Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 sheeko xiiso badan:gabar lagu magaacbo

Go down 
2 posters
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

sheeko xiiso badan:gabar lagu magaacbo Empty
PostSubject: sheeko xiiso badan:gabar lagu magaacbo   sheeko xiiso badan:gabar lagu magaacbo EmptyMon May 31, 2010 7:52 pm

salaamu calaykum
waxaan maanta idin soo gudbinaa sheekadaan cajiibka badan
Gabar lagu magacaabo Aniso Yuusuf Cusmaan ayaa xiriir ay la soo samaysay shabakadda wararka AARANNEWS waxay uga qisootay arrin murugo leh oo soo martay, taasoo ay kala soo kulantay guurar murugeysan oo soo maray, gaar ahaan dhib aysan fileyn oo ay kala kulantay ninkii ugu dambeeyay ee guursaday, kaasoo guur qarsoodi ama qudbo siro ah ay la gashay, iyadoo sheegtay in sidii ay ka fileysay si ka baddalan uu kula dhaqmay, waxayna arrintaas uurku-taalada ba’an ku reebtay Anisa Yuusuf ay ku bilowday sidatan:

“Kama fileyn mana ka sugeynin weligay inuu meel cidlo ah igaga dhaqaaqayo, waayo asxaan badan ayaan u sameeyay, asxaankaasna inuu ka abaal dhacayo ilama ahayn, balse wax aan ka soo waaqsan waayay ayuu igu sameeyay.

Waan isu dhiibay oo nafteyda oo dhan ayaan u hibeeyay balse si bareer ah oo aan geedna looga soo gaban ayuu nafteyda dayacaad u baday.

Waxaan ahaa garoob guurkeedii ugu horreeyay dhib badan ku soo mudatay waayo anigoo 16 sano jir ah ayay waalidkey si jujuub ah nin iigu dareen, ninkaasoo nolol dhib badan aan la qaatay muddo sanad iyo Lix bilood ah oo aan guri kula noolaa, waxaana noloshaasi dhihi karaa inay ahayd Cadaab adduunyo oo si kumeel gaar ah uu ii geliyay ninkaas, iyadoo ay noloshaasi guur ee qarbaanka ah ay iga soo gaareen dhaawacyo jirkeyga qeyb ka mid ah haatanba ka muuqda.

Markii aan dhibkaas ku jiri waayay ayaa anigoo Uur leh isaga soo cararay gurigiisa, waxaana caro aan ku imid hoygii la iga guursaday ee aan ku soo barbaaray, anigoo wacad ku maray in ninkaas aanan dib dambe ugu laabanaynin, dood iyo dacwo muddo socotay kadibna waa la iga furay iyadoo walaalahay oo ka xumaaday dhaawaca iyo dhibka uu I baday ninkaas ay si qasab ah dalaaqadeeda iiga qaadeen.

Umul baa ilowda wixii ay soo martaye, dhibka uu ninkaas i baday anigoon rag u colaadin ayaa mid kale oo aanu xigto ahayn ii soo bandhigtay jacayl, waxaan u eegay xigtonimo, dhaqaale buuran oo uu heystay iyo isagoo aqoonyahan ahaa, walow uu Xaas iyo carruur lahaa haddana dhinacaas kama eegin oo inaan ku nasto ayaan u galay, si qarsoodi ah ayuu igu mehersaday, wuxuuna ii sheegay inuu si gaar ah ii xafidayo, i kolkoolinayo, guri ii dhisayo, isla markaana aniga iyo xaaskiisa kale uu ina kala maareynayo.

Muddo markii uu si qarsoodi ah ii qabay ayaan uur u qaaday, anigoo uurkaas u arkay mid isaga iyo aniga farxad inoo wada ah ayuu markii uu Sagaalkii bilood ee uurkeyga buuxsaday ii yimid, waxaan u soo dhaweeyay si diiran, balse wuxuu igu yiri hadal aan ka naxay oo ah “Waxaa la gaaray waqtigii aan Runta kuu sheegi lahaa” waxaan ku iri “Horey ma been baad iigu sheegi jirtay maxay tahay runta haatan la gaaray” isagoon hadal kale i oran ayuu igu yiri “Waan ku furayaa, waana taas runta hadda a gaaray”.

Qaracanka aan hadalkaas ka qaaday wuxuu I badan xanuun daran iyo inaan walbahaaro, wax aan filayay ma aha, waxayna taasi i gayaysiiyay inaan nolosha oo dhan ka quusto oo marar badan baan ku fakaray inaan is dilo oo sun cabo, haddana sheydaanka ayaan iska naaray oo cantuufteydii baan dib u liqay, laakiin rag dambana inaanan aaminin ayaan goostay.
Omar Suleiman Omar
Back to top Go down
Ina_Maadow
shabakada maadow
shabakada maadow
Ina_Maadow


Mawduucyadaada : 276
ka Qeeb Qaadashaadaada : 722
Mahadcelin : 6
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Shaqadaada : Arday Jaamici

sheeko xiiso badan:gabar lagu magaacbo Empty
PostSubject: Re: sheeko xiiso badan:gabar lagu magaacbo   sheeko xiiso badan:gabar lagu magaacbo EmptyTue Jun 01, 2010 9:44 pm

jazaakalaahu khayraaa
Back to top Go down
 
sheeko xiiso badan:gabar lagu magaacbo
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Gabar yar oo qaadaysa astaanta calanka wadankeena soomaliya
» Gabar Wiil isku bedeshay oo Naag mehersatay(Mucjiso)!
» Rag maxaa lagu raacaa
» kitaab ay dad badan raadinaayeen
» mucjiso yaab badan

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Gabayada iyo Murtida iyo Maahmahyada-
Jump to: