tita shabakada maadow
Mawduucyadaada : 59 ka Qeeb Qaadashaadaada : 165 Mahadcelin : 1 Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010 36 Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities
| Subject: soomaaliya iyo saacadihii kala guurka Wed Aug 11, 2010 9:45 pm | |
| maqaalkan oo aan ugu magacdaray Soomaaliya iyo saacadihii kala guurka, oo aan filayo in badan akhrisyaasha in ay maskaxdooda ku soo daadagi doonto. marka ay arkaan halku dhigiisa in ay durba ay ila fahmi doonaan iyo waxa aan ugu golleeyahay. Haddaan u soo daadago dulucda maqaalkaan ayaan waxaan is dhihi karaa wuu igu dhaliyay markaan u kuurgalay isir naceybka iyo cudurka daawada aanan lahayn oo ay faafinayaan maamul goboleedyada ku soo badanaya gayiga Soomaaliyeed. Haddaan sida kale aan u dhigana aanba ku tilmaami karo kuwa lagu arkay astaamihii Soomaalidiidka. Ficilada qaar yar oo dhagar qabayaal ah ayaa waxa ay dhalinayaan in ay mid ka mid ah bulshooyinka ku nool waqooyiga Somalia ama dowladda kaligeed is magacawday ee Somaliland ay colaad iyo cuqdad ku beeraan jiilka ka soo baxaya halkaasi. Iyagoo uguna sheekeeya in ay dibindaabyo ay tahay qaranimada muqaddaska ah ee Soomaaliya waana calooshood u shaqeystayaal hoos taga maamulka Abasinia. kuwan damiirlaawayaasha ah ayaa ku qufulay ubaxii wadanka iyo haweenkuba in jiritaankooda uu ku xiran yahay burburka Somaliya iyo astaantii wadankeena hooyo ee calankeenii suubanaa ugu badalay mid halka laga soo maanguuriyay aan la aqoon. Calooshood u shaqeystayaashaan qaarkood ma oga halka ay la egtahay dambiga ay ka galayaan qaranka Soomaaliyeed iyo waxa ay muteysan doonaan haddii maamul iyo kala dambeyn Eebahey nagu irzaaqo. Dowladdan gacan ku rimiska ah ee hoostagta Abasinia ayaa ah mid ay ku takri falaan laguna tilmaami karo mid hal qolo ay iska maamulato. mid ka mid ah dhagar qabayaashan hor kaca maamulkan ayaa kol hore sheegay "in ay wiilka Muqdisho ku dhasha ay ka jecelyihiin kan Addis-ababa ku dhasha, oo midkii ku afka, diinta iyo dhaqanka isaga mid ahaayeen ay ka doorsadeen mid gaal Illaahay ka furtay. waa sidee dareenka beelaha kala ee daga gobolada maamulkaan is magacaabay iyo fikrad intee la eg ayay ka qabaan kala taga Soomaalida?. Suaashan ayaa ah mid mudan in maanta oo kale leys weydiiyo. Awdal waa mid ka mid ah gobolada maamulkaan is magacaabay marna kuma qanacsana dadka daga kala taga Soomaaliweyn, lakin waxaa kol hore lagu qanciyay madaxweyne xilkiisa dhamaaday. Dadka u dhuun daloola siyaasada ayaa sheega in ay tani ku timid kadib markii Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal uu u arkay in ay reer Awdal oo kaliya ay tahay beesha ka baxsan karta leylinta dawladdan ictiraaf doonka ah maadaama lagu sheego indheergaradka goboladaas iyo dadka ugu aqoonta roon taasoo ay ku heleen xilka madaxweynenimada. Dadka qaar ayaa aaminsan tani in ay tahay maslaxada qoladan oo ah kuwa tira ahaan ku yar aagaas taasoo ku qasbeysa in ay ku samraan magac walba oo loo bixiyo . lakin waxaa lagu sheegaa reer Awdal in aysan qanacsaneyn haddii la siiyay xittaa xilkii ugu sareeyay ee dowladda oo markii ay gadoodba caado ka dhigtay in ay daf soo siistaan calankii wadankeenii hooyo maadaama ay ogyihiin halka uu gaarsiisan yahay maamulkaan dhalanteedka ah iyo hamigiisa waalan ee ku saleysan Soomaali neceybka in uu sii jiri doonin taasoo caloolyoow iyo dhabar jab ku ah beesha ugu tunka weyn u adeegida xabashida ee goboladaas. Waxaa Sidoo kale marna indhaha laga qabsan Karin awooda isa soo tareysa oo ay la soo baxayaan jabhadda xoreynta gobolada SSC taasoo marnaba u cuntameyn siyaasadaha gurracan ee ku qotomta isir naceybka oo uu wato maamulkan fadhigiisa uu yahay Hargeysa caasimadii 2-aad ee dalka. SSC ayaa lagu tilmaami karaa mid dhaama labada maamul ee ku loolamaya gacan ku heynta goboladan oo uu ka dhisan yahay ee Puntland iyo Somaliland iyadoo mabdaiisa uu u egyahay mid ku dhisan Somaliweyn. Damacan waalan ee ku saleysan Soomaali naceybka ayaa gabi ahaantiisaba lagu tilmaami karaa mid ay wadato hal beel gadoodsan oo kaliya, taasoo qandaraas ku soo qaadatay kala qobqobnaanta Soomaalida. Beeshan ma tahay mid isku filan haddii ay jarato 3-da gobol ay ka dagto dalka? Gobolada w/galbeed, Saaxil iyo Togdheer ayaa ah kuwa ugu tunka weyn ay saldhigato qoladan waxaa lagu sheegaa in marka laga hadlayo kheyraadka wadanka ay dhaanto hal dagmo oo ka mid ah gobolada shabeelooyinka ee Soomaaliya, taasoo waji gabax ku ah damaceeda waalan iyo dhulka qaleylka ay la garoon timid ee wax soo saarka aanan lahayn. Siyaasiyiinta qoladan ayaa adduunka yar meel aysan ictiraaf ka raadin iyagoo dhagahooda ka daalay kalmada Soomaaliya kalama ogdo.
Puntland oo ku soo biireysa Soomaalidiidka Dowlad goboleedka Puntland ayaa ahayd mid in dhawaalaba lagu amaani jiray, in ay tahay mid u xaglisa ku soo dabaalida nabadda ee wadankeenii hooyo tan iyo inta la dhisay. Lakin xaalka sidii hore ka duwan iyagoo hadda bilaabay dhaqan aad u foolxun iyo wax waligeed aanan laga filan, oo ah dadkii u dashay koonfurta ay soo raafaan taasoo haddii ay sii socoto sida aan wada ognahay cawaaqib xumo kala kulmi doonto. Dhaqankaan ayaa ah mid aanan horay loogu arag gayiga soomaaliyeed iyadoo uu haatan la soo shartegay ninka madaxweynaha sheegta. Tani waa mid ka mid ah ifafaalooyinka uu ku caanbaxay maamul xumida Faroole iyo naceybka uu ku abuuranayo quluubta Soomaalida dagta koonfurta Waa mid lagu tilmaami Karin mid ay la qabaan dhammaan bulshada dagta Puntland lakin waxaa loogu fadhiyay in ay ka dhiidhiyaan bartilmaameedka ay ku heyso downladdan sii tabar liiceyso qowmiyad gaar ah. Koonfurta cidna uma maqna ceelna uma qodna. iyadoo ay dambi tahay in laga quusto raxmadii Illaahay ayaa haddana waxaa lagu tilmaami karaa in ay san lahayn Koonfurta Soomaaliya siyaasiyiin ka samatabixin karta umadooda colaada dulleysatay iyo dayaca heysta bulshadooda, Sidaan wada ognahay Koonfurta Soomaaliya waxa ay leedagahay aqoonyahano iyo indheer garad badan haddii aananba dhihin oo kuwa ugu badan Soomaaliya haddana waa kuwa ku guuldareystay leylinta bulshadooda iyadoo ay u tafaxeyteen in mid waliba uu beeshiisa siyaasi u noqdo taasoo lagu tilmaami karo in ay dhiciseen karto himilooyinkii laga qabey in lagu baabiyo fikradaha gurracan ee ku qotonta Soomaalidiidka. Waxaa sidoo kale wax laga naxo noqotay iyadoo odayaashii shaarka qabiilka huwanaa ee dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ay maalinba maalinta ka dambeysa ay garab garab usii kala jabayaan. Tani ayaa lagu tilmaami karaa waji gabax iyo aayo xumada ku dhacday beeshaan oo maamul xumadeeda Soomaaliya halka ay manta gaarsiisan tahay geeyay. Akhristoow soo ma wanaagsanaan lahayn in la yiraahdo odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha koonfureed maadaama aan wada ognahay Hawiye in uusan kaligiis dagin aagaas iyo in ayba yartahay wax ay ku heshiiyaan taasoo maanta sababtay in oday waliba uu garab hogaamiyo. Isku soo wada duuboo anigoo ah qoraha maqaalkan, ayaa waxaan jeclaan lahaa dhammaan akhristayaasha in aysan u arag in uu qoraha qola gaar ah uu tooshka ku iftiimsanayo, lakin ay tahay halka ay sirta ka quransantahay. Waxaan ugu duceynayaa dhammaan walaalahey Soomaaliyeed in uu Illaahay qalbiyadooda isku soo duwo halkaasna ay ka bidhaanto dowlad midnimo qaran ah taasoo ka talisa Raas Caseyr illaa Raas kambooni . by: omar Suleiman oamar (Tita)
| |
|
mujaahid123 shabakada maadow
Mawduucyadaada : 58 ka Qeeb Qaadashaadaada : 123 Mahadcelin : 0 Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010 Halkaa joogto : muqdisho al ciz Shaqadaada : xoreenta dalka
| Subject: Re: soomaaliya iyo saacadihii kala guurka Tue Aug 17, 2010 3:21 pm | |
| maa shaa alaah wlaaal omar maqaalkaan waa maqaal zaaid u muhiim ah | |
|
yuusuf123 shabakada maadow
Mawduucyadaada : 1 ka Qeeb Qaadashaadaada : 1 Mahadcelin : 0 Is Diiwaangalintaa : 21/12/2011
| Subject: Re: soomaaliya iyo saacadihii kala guurka Wed Dec 21, 2011 1:22 pm | |
| Waxaan maqli jiray guri la dhacay iyo xoolo kale la dhacya lakin maqaal la dhacaayo haddaa igu horeysa. Walaal maqaalkaan anigaa qoray oo aad magacaaga ku qoratay sida qof isaga qoray oo kale marka waxaan kuu sheegi lahaa in aad ka waantowdo in aad maqaalada islaameed soo copy-gareyso haddana magacaaga ku saxiixdo Ittaqillah | |
|
Sponsored content
| Subject: Re: soomaaliya iyo saacadihii kala guurka | |
| |
|