Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1"

Go down 
3 posters
AuthorMessage
maanka
shabakada maadow
shabakada maadow
maanka


Mawduucyadaada : 44
ka Qeeb Qaadashaadaada : 81
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 09/03/2010

QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1" Empty
PostSubject: QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1"   QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1" EmptySun Aug 22, 2010 7:30 pm

بسم الله الرحمن الرحيم
BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN

HORDHAC:

Walaalayaal, waa lagama maarmaan inaynu oggaano inay tahay sideedaba gallad iyo nimco qofkii uu Allaah (sw) waafajiyo inuu gaaro bisha ramadaan. Sidaa darteed, waxaa habboon inaan Ilaahay uga mahad celinno nimcadaan uu nasiiyay inaan haleelno bisha fadliga badan ee Ramadaan. Imisa dadka ka mid ah ayaa jira oo aan la waafajinin inay gaaraan bisha ramadaan, oo iyadoo wax yar ay ka hartay geeriyooday, amaba haleelay bisha ramadaanka, hase ahaatee aan la waafajinin inay ka faa'iideystaan!! Allaahow khayrkaaga hanaga xarimin…aamiin aamin aamin.

IKHWAANII FILLAAH:

Waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa kalmado kooban oo kusaabsan soo dhawaynta bisha ramadaan, anago rajaynayna inuu Allaah nagu anfaco sawaabkana nawaafajiyo,nagana dhigo kuwii laga aqbalo soonkooda iyo salaadoona,naartana looga xoreeyo anaga iyo waalidkeenba..aamiin aamin aamin.

Wuxuu Rasuulka (scw)ugu bishaarayn jiray muslimiinta dhalashada bisha ramadaan.

Sida uu werinayo Imaamu Dabari, wuxuu Rasuulka (scw) ahaa markay timaaddo bisha Rajab kii yiraahda "Alloow noo barakeey Rajab iyo Shacbaan, waxaadna na gaarsiisaa ramadaan-ka".

Dadaalkii Rasuulka (scw) ee Ramadaanka

Caa'isha Ilaahay ha ka raalli noqdee iyadoo noo iftiiminaysa siduu Nebiga (scw) ugu dadaali jiray salaatu-leylka waxay tiri "ha ka tagin salaadda leylka, maxaa yeelay ma uusan Rasuulka (scw) ka tagi jirin. Haddii uu xanuunsan yahay ama uu caajiso fadhiga ayuu ku tukan jiray". Salaadahaas iyo dadaalkaas wuu sii laba-laabi jiray Rasuulka (scw) marka la gaaro ramadaanka, saxaabadana waxay ahaayeen kuwa kaga shidaal qaata sunnadaas.

Xaddiis uu weriyay Imaam Axmad, uuna ka werinayo Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) yiri xaddiis macnihiisu ahaa: "waxaa idiin yimid bishii ramadaan, wuxuu Allaah (sw) idinku waajibiyay inaad soontaan, bishaas waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xiraa albaabada Naarta, waxaa la xiraa shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka kheyr badan kun habeen, ruuxii laga xarimo kheyrkeeda waa qof kheyr laga xarimay". Haddaba, bisha sidaas u kheyrka badan waxaa habboon inaynu ku dadaalno sidii aan uga faa'iideysan lahayn kheyraatkeeda, oo aan gadaal danbe aanan uga qoomamayn.

Walaalayaal, waxaa nalaga doonayaa inaynu bishaan kheyrka badan aan ku qaabilno towbad badan, qur'aan aqris badan, salaad badan, baarifalka iyo samafalka waalidka, waxtarka iyo taageerada dadka dhibaataysan, islaaxinta iyo xiriirka qaraabada iyo dhammaan waddooyinka kheyrka ee uu Allaah (swt) raalliga ka yahay. Bisha ramadaan waa bishii naxariista. Waa bishii denbi dhaafka badneyd. Waa bisha la iska xorreeyo naarta.

Lama koobi karo fadliga bisha ramadaan, waxaana ka mid ah in la aqbalo ducada addoomada suubban ay baryayaan Rabbi (sw). Wuxuu (sw) yiri isagoo ka hadlaya arrintan "hadduu addoonkayga xaggeyga wax iga weydiisto waxaan u ahay mid u dhow oo aqbala ducada markuu wax i weydiisanayo" aayadda 186 suuradda Al-Baqara.

Dhinaca kale, xaddiis uu Imaam Axmad ka weriyay Rasuulka (scw) wuxuu Rasuulka (scw) yiri "seddex ducadooda lama celiyo", waxayna saddexdaas kala yihiin:
”qofka sooman markuu afurayo, imaamka caadilka ah iyo qofka la dulmiyay habaarkiisa".

Deeqsinimada iyo soonka

Walaalayaal, sidoo kale bisha ramadaan waa bil caanbaxsan deeqsinimada, samafalka iyo ixsaanka. Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu yiri "Rasuulka (scw) wuxuu ahaa kan dadka ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ugu sii deeqsinimo badnaa bisha ramadaan, gaar ahaan waqtiga uu la kulmayo malaga Jibriil (cs), habeen kasta wuu la kulmi jiray Jibriil iyagoo daraasayn jiray qur'aanka".

Sidaa darteed, wuxuu Imaamu Shaafici yiri "waxaan jeclahay inuu qofka badiyo deeqsinimada si uu ugu daydo Rasuulka (scw).

Dadka uu Alle ku galladaystay hantida waxaa la gudboon inay ku dadaalaan waxtarka dadka tabaaleysan, siiba bisha ramadaan. Ajar aad u weyn ayaa lagu sheegay qofkii afuriya qof muslim ah bisha ramadaan. Wuxuu Rasuulka (scw) noo tilmaamay in qofkii afuriya qof muslim ah, uu leeyahay ajarkii kii soomanaa oo kale, iyadoo kii soomanaana aan laga naaqusin ama laga dhimin ajarkiisa. Waa fadli aad u weyn.

LAYLATUL QADAR:

Bisha ramadaanka waxaa ku jira habeen ka kheyr badan kun habeenood, sida uu Allaah (sw) noogu sheegay suuradda Al-qadr. Inkastoo aan habeenkaas la cayimin habeenka ay ku beegan tahay, haddana waxaa muslimiinta laga doonayaa inay ku dadaalaan dhammaan habeenada iyo maalmaha ramadaanka uu ka kooban yahay, si ay uga faa'iideystaan fadliga ramadaanka.

BAABU RAYAAN:

Walaalayaal, cibaadada Soonka wuxuu qofka dhaxalsiiyaa Jannada iyo inuu ka galo maalinta qiyaamaha mid ka mid ah albaabada Jannada, kaasoo loogu magacdaray Rayyaan. Saxaabiga la yiraahdo Sahal Binu Sacaad ayaa wuxuu Rasuulka (scw) ka weriyay isagoo leh "waxaa jannada dhexdeeda ahaaday irid la yiraahdo Rayyaan, iridkaas ayeey dadkii soomanaa ka soo galayaan maalinta qiyaamaha, qof aan iyaga ahayn kama soo galayo, waxaa la oranayaa aaway dadkii soomanaa?, markaas bay istaagaan qof aan iyaga ahayn ma soo galayo".

GUNAANAD

Walaalayaal haddaba markaan aragnay faa'idoonyinka bishan barakeysan waxaa lama huraan ah in aan ka faa'ideysano kheyraadka badan oo bishaan.

Waxaan Allah swt ka baryaynaa inoo ka dhigo camal mid raali ahaanshaha wejigiisa lagu raadsho, nagana aqbalo camalkeena midkiisa saalixa ah.
Waxaana dhamaan idin leenahay
Ramadaan Kariim.
Wasalamu alaikum waraxmatulaahi wabarakaatuh





____________________

Codsi:-
Fadlan walaal khayrkan usii gudbi walaalahaaga Muslimiinta inta aad taqaano
Allaah ajar hakaasiiyee..jazakamu Allaahu Khayraa

Goloha Ducaada Soomaaliyed

daaciga@hotmail.com[center]
Back to top Go down
Ina_Maadow
shabakada maadow
shabakada maadow
Ina_Maadow


Mawduucyadaada : 276
ka Qeeb Qaadashaadaada : 722
Mahadcelin : 6
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Shaqadaada : Arday Jaamici

QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1" Empty
PostSubject: Re: QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1"   QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1" EmptySat Aug 28, 2010 7:52 am

jazaakalaahu khayraa walala
Back to top Go down
Admin
Maamule Ku Xigeen
Maamule Ku Xigeen
Admin


Mawduucyadaada : 77
ka Qeeb Qaadashaadaada : 155
Mahadcelin : 2
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010

QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1" Empty
PostSubject: Re: QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1"   QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1" EmptyMon Aug 01, 2011 7:46 pm

walaaal mahadsanid
Back to top Go down
Sponsored content





QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1" Empty
PostSubject: Re: QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1"   QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1" Empty

Back to top Go down
 
QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1"
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (ICTIKAAFKA)"6"
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Soonka)"3"
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Taraawiixda)''4''
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Iska ilaali...!!!)''5''
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN(WAXYAABAHA SOONKA BURIYA)"2"

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta axaadithta nabiga nabadgalyo iyo naxariis kor kiisa ha ahaato-
Jump to: