Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Iska ilaali...!!!)''5''

Go down 
2 posters
AuthorMessage
maanka
shabakada maadow
shabakada maadow
maanka


Mawduucyadaada : 44
ka Qeeb Qaadashaadaada : 81
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 09/03/2010

QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Iska ilaali...!!!)''5'' Empty
PostSubject: QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Iska ilaali...!!!)''5''   QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Iska ilaali...!!!)''5'' EmptyThu Aug 26, 2010 4:52 am

بسم الله الرحمن الرحيم
Iska ilaali fataawaadka aan cilmiga ku salaysnayn


Allaah aya mahad iska leh ,Nabigeenana nabadgelyo iyo naxariisna korkiisa ha ahaato. Waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu noo fududeeyo cibadada Ramadaan, nagana dhigo kuwii ku dadala hadyiga Nabigooda NNKH ee cibadadan iyo qiimaha leh.Ilaahay wuxuu nagu waajib yeelay inaan cilmiga diinta barano, waliba waxyaabaha daruuriga ah ee ku salaysan arkaanta Salaadda, iimaanka iyo dhamaan wixii ku xeeran nolosha qofka muslinka ah. Haddii waxyaabaha qaarkood uu ishkaal ama mugdi kaa galana ilaahay wuxuu nagu towjiihiyay qur’aankiisa inaan weydiino dadka uu ku tilmaamay ”Ahlu dikriga ” oo ah culimada rabaaniyiinta ah ee dadka u sheega wixii ku sugan kitaabka rabbi iyo sunada Nabiga NNKH.

Nabigu NNKH sida ku cad xadiis uu werinayo Muslim, wuxuu nooga digay fatwada ay soo tuurayaan dadaka juhaasha ah , wuxuuna yiri ” Ilaahay cilmiga diinta ah tirtiri maayo oo culimada laabteeda laga bixin maayo, ee cilmiga iyo culimadaba waa la isla qaadayaa ( yacnii culimadii baa dhiman ), illaa uusan ka soo harin wax caalim ah, dadkuna markaa ay culimo ka dhigtaan kuwo jaahiliin, oo ay markaa wax weydiiyaan , iyaguna ay ku fatwoodaan cilmi la’aan, oo markaa ay baadiyoobaan , dadkiina baadiyeeyan”!!!!.

Waxaa baryahan soo baxay rag la maga baxay in ay wadaan ama ummaadda u sidaan manhaj ay u bixiyeen ”manhaju taysiir” ama manhajka wax fududeynaya. Kuwaasi waxaa ay fursad u noqdeen dad uu imaankoodu daciifay, oo donaya in diinta oo dhan loogu fatwoodo sida ay naftoodu jeceshahay.Walaalayaal diintaan wey fududahay oo Allaah baa fudueeyay sida uu noogu sheegay qur’aanka: ” Ilaahay wuxu idinla dooni fudayd, idinlama doonayo dhib ”, ” Ilaahay diinta wax dhib ah idiinkama yeelin”, haddaba haddii Allaah uu saas leeyahay maxaa dhiman oo la raadinayaa.

Haddaan mowduuca u soo daadego waxaa baryahan danbe soo baxay , waliba wadamadan galbedka iyo Yuruba in aad loo raadinayo in salaadihii, soonkii iyo cibaadadii la fuduaysto, iyadoo marmarsiinyo laga dhiganayo waan shaqaynaa, waqti uma hayno, xilligii salaadaha iyo afurka ee Ramadaanka ayaa dheer IWM. Sidoo kale waxaa iyana soo baxady su’aal caan ku noqotay afka dadka oo ah : Imtixaan dheer ayaan galayaa, markaa ma soomi karo.

Ilaah baan idinku dhaarshee ma khayr daro ka xun baa jirta oo qofka lagu imtixaano inuu adduunyo darteed aakhiradiisa u dhaawaco oo u kala dhantaalo?!! waxay ila tahay tani inaanay u baahnayn jawaab ee qofka muslinka laga doonayo inuu isdaba qabto oo naf iyo cadaowga shaydaan la dagaalamo.Culimada islaamka ee rabaaniyiinta ah markii la weydiiyay su'aasha hore ee ahayd see la yeelayaa xilliga Ramadaanku uu soo galo xagaaga oo wadamadan reer galbeedku uu afurku dheeraanayo, waxay ku jawaabeen in la soomayo marba haddii la kala saari karo qoraxda dhicitaankeeda ama habeenka iyo maalinka. Sidaasina waxaa fatwooday lajnada daa’imka ah ee fataawaha ee Sucuudiga.

Sidoo kale arinta oranaysa : shaqo adag baan ku jiraa, imtiixan baangalayaa, wax xujo ah ma ahan, mar la weydiiyay Sheekh Cuthaymiyiin aad buu radiyay, wuxuu sheegay in aanay ahayn xujo , lana isku xiri karin cibaadada iyo waxyaabahaas oo kale.

Haddaba waxaan leenahay soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ” Nin tuur leh suu u seexdo isaga yaqaan”.. adigaa yimid dhulalakan reer galbeedka ah, Allaah wuxuu kaa donayaa cibaadadiisa inaad u gudato suu kuugu waajibiyay, markaa waa inaad u gutaa suu kuugu tala galay. iskana ilaali fataawaha ay soo tuurayaan dadaka qaarkood.

Ilaahay talo saaro , addunyo darteedna ha u dayacin aakhiradaada, inta aad awood hayso oo ilaahay ku siiyay caafimaad ka faa’iidayso waqtigaaga, kuna dadaal cibaadada Allaah.

Waxaa qoray:

C/rizaaq Sugulle M.
Abu-cabdirahman
E-mail: abdirazaks@hotmail.com



____________________

Codsi:-
Fadlan walaal khayrkan usii gudbi walaalahaaga Muslimiinta inta aad taqaano
Allaah ajar hakaasiiyee..jazakamu Allaahu Khayraa

Goloha Ducaada Soomaaliyed

daaciga@hotmail.com
Back to top Go down
Admin
Maamule Ku Xigeen
Maamule Ku Xigeen
Admin


Mawduucyadaada : 77
ka Qeeb Qaadashaadaada : 155
Mahadcelin : 2
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010

QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Iska ilaali...!!!)''5'' Empty
PostSubject: Re: QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Iska ilaali...!!!)''5''   QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Iska ilaali...!!!)''5'' EmptySat Aug 28, 2010 5:09 am

alaaah qeer ha ku siiyo
Back to top Go down
 
QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Iska ilaali...!!!)''5''
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (ICTIKAAFKA)"6"
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1"
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Taraawiixda)''4''
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Soonka)"3"
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN(WAXYAABAHA SOONKA BURIYA)"2"

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta axaadithta nabiga nabadgalyo iyo naxariis kor kiisa ha ahaato-
Jump to: