ASSALAAMA CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATUHU
SALAANTA ISLAAMKA EE DUCADA AH KA DIB AKHIL FAADIL WAXAA IGA CODSI AH ISLAMARKAANA AAN JECLAHAY INAAN KU SIIYO TALO WALALNIMO OO ADDUUNYO IYO AAKHIRABA KULLIGEENA NA WADA ANFACDO.
MARKA HORE WAA MAASHALLAAH WEBKAADA WAANA MID UMMADDA MUSLIMIINTA GAAR AHAAN SOOMAALIDA SI FIICAN U ANFACAYO, WAA WEB FAA'IIDO BADAN LEH KANA BUUXAAN DURUUS ISLAAMI AAN LA TIRA KOOBI KARIN IYO WAX KASTA OO MAADDI AH OO HORUMAR LEH, AJIR IYO XASANAATBA WAAD HELAYSA INSHALLAAH ADDUUNYO IYO AAKHIRABA LAAKIN WANAAGAAS IYO CULUUNTAAS ISLAAMIGA AH EE KA BUUXDA WEBKAN WAXAA BURBURINAYA FIIDIYOOWYADA AY DADKA KUU SOO DIRAAN EE MUNKARAADKA BADAN WATA OO AAN WAAX MICNA LEH UGU JIRIN QOFKA MUSLIMKA DEMBI MOOYEE AANUU WAX KA KALE KA HELAYNIN SIDAAS DARTEED AKHII ANIGOO ALLE DARTIIS KUU JECEL WAXAAN NAFTAYDA IYO MIDAADABA KULA TALINAYAA INANYNAAN SOO GELIN ISLAMARKAANA AAN KA XERNO WEBKAAN WAX ALLE WIXII MUNKARARAAT AH AMA FIIDIYOOW HA AHAADO QORAAL AFLAGAADO.
KHEYR FARA BADAN AYAAN KUU RAJAYNAYAA
AZKHUUKA FILLAAH DR. GUREY