Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Guurka Ka Dib maxaa labada Lamaane laga Rabaa?

Go down 
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Guurka Ka Dib maxaa labada Lamaane laga Rabaa? Empty
PostSubject: Guurka Ka Dib maxaa labada Lamaane laga Rabaa?   Guurka Ka Dib maxaa labada Lamaane laga Rabaa? EmptyMon Oct 25, 2010 9:42 pm

Guurka waa sharci uu baneeyay ilaah subxaanahu wa tacaalaa uuna amaanay nabigeenna CSW , micnaha iyo ujeedadana waxay tahay taranka insaanka oo bata iyo quluubta banii aadamka oo ku degta waana marka hore in heshiis uu dhex maraa labada qof ee is guursanaya si ay u wada dhistaan guri ku dhisan daacadnimo iyo wanaag.
xagga xulashada Ragga rasuulka CSW ayaa ku waaniyay in ay guursadaan gabar dhinaca diinta ku wanaagsan si ay uga helaan Ubad Baarri ah , afar sheyba Dumarka in lagu raaco Nabigaa noo sheegay kuwaasoo kala ah: Quruxda, maalka, nasabka iyo diinta laakiin wuxuu suubanaha NNKH hadalkiisa sii daba dhigay: " gacanta ku dhig midda diinta u saaxiibka ah"
micnahaas qofkii dhuuxa wax weyn buu ka faa,iidayaa sababtoo ah haduu ninku ku soo xusho xaaskiisa Diinta wax walba oo xumaan ah wuu ka nabad galayaa ubadkiisana diinta islaamka ayaa loogu barbaarinayaa yaaba heli kara? laakiin Ragga taas miyay ku baraarugsan yihiin?
xagga xulashada gabdhaha inkastoo ay ku kala fakrad duwan yihiin hadana ma jiraan gabdhihii hore sidii ay u fakari jireen kuwo haatan u fakara, sababtoo ah gabdhihii hore waxay eegi jireen ninka xikmadda iyo kartida uu leeyahay haatanse waxaa badalay nin lacag leh, nin aan ka awood badanahay iyo wax la mid ah oo aad u qaldan.
gabadha waxaa ugu wanaagsna tii raacdaa nin dhinaca diinta ku wanaagsan kaas aayana ah midka ay nolosha la wadaagi karto ayna ak heleyso xuquuq buuxda.
Guurka Ka Dib maxaa labada Lamaane laga Rabaa?
labada qof ee isu hadiyeeyay noloshooda qeybsadayna nafta waxaa looga baahan yahay in ay ka soo baxaan mas,uuliyadda ay qaadeen, ayna ku sifoobaan is xaqdhowr iyo midba kan kale in uu daneeyo.
Hadii aan taas kala qaadno Dumarka waxaa looga baahan yahay marka ay guursato:
in gurigeeda cusub ay gudoonto kana dhigto guri
wanaag iyo kheyr leh.
in ay seygeeda ka dambeyso oo au ku dhaqaaqdo
amaradiisa sida nala faray.
in ay ku dadaasho hagaajinta gurigeeda iyo
nadaafadiisa.
in ay raaliyad u noqoto seygeeda kuna dadaasho
ilaalinta iyo xifdinta maalkiisa iyo naftiisa.
in ay ku daadasho barbaarinta wanaagsan ee
ubadkeeda.
in aysan faafin ceebaha ninkeeda oo aysan dad kale
uga sheekeyn.
in qeyladooda laga maqlin banaanka.
in ay ahaato mid asturan mar walba.
in ay isku qurxiso ninkeeda mar walba.
in ay ahaato mid farxad gelisa mar walbuu eego.
in ay noqoto mid dul qaad badan oo samir leh.
in ay la taliso mar walba oo uu talo weydiisto.
in ay dejiso mar walba oo uu xanaaqsan yahay si atrtiib ahna wax ugu sheegto.
in ay mar walba u sheegto sida xaalkeeda yahay iyo
wixii ku soo kordha.
in reerkiisa iyoa sxaabtiisa aad u soo dhoweyso una
ixtiraamto.
in ay u muujiso seygeeda kalsoonida ay u qabto oo
shakiga ay deyso.
in ay uga mahad celiso markuu u qabto wax wanaagsan.
in carruurta ay u sheegto in aabahood uu u dadaalayo
isaga ayna barto sidii ay baarri ugu noqon laahayeen.
in ay ahaato mar walba mid cod gaaban.
in ay ku samirto biilka uu u keeno oo aysan noqon mid
iimaan la,aan ah.
Intaas iyo in la eg ayaana ragga isagana lag doonayaaiyo in kaloo badan waana hubaal hadii sidaa lagu dhaqmo in lagu wada noolaanayo nolol naxariis iyo si ixtiraam ku dhisan.

Laakiin nasiib darro maanta Guryo badan waxay ku burburaan aqoon darri ka soo gaartay iyagoo aanan aqoon micnaha ay u guursadeen taasna ay u horseeday ismari waa iyo buuq soo kala dhex galay ayna kala tagaan ugu dambeyn.

Waxaa wax lala yaabo ah rag haweenkooda ka qarinaya arrimahooda gaarka ah, bal yey u sheegayaan ? sidoo kale dumar ragooda ka qarinaya afaarahooda gaarka ah ayaad arkeysaa oo ugu sheekeynaya dumar kale , dadkaasi sow ma oga ragga iyo ahweenka is qaba in ay isu yihiin sida dharka ay sitaan oo kale , dharka aad sidato wax kaaga hooseeyaa malaha wax isaga kiin dhowna malaha ilaah ayaa yiri subxaanahu wa tacaalaa “ waxaad u tihiin Ragow haweenkiinna dhar iyagana sidoo kale”

Micno weyn baa ku jira halkaas kaasoo ah in aysan labada is qaba waxba iska qarsan Karin dadka kalana ay isaga dhow yihiin balse sidaa dad badan maanta uma oga guurkana in caruur lakala helo un bey ku soo koobeen muhiimadiisa.

Guurka ciyaar ciyaar maaha waxaana la gudboon labada is guursaneysa in ay marka horaba ka baaraan degaan waxyaabaha la gudboonaan kara ayna isla meel dhigaan arrimo ku saabsna guurkooda sidaa ayaana looga bixi karaa Guriga oo duma.

by:
omar suleiman omar (Tita)



Back to top Go down
 
Guurka Ka Dib maxaa labada Lamaane laga Rabaa?
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» soomaaliya iyo saacadihii kala guurka
» Maxaa loo dhaawacay ???
» sidee ku ogaan kartaa cuntada laga keeno israaiil ee loo dhoofiyo caalamka islaamka
» Rag maxaa lagu raacaa
» webkii ugu horeeyay ee laga sameeyo caalamka

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: