Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Kororso Aqoontaada Qeebta (5 )

Go down 
AuthorMessage
wadani
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 71
ka Qeeb Qaadashaadaada : 119
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 24/02/2010

Kororso Aqoontaada Qeebta (5 ) Empty
PostSubject: Kororso Aqoontaada Qeebta (5 )   Kororso Aqoontaada Qeebta (5 ) EmptyFri Nov 05, 2010 11:17 pm

salaamu calykum
maanta waxaan idin soo gudbinaa barnaamijkeena taxanaha noo ahaa kororso aqoontaada qeebtiisa 5 anigoo qeebtaan zaaid idinkala soo daahay waana idinka raali galinaaa.
QEYBTII 5AAD.
1-Su'aal, Sheeg naagtii ey ku soo degtay suuradda qad samicallaah (mujaadalah)
1-Jawab, Waxay ku soo degtay Khuweylad Bintu Taclaba.
2-Su'aal, Sheeg bilaha xurmada leh (Ash harul xurum)
2-Jawab, Bilaha xurmada leh waa 4, Waxayna kala yihiin 1=Rajab. 2= Dul Qacda. 3= Dul Xaj. 4= Muxaram.
3-Su'aal, Sheeg imisa ciidood ayuu ISLAAMKU lee yahay?
3-Jawab, ISLAAM-KA wuxu lee yahay 3 ciidood, 1-ciida carafa (Al adxa) 2- ciida soonka (fidriga) 3- ciida maalinta jimcaha.


4-Su'aal, Sheeg afarta nebi ee isdhashay?
4-Jawab, Afarta nebi ee isdhashay waxay kala yihiin 1-Nebi Ibraahim cs. 2- Nebi Isxaaq cs. 3- Nebi yacquub cs. Nebi yuusuf cs.

5-Su'aal, Sheeg salaadda aan rakuuca iyo sujuuda aan laheyn?
5-Jawab, Salaadda aan rakuuca iyo sujuuda aan laheyn waa Salaadda Janaasada.

6-Su'aal, Sheeg muxuu sameynayaa qofkii doono inuu soo islaamo?
6-Jawab, Marka hore wuu towxiidsanayaa. Marka xigana dharka ayuu daahir-sanaayaa, Marka xigana laba rakacadood ayuu tukanaayaa.

7-Su'aal, Sheeg imisa ayey ahaayeen tirida ciidamadda Muslimiinta dagaalkii Beder?
7-Jawab, Tirada Muslimiinta dagaalkii Beder waxay ahaayeen 313 nin, 70 rati (GEEL) iyo laba Faras.

8-Su'aal, Sheeg tirada ciidamadii gaalada ee dagaalkii Beder ?
8-Jawab, Tirada ciidamada gaalada ee dagaalkii Beder waxay ahaayeen 950 nin, 110 Faras, iyo 700 oo rati ah (Geel).

9-Su'aal, Sheeg goormuu dhacay dagaalkii UXUD?
9-Jawab, Dagaalkii UXUD wuxu dhacay sanadkii 3-aad ee Hijriyadda.

10-Su'aal, Sheeg dagaalkii Khandaq magaca kale ee loo-yaqaano?
10-Jawab, Dagaalka Khandaq magaca kale ee loo-yaqaano waa Axzaab.

11-Su'aal, sheeg gobolada soomaliya gobolka ugu Yar.
11-Jawab, Gobolka soomaaliya ugu yar waa Gobalka Banaadir waana isla Gobolka ugu degamada badan. Gobalka ugu weyn-na waa gobolka Bari.

12-Su'aal, Sheeg magaalada Boosaaso magacii hore ee loo-aqoon jiray?
12-Jawab, Magaalada Boosaaso waxaa loo-aqoon jiray Bandar Qaasim.

13-Su'aal, Sheeg Xeebta jamhuuriyada soomaaliya dhererkeeda waa imisa?
13-Jawab, Xeebta jamhuuriyada soomaaliya dhererkeedu waa 3333 km,
14-Su'aal, Sheeg Ururuka midowga Africa goorma ayaa la'aas aasay?
14-Jawab. Ururka midowga Afrika waxaa la-aas aasay sanadkii 1963-dii.

15-Su'aal, Sheeg Ururka midowka Afrika magaaladii lagu soo dhisay?
15-Jawab, Ururka midowga Afrika waxa lagu soo dhisay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya (Ethiopia)


16-Su'aal, Sheeg laba madaxweyne oo soomaali ah kuna dhasheen Degmada Xarar Dheere ee gobolka Mudug
16-Jawab, Waxay kala yihiin Cabdi Qaasim Salaad Xasan iyo Cabdi Rashiid Cali Sharmarke oo la dilay, Alla yaa raxma aamiin aamiin aamiin.?

17-Su'aal, Sheeg Cabdi Rashiid Cali sharmarke Sanadkii uu dhashay?
17-Jawab, Cabdi Rashiid Cali sharmarke wuxu dhashay sanadkii 1919, isla sanadkaan waxa dhashay Maxamed Siyaad Barre Alla yaa raxma labadaba aamiin.

18-Su'aal, Sheeg magaalada uu ku dhashay Maxamed Siyaad Barre?
18-Jawab, Maxamed Siyaad Barre wuxu ku dhashay magaalada Garbaharey ee Gobolka Gedo.

19-Su'aal, Sheeg sanadkii uu dhashay General Maxamed Faarax Ceydiid?
19-Jawab, General Maxamed Faarax Ceydiid wuxu dhashay sanadkii 1934-tii, Isla sanadkaan waxaa dhashay Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

20-Su'aal, Sheeg sanadkii uu dhashay Cabdi Qaasim Salaad Xasan?
20-Jawab, Cabdi Qaasim Salaad Xasan wuxu dhashay sanadkii 1941-dii.



inshaa alaah macluumaatkaan way idin qanciyeen

ha iga iloowina docadaaa
salaamu calaykum

Back to top Go down
 
Kororso Aqoontaada Qeebta (5 )
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Kororso Aqoontaada Qeebta(1)
» Kororso Aqoontaada Qeebta 2
» Kororso Aqoontaada Qeebta (3 )
»  Kororso Aqoontaada Qeebta (4 )
» Kororso Aqoontaada Qeebta (6 )

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Cilmiga-
Jump to: