo arkay “ cinda Shadaa’ida yucrafu ikhwaanu” oo ah marka dhibtu joogto baa walaalka saxda ah la arkaa. Marka Beesha Caalamku hub iyo dhaqaale bay gaalada iyo gaalo-raacyada u keentay. Shalay oo bisha Miilaadigu ahayd 05/01/2010 waxaa Shariif iyo Amisom u dagayey hub. Isla maalintaas Tigreegu waxay ku jireen Balanballe iyo Kala-bayr saasooy tahay dad culumo sheeganaya baa leh: yaan la iskugu tegin Mujaahidiinta iyo Amisom! Marka fitnada Shabaabka iyo culumadaas ku jiraan waan tan Ikhtibaarka. Cidna Ilaahay uga tazkiyeyn meynno laakiin waxay u muuqataa in Shabaabku saafi uga baxeen fidnada halka dadkii ducaadda ahaa ay wax kale ku soo baxeen. Fatwada culumadaas waxaa ka faa’iidaya Zenawi iyo Beesha Caalamka. Hadda cid la yaabaysa maleh marka Zenawi soo galo Kala-bayr iyo Balanbale illayn culumaa tiri: y
aan la iskugu tagin waxa Soomaaliya ka dhacaya! Markhaati Ilaahay waxaad shacaboow ka tihiin in Maraykan iyo Tigreegu kaalin libaax ku leeyihiin dhibka Soomaaliya. Marka qofkii fatwadaas qaata waa qof raba in miidda iyo qashinku isku jiraan, waana ruux aan caqli lahayn. Marka Ilaahay horti, ma simi karo Mujaahidiinta iyo Amisom. Marka shacabku ha iska weydiiyo culumada waxay ka wadaan fidnada sidaan horay u soo sharxay.

SUBXAANAKALLAAHUMA WA BIXAMADIKA ASTAQFIRUKA WA ATUUBU ILAYKA.
KHARRIBAT GALGADUUD, INNAA IDAA NAZALNAA BI SAAXATI QOOMIN FASAA’A SABAAXUL MUNDARIIN
WA SALALLAAHU CALAA NABIYAA MUXAMADIN WA CALAA AALIHI WA SAXBIHI WA SALAM
Back to top Go down
maanka
shabakada maadow
shabakada maadow
maanka


Mawduucyadaada : 44
ka Qeeb Qaadashaadaada : 81
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 09/03/2010

Fitnada Soomaaliya Ka Jirta Empty
PostSubject: Tacliiq yar   Fitnada Soomaaliya Ka Jirta EmptyThu Jun 10, 2010 1:00 am

Allahu akbar Allahu akbar Allahu akbar walillahil xamdu.
Ukhtii Jazaakallahu khayran Waxaad caddaysay Xaqqa iyadoo muhimmadda ah in xaqqa meel kasta hajiree la caddeeyo uu maanta maqanyahay.
Lakin sheekha su`aalaha ka jawaabay nooma aadan sheegin ..?
Sheekha waxuu sheegay waa xaqiiqo waana waxa laysku dayaayo maanta umadda somaliyeed in shaki looga galiyo jihaadka iyo loolanka ay kula jiraan gaalada iyo kuwa ay soo kireysatay, oo maanta dhalinyaradii intoodii badnayd ay uga hareen jihaadka shubahaadkaas iyo talbiiska ay culimada ka galiyeen xaqiiqada, Waana waxa ay u keceeen walaalaha maanta somalia gaalada horjoga Insha Allah ilaahay hanaga guulsiiyo.
Waxaa ugu wayn ee keenay inxiraafka waa in shariifka lagu indha-saabmay oo aan ilaahay iyo awoodiisa uu qofka ku gadin karo qalbigiisa la fiirinin, Shariifka oo xilli ahaa nin mutadayin ah aadna loo raacsanaa .........Lakin maxaa lagu racsanaa??!! Ayaa ah midda is waydiinta mudan?
Waxaa lagu raacsanaa in uu ahaa nin mujaahid ah oo ay la dheceen dadka sida uu u difaacaayo jihaadka iyo mujaahidiinta iyo sida uu markaa iskaga dhigaayay in uu rabo tadbiiqinta shareecada islaamka ..................?!!!!!!!!!!!!!!!11
Lakin cajiib ....markii uu dariiiqaas ka leexday waxa loo daba kacay oo loogu sirmay !!!!
ilaahay ha makaniyo mujaahidiinta dhulka ....Gaaladana ilaahay hajabiyo
insha Allah way jabidoonaan
Back to top Go down
maanka
shabakada maadow
shabakada maadow
maanka


Mawduucyadaada : 44
ka Qeeb Qaadashaadaada : 81
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 09/03/2010

Fitnada Soomaaliya Ka Jirta Empty
PostSubject: Re: Fitnada Soomaaliya Ka Jirta   Fitnada Soomaaliya Ka Jirta EmptyThu Jun 10, 2010 1:06 am

jazaakillahu khayran Ukhtii
Back to top Go down
umu-salama
shabakada maadow
shabakada maadow
umu-salama


Mawduucyadaada : 44
ka Qeeb Qaadashaadaada : 86
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 10/03/2010

Fitnada Soomaaliya Ka Jirta Empty
PostSubject: Re: Fitnada Soomaaliya Ka Jirta   Fitnada Soomaaliya Ka Jirta EmptyMon Jun 14, 2010 11:14 pm

alaah kheer ha ku siiyo walaal aniga mawduuc waa soo xigtay aniga ma qorin
Back to top Go down
maanka
shabakada maadow
shabakada maadow
maanka


Mawduucyadaada : 44
ka Qeeb Qaadashaadaada : 81
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 09/03/2010

Fitnada Soomaaliya Ka Jirta Empty
PostSubject: Re: Fitnada Soomaaliya Ka Jirta   Fitnada Soomaaliya Ka Jirta EmptyTue Jun 15, 2010 12:48 am

haa walaashay marka aad meel ka soo xigatto waxaa lagu soo qoraa xigasho
Waan dareemay in aysan wararkaaga ahayn ..... Lakin si aanan loogu malaynin warkaaga waxaa hoos lagu qoraa: Xigasho::::::::::


Shukran
Back to top Go down
Sponsored content





Fitnada Soomaaliya Ka Jirta Empty
PostSubject: Re: Fitnada Soomaaliya Ka Jirta   Fitnada Soomaaliya Ka Jirta Empty

Back to top Go down
 
Fitnada Soomaaliya Ka Jirta
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Soomaaliya Dhiman Meyso!!.
» soomaaliya iyo saacadihii kala guurka

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: