بسم الله الرحمن الرحيم
Fadliga SoonkaQaybtaan waxaan jecelahay in aan ku soo qaato maqaamka Islaamku ku tilmaamay soonka iyo ajarka & fadliga uu helayo qofka Ilaahey (S.W.) dartiis u sooma, taasoo laga yaabo dadka qaar in ay ku kala duwanyihiin oo ajarka ay helayaan uu kala badan yahay sababtuna ay tahay u dhawaanshaha ama ka fogaanshaha Sunnada
Nabiga (S.C.W.), sidii uu Nabiguba (S.C.W.) ku tilmaamay asagoo yiri: “Badanaa qof sooma oo aan soonkiisa ka heleyn wax aan ahayn gaajo iyo oon“.
Soomiddu waa cibaadeysi heer sare ah oo nafta ijtihaad iyo is-ilaalin ku nuuriya. Soomiddu waa sifayn iyo hagaajin nafta looga dan leeyahay in la dareensiiyo daciifnimadeeda iyo in laga gooyo dhugashada iyo daba-galka ceebaha dadka kale iyo waxa ka dhalanaya oo dhan, sida xanta, cayda, beenta, iska horkeenka muslimiinta, muran iyo qaylo, dagaal iwm. Soonku nafta ayuu daahiriyaa oo ka dhigaa naf Alle (S.W.) ka cabsata oo towbad keen badan, wuxuuna nuuriyaa iimaanka qofka.
Fadliga iyo ajarka Soonka waxaa ka mid ah:
(1) SOONKU WAA GAASHAAN:
Soonku waa gaashaan (la isaga gudbo xumaan falidda, shahwada iyo naarta). Nabigu (S.C.W.) waxaa uu faray qofka aad ugu baahan in uu guursado misna aan awoodin guur (daruufta oo aan u saamaxayn markaas in uu guursado awgeed, hadday noqon lahayd dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca awooddiisa jirkaba) in uu soomo si ay shahwada rabitaanka guurku uga jabto. Maxaa yeelay soonku wuxuu ka reebaa nafta waxyaabaha ay jeceshahay oo ay shahwadu ka mid tahay.
Cabdullaahi ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu nagu yiri: “Dhalinyarooy! Kiinnii heli karaa raas (reer) waa in uu guursado, waayo (guurku) wuxuu xakameeyaa indhataagga, sinadana gaashaan buu uga yahay, kii aan guursan karinna ha soomo da’ fur (tunniin) buu leeyahaye (jebin buu u yahay rabintaanka galmada).” Laysku raac ~ Muttafaqun Caleyhi).
Sidoo kale Nabigu (S.C.W.) wuxuu caddeeyey in naarta lagu galo waxyaabaha ay naftu jeceshahay iyo in Jannada lagu galo waxyaabaha ay naftu necebtahay.
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Naarta waxaa laga helaa oo ay ku gabban tahay waxyaalaha ay naftu jeceshahay ee macmacaanka adduunka ah gadaashooda, Jannadana waxaa lagu xayndaabay camal adag oo ay naftu necebtahay“. Bukhaari iyo Muslim.
(2) QOFKA SOOMAN WUXUU LEEYAHAY LABA FARXADOOD:
Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood sida ku cad xadiiska Nabiga (S.C.W.)
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood, tan hore waa farxaa markii uu afurayo, tan labaadna waa uu ku farxi doonaa ajarka soonkiisa, markii uu la kulmo Rabbigiisa (Allaah).” Bukhaari iyo Muslim.
(3) NEEFTA QOFKA SOOMAN OO MISKIGA KA UDGOON:
Qofka sooman neefta afkiisa ka soo baxaysa waxay ka udgoon tahay miskiga sida ku cad xadiiskan:
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “…….Neefta afkiisana (qofka sooman) ka udgoon Aragtida Alle udgoonka miskiga” Muslim.
(4) IRIDKA (ALBAABKA) AR-RRAYAAN OO JANNADA KU YAALLA: Waxaa jira Jannada gudaheeda irid ama albaab magaciisa la yiraahdo Ar-Rayaan oo dadka sooma oo kaliya ay geli doonaan Maalinta Qiyaame. Qofka ugu dambeeya oo ka mid ah dadkii soomi jiray marki uu galo waala xirayaa iridka Ar-Rayaan. Qof kasta oo kamid ah dadka galay wuxuu cabbayaa sharaab. Sharaabkaas qofkii cabbana weligiis ma oomayo.
Sahal bin Sacad (A.K.R.) wuxuu yiri: “Nabigu S.C.W. wuxuu yiri: “Waxaa jira Jannada dhexdeeda irid la yiraahdo Ar-Rayaan oo keliya dadkii soomi jiray ay geli doonaan Maalinta Qiyaame, qof kalena uusan ka gelin; waxaa la oran doonaa: Meeye ehlu soonkii? Waa soo kici doonaan, cidina ma geli doonto iyaga maahee. Markii ay galaan, iridkaa waa la xiri doonaa, cid kalena ma geli doonto iyaga dabadood.” W.W. Bukhaari iyo Muslim.
(5) SOONKA & QUR’AANKUBA QIYAAMAHA WAY SHAFEECAYAAN: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Soonka iyo Qur’aankuba addoonka ayey u shafeecayaan maalinta Qiyaame. Soonku wuxuu oran doonaa: Rabbiyow! Waxaan ka reebay cuntadii (iyo cabbidii) iyo waxyaalihii ay naftu jeclayd ee (Rabbiyow) shafeecadeyda u aqbal. Qur’aankiina wuxuu oran doonaa: Rabbiyow! Waxaan ka reebay hurdo uu habeenkii jiifto ee (Rabbiyow) shafeecadeyda u aqbal. Wuxuu yiri: Markaasaa shafeecadooda la aqbalaa.” W.W. Axmed.
(6) SOONKU WUXUU KAFAARO U YAHAY DEMBIYADA QAAR:
Soonka waxaa lagu dhaafaa dembiyada yar yar sida ku cad xadiiskan:
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Shanta salaadood (oo si rigle iyo joogto ah jamaacad ahaan masjidka loogu tukado) waxay tiraan dambiyada yar yar, haddii dambiyada kabaa’irta (halista) ah (sida shirkiga, sixirka, dilka gardarrada ah, dhilleysiga, ribada, dhilleysi ku xamashada dumarka dhowrsoon, u dhabar jeedinta cadowga maalinta dagaal dar Alle ah iwm.) la iska jiro markaa waa loo dhaafaa dambiyada yaryar inta u dhexeysa laba Jimco iyo laba Ramadaan.” W.W. Muslim.
(7) SOONKA DEMBIYADII HOREY KAAGA DHACAY AYAA LAGU DHAAFAA:
fadliga soonka waxaa kale oo kamid ah in dhamaan dembiyadii yar-yaraa ee horay uga dhacay qofka muslimka ah loogu dhaafayo soonka dartiis.
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii u sooma bisha Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab, waxaa laga dhaafi doonaa dembiyadii horay uga dhacay (aan kabaa’irta ahayn)”. Bukhaari iyo Muslim.
8)IRDAHA JANNADA OO LA FURO – IRDAHA NAARTA OO LA XIRO – SHAYDAAMMADA OO LA KATIINADEEYO:
Fadliga weyn ee bisha Ramadaan u gaarka ah waxaa ka mid ah, in irdaha Jannada oo dhan la furo, oo irdaha naartana la xiro, iyo in shayaadiintii ummadda dhibi jirtay la xir-xirayo.
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Markii ay bisha Ramadaan soo gasho irdaha Jannada waa la furaa, irdaha naartana waa la xiraa, Shaydaamadana waa la xiraa (la silsiladeeya)“. Bukhaari iyo Muslim.
F.G.
Bisha ramadaan marka ay bilato waxaad arkaysaa dad badan oo towbad keenaya oo diyaar u ah in ay Rabbigood u noqdaan; dad badanna waxaa yaraanaya macaasidii iyo xummaantii ay sameyn jireen. Haddana, waxaa laga yaabaa in la arko dad kale oo wali macaasi iyo xummaan samaynaya, haddaba sidee baa taas lagu fasirayaa? Dadku waa laba nooc: dad sheydaan baa daba taagnaa oo fasahaadinayey dadna iskood bay u fasahaadsan yihiin (u khariban yihiin). Dadka iskood u khariban (fasahaadsan) xataa haddii sheydaanku uusan raad weyn ku yeelan waxaad arkeysaa ayagoo xummaan iyo dembi dhex dabaalanaya.
FADLIGA BISHA RAMADDAANFadliga bisha ramadaan maaha wax qormo keliya lagu soo koobi karo: Ilaahay (S.W.) ayaa u gartay bisha Ramadaan in ay toqoto bishii Qur’aanka Karrimka ah lagu soo dejiyay dhexdeeda. Halkaas waxaa ka cad darajada iyo qiimaha ay dheer tahay bilaha kale.
Allaah (S.W.) wuxuu yiri: “Bisha Ramadaan oo dhexdeeda la soo dejiyay Qur’aanka, isagoo hanuun u ah dadka iyo xujooyin cad oo hanuunka ah, iyo kala saarid (xaqa iyo baadilka)….”. Al Baqara, aayadda 185d.
Allaah (S.W.) wuxuu yiri: “Xaqiiqdii, waxaan soo dejinnay Qur’aanka Habeenka Qadarka”. Al-Qadri, aayadda 1d
Allaah (S.W.) wuxuu yiri: “Xaqiiqdii, waxaan soo dejinnay Qur’aanka Habeen barakaysan (Habeenka Qadarka)”. Ad-Dukhaan, aayadda 3d
Fadliga iyo dheeraadka bisha Ramadaan waxaa ka mid ah in habeenadeeda ay ka mid tahay habeen la yiraahdo LAYLATUL QADRI oo ka kheyr badan kun (1000) bilood. Habeenkaas wuxuu ka mid yahay habeennada Ramadaanka. Waxaa loogu reja weyn yahay in habeenkaas uu ku jiro tobanka ugu dambeeya bisha Ramadaan, gaar ahaan waxaa loogu sii reja weyn yahay habeennada kinsiga ah (21, 23, 25, 27, 29), waxaa suura gal ah in uu helo habeenkaas qofka bisha Ramadaan oo dhan ku dadaala cibaadada, baryada Ilaahey, salaadda, dambi dhaaf dalabka, taraawiixda iyo tahajudka.
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii u kaca in uu tukado salaad taraawiix bisha Ramadaan, iimaan qab iyo ajar dalab dartood, waa loo dhaafaa wixii dembiyo (yar yar ah) oo horay uga dhacay“. Bukhaari iyo Muslim.
W/Q.: Cabdulfataax Maxamed Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com ____________________
Codsi:-
Fadlan walaal khayrkan usii gudbi walaalahaaga Muslimiinta inta aad taqaano
Allaah ajar hakaasiiyee..jazakamu Allaahu Khayraa
Goloha Ducaada Soomaaliyed
daaciga@hotmail.com[b][center]