Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.2aad).

Go down 
2 posters
AuthorMessage
mujaahid123
shabakada maadow
shabakada maadow
mujaahid123


Mawduucyadaada : 58
ka Qeeb Qaadashaadaada : 123
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Halkaa joogto : muqdisho al ciz
Shaqadaada : xoreenta dalka

Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.2aad). Empty
PostSubject: Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.2aad).   Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.2aad). EmptyMon Mar 22, 2010 8:32 pm

salaamu calykum
waa maqaalkeedii qeebtii hore aan idin soo gudbiyay isbuucii hore maantane waa qeebtiisa labaad maqaalkii la magac baxay:-

Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.2aad).

Darsigeenii
hore waxaan kaga soo hadalney sida uu u bilaabmey dulaan maskaxeedku
iyo marxaladaha uu soo marey, kuwaas oo ay fulinayeen afkaarta ku
wajahan cadaawada islaamka qolada yuhuuda iyo nasaarada.


Casharkan waxaan kaga hadlaynaa labadii firqadood ee la sameeyey
kuwaas oo kala ahaa Kooxda la baxdey Baadinyah iyo Qaraamida.


Hadaan taariikhda eegno Xiligii dawladii Cabaasiyiinta waxaa soo
xoogaystey labadii kooxood ee aan soo sheegney kuwaas oo asaas kooda ay
ka danbeeyeen rag yuhuud ah, kooxahani waxay sameeyeen manhaj ay
islaamka ku weeraraan, Dastuurkaas oo noqonaya siyaasada ay kula
dhaqmayaan dadka muslimka ah, waxaa soo hormuuqdey qolada la baxdey
"Baadiniyah" .


Kooxda Al baadiniyah waa kuwama?.

Kooxdan
baadiniyah taariikhdu marka ay baadhey, waxa ay galaan Nin la yiraahdo
" Maymuun Al qaddaax" ninkaas oo ka mid ahaa yuhuudii reer Saba, ama
Yuuhuuda Yaman ee koonfurta jasiiratul Carab, Ninkani waxa uu dadka u
sheegtey inuu ka soo jeedo Aalu baydka uuna ku abtirsado "Jacfar Binu
Abii daalib" waxa uuna isku magacaabey in la yiraahdo Maxamed Binu
Jacfar, Marar kalena dadka waxa uu u sheegi jirey inu yahay Khaadimkii
"U shaqeeyihii" Maxamed Binu Jacfar, Ninkani waxa uu sameeyey
Manahajkii Dacwadiisa Baadiniga, Dacwadan oo marka hore ku
bilaabmanaysa tartiib tartiib, inuu qof qof u gaadhsiiyo kadibna koox
koox ilaa marka danbe ay noqoto Ciqiido ay aaminan dadka loo laqiney.


Ninkani Dacwada iyo manhajka uu sameeyey waxa ay is shabahaan Manhadka
qolada la yiraahdo freemasonry ama Al Maasooniyah, oo ah koox yuhuuda
ah oo loo asaasey inay ka shaqeeyaan danaha yahuuda oo qudha qarniyadii
17 -18aad, waxa aynuna ka bixin doonaa cashar u gaar ah qoladaas.


Maymuun Al Qaddah waxa uu tababarey nin la yiraahdo Cabdullahi Ashiici
oo ahaa Ninkii Asaasey Dawladii Faadimiyiinta ee Masar ka hana qaatey,
Cabdullahi Ashiici waxa uu u laqiney manhajkii iyo dacwadiisii uu
samaystey ee Baadiniyah waxa uuna u direy Waqooyiga Africa waxa uuna ku
yidhi hadalkiisii caan baxay ee ahaa :

"Go to this country, it is virgin land, grow our ideas as the seeds grow in fertile ground"
Orad oo tag wadankaas, waa wadan bikro ah "Yacnii Cidi inoogama horayn"
Afkaarteenuna way ku koraysaa sida uu dalagu ugu koro marka lagu beero
meel carro san ah.


Cabdullahi Ashiici, waa dhaqaajiyey waxa uu aadey waqooyiga Africa,
kadibna waxa uu yimid wadanka Masar waxa uuna ka sameeyey Dawladii loo
bixiyey Dawlatul faadimiyah.


Waxaa jirtey iyadana koox kale oo aan kor ku soo xusney oo la yiraahdo
Qaraamidah, waxayna soo baxeen Qarnigii Sadexaad ee Hijriga,
Qaarimadadu waxa ay ka soo jeedaan nin la yiraahdo " Xamdaan Ibnul
Ashcath Al Qarmadiyi.


Kooxdani waxa dagaal ka fool ka fool ah oo aan gabasho lahayn lagaleen
khilaaafadii Cabaasiyiinta, waxayna soo bandhigeen in la joojiyo qayb
ka mid ah shacaa'irta islaamka waxayna ugu hor mariyeen xajka oo
damceen inaan makko danbe la isugu iman dadka muslimiintuna halkaas ay
ku ilaawaan rukniga shanaad ee ee islaamka, markaasna ay fuliyaan
ujeedadooda iyo dhagarta ay muslimka ku wadaan, waxay u soo dhaqaaqeen
makka iyaga oo uu hogaaminayo ninka asaasey kooxdan " Xamdaan Al
qarmadiyi" waxa ayna xadeen Xajarul Aswadka waxa uuna gacantooda ku
jirey muddo ilaa 20 sanadood ah, iyaga oo ku haystey bariga jaziirada
carabta khaastan meesha la yiraahdo AL Ixisaa".


Ninkani dad badan baa raacey oo juhalo u badan waxa uuna ku faafiyey
meeshuu haystey Dacwadiisii heer waxa ay gaadheen Gabyaayadoodu Intey
Minbarada fuulaan ay dadka u Akhriyaan Erayo qasiidooyin ku tusinaysa
waxa ay yihiin waxaana ka mid ahaa:-

Durbaanka
qaado oo Ciyaar Hees oo is lux, Wuu tagey Nabigii Reer Banii Haashim,
Kanina waa nabi reer Binii Yacrab ah, waxa uu naga ridey Salaadihi
faralka ahaa, waxa uu naga ridey soomkii, markey dadku tukanayaan
hakicin, hadii ay soomaana cun oo cab, naftaadana haka xarimin inaad
guursato haweenka kuu dhaw "Yacnii Muxramka kuu ah" Khamrigu wax kale
maaha waa biyaha samada oo kale waana xalaal, Gabayo marka afkeena
aan ku eegno sidaas u soo dhaw ayeey tirin jireen shucaradoodu, waxayna
noqdeen fitan cusub oo ka soo dhex baxdey saaxadii dadka Muslimku
daganaayeen.


Si aan u ogaaano inaad fahantey Darsigii hore, ka jawaab su'aalahan, adiga oo ku qoraya commentska bogga.


1-Goorma ayuu bilaabmey Duulaan Maskaxeedku?


2-Cabdullahi Ibnu Saba waa kuma?


3-Ma rumaysantahay In Islaamka lagu wado Duulaan Maskaxeed?


4-Suurta gal Ma tahay Muslimiintu inay isku kaaftoomaan?


5- Ma dhici kartaa In Gaaladu ay ka danbeeyaan Dhibaatada ka socota
wadamada muslimka? Hadii Jawaabtu tahay haa Faah-faahi.

6- Hadaad Tahay Shakhsi Muslim ah Diintaadu ma kuu banaysey inaad la macaamisho Gaalada?
7-Laba gaal hadii mid kula Dagaalayo Suurta gal ma tahay ka aan dagaalka kugu hayn inaad Amaan siisid?
Back to top Go down
Ina_Maadow
shabakada maadow
shabakada maadow
Ina_Maadow


Mawduucyadaada : 276
ka Qeeb Qaadashaadaada : 722
Mahadcelin : 6
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Shaqadaada : Arday Jaamici

Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.2aad). Empty
PostSubject: Re: Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.2aad).   Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.2aad). EmptyThu Mar 25, 2010 11:30 pm

maa shaa alaah walaal walaahi waaa mawduuc zaaid u taabanaya umada islaamka mahadsanid walaaal
Back to top Go down
mujaahid123
shabakada maadow
shabakada maadow
mujaahid123


Mawduucyadaada : 58
ka Qeeb Qaadashaadaada : 123
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Halkaa joogto : muqdisho al ciz
Shaqadaada : xoreenta dalka

Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.2aad). Empty
PostSubject: Re: Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.2aad).   Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.2aad). EmptyFri Aug 06, 2010 1:52 pm

adaaa mudan sxb
Back to top Go down
Sponsored content





Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.2aad). Empty
PostSubject: Re: Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.2aad).   Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.2aad). Empty

Back to top Go down
 
Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.2aad).
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.1aad).
» salaaan dhamaantiin inta muslimiinta ah
» Rag maxaa lagu raacaa
» Calaamadaha Qiyaaamaha lagu garto
» Anashid Sheekh usama Lagu faalinayo

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: