Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Gabay Koofil

Go down 
3 posters
AuthorMessage
halyeey_soomaaliyeed
shabakada maadow
shabakada maadow
halyeey_soomaaliyeed


Mawduucyadaada : 49
ka Qeeb Qaadashaadaada : 113
Mahadcelin : 4
Is Diiwaangalintaa : 09/03/2010
Shaqadaada : arday jaamacadeed

Gabay Koofil Empty
PostSubject: Gabay Koofil   Gabay Koofil EmptySun Nov 28, 2010 11:50 pm

salaamu calykum

Dagaal-ooge caan ahaa oo ay ciidamadii gumaysiga Ingiriisku ku dhaaran jireen oo la odhan jiray Richard Corfield, Soomaaliduse ku naanaystay Koofil oo ay Daraawiishi ku makashay dagaalkii Dulmadoobe ee 1913kii ayuu Sayidku gabaygan ka tiriyey.
Koofil wuxuu ka mid ahaa madaxda sare ee gumaysiga Ingiriiska dalka Soomaaliya wakiilada uga ah, wuxuuna gaar ahaan hoggaamin jiray col la odhan jiray (Camel Corps) Soomaaliduna u taqaanay Rakuubley. Col afar-lugood u badan oo awrta ku duula, sidaasna Rakuubley kula baxay ayuu ciidankaasi ahaa.
Daraawiish oo hore u weerartay beel beelaha Burco iyo agagaarkeeda dega ka mid ah, xoolo badanna kasoo mooroduugtay ayey Koofil iyo ciidan uu watay jidgooyo waxay u dhigeen Dulmadoobe. Dulmadoobe waa buur gabbaad fiican, jidgooyada dagaalkana ku habboon.
Kolkay Daraawiishi suryada Dulmadoobe soo buuxiso dabka saara oo naf iyo maalba wax go'a, wax goosma iyo wax gacanteena soo gala ka dhiga ayuu Koofil amar ku bixiyey.
Bidhii waagaba hoos ayaa la isugu dhigay. Judhiiba waxay ku dhagtay Koofil oo isla goobtii ku nafwaayey. Mar haddii Koofil miimka alifka ku taagay, colkii uu watay wuu kala firdhay, Daraawiishina caymo uma galinee cagta ayey cagta u saareen ilaa ay gacanta ku dhigeen bakhtigii Koofil. Mashaqo weyn oo aan la soo koobi karin ayaa halkaa Ingiriis iyo cawaamkiiba ka raacday, rag badan oo uu Koofil ugu horreeyo ayaana maalintaa xagga naarta u guuray.
Si aan shakiba u galin geerida Koofil, Daraawiishi madiixiisii iyo gacantiisii midig ayey Taleex geeyeen. Sayidku dagaalkaa iyo dilka Koofil ayuu gabaygan caanka ah ka tiriyey. Wuxuu yidhi:

  • Adaa Koofilow jiitayoon, dunida joogeyne
  • Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la'aaneede
  • Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato


  • Nimankii jannow kacay war bay, jirin inshaalleeye
  • Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto
  • Sida Eebbahey kuu jirrabay, mari jawaabteeda


  • Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh
  • Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
  • Waxay noo jajuubteenna waa, jibasha diinneed dheh


  • Jigta weerar bay goor barqo ah, nagu jiteeyeen dheh
  • Anigana Jikrey ila heleen shalay, jihaadkii dheh
  • Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh


  • Jiiraayaday ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
  • Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego
  • Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jeerarka u muuji


  • Naf jaclaysigii baan ku idhi, jaallow iga daa dheh
  • Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh
  • Jeedaaladii baa indhuhu kor, ii jillaadmeen dheh


  • Jimic kagama helin tuugmadaan, jeriyey ruuxii dheh
  • Kolkaan juuq idhaahdaba afkay, iga jifeeyeen dheh
  • Dhaaxaan jalleecee dhagbaan, jalaq la ii siinin dheh


  • Goortaan jarreeraba gafoo, nolol ka jaan qaaday
  • Sida janannadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh
  • Taladii jinnigu ii hor maray, jaasadeed helay dheh


  • Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
  • Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
  • Kolkay rubaddu jow tidhi or bay, iga ag jiibsheen dheh


  • Jiidhkaygiina bahalbaa cunoo, jiitay hilibkii dheh
  • Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh
  • Jiljiladiyo seedaha tukay, igaga jaaseen dheh


  • haddaan lays jikraareyn tolkay, laga jidroonaa dheh
  • Weligood waxaa lagu jaraa, jilib-dhig duulaan dheh
  • Daraawiishi waa jibindhowgiyo, jowga soo bixi dheh.

Sayidku intuusan gabaygan marin waxaa gabay warbixin ah oo dagaalku siduu u dhacay iyo sidii Ingiriis iyo cawaamkiiba ay caalsaaraha uga qaateen ku saabsan tiriyey Ismaacil Mire. Anagoo Taleex naal gabayga ka kaca weeye.
Rag Allow, Soomaali kuwo Sayid Maxamed iyo Ismaaciil Mire oo kale ah ama u dhaw inay mar dambe usoo mudhbaxaan ma dhici kartaa! Alle Weyne waxba kuma aha.
Dhagayso gabayga ____________________________
Back to top Go down
Admin
Maamule Ku Xigeen
Maamule Ku Xigeen
Admin


Mawduucyadaada : 77
ka Qeeb Qaadashaadaada : 155
Mahadcelin : 2
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010

Gabay Koofil Empty
PostSubject: Re: Gabay Koofil   Gabay Koofil EmptyMon Dec 13, 2010 7:45 am

mahad sanid walaaal
Back to top Go down
wadani
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 71
ka Qeeb Qaadashaadaada : 119
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 24/02/2010

Gabay Koofil Empty
PostSubject: Re: Gabay Koofil   Gabay Koofil EmptyTue Jun 28, 2011 1:14 pm

mahadsanid walaal
Back to top Go down
Sponsored content





Gabay Koofil Empty
PostSubject: Re: Gabay Koofil   Gabay Koofil Empty

Back to top Go down
 
Gabay Koofil
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Gabay xiin faniin
» Gabay qiimo badan uu magaciisa yahay((takoor))
» ramadaan kariim & gabay uu tiriiyay cabdulaahi suldaan timacade

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Gabayada iyo Murtida iyo Maahmahyada-
Jump to: