Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Kororso Aqoontaada Qeebta (7 )

Go down 
2 posters
AuthorMessage
wadani
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 71
ka Qeeb Qaadashaadaada : 119
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 24/02/2010

Kororso Aqoontaada Qeebta (7 )   Empty
PostSubject: Kororso Aqoontaada Qeebta (7 )    Kororso Aqoontaada Qeebta (7 )   EmptySun Feb 20, 2011 10:20 pm

salaamu calaykum
waa qeebta todobaad ee barnaamijkeena suaalaha iyo jawaabaha ee aqoon kororsiga ahaayay maantane waxaan idin hayaaa suaalo aad u qiimo badan kusoo dhawaada
1-Su’aal,
Sheeg kumuu ahaa ninkii ey u kireysteen Rasuulka (NNKH) iyo Abuu-bakar
rc inuu jidka tuso markii ey u hijroonaayeen madiina?


1-Jawab, Wuxu ahaa Dal Aqoonkii la’oran jiray C/laahi Bin Ariiqadh.


2-Su’aal, Sheeg Rasuulka (NNKH) inta aanu madiina soo gelin wuxu dagay meel u dhaw madiina hadaba sheeg meeshaasi?


2-Jawab, Waxay ehayd meesha la yiraahdo Qubaa.

3-Su’aal, Sheeg goorma ayaa la waajib yeelay Soonka?


3-Jawab, Waxa la waajib yeelay sanadkii labaad (2-aad) ee Hijriyada.
4-Su’aal,
Sheeg markii uu Rasuulka (NNKH) Geeriyooday dad badan ayaa Diinta ka
noqday dadkaas waxa lagu qaaday dagaal, hadaba sheeg dagaalkaas waxa uu
la magac baxay?


4-Jawab, Dagaalkaas wuxu la magac baxay Dagaalkii ka noqoshada Diinta.
5-Su’aal, Sheeg dagaalkii Beder Muslimiinta imisa ayaa ka shahiiday?


5-Jawab, Waxa ka shahiday dhawr iyo toban (8 Ansaar ah iyo 6 Muhaajiriin ah) 8+6=14 ayaa ka shahiday.
6-Su’aal, Sheeg baarlabaankii ay ku shiri jireen kufaartii qureysheed maxaa la oran jiray?


6-Jawab, Waxa la oran jiray baarlabaankaas (Daaru Nadwa).

7-Su’aal, Sheeg imisa kiilo meter (km) ayuu Godka Xiraa u jiraa Magaalada maka (makkah)?


7-Jawab. Wuxu u jiraa 5 kiilo meter (5km).
8-Su’aal, Sheeg maxaa la oran jiray ninkii dilay Cumar Bin Khadaab?


8-Jawab, Cumar Bin Khadaab ninkii dilay waxa la oran jiray Abuu lu’lu al majuuz.
9-Su’aal, Sheeg maxaal la oran jiray ninkii dilay Cali Bin Abii Daalib?


9-Jawab. Waxa la oran jiray ninkii dilay Cali Bin Abii Daalib C/raxmaan Bin Muljan.
10-Su’aal, Sheeg goorma ayuu soo islaamay halyey-ga weyn ee Khaalid Bin Waliid?


10-Jawab. Wuxu soo islaamay Bishii Safar sanadkii 8-aad ee hijriyadda.

11- Su’aal, sheeg magaca iyo wadanka uu u dhashay xog-hayihi ugu horeyey qaramada midoway (UNO)?


11-Jawab, Magaciisa wuxu ahaa trygare lie, wuxuuna u dhashay wadanka Norway.
12-Su’aal, Sheeg magaca wadankii ugu danbeeyey ee xurnimo qaata Qaarada Asia?


12-Jawab waa wadanka loo-yaqaano East Timor, Wuxuuna ka Go’ay wadanka Indonesia.
13-Sheeg wadanka Malaysia sanadkii uu xurnimada ka qaatay Gumeystihii England (British)


13-Jawab. Wuxuu ka qaatay sanadkii 31, 08, 1957.
14-Su’aal, wadanka Singapore wuxu ka tirsana Malaysia, hadaba sheeg sanadkii uu ka go’ay?


14-Jawab, Wuxuu ka go’ay sanadkii 1965.
15-Su’aal, Sheeg wadanka Qaarada Yurub ku yaal oo hal wadan oo keliya xuduud la leh?


15-Jawab, Waa wadanka Portugal.
16-Su’aal, Sheeg magaca caasimada ugu da’da weyn adduunka (caalamka)?


16-Jawab, waa magaalada dimishiiq ee dalka Suuriya (Syria).

17-Su’aal, Sheeg madaxweynaha jeediyey qudbadii ugu waqtiga dheereed qaramada midoowe?


17-Jawab, Wuxu ahaa madaxweynaha dalka kuuba (cuba) Fidel Castro, Qudbadisu waxay socotey 2 saac.
18-Su’aal, Sheeg Magacii hore ee loo-yaqaanay Magaalada Qaahira (cairo) ee dalka Masar (Egypt)


18-Jawab, Waxaa loo-yaqaanay fusdaad (fusdad)

19-Su’aal, Sheeg labada degmo ama magaalo uu ka bilowdo xarafka (J) uu maro wabiga Shabeele?


19-Jawab. Waa magaalooyinka Jowhar iyo Jalalaqsi, labadaba waa uu maraa wabiga Shabeele.
20-Su’aal, Sheeg labada degmo uu ka bilowdo xarafka (J) uu maro wabiga Juba?


20,Jawab, waa degmooyinka Jilib iyo Jamaame, labadaba waa uu maraa wabiga Juba. Mahad celin balaaran.


waa saaxibkiina wadani iiga suga qeebta todobaad
salaaaaaaaaaaaaam






lasoco qeebta 8


--


-
-

Back to top Go down
Admin
Maamule Ku Xigeen
Maamule Ku Xigeen
Admin


Mawduucyadaada : 77
ka Qeeb Qaadashaadaada : 155
Mahadcelin : 2
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010

Kororso Aqoontaada Qeebta (7 )   Empty
PostSubject: Re: Kororso Aqoontaada Qeebta (7 )    Kororso Aqoontaada Qeebta (7 )   EmptySat Apr 02, 2011 9:48 pm

baraakalaahu fiik
Back to top Go down
 
Kororso Aqoontaada Qeebta (7 )
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Kororso Aqoontaada Qeebta(1)
» Kororso Aqoontaada Qeebta 2
» Kororso Aqoontaada Qeebta (3 )
»  Kororso Aqoontaada Qeebta (4 )
» Kororso Aqoontaada Qeebta (5 )

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Cilmiga-
Jump to: