Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (ICTIKAAFKA)"6"

Go down 
AuthorMessage
maanka
shabakada maadow
shabakada maadow
maanka


Mawduucyadaada : 44
ka Qeeb Qaadashaadaada : 81
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 09/03/2010

QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (ICTIKAAFKA)"6"   Empty
PostSubject: QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (ICTIKAAFKA)"6"    QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (ICTIKAAFKA)"6"   EmptyWed Sep 01, 2010 4:21 am

Ictikaafka

Nabiga (NNKH) waxa hadyigiisa ka mid ahaa inuu ictikaafi jiray 10 maalmood oo ka mid ah Ramadaan, sida uu warinayo Muslim, Saxabiga la yiraahdo Abii saciid Al-khudari waxaa uu yiri : Nabigu wuxuu ictikaafay 10ka ugu horeeya e Ramadaanka, haddana wuxuu ictikaafay 10ka dhexe markaa dabadeed ayuu Nabigu (NNKH) yiri : "Waxaan ictikaafay 10ka hore anoo raadinaya habeenkaas qadriga, markaasaan haddana ictikaafay 10ka dhex,markaasaa la ii yimid oo waxaala igu yiri : Waxaa uu habeenkaasi ku jiraa 10 ka danbe, ee qofkii doonaya inuu ictikaafo ha ictikaafo 10kaas danbe".

waxaa kaloo Bukhaariga ku sugan in Sanadkii uu geeriyoonayay Nabigu ictikaafay 20 cisho.

Maxaa loola jeedaa Ictikaaf :
waa in qofku uu ka fogaado oo ka dhex baxo dadka si uu ugu firaaqoobo daacada Allaah, isagoo ku gudaya masjid ka mid ah masaajida Allaah, raadinayana fadligiisa iyo abaalmarintiisa iyo inuu haleelo habeenkaas qadriga.

Maxaa la gudboon Qofka ictikaafka ku jira :-

Waxaa la gudboon qofka ictikaafka ku jira inuu ku mashquulo Qur'aan akhris, dikriga Allaah. salaad iyo cibaado oo dhan. waana inuu ka fogaado wax kasta oo aan qiimo ku fadhin oo sheeko addunyo ah, dhibse ma laha in uu wax xooga sheeko banaan la qaato ehelkiisa ama dadka kale, taasoo ah hadal maslaxo ku jirto. Safiya hooyadii Mu'miniinta (Allaha ka raali noqdee) waxay tiri : Nabigu (NNKH) wuxuu ahaa mid ictikaaf ku jira, markaasaan ku soo booqday masjidka habeen ka mid ah habeenadii uu ictikaafka ku jiray, cabaar baan u soo sheekeeyay, dabadeedna waan ka soo tagay oo u soo dhaqaaqay xaggii aqalkayga, nabiguna wuu ila istaagay ". waa Mutafaq

Waxaase ka xaaraan ah qofka ictikaafka ku jira inuu u galmoodo xaaskiisa iyo wax kasta oo hordhac u ah arintaas, sida : dhunkashada, taa-taabasho shahwo ku dheehan tahay, waayo Allaah( Subxaanahu wa tacaalaa) wuxuu ku leeyahay kitaabkiisa " Ha u galmoonina xaasaskiina, idinkoo ku jira ictikaafka ".

Sidoo kale masaajidka kama bixi karo , laakiin haddii jirkiisa qaar uu ka bixiyo dhibi kuma jabna, waxaana u daliil ah xadiiskii Caa'isha(Allaha ka raali nodee) waxay tiri : Nabigu(NNKH) waxaa uu ahaa mid madaxiisa ka soo bixiya masjidka isagoo ictikaafsan, markaasaan u dhaqi jiray madaxa, anigoo caado qaba.

Sheekh Muxamed Al-cuthaymiyiin ( Allaha u naxariistee ) wuxuu ku leeyahay kitaabkiisa loogu magac daray "MAJAALIS SHAHRI RAMADAN " : Ka bixitaanka uu qofka muctakifka ahi ka bixayo masjidka dhamaan jirkiisa waxaa loo kala qaadayaa 3 qaybood:-

1.- U bixid arin lama huraan ah dabci iyo diin ahaanba, sida kaadi iyo saxaro. weeso, janaabo ka mayrasho IWM, ama sidoo kale cunto iyo cabitaan, arimahaas waa ay u banaan yihiin inuu u baxo, haddii uusan ka heleynin masjidka dhexdiisa, laakiin hadday u suuragal tahay inuu ka helo masjidka oo arimahaas oo dhan uu ku gudan karo masjidka dhexdiisa ma baxaayo, sida masjidka oo leh meelo lagu qubaysto ama weeseysto, ama uu heli karo cid cuntada ugu keeneysa masjidka, markaa bixitaan waa ka mamnuuc.

2.- U bixitaan arin daaco ah , aanse ku waajib ahayn sida : booqasho qof jiran, Jinaaso uu raaco IWM. arimahaas uma baxayo oo ma samaynayo illaa inuu ku shardiyay markuu ictikaafka bilaabayay mooyaane, tusaale ahaan: waxaa jira qof qaraabo ah oo xanuunsan , uuna qofkan muctakifka ahi aad u jecel yahay inuu soo booqdo, amaba uu ka baqayo in uu dhinto intuu ictikaafka ku jiro, markaa wuxuu shardinayaa marka uu bilaabayo ictikaafka inuu u bixi doono booqashada qofkaas, sidaa darteed wax dhib ahi kuma jabna bixitaankaas.

3.- Inuu u baxo arin ka hor imanaysa ictikaafka, sida inuu u baxo wax soo iibsasho ama wax beecin, xaaskiisa oo uu soo jamaaco ama u tago, inuu la soo baashaalo IWM, arimahaas lama samaynayo, loomana shardinayo ictikaafka, waayo maba la ogola inta lagu guda jiro ictikaafka , waana arimo ka horimanaya macnihii iyo ujeedadii ictikaafka.

Sidaa awgeed waa arin khlad ah sida ay yeelaan dadka qaar ictikaafka ku jira oo habeenka ciidu soo dhowdahay u baxa in ay dharkii ciidda soo gataan, waayo macnihii bay ka hor iman, waxaana haboon qofku inuu diyaarsado dharkiisa ciidda iyo holwlaha ciidaba intaan la gaarin 10ka danbe.

Wuxuuna ictikaafku dhamaanayaa oo ku egyahay marka lagu dhawqqo ciidda oo la xaqiijiyo in bishii Shawaal ay curatay.

Waxaa qoray:

Abu-cabdirahman

C/rizaaq Sugulle M.

E-mail: Abdirizaks@hotmail.com




____________________

Codsi:-
Fadlan walaal khayrkan usii gudbi walaalahaaga Muslimiinta inta aad taqaano
Allaah ajar hakaasiiyee..jazakamu Allaahu Khayraa

Goloha Ducaada Soomaaliyed

daaciga@hotmail.com
Back to top Go down
 
QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (ICTIKAAFKA)"6"
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1"
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Taraawiixda)''4''
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Iska ilaali...!!!)''5''
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Soonka)"3"
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN(WAXYAABAHA SOONKA BURIYA)"2"

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta axaadithta nabiga nabadgalyo iyo naxariis kor kiisa ha ahaato-
Jump to: